Beertii Nagaashaha | W/Q: Cabdisalaan-Ceeryaamo

Beertii Nagaashaha

Waa Siibad yar  oo galbeed ka soo oodan, dhanka barina bursho yar  kaga beegan.  Qudaar Yaanyo u badan  ayaa ka belbelaysa,  oo dabayshu si arxan daran u babbinaysaa.  Waxaa  la moodaa in ay  bishaaradu,  iskeed ugu   hoganayso, laakiin waa iska malo  iyo moodmadaas uun.  Qorrax arooryaad oo  aan sidaas u qiimo badnayn– laakiin diirrimaad  leh–ayaa  Ileys  arooryaad la soo tiigsanaysa waase  tiigsimaad  aan lahayn,  tayo la sheegi karo.

Beertaas  yar ee Yaanyada u badan, dhexdeeda saakay qof baa waagu ugu dillaacay, oo cadceeddu ku ballaysay.  Galab walbana sidaas oo kale, gabbalku ugu dumaa. Waa gugeedii siddeetanaad, waase keedii soddomaad oo ay sidaas beerta ciriiriga ah,  u dhex yuurarto. Beri aan dhowayn, ayaa ay halkaan deegaansatay  oo ay   si daran u jamatay.  Dharaar ay tuulada ka sii baqooleysay, baa ay halkaan ribatay oo jilbaha ku mudatay  sidii waran cammuudda la cuskiyey. Si kastooy ahaataba, hal-abuurkaas qaayaha leh ayaa ay la  timid, oo weligeed miraha kooban ee  beertaas kooban  ugu soo go’,  ayaa  baad iyo biyoba ugu filnaa, haddana ugu filan.  Wax-soo-saarkeeduna sida dhabta ah,  badi tuulada wuu gaaray.

Waa qof  xooggu ka abaadday, oo garashadu ka dhalandhooshay. Waa naf—laakiin  cidlada wax badan ayeey  ka taqaan.   Kitaabbo waawayn ayay dhabtii ka allifi kartaa, noloshaas aadka u qallalan. Waayuhu  naca ay nafteeda geliyeen,  waxaa uga daran kan  uu dadku ku  abuuray.  Eedda ay maalmaha ka tabanayso,  waxaa boqol jeer ka badan ta ay  dadka  ka tirsanayso; si kastaba ha ahaatee  lafteedu,  waa dhashii nabi Aadam,  oo eedaha ay dadka kale ka  gashay,  ayaan tira lagu helayn.

Waa  qof nabsiga u qoofalan oo wax ay falkisay beri  aan dhowayn, ayaa boggeed ku foolanaya. Ruux  labeeyaa ma jiro  oo aan hooskeeda ahayn. Isagaas qudhiisuna, mar walba labo kuma ahan.   Waa  qof itaal darreysay oo moodeysa shimbiraha fooryayaa,  in ay iyada ku diganayaan.  Muddulkaas Aboorku dilqay oo Caaradu damaqday mooyee, meel kale oo ay madaxa la gasho,  beertu ma ay lahan; iskaba daayoo,  weligeedna  ma aysan yeelan.  Duqdaas hoobatay  oo jirkeedu  gubtay  mooyee,  beertu  ciidan kale  ma leh.  Ruuxdaas ku jirta jirka aan isku dheelli-tirnayn iyo lafahaas culus ee  is raamsanaya,  ayaa beerta ka labaatan jira  isla iyadaas ayaana ka wax walba  ah.   Ciidan la’aantiis  wax kastaa  waa kuu col, haddaad cidla-ku-nool tahayna,  Cidla-ka-goobtaa ku helaya oo dabadeed, cidla-laga-hel baad noqonaysaa. Haddii aad sidaas tahayna, siima ahaan ahaan doontide  cidladaas qudheeda, ayaa lagugu asturayaa. Ugu dambayntiina  qof la waayay,  ayaa laga soo qaadayaa.

Afka hore ee Muddulka ayay saakay  fadhisaa,  iyadoo aad mooddeyso  in ay sidii hore ka fudiddahay.  Waxa ay qooraanso leedahay qudradda  qoyan ee  aad moodayso, in ay  quruxda isugu faaneysa.  Fiidda iyo ubaxyadaas barqanaya ayay ku laab-qabowsanaysaa.  Mirahaaas  cas cas ee yaanyada u badan iyo qarahaas  waawayn ee dogobbeysanna wax ay  geliyeen,   rajo aan badneyn.

Weligeed mar kaliya ayaa ay guursatay, markiina kuma nagaan, oo durbadiiba saddex  dalqadood  oo karaahiyo ah,   ayaa dusheeda ka wayooday. Wax ay ahaayeen dalqado  dhagxaanta ka culus,  biriqdana ka kulul, kuwaas oo weli ka sii yeeraya dhegahaan sii damaya ee  qarka u saaran,   yeermada in ay gabaan. Ilaa iyo maantadaas, ayaa ay laabteeda xuunshowday ku diq-diqayaan,  oo ay damqinayaan. Wax kastoo ay noqo  lahayd iyo si kastoo ay yeeli lahayd,  iyagaa hor-joogsaday, oo dabadeed Siibaddaas cakiran, nafteeda ku caddibay.

Maalinkaas isaga ah, maalmaha kale wuu kala dheeraa. Habeenkeeduna,  kuwa kale wuu dhuubnaa. Isbuucaasoo dhanna kuwii la arki jiray,   wuu ka cayilnaa, waana ka naaxsanaa. Iyadoo wareersan ayaa ay dhabbe caato ah isaga hibitiqday, oogtii la dalaaqay duhurkeedii.   Intii ay dhabbahaas haysay, ayaa ay ku soo dhacday taladani– in ay kaligeed meel degto–Maalintaas,  ayayna ragga la collowday. Waa markii  ay go’aansatay in ay sidaan u noolaato, waana markii ay guddoonsatay in  aayeheeda, Muddulkaas ku  huursanaado.

Wajigeedu wuu duubmay, jirkeeduna badankiis,  wuu haryuuboobay. Ilkihii waa ay daateen, timihiina sida  burka, ayay bool-cad noqdeen. Ookiyaalo aad u waawayn, ayaa ay indhaha ku raadisanaysaa, laakiin si bay uga daba wareegayaan, oo madaxaba geli maayaan.  Tib wayn ayaa ay cuskataa, isagaas ayaana uga dhigan ubadkii rejada. Isagaas mooyee cid kale,  caawimaad kama hesho; sidaas darteed basharka oo dhan, way ka jeceshahay.

Mar kaliya  ayay  istaagtay,  iyadoo aad ka  yaabto sida lafaheeda gaboobay, isu qararabsanayaan.  Iridka oo dhanka bari ka soo xigay  bay ku alaalaxday, sidii abeeso gabowday–Taas  oo habeenkoo dhan, gudcurka  miranaysay.  Ilays yar  oo dhanka bari ka soo gelaayay ayaa foolkeeda ku dhacay ka hor inta uusan soo dul-marin, Santuuq isna gaboobay. Waa Santuuq wayn oo sii galbanaya, sideeda oo kale iyo sida Muddulka.  Boorka dul-saaran iyo ciidda  ayaad dhab-ahaantii, ku saliilyooneysaa.  Tartiib ayaa Santuuqii,  dabool-ka  uga rogtay, dabadeedna bus iyo xaar doolli ayaa ka shagagaxleeyay. Maryo jiir googooyay, bay bannaanka u soo quftay, dabadeedna Juuni idlaaday ayay salka ka soo jiidday. Warqado dhowr ah oo  caaraystay, bay guntiisa  hoose ka soo cantoobisay, dabadeedna mid mid, ayaa ay u kala shaandhaysay.   Islamarkiiba mid bay si gooniya, warqadihii uga  soo xulatay, oo dhanka Iftiinka ula soo tukubtay.

Waa warqad in badan halkaas  tiil.  Waxaad taas ku  garata sida ay dhan walba, uga ruujimowday.  Far guduudan ayaa cinwaankeedu ku qoranaay, inta kalena far  madoow sida tan Qur’aanka.  Iyadoo aan albaabtii kala habayn  bay warqadii yarayd, bannaanka ula soo gaddoontay, si ay u kaashato, kaaaha Qorraxda. Hoos-yaraha galbeed ee  Muddulka ayaa ay la fariistay, dabadeedna fartii yaryarayd, bay aqris ku dayday.

  • Jaalle Afrax Gabeyrre
  • Cowrala Xaaji Goob-doon

Furriin:

Cowrala? Saakay waa   Arboco, bishuna waa Juulaay,  1979. Sannad baa laga joogaa, guurkeennii.  Berigii aan is guursannay, waxaad ila ahayd bashar! Bashar aad u tayo badan, dhabtiina waad ahayd. Horraantii wax walba wax ay u socdeen sidii aan rabnay, si wanaagsanna qudhaadu,  waad u agaasimi jirtay. Hadda ma garanayo waxa iska kaa beddelay, laakiin mar qura ayaad xagal-wareegtay. Qaddarintii aan isku lahayn, sidaan qabo waad xoortay.  Xilkii xaasnimo, sida dhabta ah waad gabtay.  Xilligaad doonto ayaad baxdaa, kaad doontona waad soo gashaa.   Waxaad doonto ayaad sameysaa, sidaad doontona waad u dhaqantaa, si  aan  kuu furo. Waan ogsoonahay dhabtii, in laygu kaa dulmiyay–sidaan kuula hadlay, oo kuugu hoos-dhigayna waad ogtahay qudhaadu– Haddaba Cowrala, haddii aad furriinka sidaas u dooneyso oo aad sidaas dan-moodday, faraqa kuma qaban karaayo.  laga billaabo goortaas saddex  dalqadood oo dhammays ah,  ayaad iiga furantahay. Ogoowna in aadan heli doonin,  qof sidayda kuu garab-siiya. Adigiyo adduunkaaga.

Dhammaad

Warqadda sidaas ah, ayaa ay indho murugo leh oo miraayadihii ka dheceen,  ku aqrisay. Hayeeshee waxa  ay ilmadu kaga  hoortay, warqadda dusheeda. Waa warqadda sababsatay mustaqbalkeedii oo dhan, waana tan gumeysay oo Muddulkaas xun u magan-gelisay.

W/Q: Cabdisalaan-Ceeryaamo

SHEEKOOYIN