Baadi goob Baahi badan!!!. W/Q :Mohamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!

Qaybta 10aad
Muxudiin wuxuu dhisayay xiriirka uu la lahaa Maryan, sidoo kale shaqadiisa ayey ahayd in uu noqdo xariga kaliya ee uu xaashi ugu dhawaado maryan kalana socdo xaaladaheeda oo dhan.
C/rashiid howlihiisa ayuu watay uu ku noqon lahaa ninka hogaansha shirkadda xaashi, wuxuuna sameynayay wax walba uu ku gaari lahaa hadafkiisa isaga oo adeegsanaya xiriir wanaagsana la yeelanaya dadka uu is leeyahay waxay kuu noqon karaan jaranjaro uu ku gaaro barta uu tiigsanayay oo ahayd boqortooyada qoyseed ee Xaashi.
Wuxuu adeegsanayay xaaskiis, sidoo kale saddexda cunug ee xaashi oo mid walba xiriir gooni ah uu la lahaa, qaasatan ilhaan uu markan is leeyahay waxay noqon kartaa jaranajarada ugu muhiimsan boqortooyada iyadana gacantiisa ayey ku jirtaa oo jacayl ayuu ku beertay.
Wuxuu ahaa nin qof walba uu la dhaqmo uu jeclaysanayay, Caaqil naxariis badan iskuna dayo in uu qof walba fahmo, sidoo kale wuxuu aqrin jiray doonista uu qofku doonayo iyo ogaanshiyaha waxa uu rabo.
Dhamaan intaas qof aan soo sheegay qof walba wuxuu jecel yahay ayuu la samayanayay hadana si ayuu u  xanuujinayay ayaga oo aan ogayn.
Xaaskiisa Najma iyada oo Uur u leh ayuu uurka ka soo riday isaga oo is leh haddii ay uurka sii lahaato waxay ka baxaysaa furriinka ay ku ballameen si uu u guursado ilhaan, dhankaas wuu ka xanuujiyay gadaal dambe ayeysa ka ogaan doontaa in uu laaluushay dhaqaatiirteeda isaguna uu ka dambeeyay in ay lumiso uurka ay wax badan u soo martay qaadistiisa, laakin wuxuu kala shaqeeyay waxa ay jeclayd oo ahaa in ay mar noqoto Xildhibaanad, taasna wuu gaarsiiyay, balse jacaylka ay jeceshahay ma hilmaami karin taasna waxay sababi gaartay in ay si qaldan u qaraxdo miinada ay u wada aasayeen qoyska reer Xaashi.
Ilhaan waxay lahayd riyo ay doonaysay in ay ku noqoto farshaxamiiste caan ah, wuxuu ogaaday in aabaheed uusan sidaa la doonayn oo uu doonayo in ay ka dhaxasho shaqada boqortooyada qoyska, maadaama xaashi uu horey ugu caddeyay c/ rashiid in qof ilmihiisa ka mid ah uu kala wareegi doono shaqada, isaga si uu taas uga hortago ayuu hubiyay in saddexdoodaba uu xiriir la yeesho si ay ugu wada noqdaana jaranjarada ama albaabka uu ka soo galo qoyska reer xaashi, sida uu isla hadda u yahayba wiilka kaliya ee la muumula xaashi boqortooyadiisa.
Ilhaan in uu guursado in ay muhiim u tahay ayuu ku dadaalayay isaga oo banjariyay ilhaan riyadeeda, balse dhanka kale isku ekeesiinaya in uu riyadeeda dhisayay, sidaasna runtii wey u arkaysay, oo wuxuu u ahaa kan kaliya ee fahmi kara waxa ay doonayso, dhaqaala walba ee ay ugu baahato ganacsigeedana isaga ayaa uga qaadi jiray Xaashi, isaga oo isla xaashina kula ballamay in uu soo xera galin doono ilhaan oo markaa aan usoo jeedin shaqada qoyskeeda.
Daahir oo ahaa daroogiista jacaylka khadra maan qaaday wuxuu la samaystay xiriir ah in uu jacaylkiisa khadra ka kaalmeeyo, sidoo kale helista qarashaadka uu daroogada u isticmaalayo, wuxuu kaloo muujiyay in uu ahaa xariga kaliya ee wada xiriiriya xaashi iyo daahir marka ay dhaqaale noqoto maadaama xaashi uu aad u dhaliilsanaa qaabka nolosha uu wiilkiisa daahir doortay.
Maryan xiriir Bulsho ayuu la lahaa, wuxuu ogaaday in ay maryan jeceshahay nolosha caadiga ah oo aysan la dhacsanayn nolosha boqortooyo ee dhiigya cabnimada ku dhisan ee aabaheed uu ku nool yahay, sidoo kale wuxuu ogaaday in maryan jeceshahay in dadka liita ee bulshada la caawiyo, dhamaan qaabka nolosha ay maryan jeceshahay ayuu si guud u koobay, wuxuuna dhowr jeer sameeyay ficilo ay ku jeclaysay c/rashiid uguna aragtay in uu yahay nin ka duwan aabaheed, inkastoo ay u aragtay shaqaale aabaheed u shaqeeya ama wiilkisa uu isaga soo korsaday.
Hagaag, C/Rashid wuxuu ahaa nin aragti fog caaqilna ah, xiriir badana la lahaa dhamaan inta xaashi ku hareersan.
Wuxuu ahaa nin og talaaba walba uu sameynayo, wayna u qorshaysnayd wax walba uu samaynayo.
Wuxuu ahaa nin u diyaarsan in uu geed walba u fuulo sida uu ku noqon lahaa boqorka boqrtooyada xaashi dhaxlo, si walba uu arrinkaa ku samaynayo iyo cid walba oo uu arko in ay ka caawin karto xiriir ayuu la yeelanayay, sheekada ayaasa wax badan noo iftiimin doonto oo na tusi doonta halka uu C/rashiid ku dambayn doono.
La soco qaybtaa 11aad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor 

SHEEKOOYIN