Baadi goob Baahi badan!!!.Qore Maxmed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob Baahi badan!!!
Qaybta1aad
Xaaji xaashi wuxuu u dabaal dagayaa sanaddiisa lixdanaad, waa Nin Qani ah awood badana ku dhex leh bulshada la uu daganyahay. Asxaab, siyaasiyiin, dhaqaatiir, ganacsato dhan walba oo bulshada awoodeeda wuxuu isku taxalujiyay in uu saamayn ku yeesho awoodiisana ay ka dhex muuqato.

C/rashiid waa wiil uu soo koriyay Xaaji xaashi agoona ahaa kadib markii aabihii oo xaashi ay wada ahaayeen saaxiibo isku dhinta uu geeriyooday, Xaashi wuxuu u balan qaaday aabihii in wiilkiisa C/ rashiid uu u korin doono sida wiilkiisa oo kale.

C/rashiid waa mid ka mid ah tiirarka ay ku taagantahay shirkadda Xaaji Xaashi waana Qareen u qoran Xaaji xaashi, wax walba uu yahay C/rashiid waxaa ka dhigay Xaaji xaashi oo wiilkiisa oo kale wax usoo baray.

Xaaji xaashi caruur wuxuu ka leeyahay wiil iyo gabar isku bah ah iyo gabar gooni ah. Xaaji xaashi noloshiisa bilowgeeda wuxuu aad u jeclaa gabadhiisa weyn ee bah goonida ah oo lagu magacaabo Maryama hooyadeed Hibo.

Hibo iyo xaashi ilaa dhalinyaranimadooda ayey lamaana ahaayeen balse waa dambe oo ay Hibo ogaatay in shaqada ninkeeda aysan shaqo xalaal ahayn ayey go’aansatay in ay gabadheeda kala baxsato noloshiisana ka baxdo.

Xaashi aad ayuu u jeclaa hibo wuxuuna ahaa nin adag oo jecel in uu gacan bir ah ku qabto inta dalladdiisa ku hoos noolayd ama inta noloshiisa qaybta ku lahayd.

Xaashi in uu ahaa nin adag oo iecel in laga dambeeyo,  hadana taas kama dhigeen in uusan ahayn nin aan jacayl iyo naxariis midna lahayn.
Xaashi aad ayuu u jeclaa Hibo laakin hibo oo ahayd qof Cilmiga Sayniska aad u baratay jacaylaydna in ay nolosheeda ku dhamaysato xalaal quudanimo ayaa ka codsatay xaashi in iyada iyo gabadheeda uusan usoo lug galin ganacsigiisa xaaraanta ah.

Xaashi shaqadiisa waxay ahayd shaqo adag oo qatar badan, wuxuuna ku lug lahaa ka ganacsiga maandooriyaha taas oo uu lacag badan ka sameeyay kuna noqday Nin ka tilmaaman magaalada uu markaa ku noolaa.

Xaashi ma jeclayn in la daba mareeyo ama la qayaano, qof walba oo isku dayaa in uu qayaano ama waddada uu isaga rabo aan marin wuu ka takhullusi jiray, dad badan oo sidaas ku sifoobayna dartiis ayey God u galeen.

Khadra waa gabar macalimad jamaacadeed ah oo xisaabta u dhigta Daahir xaashi oo wiilka Xaaji Xaashi ah.
Khadra iyo Daahir waxaa ka wada dhaxeeya jacayl daran iyada oo macallimaddiisa ah ayey hadana aad isu jecel yihiin.

Aabaha khadra waa C/ laahi Timajilic oo ahaa sarkaal booliska magaalada oo howl gab noqday, laakin galgal badan u leh saraakiisha booliska iyo siyaasiyihiinta magaalada.

Waa furaha Xaashi uu u adeegsado Siyaasi walba oo magaalada loo soo magacaabo ama waxaa la dhihi karay waa isha xaashi ku xirta qof walba oo daraja dowladeeda magaalada ka haya.

C/ laahi tima jilic balwaddiisa waxay ahayd khamaarka oo uu aad u jeclaa mar walbana baahidiisa lacageed ayaa badnayd, heerba xaalad xun sida uu khamaarka ugala dhacayay markan gurigiisa ayuu dhigtay waana laga helay, sida uu uga dhaadhiciyo ilmahiisa iyo xaaskiisa waa ku adkayd in gurigoodii uu khamaar siistay.

Tima jilic qayb wayn ayuu ku lahaa xaashi awoodiisa balaaran, isaga oo mar ahaa Janan ciidan, sidoo kalana galgal badan u lahaa siyaasiyiinta magaalada ayaa u sahashay xaashi in uu ka guulaysto dhamaan qolyaha tartanka ganacsiga xaaraanta ah kula jiray kuwaa oo qaarkoodana dhagta dhiiga u daray qaarna xabsiyada u taxaabay taas oo u sahashay in magaalada oo dhan uu sidoo raba ka yeesho.

Tima jilic xaalka waa ku cuslaaday oo ma doonayo in uu gurigiisa wareejiyo taas baddalkeeda ayuu goostay in qolyihii ka helay gurigiisa uu ugu baddalo lacag sidaasna aysan ku ogaan ilmihiisa iyo xaaskiisa.

Dhowr jeer ayuu xaashi ugu yimid dalaba dhaqaale isaga oo u sharraxay culayska haysto iyo sida uusan u doonayn in xaaskiisa iyo gabadhiisa khadra in ay ogaadaan in khamaar dartii uu lacagtaas faraha badan ee kaydkooda ahayd u baxshay, si uu arrimahaas badan u daboolana uu ugu yimid codsi xaashi in uu  ka badbaadiyo fadeexadda qoyseed ee uu dhex fadhiisan rabo, xaashina shuruud ayuu ku xiray ahayd in uu usoo xera galsho xaakimka cusub ee magaalada loo soo magacaabay kaas oo durba tallaabooyinka uu la soo baxay aysan xaashi farax galin.

Waxay u ahayd jaanis uu lacagta uu doonayo kaga heli karay, laakin caqabadda taagan ayaa ahayd in isaga qudhiisa uusan aqoon u lahayn xaakimka cusub.

Tima jilic wuxuu ogaaday in howsha uu xaashi u dirsaday ay tahay howl aan fududayn oo u baahan waqti, xaashina uusan sugi karin, isagana baahi lacageed oo daran ay hayso oo haddii 24 saac gudahood uusan lacagta ku keenin ay ceebtiisa soo ban baxayso, intaas waxaa usii dheerayd in lacagta uu baxshay aysan ahayn mid guriga lagu badbaadin karay, haddii uusan u dhamaystirina qolyaha ku dhagan ay gurigiisa la wareegi doonaan  Tima jilic xaalad adag ayaa la soo darsatay si kasta iyo wadda kasta uu wax ju samayn karana wuu u diyaarsanaa si uu isku badbaadsho

Tima jilic aad ayuu daacad ugu ahaa xaashi, laakin baahidiisa ayaan usii ogolaan karayn in uu daacad sii ahaado, wadda walba oo in uu qayaano xaashi uu oga fogaan karo wuu sameeyay, laakin uma suura galin talaabooyinkaas oo dhan in ay daboolaan baahidiisa.

Wuxuu isaga oo aad u murugaysan u yimid gabadhiisa khadro oo uu ogaa in ay gacaliso aad loo jecel yahay u tahay wiilka reer xaashi.
Xaaladdiisa uma uusan sharrixin laakin wuxuu u guud maray in uu u muujiyo baahidiisa lacageed ee aadka u daran, khadrana waa u dayrisay oo in aysan waxba hayn ayey u sheegtay, ileen waa nin doontu kusoo quusi doontee wuxu ka sii codsaday gabadhiisa in ay codsi u gudbiso wiilka ay jeceshahay bal hadduu caawin karo, balse waa taa gaashaanka mar kale u daruurtay.

Wadda walba waa ka soo xirantahay Tima jilic aan ka ahayn cadowgii Xaashi ee inta noolayd uu xabsiyada ku ogaa in uu inta qaybta faylasha dambiilayaasha mid ka mid ah faylkooda ka soo qaatay ku booqday Xabsiga, sababta uu sidaa u sameynayana waxay ahayd in uu is lahaa wax uun ka hel.

Guure oo ahaa nin aad ula tartami jiray xaashi dhiig badan iyo ruux badana ay dhexdooda ku go’day isla markaana xabsiga ku jiray balse shaqadiisa si daciif ah ay magaalada uga wadaan koox yar oo ka hartay kooxdiisii awooda badnayd ayuu tima jilic soo maciinsaday maanta.

Baahidiisa waa lacag, wax uu ka naxayo ma jirto, xadkiisa xargaha ayuu goystay, aad ayuu uga shallaaynayaa balwadiisa xun halka ay maanta dhigtay, inta bangiyadii iyo kaydadkiisa dhamaan uu soo laqay ayuu gurigii uu ku hoyanayay dhigtay khamaar, loogana helay!!

Waa xaalad aad u culus oo khatarteeda leh, ma uusan aqbali karin, wuxuu is tusay in markan waddo uu daacad ugu sii ahaado Xaashi aysan jirin, xaashina xilligan uu gacantiisa u baahnaa uu garabkiisa ka baxay, taas oo kalliftay in isaga oo naftiisa ka badbaadsanaya uu been u sheego xaashi, shaqa uusan qabana waan qabtay ku yiri, waa shaqadii xaakimka cusub, maba isku taxalujin, waqti dheer in ay qaadanayso ayuu ogaa, waqtigaas iyo baahidiisa hadda taagana aysan wada heshiin karin.
Sababta ugu weyn ee ku kalliftay in uu soo maciin bado cadowga xaashi iyo cadowga uu gacantiisa xaashi dartiis ugu samaystay waa Guure iyo inta la midka ahee.

Guure wuu ogaa in dagaal dhiig ah uu kala dhaxeeyo Xaashi, laakin marnaba kuma fakarin dhagarta uu ku arkay faylka in xaashi ka dambeyay xaashina lahaa sababta koowaad ee dhimashada qosykiisa iyo boqortooyadiisaba.

Guure nin waxgarad ah ayuu ahaa wuxuuna waydiiyay Timajilic waxa uu doonayo ee uu uga baddalan lahaa aqbaartan sirta mugta weyn leh, tima jilic si aan ka leexad lahayn ayuu ugu sheegay oo uu yiri ” waxaan ahay nin baahan, ninka baahidayda dabooli karo ayaana i leh oo u shaqaynayaa, shalay hadduu xaashi i lahaa maanta ima lahan, sakankan la joogo adiga haddii aad baahidayda dabooli karto waad i yeelanaysaa.

Guure jaaniskiisa wuu ka faaiidaystay baahidiisa waqtigaasna wuu daboolay tima jilic, Sirta uu tima jilic baxshay saamaynteedana waa la dareemay oo ilaa 6 Kunteenar oo alaabta xaashi ah ayey leexsadeen qowleesatada Guure, waa qaniimo aad u fara badnayd, Guure madax kor usoo qaadis ayey u noqotay kooxdiisa, timajilic baahidiisa waa la daboolay oo ugu yaraan gurigiisa wuu bad baadsaday.

Xanuunka ugu horeeya waxaa dareemay xaashi oo ogaaday jn saaxiibkiis Timajilic uu ogaa sirta alaabtaas oo kaliya isagana baahi daran oo dhaqaale ay haysay, qolada leexsatay alaabtiisana uu aqoon fiican lahaa, isha shartaas oo dhanna waa u muuqatay xaashi oo uma baahnayn in uu baaritaan sii sameeyo.

Isaga oo wabiga jiinkiisa fadhiya Timajilic hawa macaana ku qaadanaya ayuu xaashi u yimid.
“Kuguma qaadan waqti fog in aad i hesho xaashi ayuu Timajilic ku war bilaabay”
“Saaxiibkayga muddada fog aan isla soo qaadanay God walba uu galo igama dhuuman karo ayuu ugu war celshay” Xaashi.

Tima jilic oo warka kusoo noqday ayaa dareensiisyay xaashi sababta iyo sida uu garabkiisa uga baxay, laakiin xaashi ayaa ku yiri “gurigaada halkan ayaa laga arki karaa qiiqiisa isaga oo dareensiiyay in socodkanba uu ka yimid gurigiisa dabna uu soo qabadsiiyay qiiqiisana halka ay taagan yihiin ay ka arki karaan”

Timajilic wuu ogaa in sababta xaashi u yimid ay ahayd in uu naftiisa qaato isagana uu u diyaar garoobay balse xaashi ayuu noqday midka ay guusha raacday oo si fudud uga takhulaysay Timajilic.

Xaashi oo ka soo jeestay qudh goynta tima jilic ayey indhihiisa qabteen wiil yar oo kaluumaysata ah oo waxa dhacaya dhan in uu daawanayay u muuqday.

Xaashi kuma mashquulin wiilka yar oo wuu ka sii dhaqaajiyaya laakin marka uu gurigiisa yimid ayuu Haajir oo ahaa gacan yare u daacad ah il naxdana aan lahayn ku yiri “wiil yar ayaa i arkay markaan qaarijinayay Timajilic ee soo qabo wiilkaas”

Khadra oo warmoog ah ayaa timid xaafada reer Xaashi iyada oo ogayd in aabaheed iyo xaashiba ay saaxiibo ahayeen, maadaama aan aabaheed muddo 5 maalin ahna la arag usoo qabaar doonatay Xaaji Xaashi, sidoo kalana ku war galisay in uu girigoodi uu dab qabsaday.
Xaashi ayaa ku yiri “dhib ma lahan adeer, aabahaa wuu soo muuqan doonaa, waad ogtahay waayadan xaalkiisa ma fiicnayn oo khamaarkiisa iyo buuqiisa ayaa badnaa, laakin arrinta guriga aniga ayaa idiin hagaajinaya.
Khadra oo ka mahad celinaysa farxadna muujinaysa ayaa goobta isaga dhaqaaqday.
La soco qaybta 2aad Jimacaha walba
W/Q : Mohamed Musa Sh.Noor
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN