Baadi goob baahi badan! Q-19AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta 19aad
Qoyska reer xaashi dhaqaal xumo daran ayaa kusii badanaysay taas waxay sababtay in wax badan ay waayaan hanti badan oo ma guurta ahna ay dib u iibiyaan si ay daymahooda u gudaan una badbaadiyaan magacooda boqortooyada.
Dhinac kale ilhaan waxaa saarnaa cadaadis daran oo uga imaanayay dhanka mahad isaga oo doonayay in uu guursado balse waddada uu soo marayay ayaan farax galin ilhaan.
Mahad cadaadis dhan walba ah ayuu ku hayay ilhaan isaga oo xitaa soo ogaaday sababta uu c/rashiid u guursaday in ay ahayd sida uu boqortooyada aabaheed ula wareegi lahaa maadaama aabaheed uu u sheegay in boqortooyadan ay dhaxlayaan iyada iyo Daahir iyo maryan.
Inta aabaheed uu xabsiga ku jiray ayuu ahaa waqtigii ugu darnaa ee ilhaan soo food saara dhaqaala xumo iyo howlo kale oo aysan ku faraxsanayn.
Ilhaan waxaa sii yaraanayay dulqaadka ay usii lahaan karto c/rashiid inkastoo ay jeclayd hadana culayska ugu daran wuxuu soo food saaray markii gurigooda boqortooyada uu ku sigtay in ay la wareegaan reer Muuse.
Qasab ayey ku ahayd in ay badbaadiso guriga kaliya ee qoyskooda hanti ahaan uga haray, taas iyada oo fulinaysana waxay aqbashay guur cusub iyo in ay iska furto c/ rashiid maadaama howshu hadda ay iyada uun kusoo aruurtay aabaheedna uu xabsi ku jiray waqtiga ay xaaladahan la soo darsayeen.
Dhanka kale waxaa sii laba lixaadsaday xirirka siciido iyo dr qaasim, waxayse ugu darnayd markii uu haajir arkay ayaga oo sii galaya Hotel waqti dhex oo habeen ah.
Haajir filan waa ayey ku noqotay, wuxuuna markii dambe hanjabaad ugu tagay dr qaasim isaga oo ku amray in uu faraha ka qaado xaaska batroonigiisa.
Dr qaasim cabsi daran ayaa soo wajahday taas oo ku qasabtay in uu muujiyo dareen uu isaga fogaynayo Siciido.
Siciido waa dareentay in la soo abaaray qaasim, baaritaan iyo xuuraan ay samaysayna waxay ku ogaatay haajir in uu u hanjabay.
Laakin dr qaasim naftiisa dareen wanaagsan kama qabin xaalka siciido oo arrin la wadaago iyo xaashi oo uu dhaqtar u yahay.
Qaasim wuxuu go’aansaday in uu liifadda u gaabiyo siciido, balse siciido oo jacayl daran u qaaday qaasim ayaa go’aansatay in ay xaashi iyo haajir kala hortagto arrintan.
Haajir isaga wuxuu ahaa nin yaqaana booskiisa, ma jirin dhex gal sidaa ah uu arrinta ku sameeyay, xitaa xaashi lama uusan wadaagin, aflaagado iyo qaylo ay siciido dhagihiisa ku shubtayna  ugama jawaab celin, maxaa yeelay, xushmad baahsan ayuu u hayay xaaska saaxiibkiisa qaaliga ah ee Xaashi.
Ilhaan waxay u yeertay c/rashiid, waxayna u sheegtay in ay doonayso in hantida qoyskooda ay badbaadiso iyada oo taa jirkeeda uga baddalanaysa reer muuse.
C/rashiid maadaama qorshihiisa boqortooyada dhamaan fashil uu kusoo dhamaaday oo wax lala wareegaaba aysan meesha aalin, wuxuu ku raacay ilhaan fakarkeeda ah in inta ay badbaadin karto ay badbaadiso qoyskeeda dhaqaala ahaan.
Kadib is furiddooda ilhaan intii ay cuddada suganaysay ayuu Uur kusoo baxay uurkaas oo uu lahaa c/rashiid, dhaqso uguma aysan sheegin balse waxay u sheegtay mahad oo isagu arrintaa ku aqbalay ujeedada kaliya uu lahaana waxay ahayd mar uun in uu marwaysto ilhaan.
Xaashi waxaa sii wajahay xanuuno daran oo xanaaqa kow ka yahay iyo hilmaan badan oo uu la daalaa dhacayay, dr qaasim ayaa u shegay in uu qalliin u baahanyahay, qalliinkaas oo ugu yaraan xakamayn doono xanaaqa iyo hilmaanka faraha badan, sidoo kale wuxuu qallinki siin doonaa hurdo iyo nasiino uusan waayahanba helin.
Xaashi oo ku farxay arrinta kasoo yeertay dr qaasim ayaa u sheegay in uu uga mahad celinayo fakarkaas balse uusan naftiisan ku aamini karin nin ka xishoon waayay xaaska uu qabo.
Dr qaasim oo arrintaas aad in uu uga xumaaday dareensiinaya ayaa yiri “maba is lahayn xaashi ayaa sidan kuula hadlaya waxaan is waydiinayay goorka ay ii iman doonaan ciidankaaga wax qaarijya naftaydana qaadan doonaan”?
Xaashi oo hadalkaa daba raacaya ayaa ku yiri uma qalantid dil, wax qiima sidaa iigu fadhiyana igama aadan qaadan, siciido inta ay ii soo qidmayn karto waa ii soo qidmaysa, waa islaan wali dhalinyar oo nolol u baahan, marka haddii aad danaynayso waad wadan kartaa balse aniga dhaqtar iima sii ahaanaysid.
Qaasim oo ka xun in bukaankiisa ay naftiisa kala baqaan ayaa yiri waa laba xaaladood, xaaladdayda dhaqtranimo waa mas’uuliyad uu Rabbi i saaray mana ku qasi karo xaalad hammi jacayl ah oo aan xaaskaaga u qaaday, sidaa darteed, haddaad is leedahay ninka naagataada ayuu kaa dilanayaa, waad ku qaldantahay, go’aanka adiga ayaa iska leh i aamin in qallinkaas ku kaalmeynayo ayaan hubaa ee fadlan iga yeel.
Xaashi oo hadalkaas xoogaa la dhacay ayaa u sheegay in uu ka soo fakarayo warna kusoo celin doono maadaama si wanaagsan uu ula hadlay dr qaasim.
Dr qaasim ayaa siciido telka kula hadlay kuna yiri xaashi wuu ku fasaxay haddaad doonayso in aan nolol samaysano fadlan waad igu soo biiri kartaa.
Warkaas aad ayuu farxad galshay siciido, waxayna u tagtay xaashi oo ay arrintaa wax ka waydiisay, xaashina wuxuu ugu jawaabay in ay tagi karto xilliga ay doonto balse wax xoolo ah aysan qaadan karin.
Hadalkaas uma cuntamin siciido maxaa yeelay, xoolaha waa xoolo ay wax ka tacabtay asal ahaana aabaheed uu lahaa.
Waxay siciido go’aansatay in aysan ka tagin gurigeeda, iyada oo iska dhaadhicsay in xaashi dhawaan dhimanayo hantida iyo hogaanka qoyskana ay la wareegi doonto.

La soco qaybta 20aad

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN