BEN CARSON Q6AAD

BEN CARSON Q6aad

Markii uu Dugsiga sare dhammeeyay waxa uu galay galay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Yale ee ku taal gobolka Connecticut. Yale waa Jaamacad si gaar ah loo leeyahay ka na mid ah Jaamacadaha ugu tayada sarreeya dunida. Yale waxa ay safka hore uga jirtaa Jaamacadaha ku jira kooxda “Ivy League” loo yaqaan.

 Yale ma ahan jaamacad dheeldheel lagu galo Ben Carson na kuma helin caawimaad bini’aadannimo iyo lacag uu haystay midna ee waxa uu ku gaaray dadaal, dhabar adayg iyo akhriska kumannaan buugaag ah, taaas oo u sahashay in uu ka mid noqday ardayda ugu dhibca sarreeyay dugsigii sare uu uu dhiganayay. Sidaas darteed ayaa Yale ku siisay deeq waxbarasho (scholarship) oo bilaash ah waliba lacag loogu daray.

 Ben Carson asaga oo yar oo dugsiga hoose dhigtay ayuu go’aansaday in uu dhakhtar noqdo. Markii uu hooyadiis u sheegay in uu rabo in uu dhakhtar noqdo aad ayay ugu dhiirraagelisay waxa ayna ku tiri “Ilaahay maskax ayuu ku siiyay haddii aad adeegsatay aad wax walba noqon kartid.”

Ben Carson sannadkii ugu horreeyay ee Yale kulliyadda caafimaadka natiijo fiican kama keenin oo darajada uu helay aad bay u hoosaysay. Ben waxa uu yiri markaan darajo hoose keenay sannadkii ugu horreeyay ayaa waxaa maalin xafiiskiisa iigu wacay Lataliyahaygi Jaamacadda waxa uu na igu yiri “Ben, waxa aad tahay nin yar oo aad u caqli badan, waxaan arkaa in aad horumar lixaad leh ka samayn kartid wax aan caafimaadka ahayn.” Lataliyuhu waxa uu Ben ku qalqaalinaya in uu barashada caafimaadka ka haro oo wax kale barto. Sababta Lataliyuhu u rabo in Ben ka haro barashada caafimaadku waxa ay noqon kartaa 1. Cunsuriyayn, maadaamo waayahaas dadka madowga aad loo cunsuriyayn jiray waxa laga yaabaa in Lataliyuu rabay in uu wiilkaan yar ee madow horumarkiisa isbaaro u dhigto. Waxa kale oo laga yaabaa in Lataliyuhu ku qancay in Ben uusan ka bixikarin barashada caafimaadka, sidaas darteed uu is lahaa intii waqti ka lumi lahaa hadda la tali.  Yeelkeed’e Ben Carson taladii Lataliyaha gaashaanka ayuu daruuray si waynna waa ugu horyimid. Kaddib Lataliyihii waxa uu Ben kula taliyay in uu hal gelin (part time) uu ka dhigto. Ben taasna waa  diiday. Waxa uu arkay waqti lumis.

 Intaas kaddib Ben Carson waxa uu dib u qiimayn ku sameeyay habka uu wax u barto waxaana u soo baxday in qaabka uu wax u barto oo ah mid uu isticmaalayay tan dugsigii hoose uusan Yale ka shaqaynayn sidaas darteed waa uu beddalay. Waxa uu joojiyay saacadihii badnaa ee uu ku bixin jiray daawashada iyo ka qaybgalka khudbadaha (lectures) waxaa uu na ku beddalay akhrinta buugaagta textbooks-ka iyo maqaaladda caafimaadka iyo soo kale waxa uu ku xirmay macallimiinta casharrada ardayda ugu celisa. Bilooyin kaddib isbeddalka Ben sameeyay ka yaabin Lataliyihii ku la taliyay in uu kulliyadda caafimaadka ka haro oo kaliya balse naftiisa ayuu ka yaabiyay.

 Markii uu Yale darajo sare uga qalinjibiyay Ben Carson waxa uu galay Kulliyada Daawada ee Jaamacadda Michigan halkaas uu ka bilaabay takhasuskiisa neerfayaasha gaar ahaan maskaxda (neurosurgery).  Marka uu Ben bilaabay takhasuskaan 8 nin oo madow takhasuskaan lahaa adduunka oo dhan.

Ben Hooyadiis waa tuma?

Sonya Carson ku dhalatay baadiyaha gobolka Tennessee 1928. Waxa ay ahayd ilmaha labaad ee ugu yar 24 carruur ah io aabbeheed dhalay, kaliya 13 ayay walaaleheed ka aragtay, waalidkeedana waxa ugu dambaysay ayada oo carrruur ah. Waxa noloshadeedi carruurnimo la soo qaadatay qoysas kala duwan oo in ay korsadaan u qaatay balse midkoodna nolol ay ku naallooto kama aysan helin. Ayada 13 jir ah ayaa Ben Carson aabbihiis guursaday. Robert Carson, Ben aabbihiis waxa uu ka shaqayn jiray warshadda samaysa baabuurta ee Cadillac ee ku taallay magaalada Detroit. Robert Carson waxa uu noqday naruuro Rabbi Sonya u soo diray . Aad ayuu u koolkoolin jiray Robert xaaskiisa Sonya lacag iyo nolol aysan waligeed ku riyoonna waa ay dhexjibaaxday.

 Muddo markii ay isqabeen ayay Sonya jeclaysatay in ay hooyo noqoto oo ubad dhasho balse Robert ayaa ku yiri “ma waxaad rabtaa in aad quruxdaada isaga dheeshid? Nolol raaxo leh ayaan isla qaadanaynnaa, ilmo u ma baahnin.” Yeelkeedi sannado kaddib Sonya waxa ay dhashay Curtis, 2 sannadood kaddibna waxa ay dhashay Ben.

Ben waxa uu yiri “hooyadey waayihii dambe waxa ay aragtay aabbahay oo lacag farabadan gubayax habeen kastana geerashayayn iyo liilalowda haya, waxa ay iswaydiisay halka uu lacagta ka helo, waayo lacagta uu warshadda baabuurta ka helaa ma ahan mid saa’id ah oo sidaas loogu tuman karo. Shaki ayaa hooyo galay. Ugu dambayn shakigii hooyo bannaanka ayuu yimid, aabbe waxa uu ka ganacsan jiray daroogada iyo khamriga suuqa madow.” Balse waxaa taas uga darnayd markii ay ogaatay in ninkeedu xaaska kale iyo carruur leeyahay.” Qoraalladii hore ayaan kala taggoodi uga soo sheekaynay.

Sonya Carson kala tagga ninkeedi waxa ay ku reebtay xanuun maskaxeed iyo culays dhaqaale xumo oo daran, balse isma aysan dhiibin ee marada ayay dhexda ku xiratay waxa ay go’aansatay: 1. In wiilashadeedu aysan waayin hoy ay ku hoydaan. 2. In wiilasheedu heer sare gaaraan nolosha guul ka gaaraan. Waana ku guulaysatay ugu dambayn. Ben waxa uu noqday dhakhtar caalamka oo dhan laga yaqaan xirfaddiisa iyo aqoontiisuna noqotay mid lagu majeerto. Curtis asna waxa uu noqday Injineer xurmo sare leh sharikado waa waynna ka shaqeeya.

Sannnadkii 1997 Wargays Maraykanka ka soo baxa ayaa boggiisa hore ku soo qoray Sonya Carson iyo labadeeda wiil asaga cinwaan uga dhigay “WHAT MOM KNEW: Sonya Carson missed school as a child, married at thirteen, and was eventuallu abandoned by her husband . She raised her two boys alone and desperate poverty. Today, one of her sons in a renowned surgeon, the other a successful engineer.

Sannadkii 1998 waxaa Sonya lagu maamuusay abaalmarinta Trumpet Awards loo yaqaan. Dadka abaalmarintaan la siiyay waxaa kamid ah Colin Powell, Whitney Houston, Jesse Jackson iyo kuwo kale.

La soco Q7aad haddii Eebbe idmo

WQ; CALI M. DIINI

SHEEKOOYIN