Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 15aad

Weyddiin Baarineedka

Casharkii afar iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay aaladda daawashada kaqaygalaha (Participant observation). Casharkan waxa aynu ku baran doonaa weyddiin baarineedka (research question) cilmibaarista.

Weyddiin baarineedku waa in uu yahay mid ku fadhiya mowduuca uu cilmibaaruhu xiisaynayo; ka hor inta uusan dhigan weyddiintu, marka hore wuxuu baadigoobayaa mowduuca xiisa galinaya. Weyddiin baarineedka si fiican loo dhigay, wuxuu fure wanaagsan u yahay tilmaamidda ujeeddada cilmibaarista. Sidoo kale, wuxuu cilmibaareha ka caawin karaa in uu go’aan ka gaaro habka ku habboon cilmibaaristiisa.

Weyddiimuhu, waxay cilmibaareha ka caawiyaan in uusan ka leexan hannaanka iyo dhabbada ay baaristu ku socotay.

Xulushada Weyddiin Baarineedka

Xulushada weyddiimaha waa hawl muhiim u ah hannaan socodka cilmibaarista, waayo weyddiimuhu waa ayaga kuwa haga ujeeddada, habka iyo qorsheha uu ku socon doono cilmibaarista. Sidaas awgeed, cilmibaaruhu waa in uu weyddiimaha ku xushaa astaamaha hoos ku dhigan, waxay ka caawin doonaan sidii uu ku gaari lahaa dulucda baaristiisa.

  1. Qeexan: Weyddiintu waa in ay tahay mid cad, oo la fahmi kara.
  2. Hadaf leh: Waa in ay tahay mid abbaaraysa ujeeddada cilmibaarista.
  3. Dhafan: Waa in aysan ahayn mid iska fudud sida sul’aal xiran oo kale, taas oo jawaabcelinteedu noqon karta haa ama maya.
  4. Xiiso leh: Ka soo dhex xulo mowduuca aad xiiseenayso.
  5. Sahmi: Ka hor inta aadan xulan mowduuca iyo weyddiinta, labaduba ku sameey baaris.
  6. Tixgeli akhristeha: Waxaad isweyddiisaa in su’aashu xiiso galinayso akhristeha iyo in kale.
  7. Weyddiintu yaysan noqon mid tilmaamaysa sababta.
  8. Ka dhig mid ku dul-dhisan sabab iyo saamayn (Indepedent variable and Depedent variable).

Ugu dambayn, iga hoo tusaale ku saabsan weyddiin baarineedka buuggayga qalinjebinta jaamacadda. Sidee ayay qabyaaladdu u sharxaysaa colaaddii sokeeye Soomaaliya?

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafogure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN