Bashqad Xiran (Sheeko gaaban) WQ: Seynab Ugbaad

Bashqad Xiran
(Sheeko gaaban)

Seynab Ugbaad

 

Maalintaas ay warqadda heli doonto ayay Nafiso Caabbi soo degeen gurigan ay dhaxalka u heleen. Guriga waxay ka dhaxleen aabbaheed ayan waligeed labadeeda dhaayood saarin sheeko inay ku maqasho mooyaane. In aabbaheed Caabbi la yiraahdo way garanaysaa. In uu ahaa nin hanti badan waa loo sheegay. Inaysan weligeed arki dooninna had iyo jeer ayay la murugootaa.
Intuu noolaa nasiib uma yeelan inay aabbe iyo inantiisa u kulmaan. Hooyadeed ayay mar kasta la soo ag fadhiisan jirtay: ‘hooyo, aabbahay muxuu igu dayriyay, muxuuse ku diiday in aan arko?’ Cabbaar markay aamusnaato hooyadu, ayay ku eegi jirtay eegmo diifaysan. Jawaab uma hayso sababta uu ku diiday inuu gabadhiisa sheegto.
Markay warqadda heshay waxay ku fekertay inay hooyadeed la kaashato akhrinteeda. Iyadoo la raadinaysa ayay dhawr goorood waydaaratay alaab sidii loo keenay u xirxiran. Guriga ka kooban afarta qol iyo labada barso ayay faduul ku sii dhex martay. Intay dhex socotay ayay ku fekertay qolalkan sidan u bal-ballaaran halkay alaab uga keeni doonaan. Saddexda joonyadood ay wataan, qolka maqaasiinka ay warqadda ka soo heshay, kuma filna kamana badna. Sidaas waxay soo ogaatay, markay bashqadda soo helaysay.
Hooyadeed oo darbiga barsadda labaad ku tiirsan ayay u soo gashay. Markay aragtay in ay labada indhood isku hayso ayay go’aansatay in ayan ka kicin waxbana u sheegin. Markay soo xusuusatay sidaysan hooyadeed ugu sheegi jirin aabbaheed iyo arrimihiisa waxayba ka talabaxday, xataa in ay u sheegto in ay bashqad soo heshay. Ina abtigeed Siciid Barre ayay la aadday bashqaddii duugga ahayd.
Hooyadeed baa ka soo daba baxday iyadoo sii balaslaynaysa. Waa siday Nafiso u socoto, markay faraxsantahay ama fajacsantahay. Maantana uguma sii jirto, waxay ogaan doontaa waxa ku qoran warqaddaas siday filayso aabbaheed Caabbi qoray. Aabbaheed wuxuu ahaa nin aqoonta jecel. Way ogtahay taas. Sidii loogu tilmaamay iyo kutubtuu ka dhintayba way caddahay in odaygii aabbaheed ahaa cilmi jacayl la dhintay. Sideeda oo kalena jahliga iyo badownimada necbaa. Waayo, hooyadeed ayay aqoondarro ugu cuqdadaysan tahay.
***
Gurigii abtigeed Barre ayay daf la tiri warqaddii. Hooyadeed oo xiimaysa ayaa ka soo daba gashay. Hooyadu awalba shaki iyo cabsi ayay ka qabtay, fudaydka iyo faduusha gabadheeda in ay u soo jiidi doonaan balaayo ay mar hore dabooshay.
Gabadhan yar taariikhdeeda iyo aabbaheed Caabbi, waa sooyaal in uu daboolnaado ku habboon. Weliba, hooyadu way ka cagajiidaysay in ay walaalkeed Barre la soo deristo. Waayo, dumaashideed Siciid hooyadiis, waxay wax weyn ka ogtahay sababta ay u kala tageen iyada iyo Caabbi. Waa sababtaas sababta u diidday inay horay uga soo guuraan, gurigan weyn, markay dhaxleen ka dib.
Waa galab casariyo la wada cabayo. Sheeko caadi ah iyo shaah caddays ah ayaa is dhex socday. Siciid Barre markaas ayuu la soo fadhiistay aabbihiis iyo hooyadiis. Mar dhoweyd ayay labadoodu hurdo ka soo kaceen. Waxa la fadhiyay islaan guriga la deggan, laakiin ay u wada dhaqmaan sidii dad wada dhashay. Deris isku raagay oo is dhaqan bartay ayay noqdeen islaanta iyo reer Barre.
Markay Nafiso soo gashayba Siciid xaggiisa ayay u bayrtay. Inay abtigeed salaanta la dhaafto wax lagu yaqaannay ma ahayn, waayo, abtigeed Barre waxay u kaashan jirtay markay hooyadeed isku murgaan kalana gallad heli waayaan. Isagaa kala maslixi jiray, gabadhana gocashada badan ka kala yarayn jiray walaashiisna u caqlicelin jiray.
“Siciidow warqaddan ayaan maanta soo helay,” ayay kula degdegtay.
Siciid oo shaah markaas loo shubay kabbanaya ayaa ku farxay warka Nafiso kuna naxay sida eeddadiis u daba ordayso.
“Eeddo ii warran?” Gacantiisii ay warqadda u soo taagtay ayuu la dhinac dhaafay.
Eeddadiis, si hafasho leh ayay u gacanqaadday Siciid. Nafis oo sii jeedda ayay si canaan leh u tiri: “naayaa, wiilku hadduu soo gelay ee ha kaa nasto.” Markaas inay warqadda gacanteeda ka dhex bixiso ayay isku dayday. “Soona bax hawl baa na sugaysee.”
“Hooyo! Hooyo, goormaad toostay!”
“Maba hurdin ee soo bax.” Warqaddii gacanteeda ka soo hartay ayay ka caloolxumaatay. Siciid baa markaas soo joogsaday. Warqaddii ayuu Nafiso ka qaaday.
“Waxba yaysan kugu dhibin.” Eeddadiis baa la hadashay.
“Siciid. Siciid. Siciid.” Nafisaa ku celcelisay magacii walaalkeed.
“Nafiso.”
“Warqaddan ayaan maqaasiinka ka soo helay.”
“Maxay tahay?” Siciid oo warqaddii ku rogan baa Nafiso weyddiiyay.
“Eeddo yaysan kugu dhibin warqad ay qashimada ka soo dhex saartay.”
“Qashin ma ka soo saarin.” Nafiso oo Siciid xaggiisa isu barbaarinaysa ayaa ku andacootay.
Siciid oo warqaddii xiiso la yeelatay baa Nafiso garabka qabtay.
“Waan kuu akhrinayaa ee adigu is deji.”
“Aabbe Caabbi ayaa qoray…”
“Yahooy, aabbe wax kama ogide wiilka ha ku daalin qashiimada aad la wareegayso.”
“Hooyo, wax yar sug.”
“Naayaa soo bax.”
“Eeddo aayar.”
Siciid baa bashqaddii boorka ka jafay intuusan kala furin. Dadkii oo dhanna labadiisa dibnood iyo labadiisa gacmood ayay eegayaan.
Nafiso, naxdin, sugid iyo samir bay labada cagood kala dhididdaysaa. Hooyadeed naxdin, hubiwaa iyo filanwaa bay laba indhood la caddaynaysaa. Siciidna warqaddii ayuu daqiiqad qarni u dhiganta ku akhriyay isagoo aamusan.
Intii wada eegaysay way la socdeen dhaqdhaqaaqiisa. Markii hore way arkayeen in uu wax dhiillo leh ah akhriyay, naxdin iyo farxad kay tahayba wejigiisa isbeddelay waa loo jeeday. Markii dambe in uu go’aansaday, in uu laabta ka akhriyo wixii ku jarribayba, waa la arkayay.
“Maxaa ku qoran. Ii sheeg,” Nafisaa cududdiisa qabatay.
Hooyadeed baa gacantii kale ee Nafiso qabatay oo dib u dhufatay. Siciidna isagoo warqaddii laadlaadinaya ayuu madaxiisii kor u soo qaaday.
Hooyadiis baa inta si dhiifoon u soo joogstay Siciid weyddiisay:
“Hooyo, ma wax xun baa warqadda ku qoran”
“Hooyoy ma garanayo si aan u sheego…”
“Maxaa ku qoran? Siciid, warqadda maxaa ku qoran? Soo aabbe ma qorin?”
Hooyadeed baa gacanteedii sii xoojisay.
“Naayaa soo bax.”
Nafiso oo isla karaahsatay aqoondarreeda iyo aamusnaanta Siciid labada indhoodna ilmo ka raxlaynaysa ayaa hooyadeed isu dhiibtay.
Markay sii jeesteen ayuu Siciid yiri:
“Haa, waxaa qoray adeer Caabbi.”
Hadalkaas wuxuu ahaa farxad iyo naxdin. Laba isdhashay ayay irdho iyo cabsi ku kulantay. Nafiso warkaas wuxuu siiyay tabar ay gacanta hooyadeed uga baxsato.
“Muxuu yiri aabbe?”
Siciid baa warqaddii mar labaad kor u soo dallacay, si uu mar labaad u akhriyo. Markaas wuxuu ku labalabaynayay in uu kor u akhriyo iyo in Nafiso kaligeed u akhriyo.
Maanta waa toddoba jir inantayda aad adiguna iga hortaagan tahay, in aan arko gabadhayda. Middaasi daliil iyo garba ku heli maysid, in aad aabbe iyo gabadhiisa kala hor joogsato. Ilaahay markhaati ka yahay, adiguna aad ogtahay in aad khalad aad adigu samaysay iiga hor istaagtay xaqaygii waalidnimo. Adigaa garanaya waxaad isugu garaabi doonto markay kugu tiraahdo gabadhaydu: ‘aaway aabbahay?’
Hadday warqaddaydan hesho, heliba mayside, gabadhayda iigu sheeg in aan dunida muggeed oo jacaylkeeda ah aan iilka la jiifsanayo.

Xaaji Caabbi Cabdi

“Istaaqfurullaah.”
Nafiso, tobaneeyo jeer ayay ku sigatay in uu wadne wareen ku dhaco. Hooyadeedna, inkastoo uu hadalkaasi eed iyo ceeb hor leh u kordhiyay, haddana nabar dhawr iyo toban sano oofta kaga taagnaa ayaa fallaartii uga booday. Gabadheeda way ku kala dhintaas warqaddaas, laakiin, nabad bay ku noolaanaysaa, inta nolosheeda ka dhiman.
‘Caabbiyow, Eebbe ha kuu raxmado, oday wanaagsan waad ahayde!’

SHEEKOOYIN