Baadi goob baahi badan! Q-12AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan! Q-12AAD

Cabdirashiid wuxuu sii waday dagaalkiisa qabow iyo riyadiisa uu kula wareegi lahaa boqortooyada xaashi, wuxuu lahaa laamo badan oo isaga si hoose ula shaqeeya, dhan walba oo uu doonayo in uu ka burburiyo boqortooyadana wuu yaqaannay, maxaa yeelay, wuxuu ahaa wiil uu xaashi soo korsaday korriima kaliyana ma ahayn ee wuxuu ahaa wiil uu xaashi usoo tababbaray oo maal iyo muruqba uu ku bixiyay sida uu u noqon lahaa midka difaaci kara dhisina kara ee tiirka u ah boqorotooyadiisa.

Aqoonta uu u lahaa boqortooyada, xeeladaha iyo tababbarka uu xaashii siiyay iyo sida xaashi u aaminsanaa ayaa u sahasahay inuu sidii uu rabo ugu gal-galsho boqortooyada. Boqna goynta iyo doc ka dooxidda qarsoon ee uu Cabdirashiid ku waday boqortooyada xaashi ayaa sababtay in boqortooyada ay soo food saarto dhaqaale yari xooggan iyada oo waliba ay fursado heleen cadow horey u shiiqay (raja beeley).

Xaashi xaggiisa waxaa isa soo tarayay saamaynta xanuunku uu kusii yeelanayo xusuustiisa, Haajir inta uu  dabooli karo xaaladda Xaashi waa uu daboolayay, balse, xaalku faraha ayuu ka sii baxayay mar walbana Haajir wuxuu Xaashi ku waaninayay in uu la wadaago sirta caafimaadkiisa iyo qoyskiisa. Xaashi dabcan Siciido ilma waa ay u dhashay, waa Ilhaan iyo Daahir, haddana mar walba kalsooni kuma qabin oo shaki ayuu ka qabay, maxaa yeelay, waxay Siciido ka dhalatay qoys sooyaalkoodu uunan wanaagsanayn oo maslaxaddooda shaqsiyadeed kaliya u taagan, dhaqanka nuucaasna waxaa ku barbaaray ilmaha Siciido, maxaa yeelay, ma ahayn qoys lagu soo barbaarshay is jacayl wada shaqayn iyo is aamminaad.

Siciido aad ayey isugu dayeysay in ilmaheedu ay soo kacaan kalana wareegaan shaqada aabbahood, Xaashi naftiisuna sidaas wuu doonayay, balse, midkoodna ma danaynayn arrintaas oo ma jirin labadaba waa Ilhaan iyo Daahir mid rabay arrintaa kuma jirin. Xaashi rejo sidaas ah kama qabin Daahir, xooggana wuxuu saarayay Ilhaan oo ahayd qof wax soo baratay, balse, wuxuu ka sii jeclaa Maryan oo iyaduna cillad ku lahayd in aysan is fahmaan aabbaheed. Xaashi wuu jeclaa Cabdirashiid, balse, dhiigga aad dhashay ma jiro wax kaaga qiima badan waana sababta abuurtay in uu ka doorto carruurtiisa. Cabdirashiid oo ay soo wada dhiseen boqortooyada, cid uga xaq badanna aysan jirin in uu hoggaasho boqortooyadaas xaashi kadib, balse, go’aannada qaar iyaga oo aad ogtahay in ay qaldan yihiin ayey haddana duruufta kugu qasabtaa, Xaashina wuu ogaa in sida uu ula dhaqmay Cabdirashiid uusan mudnayn.

Cabdirashiid shaki badan ayuu ka qabay xaaladda caafimaad ee Xaashi, sidaa darteed, ayuu u diray; Cabdicasiis wariye in uu baaritaan kusoo sameeyo cidda uu mar walba Xaashi sida qarsoodida ah ula kulmo. Drs Sacdiyo waxay ahayd; dhaqtaradda gaarka ah ee Xaashi, aad ayey ula socotay xaaladdiisa, Xaashina ma jeclayn in sirtiisa la ogaado maadaama uu ahaa; nin awood badan dadka dhanna ay ka baqaan. Xaashi wuxuu ka baqayay in haddii la ogaado ay boqortooyadiisu kala daadan doonto oo qoyskiisu ay kala carari doonaan, sidoo kale asxaabtiisa iyo dhammaan inta ay shaqada kala dhaxayso. Cabdicasiis wariye wax badan kuma aysan qaadan in uu soo ogaado cidda uu xaashi la kulmo, wuxuuna warka ugu keenay sidii loo rabay saaxiibkiis Cabdirashiid. Cabdirashiid ayaa ku wargaliyay Cabdicasiis Wariye in xaaladda kulankoodu uu maanta soo dhammaaday aadna uu ugu mahadcelinayo inta hadda ka dambaysana haddii la isku sii arko labadooda ay naftiisu qatar galayso, intaan wixii ka dambeeyana uu isagu isku filan yahay, sidaas ayuu wixii qarashaad ah ee shaqadiisa ahayd ku siiyay iskuna ay macasalaameeyeen.

Cabdirashiid wuxuu booqday; goobta shaqada ee Drs Sacdiya oo markaas eegaysay faylasha caafimaad ee Xaashi, kansho (fursad) ayuu u helay in uu dhugto (eego) iyada oo howlo kale oo xafiiska ka baxsan ku howshoon, dhammaan faylasha caafimaad ee xaaladda Xaashi, wuxuu ogaaday waxa Xaashi ka qarinayay aad ayuu uga naxay run ahaantii. Cabdirashiid dhanka masayrka ee shaqada uu u qalmay ee AAN Xaashi siinin ayaa dhib ku haysay, balse, nin aabbihiis booskiisii u ahaa in xaaladdiisa caafimaad ay sidaan tahay isaguna uu sidaas ula dhaqmayay ayaa xanuujisay, isaga oo fakaraya ayey Drs Sacdiyo u soo gashay si lama filaan ah markii ay u aragtayna waxay u haysatay cadowga Xaashi nin ay soo direen, orod naftaada la baxso ah ayeyna jabsatay, Cabdirashiid oo ka daba ordayay isna lahaa bal daji iskuna sheeg qofka aad tahay si aad wax badan uga sii ogaato ayaa si lama filaan ah gaari waddada usoo galay ku jiiray Drs Sacdiyo, isla goobtaas ayeyna ku qurbaxday.

Kaamirada ku dhaggaynayd dhismaha uu shilkaasi ka dhacay ayaa qabatay drs Sacdiyo iyo Cabdirashiid oo is daba ordaya taasina waxay dhalisay in taliye Daacad uu fursad u helo in uu ku eedeeyo Xaashi iyo boqortooyadiisa isaga oo sheegay in uu hayo caddayn arrinkaasi ah. Xaashi dhib kuma hayn waxa taliye Daacad sheegayo, wuxuuse ka xumaa shilka ay ku naf weysay dhaqtaraddiisa gaarka ah, wuxuuna isla markiiba sawirtay in ninka drs Sacdiyo oo ay hadda ka hor Xaashi u sheegtay; in ay nafteeda uga baqayso uu dilay. Cabdirashiid ayaa runta arrinta ka sheegay isaga oo Xaashi u sheegay wax walba sida ay u dhaceen isaguna uu ahaa ninka daba ordayay xilliga uu shilku ku dhacay. Xaashi wuu ku qaboobay runta uu sheegay; Cabdirashiid wuuna ka aqbalay, balse, taliye Daacad oo la waalanayay nacaybka Xaashi ayaa Cabdirashiid meel gaar ah ku helay una sheegay in uu ka warqabo dhaqdhaqaaqiisa burburinta Xaashi iyo caddaynta muuqaalka uu ka hayo, balse, Cabdiraahiid ayaa yiri: anigu ma dilin drs Sacdiyo, shilkaas ayey ku dhimatay waana ogtahay, dagaalka Xaashi igala dhaxeeyana ma ahan mid adiga ku quseeya, daba dhilif aad Xaashi kusoo qabatona kuuma noqonayo ee waddada iiga leexo wuuna ka tagay.

Cadbirashid oo Ilhaan jacayl been ah oo malaxadeed ku beeray ayaa ka dhaadhiciyay in ay is guursadaan wayna ka aqbashay runtii, balse, dhaqaala xumada soo wajahaysay boqortooyada Xaashi way sii ballaaranaysay. Xaashi ayaa isugu yeeray qoyskiisa oo dhan ugu dambayntiina wuxuu u sheegay xanuunka uu qabo, sababta ku kallifaysa in uu howl gab noqdana ay taas tahay. Siciido oo la yaabbanayd waxa ninkeeda ku dhacay ayaa isla markiiba muujisay sida ay ugu diyaarsantahay in ay la wareegto maamulka boqortooyada iyada oo la soo baxday shaacintii Xaashi kadib awooodo ay ku muujinayso sida ay u doonayso in ay boqortooyada hoggaanka u qabtaan iyada iyo ilmaheeda, waxayna billowday in Xaashi oo joogo ay samayso go’aaNno aysan kala tashan ninkeeda ama uusan ogayn, sida kala maaraynta dhaqaalaha oo meesha ay rabto ku kala bixinaysay cayrinta shaqaale hore iyo qorashada shaqaale cusub.

Waxay garab ka helaysay Cabdirashiid oo gabadheeda guursanaya, ajandihiisa qarsoonna wata, Xaashi boqortooyadiisa dhexdeeda ayaa waxaa ka dillaacay awood isku sheegasho iyo sed bursi, Siciido iyo Cabdirashiid uu mid walba hoosta ka watay. Dhaqaalihii boqortooyada gabi ahaanba waa uu istaagay, bangiyadii dhammaan in aysan lacag bixin karin ayey u sheegeen: Cabdirashiid dhaqaalihii dhammaan wuxuu u kala xaseeyay si sharciyeysan oo u muuqanaysa in wax walba ay ku baxeen sifo sharciyeesan, isaga oo kaliya ayaana ogaa halka ay shirkadda lacagtu u taal,balse, qaab ahaan shirkaddu way musallaftay.

Siciido waxay shaqada ka ceyrisay Saynab oo ahayd: Haajir xaaskiisa isla markaana ahayd xoghaynta qaaska ah ee Xaashi taas oo dhalisay isku dhac aad u weyn oo sii kala fogeeyay Xaashi iyo Siciido. Siciido ma hakan oo qorshaheeda ayey sii wadatay, Xaashina xanuunkiisa ayuu la tacaalayay, wuxuuna billaabay in uu shirarka waaween dhexdooda ku hilmaamo waxa uu ka hadlayay mararka qaarna uu xanaaqo xanaaq daran oo meel uu ka yimid aan la aqoon. Cabdirashiid shaqadiisa ayuu sii watay uu ugu dhammanayo boqortooyada isaga oo markan helay xulufo muhiim ah waa Siciido iyo gabadheeda Ilhaam oo xaaskiisa noqon doonta kuwaas oo nacayb xooggan u qaba Maryan oo uu Xaashi aad u jeclaa lacag badan oo u dhiganto dhaxalkeedana ugu wareejiyay koonto uu isagu u sameeyay, iyadu waa ogayd lacagtaas, balse, ma rabin mana aqbalin mana isticmaalin.

Cabdirashiid wuxuu billaabay in uu been abuuro saxiixa Xaashi oo hanti badan ayuu si khaldan ugu saxiixay dad badan, waxay sababtay arrintaasi in ay yimaadeen dad uu Cabdirashiid soo abaabulay oo sheeganaya hanti uu Xaash ku wareejiayay. Wuxuu ahaa qorshe ay wada jir u maleegeen; Cabdirashiid, Ilhaam iyo Siciido si loo muujiyo in Xaashi uu markan isku darsoomay oo uu gabay dhammaan awoodihii uu wax ku maamuli lahaa, sidaasna xilka looga xayuubiyo iyada oo lagu eedaynayo in uu isku dhex yaacay qatarna uu ku yahay hantida qoyska maadaama xusuustiisa iyo waxa uu samaynayo aysan isla socon, mararka qaarna uu qatar weyn u keeni karo boqortooyada, sidaa darteed, ay ku qasbayeen in uu xilka wareejiyo, balse, qolo walba in uu iyada xilka ku wareejiyo ayey doonaysay ayaga oo isla socda saddexdoodu ayey dana qarsoon kala lahaayeen oo ay kala socdeen.


Xaashi jahwareer cusub ayaa soo gaaray, aad ayuuna usii xanuunsaday wuxuuna billaabay in qorshihiisa dhammaan uu ku kala kaydsado Haajir telkiisa iyo computerkiisu, wuxuu ahaa; nin Caqli badan fahmina karay qaabka ay wax u socdaan,balse, ma doonayn isaga oo dhibaato la tacaalaya in uu xalkeeda mid kale kusii abuurto.


W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

SHEEKOOYIN