Baadi goob Baahi badan!!!. W/Q :Mohamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!
 
Qaybta 9aad
Waxaa xaashi la gaarsiiyay in Guure iyo yaasin ay qatar soo korortay ku yihiin Maryan, xaashi isla markiiba talaabo ayuu qaaday uu ku amrayo in loo keeno Guure hooyadiis.
Dhinaca kale waxaa weeraro aflagaado oo dhinaca saxaafadda ah lagu hayay ilhaan iyo ganacsigeeda farshaxanka, cid kale ma ahayn cidda maleegaysa arrinkaa waa c/ rashiid iyo c/ casiis oo ahaa isha saxaafadda ee c/ rashiid.
Ilhaan iyada oo muujinaysa sida ay uga xuntahay arrintana dhaawac kale ugu tahay shaqadeeda ayey aabaheed ka dalbatay qarash ay ku baarto cidda ka damabaysa dambigan.
Xaashi oo awalba aan la dhacsanayn ayaa yiri waxaad leedahay shaqo socota shaqadaada ka qaado lacagtaada aniga lacag dambe uma diyaarsani in aan howshaas galsho halkaana waxaa ka dillaacay isku dhac iyo caro qoyseed.
Waxaa sii kordhayay walaaca laga wada qabo xaaladaha cusub uu xaashi la soo baxay, qof walba si ayey saamayn ugu yeelatay, qof walba si ayuu ula tacaamulayay.
Hooyo siciido shaki wayn ayey qabtay, shakigeedana wuxuu kusii jeeday Haajir oo ay aaminsanayd in uu yahay fitanada dhan ee ninkeeda iyo balaayada waayahan socota ninka shidaya.
Isaga oo fulinaya amarka xaaahi ee ahaa in uu u keeno guure hooyadiis ayey gaariga usoo gashay kuna tiri “suuqa i gee, waxaan doonayaa in aan yara soo adeegtee”
Haajir ayaa ku yiri kuma geyn karo xaashi ayaa shaqo ii dirsaday ee fadlan gaarigaada qaado.
“Waan kaa walwalsanahay waayadan, gaarigayga ayaan qaadanayaa hadda laakin war ayaa isugu keen laaban la soco, arrinkan wali ma dhamaan” ayey tiri Siciido.
Haajir ayaa yiri maxaan ka wada hadalnaa maxaansa halleeyay?
Ma dareensanid xaaladaha kugu soo kordhay, ma ogid in dhadhacaaga batay, ma ogid miyaa in hilmaankaaga batay, ma ogid miyaa in xaaji xaashina aad mashquulisay ayey siciido tiri.
Dhamaan tilmamaaha ay tilmaantay waa xaashi, laakin Haajir wuxuu daboolay Xaashi xabuunkiisa arrinkaana ay isku ogyihiin Xaashi.
“Saynab quraac inoo keen ayuu xaashi yiri.
Saynab ayaa ugu jawaabtay mudane hadda ayaad quraacatay iyada oo yaab muujinaysa.
saynab waa xaaska Haajir, noloshooda oo dhan waxay kusoo qaateen la shaqaynta reer xaashi, xiriir wanaagsan oo shaqaalanimada dhaafsiisana wuu ka dhex jiray labada Qoys.
Xaashi wuu dareemay in illowgiisu sii badanayo mar walbana wuxuu isku qariyaa si xeeladaysan laakin xaalkiisu wuu ka sii darayay marba marka ka dambaysa.
Illowshiyaha iyo xanaaqa xadka ka bax ah ayaa xaashi kusoo kordhayay marba marka ka dambaysa.
Dhinaca kale c/ rashiid shakiga uu xaashi ka qabo aad ayuu usii badanayay baaritaanadiisa gaarka ahna wuu sii watay, laakin sida uu wax u qiyaasayo wax uma socon.
Maryan iyo muxudiin aad ayey isugu soo dhawaanayeen marba marka ka dambaysa inkastoo muxudiin uusan qarsan jacaylka uu u qabo Maryan, hadana maryan ayaa si taxaddar leh ula dhaqmaysay muxudiin iyada oo mar walba ku qod qodaysay in uu yahay shaqaale u shaqeeya aabaheeda aysana jeclayn ku lug lahaanshiyahiisa.
Dhanka kale waxaa sii kordhayay xiisadda u dhaxaysa Guure iyo reer xaashi, laakin waxaa jirtay xushmad labada dhinac u dhaxaysay ee ahayd in dagaalkooda uusan kusoo lug yeelan qoysaskooda dhaqan iyo fakar labada dhinac ay isku waafaqsanaayeen ayey ahayd taas.
Guure iyo Yaasiin maadaama ay sharicgaas jabiyeen ayna ku xad gudbeen maryan oo ahayd gabadha xaashi waxaa laga fursan waayay in hooyada guure oo wiilkeeda dhaqdhaqaaqiisa la socotay in miiska la keeno.
Iyada oo suuqa ka soo adeegaysa ayuu haajir waddada kula kulmay una sheegay in uusan ku faraxsanayn in uu waddada kula kulmo iyada oo xaalad wanaagsan aysan jirin balse uu ka fursan waayay oo amar ka yimid Xaashi uu ugu yimid kuna wadayo.
Hooyo Ruqiyo oo ahayd guure hooyadiis oo xushmad wayn u haysay mar walba xaashi ayaa aqbashay kulanka aysan ku tala galin ee ay la yeelanayso Xaashi.
Ruqiya waxaa la keenay guriga xaashi halkaas oo ay xaashi kula kualntay looguna sharraxay waddada qatarta ah ee wiilkeeda cagta saaray, haddii uu kusii socdo dhibaatayta Maryan.
Hooyo ruqiyo dhankeeda waxay sharraxday waxa wiilkeeda doonayo iyo in xaashi iyo kooxdiisa aysan uga tagin jaanis yar uu ku ganacsado oo xitaa ay qaateen macaamiishiisa taasna ay tahay midda sabababysa in uu kaalmo u raadsado qolo kaste oo ka caawin karta noolaynta shaqadiisa.
Xaashi ayaa u sheegay in uu qorshaynayo in uu dhawaan ka baxo ganacsigan uuna wiilkeeda guure jaanis wanaagsan u siin doono in uu shaqaysto laakin uusan lug ku yeelan wax yeelaynta qoyskiisa.
Hooyo ruqiyo aad ayey u fahamsanayd in shaqadan lagu jiro ay tahay mid qatarteeda wadata balse uu jiro sharci aan la gudbi karin kaas oo ah in aan qoysaska lagu xad gudbin wax walba ha dhacaan.
Ruqiyo waxay sheegtay in dhibka dhan uu yaasiin yahay, yaasiina uu isku ekeesiyo nin ka amar qaata wiilkeeda laakin uusan ka amar qaadan oo waxa uu doono sameeyo, halkaas marka ay marayso ayuu xaashi ka codsaday in ruqiyo ay usoo gacan galisp Yaasiin, wayna ka aqbashay, waxayna u balan qaaday xaashi in u soo baaqi doonto marka ay aragto waqtiga munaasabka ah ee gacanta lagu dhigi karo Yaasin.
Guure wuxuu maqlay in hooyadiis xaashi watay wuxuuna aaminay in hooyadiis aysan nolol kusoo laaban doonin isaga oo yaaban aadna u walwalsan ayey hooyo ruqiyo soo laabatay, waxayna kulan albaabada u xiran yahay la yeelatay wiilkeeda guure una sharraxday xaalka sida uu yahay iyo wixii ay xaashi kala kulantay teeda kalana xaashi uu doonayo in uu isaga la kulmo balse, waxaas oo dhan ay ku xiran yihiin hal shardi kaas oo ah in xaashi loo gacan galiyo Yaasiin.
Yaasin shaki wayn ayuu mar walba ka qabay guure hooyadiis wuxuuna alabaabka ka dhageesanayay wax walba ay kuwada hadlayeen labadooda.
Dhianca kale taliye daacad oo geed walba u fuulayay in uu soo xiro xaashi ayaa xiriir hoose la samaystay guure iyo yaasiin, si taliye Daacad geed loogu xirtana Guure iyo yaasiin waxay xadeen bastooladdii taliye daacad isaga oo ku jira goob lagu jimicsado sidoo kale taliye daacad wuxuu ahaa mid daroogada qaataa, guure iyo yaasiina way ogaayeen in nin askari ah aan la aamini karin sidaa darteed waxay diyaarsadeen qorshihii ay geed ugu xiran lahaayeen taliye daacad taasna waxay noqotay in ay isticmaalaan bastooladiisa una adeegsadaan in ay ku dilaan laba qof.
Kadib markii ay sidaa sameeyeen ayey taliya daacad ku wargalsheen waxa ay samaeeyeen iyo sababta ay u sameeyeen, taliye daacad aad ayuu uga xumaaday arrintaa qorshihiisa ahaana in uu hal dhagax kuwada dilo laba shimbirood waxaa soo wajahay qatar uu isaga naftiisa uga mid noqon karo kuwa uu doonayo in uu xabsiga ku rido isaguna wuu ogaa in meel uu uga baxsado arrinkan aysan jirin.
Taliye daacad markan waxaa usoo baxday in uu aqbalo xaaladiisa dibna uu u ciyaaro kaararkiisa ah in marka hore uu la shaqeeyo yaasiin iyo guure kadibna uu iyaga ku rogo sidii uu uga takhallusi lahaa.
Waxaa isi soo tarayay walwalka uu xaashi ka qabay qatarta ay wajahayso gabadhiisa maryama wax walba ayuu u sameynayay in uu ka difaaco qatar walba, markana wuxuu kaamirad ugu dhiibay muxudiin oo ku yri meel ka mid ah guriga maryan dhig iyada oo ku ogayn si aan ula socdo amaankeeda.
Maryan waxay ahayd xubinta uu u jilcanaa xaashi oo qofkii doonaya in uu dhaawaco xaashi uu xanuunka halkaas ka dareensiin karay.
Laakin caqabad ayey sidoo kale maryan ku ahayd aabaheed oo ma aysan ogolayn mana u fahamayn sida uu doonayo in ay u fahamto.
Xaashi marka uu kaligiis noqdo wuxuu dib u milicsanayay waayihii wacnaa ee uu la qaatay maryan hooyadeed Hibo iyo sidii ay ku kala tageen, waxaa soo baxayay xusuuso sir qaas ah u ahayd xaashi sababta ay u kala tageen maryan hooyadeed uu ku lug lahaa siciido aabaheed oo xaashi ganacsi kala dhaxeeyay kaasna uu ahaa midka ku qasbay xaashi in uu siciido guursado haddii uu doonayo in uu shrko ganacsi la sii ahaado, xoolaha xaashi uu maanta haystana qayb ka mid ah uu ka dhexlay siciido aabaheed.
Wuxuu xaashi sidoo kale ku milicsaday xusuustiisa wacnayd sida uu uga takhalusay balse qof og aysan jirin c/rashiid aabihii kadib markii uu jaclaaday maryan hooyadeed markii ay kala tageen xaashi oo ay uga tagtay shaqadiisa oo aysan jeclaysan darteed.
Hooyo hibo maadaama ay xaashi kala irdhoobeen sababahana aysan ku ekayn oo kaliya shaqadiisa balse uu sir ahaan ugu sheegay cali oo ahaa markaa saaxiibka qaaliga ee xaashi sidoo kalana ahaa c/ rashiid aabihii in uu guursan doono siciido sababa dhaqaalana u guursan doono.
Hooyo hibo aad ayey uga xumaatay in xaashi uu sidaa damaciisa usii dilmo, waxay mooday in ay iyada uga tagtay shaqadiisa oo xun darteed balse uu cali u sheegay in xaalku uu sidaa ka waynaa hadana ay ogaatay in xaashi damac adduun uu uga tagi lahaa haddii ay la sii joogi lahayd.
Xaashi wuxuu sii milicsanayay saaxiibkiis Cali oo wax walba u ahaa aadna u aaminsanaa sida u daba gaddiyay jacaylka qura ee uu dunida ku lahaa, taasna ay kalliftay in xaashi uu si dadban uga takhalluso saaxiibkiis wiilkiisana uu isaga korsado isaga oo u ekeeysiinayo in uu wax walba hagaajiyay qof walba oo isaga qayaananaa uu marsiiyay waddadii uu mudnaa.
La soco 10aad
qore: Mohamed Musa Sh. Noor 

SHEEKOOYIN