BEN CARSON Q-1AAD W\Q. Cali M. Diini

BEN CARSON

Xuquuqda sawirka: GOOGLE

Waxaan akhriyay buugga YOU HAVE A BRAIN: A TEEN’S GUIDE TO T.H.I.N.K.B.I.G. ee uu qoray Ben Carson. Waxaa la qoray Gregg Lewis iyo Deborah Lewis Inta aanan buugga iyo sheekada ku qoran faallayn aan wax yar kaaga sheego WAA KUMA BEN CARSON? Ben Carson oo ah Xoghayaha Guryeynta iyo Horumarinta magaalooyinka ee Xukuumadda Donald Trump waxa uu gu’gii 1951 ku dhashay magaalada Detroit, Michigan, U.S.A. Waxa uu ka uu 2016 u tartamay madaxweynimada Maraykanka asaga oo ka socday xisbiga Jamhuuriga oo ugu dambaynta Trump u xulay in uu la tartamo Hillary Clinton.

Mr. Carson inta uusan siyaasadda ku biirin waxa uu ahaa dakhtar ku takhasusay qalliinka maskaxda asaga oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ugu caansan dalka Maraykanka. Waxa uu ku guulaystay qalliinno maskaxeed oo halis ah, sida mataano madaxa isaga dhagganaa oo kala gooyay, qof maskaxdiisa uu bar jaray haddana caafimaaday. Waxa uu ku guulaystay abaalmarinno badan sida CNN iyo Time megazine oo u aqoonsaday mid ka mid ah 20ka Dhakhtar iyo Saynisyahan ee Maraykanka. Sidoo Maktabadda Koongareeska ayaa u aqoonsatay in uu ka mid yahay 89ka Halyey ee Nool (Living Legends), 2001. Sidoo kale 2008 waxaa lagu maamuusay Presidential Medal of Freedom oo ah tan ugu sarraysa Maraykanka ee qof aan ciidan ahayn la siiyo.

Ben Carson waxaa laga sameeyay film caan noqday (2009) kaas oo lagu magacaabo Gifted Hands: The Ben Carson Story. Sidoo kale muddo 29 sannadood ah ayuu ahaa Agaasimaha qaybta Pediatric Neurosurgery ee Johns Hopkins Hospital, Maryland. Intaas waxaa u dheer in Carson yahay qoraa qoray maqaallo caafimaad oo 100 dhaafaya iyo buugaag farabadan. Hadda akhristow ninka heerkaas nolosha, magaca iyo maamuuska ka gaaray nolol noocee ah ayuu ku soo barbaaray? Yaraantiisi sidii buu waxbarashada ku ahaa? Qoyskiisu qoys noocee ah ayay ahaayeen? Sidii buu ku gaaray heerka uu gaaray? Maxaa u sabab u ahaa in uu noqdo dhakhar aqoontiisa cid walba la yaabto? Intaas oo dhan waxa aan ka helaynnaa buuggiisa YOU HAVE A BRAIN.

Ben Carson waxa uu ka dhashay qoys Afrikaan Ameerikaan ah aadna u faqiir ah. Carson waalidkiis waxa ay kala tageen (isfureen) asaga oo 8 jir ah. Sida uu buugga ku qoray waxa uu yiri “markii aan yaraa aad bay iigu adkayd in aan sugo inta aabbahay guriga imaanayo galabtii. Iridda guriga ayaan fariisan jiray markaas ayaan halkaas aabbe ku sugi jiray. Markaan arko asaga oo soo socda waan ku ordi jiray markaas ayuu inta kor ii qaado oo laabta i geliyo ii soo qaadi jiray.” Maalin ayaa hooyo inoo wacdo aniga iyo walaalkay iga wayn, Curtis nagu tiri “wiilalow aabbihiis guriga waa uu ka tagay mana ku soo noqon doono.” Aniga oo ilmaynaya ayaan hooyo ka tuugay in ay ii faahfaahiso sababta. Waxaan hooyo ka baryay in ay aabbe soo celiso. Balse ugu dambayn waxa ay noo sheegtay in aabbeheen wax xil leh sameeyay. Naag kale iyo carruur ayaa u qarsanaa oo ahaa qoys meel u deggan. Markii hooyo ogaatay in uu naag kale qabo waxa ay ku dhaaratay in aysan wadajoogayn. Kaddib dharkiisa ayuu bacmadow ku gurtay. Sidoo kale aabbe waxa uu qaatay lacag yar oo hooyadey muddo kaydinaysay.

La soco Q2aad Haddii Eebbe idmo.

W\Q; Cali M. Diini

SHEEKOOYIN