Baadi goob Baahi badan!!!. W/Q :Mohamed Muuse Sh. Nuur

                                             Baadi goob Baahi badan!!!

Qaybta 5aad
Taliye daacad wuxuu la soo baxay dardar cusub kadib markii uu ka helay maydka tima jilic meel xeeb ah oo uu ku dilay Xaashi.
Waa subax aroor hore oo loo soo wada kallahay shaqada, xaashi oo xafiiskiisa soo galaya ayuu meel dhexe uga horyimid taliye daacad, wuxuuna ku bilaabay codsi ah in uu doonayo in uu la kulmo kalana hadlo arrimo xaasaasi ah oo ku saabsan alaabta laga dhacay iyo sababta uusan shan maalin usoo ogaysiin booliska, maadama dhib ku dhacay shirkaddiisa.
Xaaji xaashi isaga oo is moogaysiinaya ayuu ku yiri iga raali noqo wali warbixintaas shaqaalahayga kama qaadan, aad ayaan u mashquulsanaa maalmahan, laakin C/raahiid ayaa ku caawinaya oo warbixin fiican arrintaas kaa siin kara.
Taliya daacad ayaa wuxuu muujiyay in uu ka sii jeclaan lahaa in uu isaga xaashi ah la hadlo, laakin hadalka waxaa dhax ka qabsaday c/rashiid oo ku yiri “aniga ayaa ku siinaya warbixinta aad u baahantahay ee xafiiskayga soo gal”.
C/rashiid oo xaashi la kaftamayay inta taliya daacad xafiiska loo sii waday ayaa yiri “aniga maxaa mar walba igu soo aadiya kuwa ugu foosha xun la macaamilkooda” oo uu ula jeeday qaybta sharciga.
Taliye daacad waqti badan iskama lumin wuxuu C/rashiid waydiiyay sababata kalliftay in shan maalin ay shirkad sidaa u wayn magacna leh aysan kusoo wargalin booliska xatooyada intaas la eg ee hantidooda loo geystay.
C/ rashiid ayaa ugu jawaabay in uusan garanayn balse uu baaritaan ku samaynayo sababta kalliftay, waxna ka waydiin doono qaybta arrimahaas u qusaysa shirkaddooda.
Taliye daacad ayaa mar kale waydiiyay in uu dareensan yahay sababta aysan u soo wargalin booliska laakin uu jeclaan lahaa in uu afkiisa ka ogaado waxa la qarinaya ee kunteenarkaas la dhacay ku jiray.
C/rashiid ayaa u caddeeyay in qalab xafiiseed uu ku jiray laakin taliye daacad ayaa taas ku diiday oo yiri alaabta waddanka ay ka timid ayaan la xiriirnay warbixinta ay na siiyeena kuma jirin waxa aad sheegayso, yeelkadeedee baaritaan ayaan ku celinay waddankaas, sababta konteenarkiina alaabtaas sharci darrada loogu sheegayna dhawan ayaan ogaan doonaa.
C/rashiid ayaa yiri  “anaga wax aan sharci ahayn kama ganacsano, warbixin qaldan in aad haysaan ayaana laga yaabaa ee ha soo dhamaado baaritaankiina teeda kale taliye daacad adiga alaabta ma aadan arkin, sidee ugu dag dagaysaa waxa konteenarka ku jiray, anaga ayaa alaabta kanganacsano warqadaha aan alaabta kusoo gadanayna caddayntooda waa tan, ma waxaa ii sheegaysaa wax aanan soo gadan in ay ku jireen konteenarka?
Taliye daacad wuu is gartay in uu xoogaa xadka ka baxay oo si u dag dagayo ayuu fahmay isaga oo raali galin dadban bixinaya ayuu yiri “aan sugno warbixinta waddanka ay alaabta ka timid, laakin waan idinku daba joogaa waddada aad rabtaanba saarnaadee”
Maama siciido oo la soo baxday dadaal adag ayaa wiilkeeda daahir oo hurda la quurinaya ugu soo gashay qolkiisa iyada oo canaan u jeedisay dareensiisayna in howsha aabihii u diray ay sugayso ayaa ku guubaabisay in uu meesha ka kaco oo howl karnimo muujiyo, isaga oo taa ajiibayo ayuu bilaabay in uu meesha ka hil hisho.
