BAARIS AKADEMIYEEDKA CILMIGA BULSHADA: CASHARKII 14AAD

Daawashada Kaqaybgalaha

Casharkii saddex iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay sida uu cilmibaaruhu u wareysan karo dadka madaxda ah ama siyaasiyiinta. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa aaladda daawashada kaqaybgalaha (participant observation) ee cilmibaarista.

Daawashada Kaqaybgalaha-marka cilmibaaruhu laftirkiisu uu qayb ka yahay tijaabada (Experiment), isaga oo dowrkiisuna yahay in uu daawashado dareenka, ficilada iyo sida uu kaqaybgalaha uga jawaabcelinayo weyddiimaha. Habkani, waxay cilmibaareha ka caawinaysaa helidda xog ku saabsan aragtidooda ku’aaddan waxa uu markaasi dersayo.

Caadiyan, tirada kaqaybgalayaasha waxay u dhexeyn karaan 5 ilaa 10 qof; dhammaantoodna inta hal meel laysugu geeyo ayuu cilmibaaruhu la yeesha sheeko iyo wareysi, isaga oo ujeedkiisuna yahay daawashada falcelinadooda. Daawashada kaqaybgalaha waa mid ka mida hababka uu cilmibaaruhu u adeegsado xog uruurin. Si kale u dhig, waxay ka mid tahay mid ka mida aaladaha uu cilmibaaruhu u isticmaalo xog uruurinta habka tayada (Qualitative Methods).

Aaladda daawashada kaqaybgalaha waxay soo shaacbaxday dhexbartamihii qarnigii sagaal iyo tobanaad. Cilmibaarihii ugu horreeyay ee adeegsaday waxaa lagu sheegaa in uu ahaa Whyte (1955), isaga oo ku dhigay buuggiisa ‘Street Corner Society.’ Aaladdani mararka qaar waxaa loo isticmaalaa sida hab baarineed, waxaana loo yaqaana habka daawashada (Observational Method). Ujeedku ugu weyn waa in loo adeegsado uruurinta xog ugub ah, taas oo ka jawaabaysa weyddiimaha cilmibaarista.

Caqabadaha

Haddii cilmibaaruhu uusan wargelin kaqaybgalayaashiisu ujeedka cilmibaarista, halkaas waxaa ka dhasha aammindarro. Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in kaqaybgalayaashu ay bixiyaan xog aan dhab ahayn, sameeyaan ama muujiyaan ficil iyo dareen aan laga filayn. Tusaalooyinka inta badan loo soo qaato arrinkaasi waxaa ka mida deraasaddii ‘Hawthome Effect.’ Marka kaqaybgaluhu ogyahay in la daawanayo ama la arkayo ficilada uu markaasi samaynayo wuxuu la yimaadaa feejignaan dheeraad ah, taas oo keenaysa in uusan u falcelin sidii la filaayay. Dhanka kale, daawadeha (Cilmibaareha) laftirkiisu waxaa la arkaa in uu sameeyo qalloocin (Bias) inta lagu gudajiro xog uruurinta.

 

Wixii dheeraad ah, akhri qormada hoose:

http://www.qualitative-research.net/index.php/fqs/article/view/466/996

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafogure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN