Baadi goob Baahi badan!!!. W/Q :Mohamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!

Qaybta 8aad
Waxaa weerarka iyo dhagartiisaba aysan kala joogsi lahayn c/rashiid oo markan go’aansaday in uu gudbiyo warbixin sir sharaf dil u ah Xaashi, wuxuu si hoose ula shaqeynayay C/ casiis wariye.
C/ casiis waa wariye is qariya oo dhowr jeer sir uu ka helay C/ rashiid ku baahiyaya saxaafadda, waxaa si hoose u isticmaala c/ rashiid, isagana in uu aqbaartaas gudbiyo wuxuu ku kasbadaa shacab badan oo daneeya wax ka ogaanta boqortooyada reer Xaashi.
C/ casiis wariye waqti badan kuma qaadan baahinta ceebaynta xaashi iyo qoyskiisa waxayna arrintaas saamayn murugo leh ku yeelatay Ilhaan iyo ganacsigeeda farshaxan ee curdunka ah.
Xaashi oo dajinaya gabadhiisa ayaa ku yiri “is adkee aabe, waxaan waa wax dhici jiray, boqortooyadan aad arkaysana wax intaa ka badan iyada oo ay daba socodaan ayey halkan timid, dhib ha u arkin, dadaalkaaga sii laba jibaar”.
Ilhaan tiiraanyo xoogan ayey arrintaa ka qaaday inta ay oynaysay qaylinaysayna xaashi waxaa ka tagtay xusuusta ilaa ilhaan iyo hooyadeed ay la wada yaabaan qaabka xaashi muuqaalkiisa uga falcelinayay ilhaan arrinteeda.
Ilhaan oo la yaaban aabaheed ayaa waydiisay aabe maxaa dhacay, calaacalkeyga miyaa ku dhibaya?
Shib iyo la yaab uu naftiisa la yaaban yahay ayuu xaashi ka fakarayay, haajir oo goobta taagna isla markaana fahmay xaaladda ayaa cabitaan meesha yiil si kas ah ugu dhacay isaga oo doonayay in dhacdadan lala yaabay uu dareenkooda ka jeediyo Siciido iyo Ilhaan. Xaashi oo isna dhankiisa ka soo baraarugay ayaa inta dhaqaajiyay meel iska fadhiistay.
Haajir ayaa uga daba yimid wuxuuna waydiiyay sida uu yahay iyo waxa dhacay.
Xaashi oo jawaabay ayaa yiri waa la yaab in gabadhayda oo hadlaysa aan hadalkeeda hal xabo ka fahmi waayay ee siduu jawiga ahaa , miyey i fahmeen, amey wax iga dareemeen?
“Ma aqaan ayuu haajir ku jawaabay” laakin xaashi oo arrimahan aan doonayn in ay hadda soo ban baxaan ayaa yiri sidan kuma socon karo, nololna ma ahan fadlan kaamirooyin iigu wada xir goobaha aan ka dhahiisto gurigayga iyo xafiiskayga si ugu yaraan aan dib ugu daawado muuqaalada falalka iga dhaca ee aan hilmaamo.
Dhinaca kale wariyahan mar walba sirtayda soo burqinaya la xaal, ma aqaan sababta c/ rashiid uu ula xaali waayay, arrintan adiga ayaa u xilsaaran meel soo saar, wariyahaas warkiisa dambe yuusan i buuqin .
Haajir wuxuu ku wargaliyay c/ rashiid in xaashi aad uga xumaaday wariyahan warka xun baahinaya, c/ rashiid oo taa ka jawabaya ayaa yiri saaxafadda uu u shaqeeyo ayaan la xiriirayaa maanta.
Haajir ayaa ku yiri waqtigaada waa qaadatay, xaashina arrintan in loo wajaho qaabka aad u wajahaysid qaab ka duwan ayuu igu amray, waadna ogtahay wixii xagayga soo maro qaabka aan ula dhaqmo ee fadlan waa kuma Wariyaha?
C/ rashiid oo isku dayaya in arrinta wariyaha la qaboojiyo ayaa yiri arrintan ma ahan arrin xoog ee waa arrin xeelad, aniga ayaa ku dhex jiro ee ii daa.
Haajir waa nin shaqadiisa yaqaan daacadna u ah xaashi, isla markiiba waxaa is baddalay muuqakiisa wuxuuna ku amray c/ rashiid magaca wariyaha in uu siiyo iyo halka uu ka shaqeeyo ama isaga uu raadsanayo xaashina u sheegayo in uu wax adkenayo.
Haajir ayaa dareemay in c/ rashiid uu darbiyada garaacayo oo uusan doonayn in uu la shaqeeyo laakin markan awood ayuu adeegsaday kadib markii computer uu isku mashauulinayay si qasab ah uga laabay ilaa uu naxay c/ rashiid magicii laga rabayna dhiibay.
Haajir markii uu magaca helay ayuu isla markiiba dhaqaajiyay oo raadin ugu dhaqaaqay c/ casiis wariye.
C/ rashiid oo isla markii haajir dhaqaaqayna teleefon u diray c/ casiis ayaa ku wargaliyay in uu naftiisa la baxsado.
Haajir waa gacanta military ee xaashi, waa daacad wixii loo diro sida loogu diray usoo qabta, dhiigiisa iyo kan c/ rashiid isma ogola.

Haajir mar walba wuu dareensanaa  in c/ rashiid uusan daacad u ahayn qoyska iyo shaqadiisaba, hadana wuxuu haystay kalsoonida xaashi oo ka dhigtay wiilkiisa.
Waxaa sii badanaya shakiga uu ka qabo c/ rashiid xaashi xaaladdiisa, balse dhinac uu u jiheeyo ayuu garan la’aa, waa kan kala tashanaya xaaskiisa Najma.
“Waxbaa qaldan uusan xaashi ii sheegayn, ma dhicin in uu waligiis wax iga qariyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Taas waa mid shakiga sii kordhinaysa, laakin yaan lagaa dareemin dareenka aad ka qabto qoyska reer xaashi ayey ku tiri Najmo.
” hagaag in sidaa loo dhigo waa fududahay, shaqada qaybteeda adag ee sharciga aniga ayaa qabta, waa aniga kan wax walba oo qaldan sax ka dhigo, xumaan walbana wanaag u ekeesiiya, halka xaashi uu danihiisa hoose iska wato anigana iga dhigay qof aan jirin, ma kula tahay in ay haboonayd in uu wax iga qariyo maadaama uu wiilkiisa camal igu tilmaamo, qareenka shirkaddana aan ahay”
Soo lagama yaabo in culaysya badan ay dhinacya kale ka haystaan, mid ayaan hubaa in xaashi ku jecel yahay kuna aaminsan yahay ayey Najmo isku dayday in ay ugu maan qaboojiso C/rashiid.
Khadra oo xaaladda aabaheed la daala dhacaysa ayaa u timid daahir oo markaa sarqaansan, waxay doonaysay in ay kala hadasho xaaladda aabaheed iyo tuhunka laga qabo qofka dilay, jawigooda ma ahayn jawi wanaagsan kadib markii ay Khadro ku qanci waysay qaabka uu hadaladeeda ula jaan qaadayo Daahir, teeda kale khadro waxay aad uga xumaatay kadib markii uu daahir ku yiri aabahaa si walba ayuu ii necbaa wada jirkeenana kuma faraxsanayn, hadda hadduu meesha ka baxay waxay ii tahay Qodax iga siibantay.
Kama aysan filayn xilligan adag in ninka ay jeceshahay uu sidaas ula dhaqmo aad ayey uga carootay waxayna uga istaagtay fadhiga halkaana waxaa ka bilowday kala fogaanta khadra iyo Daahir.
Taliye daacad oo raja xumo iyo guul darro waayadan la daalaa dhacayay ayaa helay war farxad leh, waxaa loo soo sheegay in la helay marqaati indhihiisa ku arkay qaabka uu xaashi dilka ugu geystay Timajilic, waa wiil yar oo goobta markaa taagnaa indhihiisana ku arkay qaabka wax u dhaceen.
Xaashi oo sirdoonkiisa ay ka sarreeyeen kan taliye daacad ayaa isla markiiba aqbaartaas helay, wuxuuna gacanta kusoo dhigay wiilkii yaraa iyo qoyskiisa inta uusan soo gaarin taliye daacad.
Taliye daacad oo aqbaarta loo keenay ku farxay ayaa isla markiiba si dareen la’aan u dhunkaday Sahra oo kiiska  arrintan kala shaqaynaysay.
Waxaa la bilaabay in la raadiyo wiilkii yaraa iyo qoyskiisa taleefonadooda ayaa tix raac lagu sameeyay si loo ogaado halka ay ay ku sugan yihiin, laakin xaaahi oo ka gaashaantay ayaa uga gacan horeeyay wuxuuna ku guulaystay in uu ka dhaadhicyo labada waalid ee wiilka dhashay in ay magaalada oo dhan ka guuraan isaga oo u ballan qaaday in nolol fiican iyo shaqaba uu siin doono wayna ka aqbaleen dalabka ayaga oo u lahaa xaaahi aqoon buuxda ogaana in uu yahay nin awood badan oo hadal lagu soo celin.
Wadda kale uma furnayn aan ka ahayn in ay qaataan dalabka xaashi, maxaa yeelay waxay ogaayeen in xaashi uu naftooda qatar galinayo haddii sida uu rabo aysan yeelin .
Goobtii uu ku tuhmayay qoyka ayuu yimid taliye daacad, wuxuu helay oo kaliya telkii uu tix raacaayay oo looga tagay xaafadda, wuxuuna goobta kula kulmay xaashi oo caro ay wajigiisa ka muuqato.
Xaashi ayaa hadalkiisa ku bilaabay taliye markana ma waxaa doonaysaa in aad igu eedayso in wiil yar aan af duubtay?
Taliye daacad oo hadalka ku dhagay ciilna la qarxi la’ ayaa yiri ” waad iga horraysaa mar walba laakin mar waxaa jiri doonta aan kaa horrayn doono, markaasna si fiican ayaan kuu qaniini doonaa kuuna xanuujin doonaa.
Yaasiin iyo guure kuma farxin sii daynta la sii daayay Maryan, maxaa yeelay ma ahayn qorshahooda taas, hadana naftooda ayaga oo u baqaya isna leh armey idin sheegtay ayey gurigeeda yimaadeen, waa yaasiin iyo mid kale oo la shaqeeyo.
Aad ayey u canaadeen una kalba kalbeeyeen maryan ayaga oo raba in ay kufsadaan ayaa Muxudiin oo awal maryan gurigeeda usoo dhaweeyay balse dareemay in jawiga uusan ahayn mid dagan si lama filaan ah usoo galay qolkii lagu haystay maryan kana badbaadiyay yaasin iyo kii la socday.
Maryan aad ayey ugu mahad celisay balse waxay xaqiiqsatay in xaalad qatar ah ay ka soo wajahayso dhanka Guure iyo Yaasin caawina ay uga baahantahay cid walba oo ka difaaci kartay labadan waxuush.
La soco qaybta 9aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor 

SHEEKOOYIN