Dhinaca kale boliiska waxay ku mashquulsanayeen uruurinta caddaymaha laga helay maydka Tima jilic, taliyihii hore ee magaalada, howshaas baaritaankeedana waxaa si gaar ah ugu xil saarnaa taliyaha cusub waa daacadee.
Laba xidigle Daauud waa dambi baare si hoose ula shaqeeya Xaashi iyo kooxdiisa, nasiib wanaag Haajir ayaa hadda ka hor ku wargaliyay in uu jiro wiil yar oo arkay xaashi markii uu dilka u geysanayay tima jilic wiilkaasna laga doonayo in uu soo qabto si uusan booliska ula hadlin.
Kooxda baaraysa dambigaas ayuu ka mid yahay wuxuuna la shaqeeyaa Taliye Daacad.
Waxaa laga helay maydka tima jilic middidii uu wax ku dilay xaashi oo baaritaan loogu diray qaybta ku shuqul leh.
Taliye daacad ayaa kooxdiisa ku war galshay in aysan la xiriirin ehelada tima jilic una sheegin in maydkiisa la helay inta ay booliska ka dhamaysanayaan baaritaankooda.
Dhanka kale inta lagu guda jiray uruurinta caddaymaha laga helay maydka taliye timia jilic ayaa waxaa soo muuqday wiilkii yara ee arkay qaabka loo dilay tima jilic, waxaa qabatay isha laba xidigle daauud.
Daauud isla markiiba wuu fahmay in wiilkan uu ahaa wiilkii uu u diray saaxiibkiis Haajir.
Dhinaca kale xaashi iyo c/rashiid oo la socdo Haajir ayaa iska waraystay waxa uu kala kulmay taliye daacad, c/ rashiid oo sharraxaya ayaa u sheegay xaashi in taliye daacad uusan wax caddayn ah haysan isla markaana laga sugayo waddanka alaabta uga timid booliskooda in ay soo caddeeyaan warka sheegayaa in koontenarka laga dhacay uu siday alaab sharci darro ah.
Xaashi isla markiiba wuxuu la xiriiray saaxiibo uu ku lahaa waddankaas isaga oo ku wargalshay in laga doonayo in warbixinta ay baddalaan oo soo diraan warbixin isaga iyo shirkaddiisaba ka bari yeelaysa in ay alaab qaldan soo gateen, caddaymana soo diraan, isaga oo isla markiiba amray in hadiyad qaali ah loo diro taliyaha howshaas qaabilsan ee waddanka alaabta laga soo diray waa Thailand.
Xaashi oo hadalkisa sii wata ayaa waydiiyay c/ rashiid, ma aragtay saaka joornaalka, waxaa ku qoran Aabahaa iyo aniga, yaa siiyay wariyahan soo warinaya aqbaartan?
C/ rashiid oo isla markiiba ku booday is difaacid ayaa yiri waxaan filayaa in uu ahaa taliye tima jilic isaga ayey dhaqaala xumo haysay waayadan in uu warbixintaas saxaafadda u dusiyay ayaa laga yaabaa.
Xaashi oo dareensiinayaa in arrintan ay ka timid qof isaga oo kale ah balse, toos aan u abaarin ayaa yiri, tima jilic arrinkan waxba kama ogayn sabab uu ku ogaan karana ma jirin, arrinkan si hoose u daba gal ma ahan arrin aabahaa iyo aniga in uu qof walba ogaan karo heerka saaxiibtinimadeena.
Maryama waxay la hardamaysaa baxnaaninta gacaliyaheeda sida xun uu usoo dhaawacay yaasin, iyada oo daawa siinaysa lana xanuunsanaysa ayuu yaasiin albaabka usoo garaacay, Qadar isla markiiba wuu dareemay in yaasin uu yahay markaas ayuu isku qariyay halka maryama ay ku haysay, “maxaa dhacay oo gurigayga xoog ugu soo gashay” isaguna wuxuu waydiinayay in ay aragtay Qadar iyo in kale.
Yaasin gudaha ayuu usoo gudbay isaga ii ka raadinaya Qadar, Qadarse armaajo dheer oo meesha tiil ayuu dhexda ka galay wixii dhar uu lahaana meel ku qariyay, xaalad cabsi iyo aragagax ayey u ahayd maryama, nasiib wanaag Yaasiin fatashaadiisa waxba kuma helin, wuuna iska baxay isaga oo maryama ku yiri u shreg saaxiibka 3000 oo doolar uu iga soo xaday ha ii soo celsho haddii kale naftiisa ayaa u maqan, iyana mar hakaa baxo ayey ka taagnayd markaas ayey madaxa inta u ruxday okey usii raacisay.
Waxaa walwalka kusii kordhayay qoyska reerTimajilic, Khadra waxay goosatay in ay saxaafadda iyo bilayska labadaba la xiriirto oo ku wargaliso in aabaheed la la’hay muddo usbuuc ku dhow waa tan warqada uu ku sawiran yahay aabaheed  u qaybinaysa ardaydeeda oo dhan iyo dadka magaalada.
Haajir iyo xaaji xaashi oo wada sheekaysanaya ayuu haajir xasuusiyay in uu barito la leeyahay ballan xisaabiye Muxudin.
Xaashi xusuustiisa maalinba maalinka ka dambaysa way ka sii daraysay, xitaa wuu garan waayay qofka mushaarka ka qaata ee xisaabiyaha ugu magcaaban shirkaddiisa ilaa uu haajir xasuusiyay.
Haajir waa nin asluub badan aadna uu ugu kalsoon yahay Xaashi, waa ninka labaad ee wax walba la og xaashi, laakin dhanka amaanka iyo siyaasadda ayuu u qaabilsan yahay.
Waxaa la gaaray subixii ay balansanaayeen xaashi iyo muxudiin, muxudiin waa ninka lacagaha oo dhan u kala dira xaashi shirkadiisa.
“Haye muxudiin waa adiga soo maahan? warar badan oo wanaagsan ayaan kaa maqlay” ayuu xaashi hadalkiisa ku bilaabay isaga oo sii raaciyay “fadhiiso muxudiin”
Waxay dhaheen goorta iyo halka la maal galinayo waad ku fiicantahay agaasinkeeda ayuu xaashi ku yiri muxudiin.
Muxudiin oo dhoola caddaynaya ayaa yiri shaqadayda waa in aan lacag u sameeyo shirkaddaada mudane.
Xaashi oo warka sii wata ayaa yiri intaas in ka badan ayaan shaqaalahayga ka filayaa, waxaana ugu muhiimsan Daacadnimo.
Muxudiin oo shaki badan laga dheehan karay tuhunka daacadnimada uu dalbanayo xaashina uusan ahayn ayaa yiri hagaag mudane, taasna waa shaqadayda in halka aan bariiskayga ka helo aan u ilaashado sida noloshayda oo kale.
Xaashi ayaa u sheegay muxudiin in uu ka doonayo in uu gabadhiisa koontadeeda lacag gaaraysa ilaa 20000$ oo doolar uu ku wareejiyo iyada oo aan agaan halka ay lacagta ka timid, muxudiina su’aal la’aan ayuu aqbalay warkaas.
Xaashi ayaa muxudiin ku yiri axsaan ii fal oo gabadhaas isha iigu hay wax alle waxay u baahantahayna ila soo socodsii, wahelkeedana badi, yeyna ogaan in aan ku lug leeyahay dhaqaalaheeda, dadka i yaqaana waa igu ogyihiin in aan ahayn nin abaal gudid mudan ayuu warkiisa kusoo gunaanaday Xaashi
Kadib aqbaladaada muxudiin ayuu xaashi u yeeray Haajir kuna yiri sidee u aragtaa ninkan (Muxudiin)? Haajir ayaa ku yiri hagaag, su’aal ah lacagta sababteeda kama maqal!!!
Muxudiin ayaa ka dhaqaaqay xafiiska xaashi, isla markiina dirsday telefon u ekaa in uu kula hadlayo rag shaqada uga sarreeyo, micnaha in uu sirdoon yahay oo qolo ku daba joogta xaashi uu xiriir hoose la leeyahay.
La soco qaybta 6aad Jimcaha
W/ Q: Mohamed Musa Sh. Noor
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN