CABDI BASHIIR INDHABUUR

CABDI BASHIIR INDHABUUR

 

Weli ma u fiirsatay heesaha uu allifay ee uu laxameeyay Eebbe ha u naxariistee Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur?
Ma aragtay sida ay uga duwan yihiin dhammaan heesaha kale ee soomaaliga?
Ka ma hadlayo in ay heesaha Cabdi Bashiir waddani u badnaayeen balse waxaan ka hadlayaa hab-dhacooda iyo erayada uu Cabdi Bashiir adeegsan jiray.
Runtii qofka dhab ugu fiirsada heesaha soomaaligu waxa uu ogaanayaa in kuwa Cabdi Bashiir yihiin budo gaar u tuman.

Haddii aad maqashid hees aadan weli horay u maqal Abwaanka sameeyayna aadan aqoon haddii aad wax ka taqaanid heesaha Cabdi Bashiir, xaqiiq, in aad heestaas horay ka soo qabanaysid in ay ka mid tahay kuwii Cabdi Bashiir, waayo heesihiisu waxa ay leeyihiin summad u gooni ah.

Heesaha Abwaan Cabdi Bashiir ee caanbaxay waxaa ka mid ahaa, Arligaygoow, Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, Maskax gaabnidaa iyo Isku duubni.

Bal aan yara eegno erayada heesta Isku Duubni oo erayada iyo laxankaba uu lahaa Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur, ayna qaadeen kooxda Heegan.

Isku duubni baa
Dadkayagow dulli kaga baxdaa
Dadkayagow sharaf daa’intiyo
Deeq iyo wanaag ku durduurataa.

Horar daalimiyo dugaag lagu eryaa,
Dadyagow isku duubni baa
Cadow lagu didshaa,
Isku duubni baa ,
Dugsi qaranimiyo dawlad lagu hantaa,
Dadkayagow isku duubni baa.

Haddaynaadse dareemin, dareemin
Dabinkii gumaysigii ina dagaayay
Noo daadiyoo aad ku dalaq dhahdaan,
Dadkayagoow aad ku dalaq dhahdaan.

Baladaynnu duugnay haddaad doonataan
Boogtaan dawaynnay dib u dhaawacdaan
Dadkayagow dib u dhaawacdaan

Dir-dir iyo qabiil aad u kala diddaan
Diracyadeenna kacay haddaad kala dishaan
Xoggeenna duman kala daadisaan,
Kala daadisaan xoogeenna duman
Kala daadisaan.

Horukacaan dalbaynno yaa u duubanayaa?
Xornimadaa na deeqda yaa u dagaallamayaa?
Calankeenna diirran, diirran
Yaa daafacayaa dadkayagow?
Maalkiyo dadkaba derbi yaa u ahaan?

Haddaba dardaarankii dadkayagow dardaarankii,
Doqon baan ogayn waxa u darane dardaarankii.

Dantiinnu waa wadajirkee daryeela,
Dadkayagow,
Midnimaad ku doogsataane daysta,
Dadkayagow,
Isku dirkiinna diida.

 

Waxaa qoray; Cali M. Diini

SHEEKOOYIN