Baadi goob baahi badan!!!. Qore : Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!

Qaybta 11aad
Ilaa xad wuu ku guuleystay ayaa la dhihi karay Muxudiin hanashada kalsoonida maryan, intaas oo kaliya ma ahaynee wuxuu muujiyay in uu dareen jacayl u hayo iyana waa ka aqbashahay.
Waxaa bilowday waayo farxadeed, muxudiin waa sirdoon loo soo diray in uu xaashi shaqadiisa baaritaan ku sameeyo maadaama xaashi xiriir caalami ah kala dhaxeeyo madax badan oo caalamka, sidoo kale uu lacagahooda kala wareejiyo.
Muxudiin magacya badan ayuu lahaa, dhowr magac uu sirdoonimada ku isticmaali jirayna waxaa ugu diiwaan gashan in uu dhintay waa hore, magiciisa dhabta ah ayaan sheekada ku wadaa, laakin waa nin shaqa badan oo aad usoo jiidasho badan, adaab iyo xushmadna kusoo jiita cid walba oo la shaqayso, indha daacad ah, socod iyo qaab uu ku muujinayo in uu yahay nin ka nadiif ah xumaan oo dhan ayuu muujiyaa, shaqadiisa xisaabiyanimo aad ayuu ugu wanaagsan yahay, sidoo kale waa nin ku takhasusay jabsashada sirta ku keydasan kumboyuutarada, waa nin aqoon balaaran u leh shaqada uu qabanayo, laakintakhasusukiisa qaaska ah waa Qareenimo, waa booska uu shirkadda ka joogo C/rashiid, laakin ay usii dheertahay in uu u dhaqmo sida wiilka milkiilaha shirkadda waana gacanta midig ee xaashi.
Muxudiin waxaa shaqaalaysiiyay C/rashiid, wuxuuna ugu xushay xirfaddiisa, mase ogayn in sidiisa oo kale qareen u yahay, daacadna u muuqdo, in uu xaashi soo jiitana in badan isku dayayay, taasna waa midda ka dhigtay xiriiriyaha Xaashi iyo gabadhiisa Maryan.
Waxaa iska horimaanayay shaqada iyo darajada uu sii kasbanayay muxudiin iyo tan c/ rashiid, sidoo kale waxaa jiray damac jacayl oo qarsoon oo c/ rashiid u hayay maryan, muxudiiina sidoo kale laga dareemayay damacaas, taas oo ay usii dheertahay in xaashi aaminayay, hadana uu leeyahay mid la mid ah xirfadda qareenimo ee uu leeyahay isaga.
Dhamaan intaas oo astaamood marka la isku geeyo c/ rashiid waxaa usoo baxday in qorshihiisa uu kula wareegi lahaa boqortooyada xaashi ay soo wajahday qatar cusub, qatartana ay ka imaanayso muxudiin haddii aan si dhaqsa ah looga hortagin.
C/ rashiid wuxuu go’aansaday in uu baartaan gooni ah ku sameeyo Muxudiin, wuxuuna soo ogaaday in muxudiin leeyahay Xaas iyo wiil maryan aysan ogayn.
Jaanis ayey u ahayd uu maryan kaga niyad jabiyo ,isla markiiba maryan oo waayadan la liicaysay farxadda jacaylka ay u muxudiin u qabto ayuu uga naxsday Sawirro muujinaya waxa uu muxudiin ku eedeynayay.
Maryan aad ayey uga niyad jabtay muxudiin, mar dhow ayey ahayd marka uu ka tuugayay in ay aaminto beena uusan mar dambe u sheegeyn, laakin arrintan muxuu ku macnayn doonaa Muxudiin?
Waxaa bilowday isku dhaca muxudiin iyo maryan, muxudiin markan way ku adkaatay in uu maryan ka qanciyo waxa ay tabanayso iyo su’aalaha daran ee ay shaqsiyaddiisa ka waydiinayso.
Muxudiin ugu dambayn wuu u qirtay in uu wiil leeyahay balse wuxuu ku dhaartay in xaaskiisa ay waa hore kala tageen, maryana laga doonayo in ay aaminto.
Maryan waxay u sheegtay muxudiin in aysan aqoon sida loo aamino shaqaalaha aabaheed oo dhan, xitaa aabaheed aysan aaminsanayn, magaalada oo dhanna aabaheed leeyahay iyadana ay doonaysay oo kaliya nolol caadi ah oo ka madax banaan wax walba oo la xiriira aabaheed.
Maryan waxay u sheegtay Muxudiin in ay doonayso in ay waqti qaadato kaligeed, ay uga fakarto codsiga labaad ee muxudiin ee uu uga dalbanayo siinta fursad labaad.
Iyada oo rog rogaysa sawirada lana yaaban cidda ay ka timid ayey si hoose u eegtay, sawirkuna maadaama uu ahaa sawir lagu qaaday taleefon qofka laga qaadayayna uu taagnaa meel muraayad ah wuxuu wada sawiray dhamaan wax walba xitaa kii wax sawirayay oo ahaa c/ rashiid.
Isla markiiba maryan waxay ka hortagtay c/ rashiid una sheegtay in ay ogaatay in uu isagu yahay kan sawirka usoo diray balse waxay waydiisay sababta iyo faaiidada ugu jirta.” waan kuu digayay oo kaliya ayuu hadal ugu soo koobay C/Rashid.
Hooyo Ruqiyo iyo wiilkeeda Guure waxay isla garteen in ay muhiim tahay in laga takhaluso Yaasiin mooryaan, hooyo ruqiyana wiilkeeda waxay la wadaagtay shaqada uu shaqaalahooda kula wareegayay intii uu xabsiga ku jiray.
Guure wuxuu isku haystay in shaqaalihiisa ay gacanta ugu jiraan balse mar hore ayuu la wareegay yaasiin mooryaan, laakin yaasiin mooryaan wuxuu ahaa mid sugaya waqtigiisa, riyadiisana mar walba waxay ahayd in uu la wareego jagada guure.
Yaasin mooryaan isaga naftiisa qoshihiisa ayuu dagayay, wuxuuna go’aansaday ka takhulisdda xaaska guure iyo hooyo ruqiyo.
Wuxuu maleegay shirqool uu xaaska guure ugu ekeysiinayo in ay saaxiib la tahay mid ka mid ah shaqaalihiisa taas oo sababtay in guure xanaaq dartii u dilo xaaskiisa.
Yaasiin hal dhagax ayuu dhowr shimbirood ku dilayay, reer guure in uu soo gabagabeeyo ayaana ka go’nayd.
Hooyo ruqiyo iyo guure waxay la ballameen xaashi una shegeen in yaasiin oo kaligiis ah uu ku sugan yahay gurigiisa waqtiga munaasabka ah ee laga takhalusi karnaa uu hadda yahay, laakin yaasiin oo ogaa qorshahaas ayaa ka cararay meesha, wuxuuna u baxsaday guriga Maryan, halkaas oo uu doonayay in uu uga takhuluso Maryan sidaasna xaashi uu uga aarguto.
Xaashi iyo haajir oo wada socda ayaa yimid goobtii loogu soo farmuuqay yaasin, laakin yaasin meel aysan ka filayn ayuu u baxsaday oo shaqadiisa ka watay.
Hooyo ruqiyo iyo guure ayaa xaashi u sheegay in uu soo daahay Yaasiin, meel dheerna uusan jirin, laakin ay baadi goobayaan.
Yaasin oo dhex fadhiya guriga Maryan ayey maryan soo gashay gurigeeda mase ninkan ayaa u dhex fadhiya, dood iyo qaylo iyo fara saar inta ay isla wadeen ayuu muxudiin soo galay guriga waxaana dagaal dhex maray muxdiin iyo yaasiin, halkaasna waxaa ka baxsaday yaasiin oo naftiisa la baqay, laakin dhaawacay muxudiin oo xabad caloosha uga dhuftay.
Muxudiin ma doonayn in la ogaado, dhaawiciisa ayuuna la baxsday, maryan oo agayd in labadaba ay banaanka isku ceyrsadeen laakin aan war u hayn halka ay kala gaareen ayaa goobta kala baxsatay nafteeda, iyada oo isla markiiba wargalisay Booliska.
Xaashi iyo Hhaajir oo ay ruqiyo iyo  guure ku war galiyeen halka uu yaasin aaday ayaa guriga maryan soo aaday ayaga oo maryan difaaca is leh laakin ayaga oo goobta ku dhex jira ayey maqleen dhawaqa gawaarida booliska wayna ka carareen goobta, inkastoo ay arkeen dhiig meesha yaal.
Yaasin oo iska dhigaya nin aan warba u hayn guure iyo ruqiyo shirqoolka ay u maleegeen ayaa tagay gurigooda isaga oo bastooladdiisa gacanta ku haysta, wuxuuna uga warbixiyay guure sida wax u dhaceen iyo in uu soo ogaaday in muxudin yahay sirdoon aad u tababaran, naftiisana uu qatar galshay, dagaal dheer kadibna uu ka soo baxsaday balse uu xabad caloosha kaga hubsaday ayna ugu war dambaysay in niman sirdoon ah ay meesha dhaawiciisa ka sii qaadayeen inta uu isaga howtka ku baxsanayay.
Guure warkaas waxbaa uga baxay wuxuuna ogaaday in xaashi isaga kaliya uusan ogaarsanayn balse libaaxya kale ay ku daba joogaan, war uu ku farxo ayey u ahayd Guure.
Hooyo ruqiyo oo warka yaasin uusan ku socon ayaa soo dhex gashay, Guure ayaa qayla kala hortagay oo yiri hooyo xaashi waa cadowgayga koowaad xaaladdii la rababa hala taaganaadee.
Yaasiin ayaa markan la kala baxay wajigiisa dhabta ah isaga oo yiri qof walba cadow ayuu leeyahay, anigana cadowga xaashi iiga daran ee igu kaa dirtay waa hooyadiaa, uu sii dhahayayna sii daayay xabad ka haleeshay hooyo ruqiyo madaxa nafna dhulka kulama dhicin.
Guure waaga ayaa ku baryay, waxaa lagu hor dilay hooyadiis, laakin yaasiin ma uusan dilin Guure wuxuu la sugayay waqtiga ku haboon isaga oo doonayay in uu cashar u dhigo.
Guure oo ku dul barooranaya hooyadiis ayaa xaashi iyo haajir oo doonayay yaasin dul yimaadeen, xaashi ayaa uga tacsiyeeyay guure dhimashada hooyadiis, wuxuuna yiri “shaqadeena ma ahan in lagu soo qaso qoyska, yaasiin sharcigaas ayuu labadeenaba naga jabiyay waa in laga takhalusaa”.
Yaasii mar labaad ayuu hadana soo weeraray guriga Maryan, laakin nasiib wanaag marka uu sidaa u qabtayba waxaa guriga soo galay taliye daacad iyo kooxdiisa oo doonayay in ay su’aalo ka waydiiyaan arrinka muxudiin.
Maryan oo awalba mar allow i bixi xaalkeeda ahaa ayaa ku qayliisay yaasiin mooryaan iga celiyay, gurigayga ayuu ku jiraa, isla markiiba waxaa is cayrsaday taliye daacad iyo yaasiin mooryaan oo xiriir hoose ka dhaxeeyay.
Taliye daacad wuxuu ahaa askari aad cadaawad gaamurtay ugu qabay xaashi, cid walba iyo wadda walba uu xaashi kusoo qabanayana wuu marayay.
Taliye daacad wuxuu aad u dhibsaday una necbaystay qaab dhaqanka yaasiin oo haddii la ogaado isaga naftiisa baxar galinayay, sidaas darteed ayuu go’aansaday in uu ka takhaluso Yaasin, isaga oo soo ogaaday in guure uu aad u baadi goobayo yaasin,  sidaas darteed wuxuu diyaariyay shirqool looga takhulisayo yaasin looguna gacan galinayo guure iyo koxdiisa.
La soco 12aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor 

SHEEKOOYIN