Baadi goob baahi badan! Q-13AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan! Q-13AAD

Iyada ay sii xumaanayso dhaqaala xumada boqortooyada xaalkuna uusan ahayn sidii hore ayey siciido xaashi u sheegtay in aysan sii ogolaanayn boqortooyada ay dhaxli lahaayeen ilmaheeda in ay sidan ku burburto, sidaa darteed ay caawin dhaqaale u raadsanayso walaasheed Nasro. Xaashi ma rabin in qoyska ay caawinta ka raadinayso ay kusoo lug yeeshaan qoyska xaashi.

Nasro caruur ma dhalin laakin ninkeeda Muuse wiil uu dhalay ayey soo korsatay oo la dhaho Mahad ayaa jiro, waa boqortooyo kale oo dhaqaala ahaan u dhisaan sida reer xaashi oon kale balse xifaaltan kala dhaxeeyo, xaashina ma jeclayn in magaaladiisa iyo dadkiisa ay qoyskan kale soo fara galiyaan saamayna ku yeeshaan.

Nasro iyo qoyskeeda waa qoys dhiiyag cabyaal ah, bilaashna aan wax ku bixin, waa qoys ku magacaaban shar oo dhan sidaa darteed in shaydaan caawin loo doonto ay waxay uga dhiganayd reer xaashi  aartii oo ay dheecaankooda uga biya cabayaan, xaashina digniin culus ayuu arrintaa ka siiyay Siciido.


Siciido iyo Nasro waa laba gabdhood oo isla dhashay uuna dhalay nin taajir ahaa kaas oo lahaa sababta boqortooyada xaashi, xaashina uu ka hoos shaqayn jiray in uu boqotooyadan la wareegana shardi looga dhigay in uu siciido guursado, xaashina sidaas uu uga soo tagay Hibo oo ahayd Maryan hooyadeed.


Nasro aabaheed iskuma fiicnayn, dhaqaalaha oo dhan wuxuu uga tagay siciido iyo xaashi, sidaas darteed cadaawad ayey u haysay qarsoon walaasheed Siciido iyo xaashi, in maanta ay gacan uga soo baahdaana waxay u aragtay jaanis ay kula wareegi karto dhamaan boqortooyadooda, waa ugaarsade cusub oo qosyka reer xaashi usoo ugaarsi tagay.
Kadib markii ay wada yimaadeen iyada iyo wiilka ay soo korsatay ee mahad siciidana ay usoo bandhigtay baahideeda ah in ay u baahantahay lacag dayn ah oo ay dib ugu soo kiciso shaqada shirkaddooda.


Dayn ma bixin karno ayey ku dhaheen laakin haddaad ogoshihiin in aad nagu wareejisaan qayba badan oo shirkadda ah waan aqbalaynaa. Siciido xaashi ayey kula laabatay dalabkeeda una sheegtay damaca qoyska reer muuse ee walaasheed nasro iyo waxa ay dalbanayaan. Xaashi daymo badan ayaa lagu lahaa dhaqaalana wuu u baahnaa laakin ugama baahnayn qoyska muuse ee nasro hogaamiso, wuxuuna siciido ku yiri soo ma jilaysid hogaanka shirkadda, aniga oo nool ayaadna u shaqaynaysaa sida aniga oo dhintay oo kale maxaa dhacay, soo aniga ma ahayn ninka soo dhisay boqortooyadan, maxay tahay kalsooni xumada ku haysa ee aad uga baqayso in aan dunsho waxa aan soo dhisay?
Siciido waa iska dumar maan gaaban, waa tan dhahday, wax walba waxaad siisay Maryan, ilmahayga iyo anigana meel cidla ah ayaad doonaysaa in aad na soo istaajiso, kaama yeelayo ee aqbal dalabka walaashey.


Waa fakar iyo cuqdad ay siciido galisay caruurteeda, waxaana la qabay fakarkaas gabadheeds ilhaan, weerar iyo dhabar jabinta aabahood ayey kula xulufeesteen C/rashiid ayaga oo moodaya in uu ayaga caawinayo. Mahad iyo ilhaan waxaa ka dhaxeeyay taariikh hore oo ka dhex dhacday xilligii ay wax isla baranayeen taas oo aysan jeclayn ilhaan in ay dib u xusuusato, aad ayuu u daneeynayay mahad ilhaan in uu guursado laakin nasiib darro wuxuu la soo kowsaday iyada oo la guursanayo, laakin ma uusan quusan oo mar walba lugtiisa waa u laabanyd wuuna ogaa in arooska c/ rashiid uusan waarayn maxaa yeelay wuxuu maqlay C/ rashiid oo arrintaas kala hadlayay xaaskiisa Najmo. Qoyska Nasro waxaxay awoodooda kusii balaarinayeen boqortooyada xaashi, inkastoo qorshayaal kala duwan ay wada lahaayeen dhamaantood waa mahad iyo aabihiis muuse iyo nasro.
Nasro waxay ahayd gabar la deyrshay oo xitaa aan waxba laga siin dhaxalka aabaheed, waxaa jiray nabaro badan oo dhaawacooda ay la xanuunsanaysay.


Muuse ma uusan ahayn nin taariikh wanaagsan sidiisaba, laakin aad ayuu u jeclaa nasro inkastoo nasro ay ahayd qof in la maamulo ay adagtahay. Mahad oo ahaa wiilka muuse isagana dhaawacyadiisa ayuu tabanayay oo wuxuu marqaati ka ahaa dhimashada hooyadiis oo sababsatay gacan qaad uu aabihii ku sameeyay, ujeedadiisa waxay ahayd in uu kala wareego aabihiis Hantida. Waa qoom isku wada qorsha ah hadana kala qorsha ahaa oo ayaga dhexdooda is gaadayaya, laakin markan waxa mideeyay sidii ay kula wareegi lahaayeen boqortooyada Xaashi.


Waxaa sii xoogeysanayay shakiga laga qabo in xaashi dilay khadro aabaheed Tima jilic, taliye daacad oo khadra la kulmayna wuxuu u sheegay in uu hubo arrintaa balse uusan caddaymo buuxa u hayn arrinkaa, hadalkaas ayaa khadro kusii kordhiyaya shakiga ay ka qabto daahirka ay jeceshahay aabihiis. Daahir dhankiisa mar walba oo ay arrintaas kusoo qaado khadro wuu xanaaqayay, wuxuuna iska soo jarayay in labadooda aabe ay ahaayeen saaxiibo isla soo shaqeeyay taasna waxay sii xoojinayaysay kala duwanaanta fakarka ay kala qabaan.


Xaashi iyo Haajir dhankooda waxay ku dadaalayeen in taliye daacad uusan helin caddaymahaaas la doon doonayo wadda walbana way ka xirayeen maadaama dhamaan xafiisyada dowladda magaaladaas ay hoos tagayeen xaashi iyo kooxidiisa.
Taliye daacad dhankiisa dadaal uma yarayn wadda walba iyo wax kasto oo uu xaashi caddayn ugu heli karo dilka Tima jilic wuu waday, laakin wali wax muuqda ma uusan helin.


La soco qaybta 14aad


W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

NAGA LA SOO XIRII: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN