Baadi goob Baahi badan!!!. W/Q :Mohamed Muuse Sh. Nuur

                                             Baadi goob Baahi badan!!!

Qaybt 6aad
Amiin farshaxamiiste oo ahaa nin ku wanaagsan farshaxamada qaaliga ah ayey codsi u diratay ilhaan si dukaankeeda cusub uu alaab uga gado, laakin markii ay magaceeda dambe ee xaashi uu ka maqlay ayuu ku yiri lama ganacsado mooryaanta iyo caruurtooda.
Ilhaan oo garan la’ halka uu kala qaaday ayaa ku tiri “aabahay iyo anigaba nama taqaanid hadana waad na caaysay, belo wax kaa soo raadsatay” wayna ka dhaqaajisay goobtiisa.
Isla markii waxay taleefon u dirtay C/ rashiid oo ka caawinayay in dukaakeeda farshaxanka ay alaab qurxoon u hesho isaga ayuuna ahaa qofka u tilmaamay Amiin.
” si asluubaysan ayaan ula hadlay laakin marka aan magacayga sheegay ayuu inta wajiga baddashay caay ii dhaanshay, iguna yiri waxaa tahay gabadha Mooryaan, dabcan waa beentiis oo aniga sidaas ma ihi laakin halkuu ka keenay tilmaantaas xun uu aabahay ku tilmaamayo.
C/ rashiid oo dajinaya ayaa yiri waa cajiib xaguu ka keenay tilmaantaas aadka u liidata, waan aqaanaa amiin bal waan u tagayaa lana soo hadlayaa waana kugu soo warcelin doonaa.
C/ rashiid kaarar badan ayuu u baandheynayaa reer xaashi wuuna ku dhex jiraa wiilkoodana wuu yahay, kalsoonida qoyska reer xaashi dhammaan wuu haystay hadana dabkooda ayuu babinayay waansa arki doonaa halka uu gaarsiiyo.
Maryama xaalkeeda dhaqaale aad ayuu u liitaa mana oga in koontadeeda ay lacag ka buuxdo, waxay timid farmashiyo gabar ay asxaab yihiin ka shaqayso markan waxay raadinaysaa Daawada antibiotics si ay ugu dawayso gacaliyaheeda Qadar oo xaaladdiisa caafimaad aysan wanaagsanayn diidayna in isbitaal loo qaado isaga oo ka baqaya in cadowga banaanka ku sugaya ay arkaan marka uu albaabka ka baxaya.
Yaasin wuu tuhunsanaa mar walba wuuna ogaa in maryan wax ka qarinayso balse qaab uu u wajaho ayuu garan waayay wuxuuna meeraysan jiray sida badan meel ku dhow Xaafadda Maryan, isaga oo is leh bal waa intaas oo Qadar heshaa.
Maryan daawadii markii ay soo qaadatay ayey soo martay meel ay cabitaan ka cabi jirtay, nasiib wanaag waxay kula kulantay Muxudiin oo isagana usoo cabitaan doontay isla meesha, isaga maba u jeedin iyada ayaa saalaan kadib ku tiri ” igama dhaadhicin doontid in aan u shaqeeyo aabahay xaashi hubaal”
“Cabitaan oo kaliya ayaan meeshan u imid i aamin ayuu ugu war celshay”
Sidee kuu aaminaa ayey ku tiri waxaa tahay qareen ii qarsoonaa, hadana ah xisaabiyaha uu aabahay aaminsan yahay anigana aabahay iyo kooxdiisaba dagaal ayaa igala dhaxeeyo”?
Isaga oo inta cabitaankiisa dhamaystay lacagta iska bixinaya ayey ku tiri dayntii aan ii soo raadi ku iri ma ii heshay? Nasiib darro maya ayuu ugu jawaabay.
Raja xumo iyada oo muujinaysa ayey ku tiri, “waa dhib wallaahi, xaalkayga dhaqaale Alle ayaa og, xaalkayga wuu sii cuslaanayaa waqti walba, raja badan ayaan ka qabay in aad wax uun ii keeni doonto laakin waa okey haddii ay sidaa noqotay ayey maryan hadalkeeda kusoo gunaanaday, halkaas ayeyna ku kala tageen.
Hooyo siciido oo waayadan dareen aan wanaagsanayn ka qabto xaaladaha cusub uu ninkeeda la soo baxay ayaa u timid C/ rashiid.
C/ rashiid ayaa yiri “Alle maxay la yaab tahay maanta, hooyo siciido soo dhowow maxaan kuu qabtaa, maanta booqashada aad xafiiskayga ku timid ma ahan mid sahlan”?
Siciido: haa waxaan kaa doonayaa in aad ii samayso axsaan.
C/ rashiid : dabcan diyaar ayaan kuula ahay fadhiiso bal.
Siciido: waxaan kaa doonayaa in aad wiilkayga ka caawiso sidii uu awood ugu yeelan lahaa in uu booska aabihiis kala wareego oo uu maamulo shirkaddan.
C/rashiid oo indhaha isku qabanaya ayaa yiri ilhaana xaalkeeda waa sidee, waxaan is lahaa ilhaan ayaa u diyaarsan howshan.
Ilhaan uma diyaarsana howshan ayey siciido tiri iyada oo usii carabaabaysa in ilhaan ay go’ aansatay in ay maamulato shaqadeeda farshaxanka ah marka ma jirto cid kale oo kaga haboon Daahir.
C/ rashiid ayaa yiri ma ogtahay in daahir uu mar walba kuu baahan doono oo uusan isku filnaasho wali gaarin, teeda kale xaaladdiisa daroogada ayuu qeexay.
Siciido oo hadalka ka dhex galaysa ayaa ku tiri dabcan wuu ii baahanayaa, anigana waan garab istaagayaa, laakin ilhaan iima bahna shaqadeeda kale ayey ku kalsoontahay xaalkeedana uma liito sida daahir oo kale.
“Daahir wuu noo wada baahan yahay, adiga walaalkiisa camal ayaa tahay anigana hooyadiis, ma igu caawinaysaa arrinkaa ayey hadalkeeda kusoo gabagabaysay?
C/rashiid oo gacanta galinaya siciido ayaa ku yiri ” dabcan haa, diyaar ayaan u ahay, adiga hooyadey oo kale ayaa tahay, waxba kaama diidi karo, laakin waxaan ku waydiin lahaa hooyo siciido, ma kuu sheegay Xaaji xaashi sababta uu markan u damcay in uu howl gab noqdo oo shaqada warejiyo?
Waxay tiri 25 sano ayaan is qabnaa, ma kula tahay in uu wax walba ii sheegto? Waxba iima sheegto ayey isugu jawaabtay iyada oo si la yaab leh madaxa u ruxaysa.
C/rashiid ayaa ku yir, waa la yaab, na keen aan albaabka kusii geeyee, inta ay sii socdeen ayey arkeen Faahir oo naqshad maamul uu sameeyay kala rogaya.
Daahir!! ayey siciido si la yaab leh u tiri,.
Daahir oo is giijinayaa jilbaha inta is dulsaartayna faraha kala rogayaa ayaa yiri “waa howl culus maamulidda shirkadda, balse in aan ka bixi karo ayaan aaminsanahay.
C/rashiid howlhiisa kala rogid iyo kalsooni kasbashada qoyska reer xaashi ayuu ku jiraa, markan wuxuu booqasho ugu tahay amiin farshaxamiiste si uu uga dhaadhiciyo in uu sawiradiisa ka gado ilhaan si ay dukaankeeda ugu quruxsato.
Amin wuu ka diiday wuxuuna ku yiri qoys qiyaano iyo xaaraan ku nool kuma caawinayo farsamadayda Xalaasha ah,.
C/ rashiid ayaa ku yiri ” reer xaashi oo la ganacsataa dhaqala badan ayaa ka samayn kartaa”
Amiin ayaa yiri wax walba lacag laguma gadan karo, haddii farshaxankayga lacagta la doono lagu gadan karana qiimaba ma lahan, sababta aad iigu timidna waa in uu farshaxankayga qiima leeyahay, farshaxanka waa noloshayda, dareen daacad ah oo xalaal ah ayaan ku sameeyaa mana doonayo Uskag iyo qof aan fahmayn macnihiisa in uu sidoo doono uga macaasho.
C/rashiid ayaa isaga oo u muujinaya dhibaatada uu kala kulmi karo qoyskaa ku yiri, nabaddaada in ay ku jirto ayaa suurowda ee naftaada iyo shaqadaadaba wax aan macna lahayn qatar ha u galin.
Amiin farshaxamiiste ayaa ku yiri ” ma hanjabaad baa taas?
C/ rashiid ayaa ku yiri maya ee waa dhabta nolosha magaaladan ka jirta.
” Ka bax meeshayda ayuu ku yiri amiin”
Maryama xaaladdeeda dhaqaale waa sii xumaatay walina ma aysan eegin koontadeeda, waxay bilowday wax walba oo hooyadeed ay ka tagtay in ay xaraashto si ay ugu deen baxdo nololna ugu raadsato.
Nolosheeda waxaa usii dheer isha kaliya ee ay dhaqaalaha ka heli jirtay oo ahaa Qadar oo isaga oo tacbaan ah u saaran sariirta xaaladiisana aysan ka soo reynayn, banaanka in uu u baxana uu ka diiday.
Muxudiin oo xaaladdeeda si hoose ula socday ayaa ku wargaliyay aabaheed xaashi in gabadhiisa ay xaraashayso wax walba oo guriga hooyadeed yiilay.
Xaashi ayaa ku yiri tartiib ula soco xaalkeeda howsha meeshii aan la rabay ayey maraysaa.
Dhinaca kale c/rashiid in uu soo ogaado halka laga qaban karo taliye daacad ayaa loo xil saaray, waa kan taliya daacad oo iskoolka gabadhiisa ay dhigato booqanaya iyo c/rashiid oo si lama filaan ah usoo galay gaarigiisa kuna yiri gabar qurux badan ayaa dhashay?
Taliye daacad : maxaad rabtaa?
C/ rashiid : in aan ku caawiyo ayaan doonayaa, waxaa la ii sheegay in xaaskaaga ay dhibaato idiin dhaxayso dhibaato dhaqaale, waan kaa caawin karnaa taas, isaga oo isla markiiba lacag ka soo baxshay jeebkiisa, kaamiriiste intaas sawirana soo diyaarsaday.
Taliye daacad ayaa gacmaha kor u taagay isaga oo diidaya in loo arko in uu laaluushka qaato, waa sida la rabay kaamirada waa ku dhacday, taliye daacad oo qaylinaya ayaa yiri
“Iiga bax gaarigayga ma in aad i laaluushto ayaad isku dayaysaa”
C/ rashiid oo dantii uu lahaa gaaray ayaa ku yiri haddaad iga diiday dhib ma lahan shaqadaada gudo maca salaamo.
Waxaa ka sii darayay xiriirka siciido iyo ninkeeda Xaashi, siciido waxay dareentay in wax badan ka qaldan yihiin ninkeeda taasna ay sabab u tahay illowshiyaha badan iyo marmarsiiyo badan oo ay is lahayd waxaa samaynayay Haajir, balse dhabta ay ahayd in tuhunkaas dhan uu ku wajahnaa dhanka ninkeeda laakin aysan dareemi karayn.
C/ rashiid wuxuu ciyaarayay ciyaar wajiyo   kala gaddisan leh, wuxuu doonayay in uu u dhawaado ilhaan si qorshayaashiisa oryaas
reer xaashi uu halkaa ugu gaaro, dhanka kale islaantiisa Najma oo qorshaha la wadday oo dareentay culays badan oo dhanka ninkeeda in uu gacanteeda ka sii baxaya ayaa u sheegtay in ay jeclaan lahayd in ay Uur u qaado si xiriirkooda uu u adkaado.
Khadra wali wax war iyo wacaal ah aabaheed kama helin, booliska arrintaa waa ogaayeen laakin waxba uma sheegin cidna, daahir oo khadra arrintaa kala hadlayana wuxuu yiri booliska u tag oo arrinta kala hadal in ay ku caawiyaan ayaa suurowda
Khadra ayaa tiri bal isbitaalada ayaan ku wareegayaa in aan war ka helo ayaa suurowdo ee ma i raaci kartaa daahirow.
Daahir ayaa uga cudur daartay in howlo badan ay isaga xiran yihiin oo uusan raaci karin.
Yaasin wuxuu xabsiga ku booqday macallinkiisa Guure oo uu doonayay in uu xoogaa war ka siiyo halka xaalku marayo iyo caqabadda ah in Qadar oo baxsad ah la la’ yahay, balse uu ku raad joogo.
Guure ayaa taa baddalkeeda ugu bishaareeyay in uu isla maanta xabisga ka bixi doono, wax badana ay is baddali doonaan oo cashirro lama illaawaan ah ay u dhigi doonaan Xaashi iyo kooxdiisa.
Dhinaca kale waxaa cabsi galin lagu billaabay Amiin farshaxamiiste oo darbiga bakhaarkiisa farriimo cabsi galinaya loogu dhajiyay.
Amiin isla markiiba wuxuu bilaabay in uu magaalada ka xir xirto xaaladduna aysan usii wanaagsanaanayn haddii uu sii joogo.
Waxaa wali sii socday daba galka taliye daacad uu ku waday xaashi, isaga oo markan dib u eegis ku bilaabay caddaymaha uu ka dul helay maydka Tima jilic waxa uu kala kulmayna xanaaq iyo ciil kadib markuu ogaaday caddaymihii oo dhan in la wada baddalay isaga oo qaylinaya ayuu dhammaan kooxidiisa ku yiri “qof inagu dhex jira ayaa baddalay wax walba”
Mid ka mid ah kooxda taliye daacad ayaa muujisay in ay aad uga xuntahay xaashina uu yahay nin awood badan oo sirdoonka iyo ciidanka qaybihiiisa kala duwan ay dhamaan isaga la shaqeeyaan ayaa Taliye daacad kusii tiri waxaa la joogaa waqtigii aan wargalin lahayn qoyska Timijilic intaan ka badan waxba ma sii qarin karno mana sii haysan karno maydkiisa, laakin taliye daacad ayaa gaashaanka ku dhuftay soo jeedintaas.
Xaashi qudhiisa ciyaarta si adag ayuu ula ciyaarayay taliye daacad oo dhan walba ayuu ka eegayay xaaladaha soo kordhayay jiifna uma aalin maadaama lagu raad joogo dilka tima jilic.
Maama siciido iyana waxay xooga saaraysay wiilkeeda daahir oo ay doonaysay in uu ka soo dhalaalo tijaabada shaqo iyo fursadda la siiyay, sidoo kale waxay xooga saaraysay in daahir noqdo kan aabihiis baddali lahaa wadda kasta oo ay taa u mari kartayna waa soo qaaday, cadaadiska ay daahir ku haysayna wuu sii kordhayay inkastoo daahir qudhiisa uu dadaal muujinayay.
Maryan waxay iyana ku guda jirtay xaraashka wax walba oo ay wada lahaayeen labadeeda waalid waa tan markan beecinaysa hadaiyad qaali ku ahayd hooyadeed oo aabaheed xaashi u hibeeyay, xaashi qudhiisana qaali ku ahayd.
C/rashiid oo xaaladda xaraashka si hoose ula socday ayaa hadiyaddaas ka gatay maryan iyada oo dhowr jeer waydiisay sababta balse uu ku gaabsday in maadaama ay beecinayso qiimaha ay ku doonaysana uu diyaar ula yahay ay ka iibiso sababtana ay iska daayso waa haddii ay beec wax u yihiin, maryamana qarash xumo ayaa awalba ku kalliftay arrinkaa maqlay oo ku adeecay ayey uga iibisay.
Muxudiin ayaa yimid inta ay wada hadlayeen maryan iyo c/rashiid, maryan oo ku kajamaysana waxay tiri waa kan kii kalana wayna iska sii dhaqaajisay, muxudiin oo qoslaya ayaa isna yiri adigana ma xaashi ayaa kusoo diray? C/ rashiidna qosol ayuu maya ku yiri.
Salaan kadib muxudiin gudaha ayuu maryan la sii aaday.
Muxuudiin si dareen leh ayuu ugu sii dhawaanayay maryama waxaana laga dareemayay in howshiisa sida C/ rashiid oo kale aysan ahayn oo uu dareen u qabo maryamo balse wali uusan soo shaac bixin.
Aqbaar hoose oo ay soo gudbiyeen sirdoonka Xaashi ayaa tilmaantay halka lagu hayo alaabtii laga dhacay iyo cidda dhacdayba tuhunkooda awal guure ayuu ku jeeday hadana taas waa u xaqiiqowday, xaashi isla markiiba haajir ayuu ku wargaliyay in ay weerar qaadayaan sidoo kale wuxuu la wadaagay qaabka ay u weerarayaan laakin haajir oo la talinaya saaxiibkiis ayaa xaashi ku yiri xaashi waad ogtahay in daba gal lagugu hayo howshan maad ii dhaaftid aniga ayaa ku filanee xaashi oo taa ka jawaabaya ayaa yiri wali ma aadan isoo duugin ee ina keen aan xaqeena soo dhacsanee.
Khadra iyana waxay raadin ugu jirtay aabaheed timajilic war iyo wacaal halka ay ka heli karto sawiradiisa ayey dhigaysay isbitaalada iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan sidoo kale ardaydeeda, waxayse niyadda usii qabowday markii  uu daahir si lama filaan ah raadinta ugu soo biiray oo u muujiyay sida uu u garab taagan yahay xilliga adag ee ay marayso.
Waxaa isla soo kowsday Guure oo xabsiga ka soo baxay iyo xaashi oo ceshtay alaabtii ay kooxda guure ka dhaceen, Guure ayaa amar ku baxshay in la soo dilo Qadar gabadha maryan ahna la soo qabto.
C/rashiid ayaa uga yaabsaday xaashi hadiyadda qaaliga ah, xaashi ayaa aad uga mahadnaqay hadiyadda iyo sida uu mar walba u jecelyahay farxad galintiisa, laakin siciido oo aan ku farxin hadiyadda uu c/ rashiid keenay ogaydna macnaha hadiyaddaas ayaa c/ rashiid ku amartay in uu la laabto hadiyaddaas, teeda kale waxay ku wargalisay xaashi in uu sugayo taliye daacad.
Xaashi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay taliye daacad, taliye daacad oo warka ku hormarayna wuxuu sheegay in wax caddayn ah uu u waayay dambiyada uu horey shirkaddiisa ugu soo oogay taana uu raali galin ka bixinayo.
Xaashi ayaa ku yiri taliye daacad soo ma wanaagsana in aan saaxiibo u noqono sidii taliye tima jilic oo kale, wada shaqaynana.
Taliye daacad ayaa yir maadaama aad hadalkiisa soo qaaday, sawiradiisa bal eeg, adiga ayaa sidaan u galay caddaymana waan kuu hayaa ee xageed jirtay marka uu dilka dhacayay.
Xaashi oo taxaddaraya ayaa baxshay jawaabo uu is leeyahay waad uga nabad gali kartaa weerarka ba’aan ee uu markaas taliye daacad hayay.
Taliye daacad oo waddo uu ku xiro waayay ayaa ku yiri xaashi igama fakkanaysid, waan kusoo qaban doonaa laakin maanta maahan.
Xaashi ayaa yiri shaqadaada gudo anna tayda ayaa wadanayaa laakin dagaalka aad waddid kuma guulaysanid waan hubaa.
Dhinac kale waxaa xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay oo qasab ay noqotay in isbitaal la geeyo Qadar, laakin nasiib darro intii ay waddada kula sii jirtay ayuu yaasiin oo sheedha ka eeganayay dhexda uga soo baxy halkaasna ku dilay Qadar, laakin maryan oo uu dili karay iska dhaafay kuna amray in ay afkeeda qabsato haddii ay nolol doonayso, maryana maqlay oo ajiibay ayey nafteeda ku badbaadsatay.
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor
La soco qaybta 7aad Jimcaha
Ekisyare@hotmail.com 

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN