BEN CARSON Q7AAD

BEN CARSON Q7AAD

Wax badan ka oran maynno Ben Carson iyo siyaasadda, waayo, muhiim inoo ma leh faa’ido badanna ka heli maynno. Kaliya waxaan xusaynaa: Ben Carson dhanka siyaasadda guul kama gaarin sida xifraddiisa caafimaadka iyo waxbarashada uga guul keenay. Ben waa nin aad ugu adag diinta Kirishtaanka taasna waxa ay dhaxalsiisay in uu siyaasad ahaan noqdo konserfatif (conservative). Xisbiga Jamhuuriga ayuu ka mid yahay hal marna madaxweynenimo ayuu tartamay. Ben Carson waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta madowga ah taageera siyaasadaha Donald Trump, taas cadow badan ayay uga abuurtay dadka madow ee Maraykanka.

CASHARRADA AAN BUUGGA KA BARANNAY

Waxyaabaha ugu mudan ee aan buugga ka barannay waxaa ka mid ah:

1. Hooyada wanaagsan ee hammiga iyo hiraalka lihi saamaynta ay ku yeelan karto mustaqbalka ilmeheedax duruuf walba oo ay ku jirto in aysan isdhiibin kuna dedaasho sidii ay carruurteedu wax u baran la haayeen.

2. In aad ilmahaaga ku ababisid akhrisku u ma baahna in aad adigu wax akhrin kartid; tusaale u qaado sidii hooyo Sonya Carson wiilasheeda u bartay akhrinta buugaagta.

3. Muhiimadda akhrisku u leh yahay carruurta iyo in ay muhiim tahay in carruurta lagu barbaariyo akhriska si akhrisku “habit” ugu noqdo.

4. Damiinimadu ma ahan cudur iyo calaamo lagu dhasho. Xasuuso markii Ben Carson loogu yeeri jiray “damiinka fasalka”, iyo sidii akhriska buugaagtu uga tirtiray naysnaastaas.

5. Dhiirragelinta ubadku in ay qayb wayn ka qaadato in ay waxbarashada heer sare ka gaaraan.

6. Iyo ugu dambayn in qof walba inta uu dadaalo miraheeda goosan doono mustaqbalka. Ben Carson iyo walaalkiis markii ay akhriska buugaagta ku foorareen saaxiibbadood wax ay ku mashquulsanaayeen cayaar daawasho banooni dheelid iyo dariiqyada maqaalada is istaagooda, badankoodna ugu dambayn waxa ay noqdeen gaangis iyo burcad habeen walba boliisku eryadaan intoodi badnaynna xabsiyo ayay ku dambeeyeen.

GUNAANAD

Guntii iyo gebagebadii waxaan maftayda iyo middinaba ku dardaarmayaa in aan ubadkeenna ku ababinno akhriska guryeheennana ka samaynno qol akhris u gaar ah oo carruurta iyo dadkuba wax ku akhriyaan. In aan ubadkeenna ku dhiirragelinno akhriska iyo waxbarashada iyo in aynaan ubadkeenna dhaleecayn hallo xunna ku oran marka ay keenaan nadiijadii aan ka filaynay mid ka hooseysa. Balse aan maskaxdeenna adeegsanno oo si caqli iyo xirfadi ku jirto ku ogaanno halka ilmuhu ka liitaan iyo waxyaabaha ay ku fiican yihiin kaddibna ka dhisno halka ay ka liitaan halka ay ku fiican yihiinna ku dhiirragelinno ku ma ammaanno dadaalkooda.

*Dhammaad*

 

WQ; CALI M. DIINI

SHEEKOOYIN