Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 4aad

Felsafadda Cilmibaarista

Casharkii saddexaad waxa aynu ku soo baranay xeerarkii laga dejiyey ilaalinta xogta iyo macluumaadka cilmibaarista. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa felsafadda baarista gaar ahaan labada iskuul feker, ee saldhiga u ah baaris cilmiyeed walba. Waxaa jirta laba hab oo aan isleeyahay in ay waajib tahay in la maro inta lagu guda jiro hannaanka baarista, waxa ayna kala yihiin: Habka Tayada (Qualitative Methodology) iyo Habka Tirada (Quantitative Methodology). Hababkaas maahan kuwa cirka ka soo dhacay, balse waa kuwa ku fadhiya aragtiyo ku jaan go’an felsafad, kala duwanaanshaha iyo doodda ka taagan adeegsiga labada hab waxa ay dib ugu laabanaysaa labada qayb ee ka mida felsadda, kuwaas oo la macaamila jiritaanka maaddada (Ontologoy) iyo barashada aqoonta (Epistemology).

Ka hor inta aynan gudaha u galin felsafadda baarista, wax yar aynu is dul-staagno waxa ay kala yihiin jiritaanka maaddada iyo barashada aqoonta. Tan hore waa maaddo ka mida felsafadda, taas oo falanqaysa gundhiga jiritaanka shayga, dhacdada ama waxa markaasi saaran masraxa dood akademiyeedka. Si kale u dhig, waxa ay ku dulwareeganaysaa ka fikiridda fikirka laftirkiisa ama jiritaanka (Asalka) maaddada. Su’aalaha la is-weydiiyo marka qofka dhex dabbaalanayo badweynta cilmigan, waxaa ka mida in maanku (Mind) yahay wax jira iyo in kale? Dhanka kale, barashada aqoonta waa maaddo ka mida felsafadda, taas oo ku dulwareegata aragtiyada la xiriira aqoonta. Waa maaddo falanqaysa sida aynu ku ogaan karno waxa aynu rabno in aynu ogaano. Su’aalaha la is-weydiiyo marka la dhex joogo cilmigan waxaa ka mida maxaa aqoon ah?  

Togannidda

Xilligii Yurub wejihaysay kacdoonkii liddiga ku ahaa is dhexgelka kaniisadda iyo qaranka ama is-garab socodka diinta iyo dowladnimada, waxaa masraxa akademiga ka soo muuqday ol-ole looga soo horjeeday doorka ay diinta ka ciyaari karto cilmiga sayniska iyo felsafadda. Ol-olehaas waxaa halhays u ahaa calmaanniyeenta felsafadda (Saint-Simon or Secularising Phelosophy). Ol-olehaas waxaa hoggaaminaayey feylasuuf Auguste Comte (1798-1859). Ujeedka waxa uu ahaa in la kala sooco felsafadda cilmiyeysan ama togan ee ku dhisan itus oo itaabsii iyo felsafadda ku dhisan khuraafaadka iyo caddeyn la’aanta. In bini’aadamka noqdo mid asaga maamula dabeecadda, sidoo kale sharaxaaddiisa ku’aadan dhacdooyinkana uusan cid kale u tiirin, balse uu la yimaado sharaxaad maangal ah. Ol-olehii Comte waxaa sii horumariyey culummada kala ah John Stuart Mill, Emile Durkheim, Ernest Mach, Wittgenstein iyo Karl Popper.

Iskuul fekerkan (Positivism) waxa uu rumaysan yahay in bini’aadamku leeyahay maantus awoodeed (The reasoning capacity) u sahlaysa in uu ka madax bannaannaado waxa uu markaasi sahminayo ama baarayo, sidoo kalena uu kala sooci karo runta iyo beenta, sharaxaaddiisuna tahay mid lagu kalsoon yahay. Ugu dambeyn, dulucda iskuul fekerkan waxa ay ku dulwareeganaysaa adeegsiga hab baarineedka cilmiga sayniska marka la rabo in la sameeyo baaris cilmiyeedka bulshada.

Wixii dheeraad ah, akhri buuggaagta hoose:

  1. Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Pp. 22-24
  2. Bhattacherjee, Anol, “Social Science Research: Principles, Methods, and Practices” (2012). USF Tampa Bay Open Access Textbooks. Pp. 16-18

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN