Caddaalad Darrada “Four Point Five” Qore: Dr. Xasanwali Sheekh

4-5

 

Caddaalad Darrada Four Point Five

 

Habka Soomaaliya maanta (2106) u yaalla Doorashada Siyaasadeed ee Guud wuxuu ku dhisan yahay waxa la yiraahdo 4.5. Afarta hore waa Hawiye, Daarood, Isaaq iyo Raxanwayn.

Qabiil nuskiisna waxaa laga dhigay wadarta Soomaalida inteeda kale, ayna ugu horreeyaan, uguna tiro badan yihiin, uguna muhim san yihiin soomaalida la isku yiraahdo “Reer Xamar”.

Meeluu adduunka habkaan doorasho ka jiro anigu mana arag mana maqal, waana hab xaqdarro iyo caddaalad daroo ku dhisan, diinta islaamkana khilaafsan.

Qoraalkaan waxaan ugu hadlayaa soomaalida la isku yiraahdo “Reer Xamar”, oo uu habkaan doorashadu meel uga dhacay oo uu xaqdarro kula dhaqmay, uuna darajadooda iyo nasabkoodaba hoos u dhigay. “Reer Xamar” waxaa ugu muhimsan qabiilka Ashraaf, oo ah dhasha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

Soomaali ma oggoshahay inuu nasabka Ashraafta Soomaaliya oo ah dhasha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hooseeyo?

Soomaalidu waa ummad muslin ah, waxayna aaminsan yihiin inuu fiican yahay wuxuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ Quraanka ama carrabka Rasuulkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam noogu sheegay inuu fiican yahay, waxaana xun wuxuu noo sheegay inay xun yihiin.

Dadku waa wada addoommada Ilaahay الله تعالى\, oo isagaa wada abuuray, cayaarna uma abuurin, oo adduunkaan camal ayaaga lagu waajibiyay, aakhirana xisaab ayaa sugaysa. Dadkana Ilaahay الله تعالى\  wuu kala sare mariyay, oo qaarkood ayuu nasabkooda qaarka kale ka kor mariyay oo ka laan dheereysan. Qabaa’ilkana qaarkood ayuu qaar kale ka kor mariyay oo ka khayr badan.

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isagoo la hadlaya Cuyaynah bin Xisn bin Badr Al Fazaarii Al Tamiimii عيينة بن حصن بن بدر الفزاري التميمي\. wuxuu yiri:

وقبيلة خير من قبيلة وقبيلة شر من قبيلة“.

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Qabiil qabiil kale waa ka khar badan yahay, qabiilna qabiil kale waa ka shar badan yahay.”

Waa intaas.

Kala sarrayntu kuma dhisna intuu qofku maal leeyahay, ama badnida wiilashiisa, ama darajo dawladeed oo uu leeyahay, waxaase sarreeya qofku Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ sare yeelay, waxaana hooseeya qofku Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ hoos yeelay.

Dadku ma sinna

Al Dhabraaniiالطبراني/ wuxuu Abuu Hurayrahأبو هريرة/ ka wariyay inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, yiri:

“إن الله حين خلق الخلق بعث جبريل فقسم الناس قسمين فقسم العرب قسما والعجم قسما وكان خيرة الله في العرب ثم قسم العرب قسمين فقسم اليمن قسما وقسم مضر قسما  وقريشا قسما وكانت خيرة الله في قريش ثم اخرجني من خير من انا منهم.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahayالله\ markuu khalqiga abuuray wuxuu diray Jibriilجبريل\. Markaasuu dadka laba qaybood u qaybiyay, oo uu carab qayb ka dhigay, cajamtana qayb ka dhigay. Ilaahayna الله\  wuxuu doortay carabta oo ugu sharaf badan. Markaasuu carabta laba qaybood u qaybiyay, oo uu markaas Yamanيمن\ qayb ka yeelay, Mudarnaمضر\ (Mudar مضر\  waa awoowaha toddoba iyo tobnaad ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam) qayb ka yeelay, Qurayshnaقريش\ qayb. Ilaahayna الله\  wuxuu doortay Quraysh قريش\. Markaasuu wuxuu iga soo saaray kuwa ugu sharaf badan oo aan anigu ka mid ahay oo aan ka dhashay.”

Culummada qaarkood waxay yiraahdeen:

“Kala sarreynta, kala sharaf badnaanta nasabyada iyo qabaa’ilka iyo guryahaba waxay la xiriirtaa tixgelinta sida abuuridda naftooda ugu kala sharaf badan yihiin, iyo siday ugu kala fadli badan yihiin sifooyinkooda ay ku tilmaaman yihiin, xattaa quudadkooda, oo uu Ilaahayالله qaarkood qaarka kale uga fadli yeelay rizqiga, siduu Cazza wa Jallaعز وجل\ ugu yiri Aayadda kow iyo toddobaatanaad ee Suuratu Al Naxliسورة النحل/:

}وَاللَّهُ فَضَّلَ بَعْضَكُمْ عَلَى بَعْضٍ فِي الرِّزْقِ(71){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Ilaahayالله wuxuu ka fadilay qaarkiin qaar rizqiga(71).”

Wuxuu kaloo Ilaahay, Cazza wa Jallaالله عزوجل\, Aayadda labo iyo soddonaad ee Suuratu Al Zukhrufسورة الزخرف ku yiri:

}وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ (32){

oo macneheedu yahay:

“Waana kor yeelnay qaarkood qaarka kale darajooyin(32)”.

Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ Aayadda kow iyo labaatanaad ee Suuratu Al Israa’iسورة الإسراء/ ku yiri:

}انْظُرْ كَيْفَ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَلَلْآَخِرَةُ أَكْبَرُ دَرَجَاتٍ وَأَكْبَرُ تَفْضِيلًا (21){

Aaydda macneheedu waxaa weeye:

“Bal arag sidaan uga sare yeelnay qaarkood qaarka kale (Adduunka), Aakhiraase ka wayn darajooyin kana wayn kala sare yeelid(21)”.

Kala sarraynta Rususha Ilaahay الله\

Ilaahay الله\  Rususha ayuu kala fadli yeelay oo uu qaarkood qaarka kale ka fadli yeelay, oo wuxuu Cazza wa Jalla عزوجل, Aayadda laba boqol iyo saddex iyo konton ee Suuratu Al Baqarahسورة البقرة/ ku yiri:

}تِلْكَ الرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ(53){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Kuwaasu waa Rasushii, waana ka sare marinnay qaarkood qaar kale(253)”.

Kala sarraynta Anbiyada

Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\, Anbiyada ayuu qaarkood qaarka kale ka fadli yeelay, siduu ugu sheegay Aayadda shan iyo kontonaad ee Suuratu Al Israa’iسورة الإسراء/:

}وَلَقَدْ فَضَّلْنَا بَعْضَ النَّبِيِّينَ عَلَى بَعْضٍ وَآَتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا (55){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Dhab ahaan ayaa‑nna uga sare yeelnay Nabiyada qaarkood qaarka kale(55)”.

Sarraynta Ilaahay الله\  ayaa bixiya

Sidaas oo kale ayay sarreynta iyo deeqdu ugu jirtaa cidduu Isagu siiyo, siduu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى ugu yiri Aayadda afar iyo kontonaad ee Suuratu Al Maaidahسورة المائدة/:

}ذَلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ (54) {

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Taasina waa deeqda Ilaahayالله, wuxuuna siiyaa cidduu doono(54)”.

Sidaas ayuusan kasoo qaad u lahayn hadalka kuwa oranaya:

“Dadku waa hal nooc kulligiis, marka muxuu yahay kala sarreynta nasabku?” Waa intaas warkiisu.

Ilaahay الله\ kuu rabo ayuu sare mariya ama hoos u dhigaa

Sidaas oo kale ayay sarreynta iyo deeqdu ugu jirtaa cidduu Isagu siiyo, siduu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى ugu yiri Aayadda lix iyo labaatanaad ee Suuratu Al Ancaamسورة آل عمران/:

}قُلِ اللَّهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَنْ تَشَاءُ وَتَنْزِعُ الْمُلْكَ مِمَّنْ تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَنْ تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَنْ تَشَاءُ(26){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Waxaad tiraahdaa: Ilaahayow اللَّهُمّAdigaa iska leh addoommada iyo waxay leeyihiinba, waxaadna Muxammadمحمد\ – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – siisay boqortooyada Nabinnimada, boqornimadana waxaad ka siibtaa ciddaad doontid, sida Aboo Jahl أبوجهل\ iyo asxaabtiisa iyo inta la nooc ahba, iyo kuwa maanta ayagaas la midka ah, waxaadna cizzi iyo xoog siisaa ciddaad doontid, sida Muhaajiriintaالمهاجرين\ iyo Ansaartaالأنصار\, waxaadna dullaysaa oo hoos u dhigtaa ciddaad doontid, sida boqortooyada Faaris/Iiraan iyo boqortooyada Roomaanka oo uu labadoodaba Cumarعمر\ Allahaالله\ raalli ka noqdee jebiyey oo la wareegay, khayrkuna (Iyo shartuba) Gacantaaday ku jiraan, Adiguna wax walba waad kartaa(26).”

Soomaalidu waa carab

 

Soomaalidu waa carab, kasoo haajirtay arliga carabta, sida Al Xijaazالحجاز\, Al Yamanاليمن\, Al Ciraaqالعراق\, Suuriyahسورية\ iyo dalal kaleba. Hijradoodu waxay bilaabatay zamanka boqorka Yamanاليمن\ ee Tubbacتبع\, oo qisadiisu Quraanka ku hjirto, oo kun sano ka hor dhalshada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam noolaa. Carabtaas qaarkood way wada socdeen, qaar kalena qoys qoys ayay u yimaadeen, sida ilaa maantaba socota, oo ay qaxootiga reer Yaman اليمن\ u imaanayaa gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyo Waqooyi Bariba. Waa lasoo kala horreeyey mooyee, carab ayaa la wada yahay: fiiri kitaabkayga (http://siirah.com/kutub/Soomaalida.pdf).

Qabiilka Ashraafta

Qabiilka ugu sarreeya adduunka, jinni iyo insiba, carab iyo cajamba waa qabiilka Ashraafta. Ashraaftu waa dhasha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. oo siduu isagu ragga intiisa kale ugu sarreeyey, ayay dhashiisuna caruurta ragga kale uga sarreeyaan, taasna waa sarrayna uu Ilaahayالله\ siiyay.

Waa kee kan ka nasab fiican oo sheeganaya inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka laan dheereysan yahay?

Muslimiintu way isku wada waafaqsan yihiin inuu Nabi Muxammad Salla Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam khalqiga Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ugu sarreeyo, oo qofkaan taas caqiido ahaan u aaminsanayn muslin ma aha ee waa gaal.

Waxaan halkaan ku soo xusaya dhawr Aayadood iyo Axaadiith oo sarrayntaas ku saabsan.

Sarraynta nasabka Ashraafta

Wuxuu Ilaahay الله\xusay kuwuu khalqigiisa ka doortay, kaddibna wuxuu shaaca ka qaaday oo uu dadka ogeysiiyay inay Anbiyadiisa yihiin. Kaddibna wuxuu xusay kuwa uu qoysaskooda doortay, wuxuuna sheegay inay yihiin kuwa Anbiyadiisa u hoggaansan oo raacsan, wuxuuna, Tacaalaa تعالى, Aayadda saddex iyo soddonaad ee Suuratu Aali Cimraanaسورة أل عمران\ ku yiri:

}إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آَدَمَ وَنُوحًا وَآَلَ إِبْرَاهِيمَ وَآَلَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ (33){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Ilaahay الله wuxuu caalamiinta ka doortay Aadanآدم\ iyo Nuuxنوح\ iyo qoyska Ibraahiimإبراهيم iyo qoyska Cimraanعمران\(33).”

Cimraankaanعمران\ waa awoowaha Nabi Ciise Calayhissalaamu oo hooyadiis Maryamaمريم\ dhalay.

Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ka mid yahay qoyska Ibraahiimإبراهيم\, oo Ibraahiimإبراهيم waa aabihiisa dhalay.

Al Dhabraaniiالطبراني/ wuxuu ka wariyay Cabdu Allaahi ibnu Cumar bin Al Khadh‑dhaabعبد الله بن عمر بن الخطاب, Allaha الله\ raalli ka wada noqdee, inuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

“إن الله إختار خلقه فاختار منهم بنى آدم ثم اختار من بنى آدم العرب ثم إختار ني من العرب فلم أزل خيارا من خيار. ألآمن احب العرب فبحبي أحبهم ومن أبغضى العرب فببغضي أبغضهم.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahay الله wuxuu kala doortay khalqigiisa kuwa ugu sharaf badan, markaasuu wuxuu ka doortay Banii Aadanka. Kaddib wuxuu Banii Aadanka ka doortay oo ugu sharaf iyo khayr badan Carabta. Kaddibna aniguu Carabta iga dhex doortay oo ugu sharaf badan uguna khayr badan, oo sidaasaan waxaan ku ahay kan ugu sharaf badan oo kuwa ugu sharaf badan ka dhashay. War hooy ogaada: qofka Carab jecel wuxuu u jecel yahay jeceylka uu aniga i jeceyl yahay daraadiis, midka Carabta necebna wuxuu u neceb yahay nacaybka uu aniga. i neceb yahay daraadiis.”

Ibnu Casaakirإبن عساكر\ wuxuu Abuu Hurayrahأبوهريرة\ ka wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“ما ولدتنى بغى قط منذ خرجت من صلب آدم ولم تزل تنازعنى الأمم كابرا عن كابر حتى خرجت من أفضل حيين من العرب هاشم وزهرة .”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Tan iyo intaan dhabarka Aadanآدم\ kasoo baxay xaaraan la iguma dhalin, tan iyo waagaasna ummadaha kala dambeeyey ayaa i kala jiidanayay oo ay mid walba doonaysaa inaan ayaga ka dhasho. Sidaas ayaanna ahaa ilaa aan ka dhasho labada qabiil oo carabta ugu sarraysa oo kala ah Banuu Haashimهاشم\ iyo Banuu Zuhrahزهرة\ (Banoo Zuhrah زهرة\  waa qabiilka Al Sayyedah Aamenah bintu Wahbالسيدة آمنة بنت وهب\, hooyada dhashay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) waxaa u dhashay qabiilka Soomaaliyeed ee Shaanshi, uuna Sheekh Suufi ka dhashay, caalinka soomaalida, Allaha الله u naxariistee.”

Qurayshقريش\ ayaa ugu horreysey cid rumaysa oo raacda Ilaahay الله iyo Rasuullkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, diinta faafisa, dadka barta, oo qaaradaha oo idil gaysay, dadkana gaarsiisay. Quraankuna wuxuuba ku soo degay afkooda: “lisaanu Qurayshinلسان قريش\”.

 

Waxaa kaloo Anas bin Maalik bin Al Nadr Al Ansaarii al Khazrajii al Saxaabiiأنس بن مالك بن النضر الاأنصاري الخزرجي, caankana ah, ahaana adeegaha Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dhintayna sanadka labo iyo sagaashanaad ama saddex iyo sagaashanaad ee Hijrigaالهجرة\, laga wariyay inuu yiri: “Nabigaa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu akhriyay Aayadda

} لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِنْ أَنْفُسِكُمْ(128){

 (Waana Aayadda boqol iyo labaatan iyo sideed ee Suuratu Tawbah سورة التوبةoo macneheedy=u yahay: “Waxaa idiin yimid oo la idiin soo diray Rasuulka adinka idinka dhashay, haddaad Qurayshقريش\ tihiin”), markaasuu wuxuu yiri:

“أنا أنفسكم نسبا وصهرا وحسبا. ليس في آبائي من لدن آدم سفاح. كلهم نكاح.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Anigaa idiinku nasab fiican, idiinkuna xidid fiican xagga aabayaalka iyo xagga hooyooyinkaba, idiinkuna sharaf badan, oo aabayaalkey, laga soo bilaabo Aadan آدم, zino ma ayan soo dhex gelin, oo kulligeen nikaax ayaan ku dhalannay.”

Jibriil Calayhiissalaamuجبريل عليه السلام/: Sarrayta Nabi Muxammad  Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo Banoo Haashim

Wuxuu abuu Nucaymأبو نعيم/ ka wariyay Caa’ishahعائشة/, Allahaالله\ raalli ka noqdee, midda runleyda ahayd uuna dhalay runlowga Al Siddiiquالصديق/, oo ka warisay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo yiri inuu Jibriilجبريل/ isaga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku yiri:

“قلبت مشارق الارض ومغاربها فلم أر رجلا أفضل من محمد عليه الصلات والسلام ,ولم أر بني أب أفضل من بني هاشم.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waxaan fatashay arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisa, mana aanan arag nin ka sarreeya Muxammadمحمد/, Calayhi Al Ssalaatu Wa Al Salaamu, mana aanan arag ubad aabe dhalay oo ku abtirsada oo ka sarreeya Banii Haashimبني هاشم/.”

Al Dhabraaniiالطبراني/ wuxuu Xadiithkaan ku wariyay al Awsadhالأوسط/.

Waxaa kaloo wariyay Axmadأحمد/ iyo Al Bayhaqiiالبيهقي/ iyo al Daylamiiالديلمي/ iyo ibnu Laalإبن لال iyo ghayrkoodba.

Xadiithkaan wuxuu lmaam Ibnu Xajarالإمام إبن حجر/ ka yiri, waana al xaafith abuu Al Fadl Axmad bin Caliyyi bin Muxammad bin Muxammad bin Caliyyi bin Xajar al Kinaanii al Casqalaanii, kaddibna al Misrii al Shaaficiiالحافظ أبو الفضل أحمد بن علي بن محمد بن محمد بن علي بن حجر الكناني العسقلاني ثم المصري الشافعي, oo dhashay sanadka Hijrigaالهجرة\ ee toddoba boqol iyo saddex iyo toddobaatan, marka horena bartay al adab iyo gabayada oo fiidda ka gaaray, kaddibna wuxuu bartay Xadiithka oo uu culummo badan ka bartay, oo uu funuuntiisa oo idil fiidda ugu sarreysa ka gaaray ilaa uu ka gaaray in loo soo safro si looga barto Xadiithka, wuxuuna noqday oo u sugnaatay madaxtinnimada Xadiithka ee adduunkoo idil, wuxuuna dhigay kutubbo badan, yeerinna looga qoray kun majlis in ka badan, waxaana kutubbadiisa ka. mid ah Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaariiفنح الباري بشرح صحيح البخاري/. Ibnu Xajarإبن حجر/ Xadiithkaan ka yiri: “Matniga Xadiithkaan waxaa ka muuqda inuu saxiix yahay”.

Zaynu Al Caabidiinaزين العابدين\

Kitaabka la yiraahdo Fadlu Aala Al Baytiفضل آل البيت\ waxaa allifay Abuu Al Cabbaas Al Xusaynii Al Cubaydii Axmad bin Calii bin Cabdu Al Qaadir ibnu Muxammad Taqiyyu Al Ddiini Al Maqriiziiأبو العباس الحسيني العبيدي أحمد بن علي بن عبد القادر إبن محمد تقي الدين المقريزي\, taariikh yahanka arliga Masarمصر\, asalkiisuna uu yahay gobolka Bacalbakبعلبك\ ee Lubnaanلبنان\, looma nisbeeyey tuulada Al Maqaarizahالمقارزة\, siduu Al Zerekleeالزركلي\ wariyay.

Wuxuu ku dhashay, wax ku bartay kuna dhintay Al Qaahirahالقاهرة\, arliga Masarمصر\, halkaasoo uu xilal badan oo diini ah ka qabtay, sida Imaamnimada, Khadhiibnimada iyo kuwo kaleba. Sanadka sideed boqol iyo toban wuxuu tegey Dimishiqدمشق\ isagoo uu la socdo wiilkiisa Al Naasirالناصر\, halkaasoo loogu soo jeediyey inuu Qaallinnimada Dimishiq qabto, uuna diiday. Wuxuu noolaa inta u dhexeysa toddoba boqol iyo lix iyo toddobaatanka ilaa sideed boqol iyo shan iyo afartanka Hijriga الهجرة\ ah, una dhigantah kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan ilaa kun iyo afar boqol iyo kow iyo afartan miilaadiga. Ilaa laba boqol oo kutub ayuuna allifay. Al Maqriizii المقريزي waa dhashay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo ku abtirsada Al Xusayn bin Faadhimahالحسين بن فاطمة, Sallaa Allaahu Calayhim Wasallam.

Kitaabkaan waxaa lagu faafiyay oo daabacay Daaru Al Ictisaamiدار الإعتصام\ ee ku taalla Bayruut dalka Lubnaanلبنان\ sanadka kun saddex boqol laba iyo soddon Hijrigaالهجرة\ una dhiganta kun sagaal boqol laba iyo toddobaatan Miilaadiga.

Kitaabka waxaa xaqiijiyay faallana ku daray Doktoor Muxammad Axmad Caashuurد.محمد أحمد عاشور. Waana kitaab yar oo qiimo badan oo boqol kow iyo toban bog ka kooban.

Al Maqriiziiالمقريزي\ (bogga toddoba iyo labaatan) wuxuu wariyay inuu Al Ssuddiyyuالسدي\ ka wariyay Abii Al Ddaylamأبي الديلم\ inuu yiri:

“Calii bin Al Xusaynعلي بن الحسين\ (Waana Zaynu Al Caabidiinaزين العابدين عليه السلام\ ninka kali ah oo ubadka Al Sh-dhahiidu Al Xusaynuالشهيد الحسين\ ka badbaadiyay marka Ahlu Al Baytkaأهل البيت\ lagu laayay Karbalaa’كربلاء\ ee dalka Ciraaqعراق\, waana taabicii, uuna laayay faasiqa Yaziid bin Mucaawiyah bin Abii Sufyaan bin Xarb bin Umayyah bin Cabdu Shams bin Cabdu Manaafيزيد بن معاوية بن أبي سفيان بن حرب بن أمية بن عبد شمس بن عبد مناف) wuxuu nin reer Shaamالشام\ ah ku yiri:

“Miyaadan ka akhrin Al Axzaabسورة الأحزاب\:

} إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنْكُمُ الرِّجْسَ أَهْلَ الْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا (33){

Wuxuu yiri:

“Kuwaasu ma adinkaa?”

Wuxuu yiri:

“Haa.”

Wuxuu kaloo bogga kow iyo toddobaatan ku yiri:

“Al Ssuddiyyuالسدي\ wuxuu Abii Al Ddaylamأبي الديلم\ ka wariyay inuu yiri:

“Marka Calii bin Al Xusaynعلي بن حسين\ oo qafaal ah  (oo xargo ku xirxiran)  la mariyay lana istaajiyay dariiqyada Dimishaqدمشق\ ayuu nin reer Shaamالشام\ ah wuxuu ku yiri:

“Al xamdu li Allaahiالحمد لله\ Midka idin laayay, xididdana idiin siibay fitnadana madaxa ka gooyey.”

Markaasuu Caliiعلي\ wuxuu ku yiri:

“Adigu Quraanka ma akhriday?”

Wuxuu yiri:

“Haa.”

Wuxuu yiri:

“Hadaba ma akhriday Aali Xaa Miimآل حم\?”

Wuxuu yiri:

“Quraanka waa akhriyay kumana arag Aali Xaa Miimأل حم\.”

Wuxuu yiri:

“Ma akhriday

}قُلْ لَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا إِلَّا الْمَوَدَّةَ فِي الْقُرْبَى(23){

Waana Aayadda saddex iyo labaatan ee Suuratu حم (1) عسق (2)  Al Sh-shuuraaسورة الشورى\ oo Xaameemmada حم\ ka mid ah, oo macneheedu yahay:

“Waxaad ku tiraahdaa waxaan aan idiinku yeerayo (ahna diinta islaamka) ijaar idiinkama rabo, waxaan ahayn inaad qaraabinnamada naga dhexeysa aad igu ilaalisaan, iguna jeclaataan qaraabadaydana aad jeclaataan oo ilaalisaan(23).”

Al Baghawiiالبغوي\: Xadiithka Zayd bin Arqamحديث زيد بن أرقم للبغوي\

Al Baghawiiالبغوي\ tafsiirka Aayaddaan aan soo sheegnay wuxuu yiri:

“Zayd bin Arqamزيد بن أرقم\ ayaa waxaa la waydiiyay:

“Waa kuwee Ahlu Baytkuأهل البيت\?”

Wuxuu yiri:

“Waxaa weeye Caliiعلي\ qoyskiisa iyo Caqiilعقيل\ (bin Abii Dhaalibبن أبي طالب\ Caliiعلي\ walaalkiisa ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin) qoyskiisa, iyo Jacfar (bin Abii Dhaalib بن أبي طالب\  oo ah Caliiعلي walaalkiis ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin)جعفر بن أبي طالب\ qoyskiisa iyo Cabbaas العباس reerkiisa.” Waa intaas warkiisu.

Intaasba waa adeerrada iyo ilmo adeerrada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, waana caruurta Haashim bin Cabdu Manaafهاشم بن عبد مناف\.

Haashimهاشم wuxuu ka tarmay oo kali ah xagga wiilkiisa Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطلب\, oo caruurtiisa kale way cirib go’een, oo Ashraaftoo idil waxay ku abtirsadaan Cabdu Al Mudh-dhalibعبد المطلب.

Al Thaclabiiالثعلبي\

Al Thaclabiiالثعلبي\ (waana Abuu Isxaaq Axmad bin Muxammad bin Ibraahiim Al Thaclabii ama Al Thacaalibii Al Niisaabuuriiأبو إسحاق أحمد بن محمد بن إبراهيم الثعلبي-الثعالبي النيسابوري\, ahaana mid isagoo kale uusan jirin zamankiisa xagga cilmiga tafsiirka  wuxuuna dhintay sanadka Hijrigaالهجرة\ ee afar boqol toddoba iyo labaatan; waana caalinka ay tafsiirkiisa ka qaateen ibnu Kathiirإبن كثير\, Al Baghawiiالبغوي\ iyo kuwa kaleba) wuxuu yiri:

“Waxaa la yiri waa Banuu Haashimبنوا هاشم\, taasaa waxayna daliil u tahay in Ahlu Baytkaأهل البيت\ loola dan leeyahay Baytka nasabka.

Sidaasuu Al Cabbaasuالعباس\ iyo adeerradiis iyo ilmo adeerradiis Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uga wada mid yihiin oo ay Ahlu Baytkaأهل البيت uga tirsan yihiin.”

Sidaasoo kalena wuxuu ka wariyay Zayd bin Arqamزيد بن أرقم\ Allahaالله\ raalli ka noqdee.

 

Al Rijsuالرجس\

 

Al Maqriiziiالمقريزي\ wuxuu yiri (bogga lix iyo soddon):

“Al rijsuالرجس\ waa magac ama eray koobaya wixii shar ah oo idil iyo naaqusnimo iyo dambi iyo dhawrsanaan la’aan. Guud ahaan waa shar iyo naaqusnimo. Intaasoo idil waxay soo hoos gelayaan rijsiga guud oo laga qaaday (Ahlu Baytkaaأهل البيت).

Marka sidaasaa waxaa u sugnaanaysa inay sawaabta haleelaan oo xagga Ilaahayالله\ ka dhawrsan yihiin markay hadlan, marka ficil ku kacaan iyo caqiidadooduba. Waxaa intaas u dheer in ayagoo uu Ilaahay الله\  daahiriyay uuna daahirintooda masdarkii kusii adkeeye (Waa tadh-hiiranتطهيرا\ ee Aayadda ku jirta) Isagoo yiri:

}وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا (33){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Wuxuu idinka daahirayay rijsiga iyo ghayrkiisba daahirin run ah. Taasoo ah daahirintooda guud,  lagana daahiriyay wax kasta oo loo baahan yahay in laga daahirsanaado xagga curfiga la isla yaqaanno ama caqliguba sheegayo in laga daahir sanaado, ama shareecaduba ay amrayso in laga daahir sanaado.

Marka dambiga iyo dhawrsanaan la’aantu waxay soo hoos gelayaan waxaas laga daahiriyay oo sidaasay ku yihiin kuwa ka daahirsan. Taas waxaa ka dhalanaysa inay sawaabta haleelayaan guud ahaan ayna dhawrsan yihiin (Waa cismatعصمة\). Waxaana u daliil ah inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“إني تارك فيكم ما إن تمسكتم به لن تضلوا: كتاب الله وأهل بيتي وإنهما لن يفترقا حتى يردا علي الحوض.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Anigu waxaan idiinka tegey labo haddaad ku dheggenaataan aydnaan baadiyoobayn:

(Kow) Kitaabka Ilaahay الله\.

(Laba) Caruurtayda Ahlu Baytkaygaأهل البيت.

Labaadaasu ma kala tegayaan oo way wada jirayaan ilaa ay aniga Xawdkaygaحوضي (Waa maalinta qiyaame) ayagoo wada socda iigu yimaadaan.”

Xadiithkaanu wuxuu daliil ku yahay isagoo Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Quraanka Macsuumkaمعصوم\ ah ku lammaaniyay oo laazimiyay Ahlu Baytkiisaأهل البيت, qofka macsuum laazimana isaguna waa macsuumمعصوم\.

Marka hadday sugnaatay inay Ahlu Baytkuأهل البيت macsuumiin yihiin waxaa waajibaysa inuu ijmaacoodu xujjo u yahay ka dhawrsanaanta dambiyada.

Marka waxaa habboon inuu qof kastoo muslin ah inuu rumeeyo Ilaahay الله\ markuu yiri:

}إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنْكُمُ الرِّجْسَ أَهْلَ الْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا (33){

oo uu markaas rumeeyo in waxa Ahlu Baytkaأهل البيت ka dhaca oo idil Allaha raalli ka wada noqdee uu Ilaahay ka wada cafiyay.” Waa intaas warkiisu.

Waa kee qabiilka kale  oo Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\  Quraanka noogu sheegay inuu daahiriyay oo aan Ashraafta ahayn? Jawaabtu waa: “Ma jiro”.

Al Maqriiziiالمقريزي\ wuxuu kaloo yiri:

“Al istaath Abuu Al Xasan Calii bin Ismaaciil bin Sayyidihiالإستاذ أبو الحسن علي بن سيده\ Allaha الله\  u naxariistee wuxuu yiri:

“Al rijsuالرجس\ waa waxa xun”.

Ibnu Duraydإبن دريد\ wuxuu yiri:

“Waa najaasada.”

Al Rijsuالرجس\ waana cathaabta sida al rijzuالرجز\ oo kale. Rijsرجس\ waxaa kaloo la yiraahdaa shaydaanka waswaasintiisa.

Al Imaamu Abuu Jacfar Al Dhabariiأبو جعفر الطبري\ wuxuu yiri:

“Waa waxa xun iyo al faxshaa’u oo ah waxa fool xun oo dhan (sida zinada oo kale): Ahla Baytka Muxammadowأهل بيت محمد\ wuxuuna idinka daahirinaya wasakhda ay leeyihiin kuwa macaasida Ilaahay الله\  ku dhex jira wuxuuna idinka daahirinayaa daahirin.” Waa intaas warkiisu.

Yaa nasabkaan oo kale leh? Cidna!

Axmadأحمد\ wuxuu Xuthayfahحذيفة\ Allaha الله\ raalli ka ahaadee ka wariyay inuu yiri:

“أتيت النبي صلى الله عليه وسلم فصليت معه المغرب، فصلى حتى صلى العشاء، ثم انفتل، فتبعته، فسمع صوتي فقال:

“من هذا؟ حذيفة؟”

قلت: 

“نعم.”

قال:

“إن هذا ملك لم ينزل الأرض قط قبل هذه الليلة استأذن ربه أن يسلم علي ويبشرني أن فاطمة سيدة نساء أهل الجنة، وأن الحسن والحسين سيدا شباب  أهل الجنة.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waxaan u imid Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo aan salaadda maghribصلاة المغرب\ la tukaday, oo markaasuu tukanayay ilaa uu cishaha ka tukado, markaasuu masjidka ka baxay. Markaasaan ka daba baxay. Markaasuu Sallaa Alllaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam codkayga maqlay, oo uu yiri:

“Ma Xuthayfaaحذيفة\?”

Waxaan iri:

“Haa.”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Kanu waa malag aan waligiis arliga usoo degan caawadaan ka hor, oo Rabbigiis ayauu kasoo idan qaatay inuu i salaamo, iiguna bishaareeyo inay Faadhimahفاطمة\ tahay hoggaamiyadda iyo madaxda haweenka jannada ku jira, iyo inay Al Xasanالحسن\ iyo Al Xusaynuالحسين\ madaxda dhallinyarada jannada ku jira yihiin.”

Waxaa wariyay Axmadأحمد\, iyo Abuu Xaatimأبوحاتم\.

 

Al Mallaa’uالملاء\ wuxuu ibnu Cabbaasإبن عباس\ Allaha الله labadoodaba raalli ka noqdee ka wariyay inuu yiri:

“بينما نحن ذات يوم مع النبي صلى الله عليه وسلم إذ أقبلت فاطمة تبكي، فقال لها رسول الله صلى الله عليه وسلم:

“فداك أبوك ما يبكيك؟”

قالت:

“إن الحسن والحسين خرجا ولا أدري أين باتا.” 

فقال لها رسول الله صلى الله عليه وسلم: 

“لا تبكين فإن خالقهما ألطف بهما مني ومنك.”

ثم رفع يديه فقال:

“اللهم احفظهما وسلمهما.” 

فهبط حبريل وقال:

“يا محمد لا تحزن، فإنهما في حظيرة بني النجار نائمين، وقد وكل الله بهما ملكا يحفطهما.”

فقام النبي صلى الله عليه وسلم ومعه أصحابه حتى أتى الحظيرة، فإذا الحسن والحسين – رضي الله عنهما – معتنقين نائمين، وإذا الملك الموكل بهما قد جعل أحد جناحيه تحتهما والآخر فوقهما يظلهما. فأكب النبي صلى الله عليه وسلم عليهما يقبلهما حتى انتبها من نومهما، ثم جعل الحسن على عاتقه الأيمن، و الحسين على عاتقه الأيسر، فتلقاه أبوبكر وقال:

“يا رسول الله! ناولني أحد الصبيين أحمله عنك.”

فقال صلى الله عليه وسلم:

“نعم المطي مطيهما، ونعم الراكبان هما، وأبوهما خير منهما.”

حتى أتى المسجد فقام رسول الله الله صلى الله عليه وسلم على قدميه وهما على عاتقيه، ثم قال: 

“معاشر المسلمين! ألا أدلكم على خير الناس جدا وجدة؟”

قلنا:

“بلى يا رسول الله.”

قال:

“الحسن و الحسين، جدهما رسول الله خاتم المرسلين، وجدتهما خديجة بنت خويلد سيدة نساء أهل الجنة. ألا أدلكم على خير الناس أبا و أما؟” 

قالوا:

“بلى يا رسول الله.”

قال صلى الله عليه وسلم: 

“الحسن و الحسين، أبوهما علي بن أبي طالب، وأمهما فاطة بنت خدجة وهي سيدة نساء العالمين. ألا أدلكم على خير الناس عما و عمة؟” 

قالوا:

“بلى يا رسول الله.”

قال:

 

“الحسن و الحسين، عمهما جعفر بن أبي طالب، وعمتهما أم هانئ بنت أبي طالب. أيها الناس! ألا أدلكم على خير الناس خالا وخالة؟”

 

قالوا:

“بلى يا رسول الله.”

قال:

“الحسن و الحسين، خالهما القاسم ابن رسول الله صلى الله عليه وسلم و خالتهما زينب  بنت رسول الله صلى الله عليه وسلم.”

 

ثم قال:

 

“اللهم إنك تعلم أن الحسن و الحسين في الجنة وأبوهما في الجنة، و أمهما في الجنة، وخالهما في الجنة،  وخالتهما في الجنة، وعمهما في الجنة، وعمتهما في الجنة، ومن أحبهما في الجنة، و من أبغضهما في النار.”

 

أخرجه الملاء في “سيرته.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Annagoo maalin maalmaha ka mid ah Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la joogna ayaa waxaa timid Faadhimahفاطمة\ oo booyaysa. Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ku yiri:

“Aabahaa ayaa furashadaada ahe, maxaad la booyaysaa?”

Waxay tiri:

“Al Xasanالحسن\ iyo Al Xusaynالحسين\ ayaa guriga ka baxay, meel ay seexdeenna ma ogi.”

 

Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ku yiri:

“Ha booyon, oo Midka labadooda abuuray ayaa adiga iyo aniga uga naxariis badan.”

 

 

 

Kaddibna labadiisa gacnood ayuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam kor u qaaday uuna yiri:

“Ilaahayowاللهم\ labadooda ilaali oo nabad geli.”

 

 

Markaasaa waxaa soo degay Jibriilجبريل\ oo yiri:

“Muxammadowمحمد\, ha tiiraanyoon, oo labadoodu waxay ku dhex jiraan beerta Banii Al Najjaarبني النجار\, wayna hurdaan. Ilaahaynaالله\ wuxuu labadooda u wakiishay malag ilaalinaya.”

 

Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam soo kacay, isagoo ay la socdaan asxaabtiisu oo wuxuu yimid beertaas, uuna halkaas ku arkay Al Xasanالحسن iyo Al Xusayn الحسين\  Allaha الله\  labadoodaba raalli ka ahaadee – oo hurda ayagoo laba luqumood isi surtay oo isku dheggan oo hurda. Malagga labadooda loo wakiishayna wuxuu labadiisa baal midkood dhigay hoostooda oo ay ku jiifaan, baalka kale korkooda ayuu yeelay oo uu qorraxda uga hoosaasinayaa.

 

Markaasuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aali Wa Sallam ku kor degay oo uu dhundhunkooday ilaa ay labadooduba hurdada kasoo baraarugaan. Markaassu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu Al Xasanالحسن saaray garabkiisa midig, Al Xusaynna الحسين\  garabkiisa bidix. Markaasaa waxaa ka hor yimid Abuu Bakrأبوبكر\ oo ku yiri:

“Rasuulka Ilaahayow الله\! Labada wiil midkood ii dhiib aan kaa qaadee.”

Markaasuu Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

“Daabadday saran yihiin waa daabad nicmo leh, labadooduna waa laba raakib oo nicmo leh, aabohood ayaana labadoodaba ka khayr badan.”

 

Markuu masjidka yimid ayuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam labadiisa cagood ku istaagay ayadoo ay labadoodana labadiisa garab kala saran yihiin, kadiibna uu yiri:

“Ragga muslimiinta ahow! Ma idiin tilmaamaa kuwa dadka ugu awoowe iyo ayeeyo khayr badan?

Waxay yiraahdeen:

“Haa, Rasuulka Ilaahayow.”

 

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Waa Al Xasanالحسن iyo Al Xusaynu الحسين, oo awoowohood waa Rasuulka Ilaahay iyo midka Rusuha lagu gunaanaday, ayeeyadoodna waa Khadiijah bintu Khuwaylidخديجة بنت خويلد\ madaxa haweenka jannada. Ma idiin timaamaa kan dadka ugu khayr aabe iyo hooyo?”

Waxay yiraahdeen:

“Haa, Rasuulka Ilaahayow.”

 

 

 

 

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Waa Al Xasanالحسن iyo Al Xusayn الحسين, oo aabohood waa Calii bin Abii Dhaalib علي بن أبي طالب\, hooyadoodna waa Faadhimahفاطمة\ gabdha Khadiijahخديجة waxayna tahay madaxda haweenka caalamiinta. Ma idiin tilmaamaa kan dadka ugu khayr badan adeer iyo eedo?”

Waxay yiraahdeen:

“Haa, Rasuulka Ilaahayow.”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Waa Al Xasanالحسن iyo Xusayn الحسين, oo adeerkood waa Jacfar bin Abii Dhaalibجعفر بن أبي طالب\, eedadoodna waa Ummu Haani’ binti Abuu Dhaalibأم هانئ بنت أبي طالب\. Dadow! Ma idiin tilmaama kan dadka ugu khayr badan abti iyo habaryar?”

Waxa yiraahdeen:

“Haa, Rasuulka Ilaahayow.”

Wuxuu yiri:

“Waa Al Xasanالحسن iyo Xuseen الحسين, oo abtigood waa Al Qaasimu ibnu Rasuuli Allaahi القاسم إبن رسول الله صلى الله عليه وسلم\Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, habaryartoodna waa Zaynabزينب\ gabadha Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”

Kaddibna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

“Ilaahayowاللهم\ Adigu waxaad ogtahay inay Al Xasanالحسن iyo Al Xusayn الحسين jannada ku jiraan, iyo inuu aabohood jannada ku jiro, iyo inay hooyadood jannada ku jirto, iyo inuu abtigood jannada ku jiro, iyo inay habaryartood jannada ku jirto, iyo inuu adeerkood jannada ku jiro, iyo inay eedadood jannada ku jirto, iyo inuu qofka labadooda jecel jannada ku jiro, iyo inuu qofka labadooda neceb uu naarta ku jiro.”

Waxaa kaloo wariyay Al Dhabraaniiالطبراني\, iyo ibnu Casaakirإبن عساكر\ iyo kuwa kaleba.

 

Al Xusaynuلحسين Calayhissalaamu waa qabiil ka mid ah labada qabiil oo Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka farcamay

 

Abuu Xaatimأبوحاتم\ iyo Axmadأحمد\ waxay Yaclaa bin Murrah Al Caamiriiيعلى بن مرة العامري\ inuu yiri:

 

“أنه خرج مع رسول الله صلى الله عليه وسلم إلى طعام دعوا إليه، فإذا الحسين مع الصبيان يلعب، فاشتمل أمام القوم ثم بسط يده، فطفق الصبي يفر ههنا مرة وههنا مرة، وجعل رسول الله صلى الله عليه وسلم يضاحكه، حتى أخذه فجعل إحدى يديه تحت ذقنه والأخرى تحت قفاه، ثم قنع رأسه، ووضع فاه على فيه فقبله وقال:

 

“الحسين مني و أنا من حسين، أحب الله من أحب حسينا، حسين سبط من الأسباط.”

 

خرجه أبو حاتم، وسعيد بن منصور.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Wuxuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u raacay cunno loogu yeeray, markaasuu wuxuu arkay Al Xusaynu الحسين oo wiilasha la cayaaraya, markaasu hortooda istaagay uuna gacantiisa fidiyay. Markaasuu wiilku marna dhinacaan u cararayaa marna dhinacaan, ayadoo uu Rasuulka Ilaahayna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka qoslinayo, ilaa uu ka qabto. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam labadiisa gacnood middoodna garka wiilka hoostiisa yeelay, gacanta kalena qadaadkiisa hoosta madaxiisa, uuna madaxiisa kor u jeediyay oo uu markaas afkiisa afka u saaray oo uu dhunkaday, uuna yiri:

“Xusayn الحسين aniguu iga mid yahay, aniguna Xusayn حسين ayaan ka mid ahay, Ilaahay الله ha jeclaado qofka Xusayn حسين jecel. Xusayn حسين waa sibdh/Qabiilسبط\ ka mdi ah Al Asbaadhالأسباط\ (oo waxaa ka farcamaya qabiil Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ku abtirsada oo Ashraafta ah).”

 

Anigaa aabohood iyo qabiilkooda ah

 

“Axmadأحمد\ wuxuu Cumarعمر\ Allaha raalli الله ka ahaadee ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

“كل ولد أب فإن عصبتهم لأبيهم ما خلا ولد فاطمة، فإني أنا أبوهم وعصبتهم.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Wiil kastoo uu aabe dhalay qabiilkoodu waa qabiilka aabohood, intaan ka ahayn caruurta Faadhimahفاطمة, oo kuwaas aniga ah aabohood iyto qabiilkoodaba.”

Waxaa wariyay Axmadأحمد\, iyo Al Khadhiibu Al Baghdaadiiالخطيب البغدادي\.

 

Al Xasanالحسن\ iyo Al Xusaynالحسين\ Calayhimassalaamu waa madaxda dhallinyarada jannada

 

Abuu Calii bin Shathaanأبوعلي بن شاذان\ wuxuu Xuthayfahحذيفة\  Allahaالله raalli ahaadee ka wariyay inuu yiri:

 

“رأينا وجه رسول الله صلى الله عليه وسلم يتباشر بالسرور وقال:

 

“وما لي لا أسر و قد أتاني جبريل فبشرني أن حسنا و حسينا سيدا شباب أهل الجنة، و أبوهما أفضل منهما.”

 

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waxaan aragnay wajiga Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo loo bishaareeyey oo farax la hillacaya, wuxuuna yiri:

“Oo maxaan u farxi waayay ayadoo uu Jibriilجبريل\ ii yimid, uuna iigu bishaareeyey inay Xasan حسن iyo Xusaynحسين yihiin madaxda dhallinyarada jannada (Waana ragga ayagoo dhallinyaro ah dhintay, siday culummadu u fasireen; ragga waawayn oo jannada ku jirana waxaa u madax ah Abuu Bakr Al Ssiddiiquأبوبكر الصديق\ iyo Cumar Al Faaruuqعمر الفاروق\ Allahaالله\ labadoodaba raalli ka ahaadee), iyo inuu aabohood (Waana Calii bin Abii Dhaalib الإمام علي بن أبي طالب\ Calayhissalaamu) ayaga ka fadli badan yahay oo ka sarreeyo.”

 

Quraanka kasoo degay qaybinta fayga

 

Xuquuqda ay Ashraaftu dawladaha islaamka ah dhexdiisa ku leeyihiin ilaa Maalinta Qiyaame, oo dawladaha Islaamka ah qaarkood maanta laga siiyo, waxaa ka mid ah xaqqa ay ku leeyihiin “Fayga”, iyo batroolka, iyo dahabka iyo macaadinta dhulka laga qodo iyo waxa la midka ahba.

 

Markaasuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu u sheegay sida fayga loo qaybinayo, waana maalka gaalada laga furtaye, iyo axkaamtiisa, kaddib markuu u xalaaleeyey, wuxuuna yiri:

 

}وَاعْلَمُوا أَنَّمَا غَنِمْتُمْ مِنْ شَيْءٍ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي الْقُرْبَى وَالْيَتَامَى وَالْمَسَاكِينِ وَابْنِ السَّبِيلِ(41){

 

Waana Aayadaha kow iyo afartan iyo laba iyo afartan ee Suuratu Al Anfaaliسورة الأنفال\ oo macnohoodu yahay:

 

“Waxaad ogaataan in waxaad ka ghaniimaysataan gaalada oo aad ka furataan inuu Ilaahay ka leeyahay iyo Rasuulkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, khumuskiisa, oo ah marka maalkaas shan meelood loo qaybiyo meel ama boqolkiiba labaatan. Khumuskaasna waxaa iska leh (Kow) Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. (Labo) kuwa qaraabada u saaxiibka ah, oo ah qaraabada Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ahna Banuu Haashimبنوهاشم\ iyo Banuu Al Mudh-dhalibبنو المطلب\. Imaam Al Shaaficiiالإمام الشافعي\, Allaha raalli ka noqdee, waxbuu ku lahaan jiray, isagoo ah ina adeerka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, isagoo ku abtirsada Al Mudh-dhalib bin Cabdi Manaaf المطلب بن عبد مناف\, walaalka la dhashay Haashim bin Cabdu Manaafهاشم بن عبد مناف\. (Saddex) Agoonta. (Afar) Masaakiinta. (Shan) Kan musaafirka ah oo sahaydu ka go’day. Sidaas u qaybiya haddaad tihiin kuwa rumeeyey Ilaahay iyo Quraankaan kusoo dejinnay Addoonkeenna Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalinta kala baxa, oo Maalinta Badarبدر\ waxay ahayd maalin jimce ah oo ay bisha Ramadaanرمضان\ toddoba iyo toban habeen ka gudbeen, maalintaasoo xaqqa iyo baadhilka la kala saaray oo uu islaamku gacanta sare yeeshay, gaalnimadana le jebiyay oo laga adkaaday. Maalintaasna waa maalintay kulmeen labada kooxood, oo kala ah xizbiga Ilaahay iyo xizbiga shaydaanka(41).”

 

Intaasoo kalena wuxuu Ilaahayالله\ ugu xukumay Aayadda toddobaad ee Suuratu Al Xashriسورة الحشر\.

 

 

 

 

 

Ashraaf Sarmaan

 

Ashraafta Soomaaliyeed oo Al Sayyid Al Xasan bin Faadhimahالحسن بن فاطمة\ Calayhimassalaamu ku abtirsata, uuna dhalay, siduu Shariif Caydaruusالشريف عيدروس\ Allaha الله\ u naxariistee kitaabkiisa “Bughyatu Al Aamaali Fii Taariikhi Al Suumaaliبغية الآمال في تاريخ الصومال\” ugu wariyay, Yaxyaaيحيى\ wiilka yar ee Shariif Cabdu Al Qaadir Jaylaaniالشريف عبد القادر جيلاني\ oo la yiraahdo “Ashraaf Sarmaan” waxaa magacaas loogu bixiyay ayagoo degi jiray deegaanka la yiraahdo “Sarmaan Dheere” oo u dhexeeya degmada Waajid iyo degmada Biyooley, ayna ku yaallin geedka Sarmaan la yiraahdo oo dheerdheer. Sidaasna waxaa iigu sheegay Shariif Axmad Calawii oo hadda deggan Columbus, Ohio ee dalka Maryakanka, ahna reer Luuq, asalkiisuna yahay degmada Marka Caddey, taasoo ay Luuq uga guureen markuu talyaaniga fashiistada ahi Marka soo galay zamanka Mussolini.

 

Ashraafta iyo madaxwayne Maxammad Siyaad Barre

 

Madaxwayne Maxammad Siyaad Barre wuu karaamayn jiray oo dhawri jiray Ashraafta, xilalka dawladdana waxbuu ka siin jiray. Tusaale ahaan, Dr. Shariif Saalax Maxammad Cali, Allahaالله\ u naxariiste, kana soo baxay jaamacadaha dalka Talyaaniga, wuxuu xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee Xizbiga, Guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Dibadda ee Xisbiga, wuxuuna noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare, wuxuuna qabtay xilal kale oo Qaran oo muhim ahaa, sida isagoo madax ka ahaa wakaaladda dalkoo idil cunnada u keenta (ENC), guddoomiyaha Akaademiyada Cilmiga iyo Suugaanta Soomaaliya. Kaddibna wuxuu noqday danjiraha Soomaaliya ee Roma, arliga Talyaaniga iyo London ee dalka Ingiriiska.

 

Shariif Jeneraal Admiraal Saciid Mariino wuxuu ahaa Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya.

 

Danjire Dr. Maxammad Shariif wuxuu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, danjiraha Soomaaliya ee Paris, arliga Fransa iyo xilal kaleba, wuxuuna kasoo baxay jaamacad ku taalla dalka Masar. Danjire Dr. Shariif Maxammad Cumar Abo Imaankiyo kana soo baxay Jaamacadda Rooma ee dalka Talyaaniga, wuxuu noqday Danjireheenna Ankara ee arliga Turkiga, kaddibna danjiraha Soomaaliya ee Dooxaالدوحة\, arliga Qadharقطر\. Walaalkiisa ka yar Ingineer Shariif Axmad Cumar Abo Imaankiyo “Archimede” Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeedna macallin ka ahaa oo kasoo baxay Jaamacadda Roma ee dalka Talyaaniga wuxuu noqday injineerka Dawladda, wuxuuna aasaasay oo madax ka ahaa Wakaladda Hindisaha Soomaaliyeed (Somalia Emgineering Consulting Agency), isagaana dhisay hotellada Muqdisho ku yaalla ee Jubba, Curuuba, Casa Popolare iyo mashaariic kaloo badan.

 

Mar ayaaba dhaqaalaha dawladuba uu ku jiray gacanta Ashraafta oo Shariif Zeno Abo Imaankiyo wuxuu ahaa guddoomiyaha Bangiga Ganacsiga Soomaaliyeed. Shariif Abuu Bakar Muxammad Abo Imaankiyo wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Shariif Dr. Axmad Cismaan Abo Imaankiyo wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya.

 

Xafiiska ugu muhimsan ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu ahaa Hoggaanka Hawlgelinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana madax ka ahaa Gaashaanle Sare Shariif Cabdu Al Qaadir Iimaan. Hoggaankaasu waa midka ciidammad dhulka, cirka iyo badda dagaal geliya.

 

Saaxiibkay Shariif Cabdu Al Ghaffaar bin Al Sayyid Cabdu Allaahi – oo hadda dalka Maraykanka deggan – oo arliga Aljeeriya wax kusoo bartay wuxuu ahaa Agaasimaha wargays maalkeedka dawladda ee afka carabiga kusoo baxa ee “Najmatu Oktoobarنجمة أكتوبر\.” Shariifkaan qoyskiisu waxay qaar leeyihiin “Shicbu Banii Caamirشعب بني عامر\”, oo ah dhulka ku dheggan guriguu ku dhashay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi wa Sallam oo kasoo horjeeda “Baabu Al Ssalaamباب السلام\” ee “Masjidu Al Xaraamiالمسجد الحرام\” ee Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ ilaa maanta, dawladda Sucuudiguna ay lahaanshohooda u aqoonsan tahay, qiimaha dhulkaas u qondaysay oo meel uu dhigtay. Qofka dhulkoodaas ku tukada wuxuu ku tukaday Al Masjidu Al Xaraamiالمسجد الحرام iyo Kacbada agteeda. Dhulkaas maanta waa bannaan yahay, guryihii ku yiilnay waxaa loo dumiyay waasicinta Al Masjidi Al Xaraamiالمسجد الحرام waxaana istaaga gaadiidka loo raaco magaalada Al Dhaa’ifالطائف\. Shariif Cabdu Al Ghaffaar wuxuu ii sheegay inuu awoowihiisa shanaad oo dhulkaas lahaa uu kasoo baxay Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\intay Turkigu xukumeen isagoo daaciyah diinta fidinaya ah oo uu markaas yimid magaalada Harar ilaa Baraawe isagoo Dariiqada Axmadiyada fidinaya.

 

Muddo waxaa xoghayaha Madaxwayne Maxammad Siyaad Barre ahaa oo sirta u hayay  Shariif Duuliye JaylaaniMawlaanaa oo ahaa duuliye ciidammada cirka Soomaaliya. Waxaa kaloo xoghayihiisa ahaa Shariif Abuu Bakr Shariif Cali Abo Imaankiyo.

 

Ashraaftu waxay darajooyin sarreeya ka hayeen laamaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya, ha ahaadaan kuwa raydka ah ama militariga, ama booliska ama laanta socdaalkaba iyo caddaaladda raydka iyo militarigaba iyo mas’uuliyiin badan oo aanan anigu aqoon ama aanan hadda xusuusan magacdooda.

 

Dagaalkii Soomaaliya – Ethiopia dawr wayn oo hoggaamin ayay saraakiisha sare ee Ashraaftu ka qaateen, billadana lagu siiyay.

 

Raggaas oo idil oo wadanka usoo halgamay, kuwa maanta “Villa Somalia” fadhiya ma qiimaynayaan oo waxayba ka dhigeen point five. Taariikhda ayaa la qarinayaa oo been laga sheegaya.

 

 

 

 

Toddobada ay Qurayshقريش\ ummadda inteeda kale dheer tahay

 

Al Shariif Axmad Zaynii Daxlaan oo reer Makkah ahaa ألسيد أحمد زيني دحلانAllahaالله\ u naxariiste, wuxuu kitaabkiisa Siiradaالسيرة النبوية والآثار المحمدية Umuu Haan’i bintu Abuu Dhaalib bin Cabdu Al Mudh-dhalibأم هانئ بنت أبي طالب بن عبد المطلب\, Allaha الله\  dhammaantood raali ka noqdee, ka wariyay inay tiri:

 

فضل رسول الله صلى الله عليه وسلم قريشا بسبع خصال لم يعطها أحد قبلهم ولا يعطاها أحد بعدهم:

  • النبوة فيهم
  • والخلافة فيهم
  • والحجابة فيهم
  • والسقاية فيهم
  • ونصروا على أصحاب الفيل
  • وعبدوا الله سبع سنين لم يعبده أحد غيرهم: ، في رواية عشر سنين قال بعضهم المراد منها السنون التي كانت في أول بعثته صلى الله عليه وسلم فإن أول المؤمنين الذين اتبعوه كانو من قريش وصبروا معه على كثير من الأذى الحاصل من بقية قريش الذين لن يسلموا واستمر الإسلام يتقوى بمن أسلم منهم حتى فشا وظهر باسلام الأوس والخزرج و ذلك القدر يبلغ عشر سنين.
  • ونزلت فيهم سورة من القرآن لم يذكر فيها أحد غيرهم: لئلاف قريش.

 

Xadiithka Macnihiisu waxaa weeye:

“Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu Qurayshقريش\ u yeelay oo dadka intiisa kale dheereysiiyay oo uga sare mariyay toddoba aan ayaga hortood axad ayaga ka horreeyey la siin, axad ayaga ka dambeeyana aan la siinayn, oo kala ah:

(Kow) Nabinnimadu ayagay ku sugnaatay,

(Laba) Khilaafaduna ayagay ku sugnaatay,

(Saddex) Maamulka Kacbaduna ayagay ku sugnaatay,

(Afar) Waraabinta xujayda biyaha Zamzamزمزم\ ayagay ku sugnaatay,

(Shan) Waxaa looga hiilliyay oo looga gargaaray kuwa maroodiga watay ee “Asxaabu Al Fiilأصحاب الفيل\”,

(Lix) Toddoba sano ayay Ilaahayالله\ caabudayeen, isagoo uusan axad aan ayaga ahayn caabudayn. Riwaayadna waxay warisay “Toban sano” Culumada qaarkoodna waxay yiraahdeen waa sanooyinka ugu horreeyey Bicthadiisaبعثته\ Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo mu’miniinta ugu horreeyey oo raacay waxay u dhasheen Qurayshقريش\  ayagoo la jirayna waxay u sabreen dhibka faraha badan oo uga yimid Qurayshtaقريش\ aan wali islaamin, islaamkuna wuxuu kusii xoogeysanayay kuwooda hadba soo islaama ilaa ay diintu kasoo bannaan baxdo oo ay faafto markay Al Awsالأوس\ iyo Al Khazrajالخزرج\ islaameen: mudadaasna waxay qaadatay ilaa toban sano.

(Toddoba) Waxaana kasoo degatay Suurad Quraanka ka mid ah oo aan axad aan ayaga ahayn lagu xusin: Suuradda Li Iilaafi Quraysh لئلاف قريش.” Waa intaas Xadiithku.

 

Cilmiga Diinta Islaamka

 

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

 

وقال صلى الله عليه وسلم:

 

“العلم في قريش”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Cilimigu wuxuu ku sugan yahay قريش\ dhexdeeda.”

 

 

وقال أيضا:

 

“لآتسبوا قريشا فإن عالمها يملاأ طباق الأرض علما”.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Qurayshقريش\ ha caayina, ayadoo midkooda caalinka ahi adduunkoo idil cilmi ka buuxinayo.” Waana Al Imaamu Al Actham Al Muxammad bin Idriis Al Shaaficiiالإمام الأعظم محمد بن إدريس الشافعي المطلبي\, Allaha الله\ raalli ka ahaadee.

 

Madaxtinnimada

 

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu yiri:

 

وقال أيضا:

 

“الأئمة من قريش.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Imaamnimadu – waana midda dawladda ee madaxweynannimada, boqornimada, iwm. Iyo tan salaadda, jihaadka, iwm. – waxaa iska leh oo ay u sugnaatay Qurayshقريش\.”

 

Qabiilka Sayyidسيد\

 

Qabiilka Sayyid سيد\ waa Ashraaf ka mid ah Ahlu Al Baytiأهل البيت\, oo waa ubadka Al Imaam Al Actham Muxammad bin Idriis Al Mudh-dhalibiyyiالإمام الأعظم محمد بن إدريس المطلبي\, kuna abtirsada Al Mudh-dhalib bin Cabdu Manaafالمطلب بن عبد مناف\,walaalka ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin Haashim bin Cabdu Manaafهاشم بن عبد مناف\, awoowaha Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

 

Qabiila Sayyid سيد\, sida Ashraafta kale, waxay xaq dawladda ugu leeyihiin “Khumuskaالخمس\” sida ku xusan Quraanka Kariimka ah.

 

Qabiilka Sayyid سيد\ waxaa ka dhashay Danjire Jeneraal S/Guuto Axmad Ismaaciil Naaji, oo reer Hiiraan ah, ilaa dhowaanna ahaa danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carabta ee Yamanالجمهورية العربية اليمنية\.

Qabiilka Sayyid سيد wuxuu Yamanاليمن\ ka degaa magaalada quruxda badan ee “Ibإب\” oo Badda Cas saaran.

 

Qabiilka Geledi

 

Qabiilka Geledi waa Qurayshقريش\. Qabiilka Geledi oo Afgooye dega, waxay dad u dhashay ii sheegeen inay yihiin ubadka Cabdu Allaahi bin Cabbaasعبد الله إبن عباس الهاشمي\ Allahaالله\ labadoodaba raalli ka ahaadee, ina adeerka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo ahaa turjumaanka Quraanka. Cabbaasiyiintuالعباسيين\ , oo ah dhashiisa, in ka badan shan boqol oo sanana waxay hayeen khilaafada muslimiinta. Daraasadda qabiilkaas haddaan gacanta ku hayaa. Hadday sidaas tahayna, oo qof walba isagaa nasabkiisa kaa badiya, waxay ka mid yihiin Ahlu Al Baytkaأهل البيت\ aan maalin walba u ducaynno.

 

Qabiilka Shaanshi

 

Shaanshi waa Qurayshقريش\. Qabiilka labaad ee adduunka iyo Soomaaliya ugu khayr badan Ashraafta dabadood, waa qabiilka Shaanshi. Shaanshi waxaa dhalay saxaabiga wayn ee Cabdu Al Rraxmaan bin Cawf Al Qurashiyyi Al Zuhriyyi عبد الرحمن بن عوف القرشي الزهري\, abtiga Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo ina adeerka Al Sayyidah Aaminah bintu Wahb Al Zuhriyyahالسيدة آمنة بنت وهب الزهرية\. Sarraynta Banii Zuhrahبني زهرة\ iyo Xadiithka ku saabsan kor ayuu nagu soo maray. Nasabkiisu wuxuu kan Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, kula kulmaa Kilaab bin Murrah كلاب بن مرة, oo ah awoowaha shanaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan fiiri: (http://siirah.com/index.php/qabaa-il/150-qabiilka-shaanshi)

 

Qabiilka Camuudi

 

Qabiilka Camuudi waa Qurayshقريش\, waxaana dhalay Abuu Bakr Al Ssiddiiqأبوبكر الصديق رضي الله تعالى عنه\, saaxiibka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan ka firi: (http://siirah.com/kutub/Qabiilka%20Camuudi.pdf).

 

 

 

Shiikhaal

 

Shiikhaal waa Qurayshقريش\, waxaana dhalay Abuu Bakr Al Ssiddiiq أبوبكر الصديق رضي الله تعالى عنه\, saaxiibka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, waxayna walaalo yihiin oo ay wada dhasheen Camuudi. Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan ka fiiri:

(http://siirah.com/kutub/Qabiilka%20Shiikhaal.pdf).

 

Qabiilka Reer Sheekh

 

Qabiilka Reer Sheekh waa laan dheer, oo waa Qurayshقريش\, waxayna kasii yihiin Qurayshta Banii Makhzuumقريش بني مخزوم\.

Qurayshta Banii Makhzuum قريش بني مخزوم\ waxaa ka dhalatay hooyadeen Ummu Al Mu’miniina Ummu Salamahأم المؤمنين أم سلمة المخزومية\ Calayhassalaamu, haweenta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

 

Waxaa kaloo ka dhashay “Sayfu Allaahi Al Masluulسيف الله المسلول\” Khaalid bin Al Waliid bin Al Mughiirah Al Makhzuumii خالد بن الوليد بن المغيرة المخزومي\Allahaالله\ raalli ka noqdee.

 

Nasabka Qurayshta Banii Makhzuum قريش بني مخزوم\ wuxuu ka gala nasabka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam awoowihiisa lixaad Murrah bin Kacb مرة بن كعب.

Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan ka fiiri: (http://siirah.com/kutub/Qabiilka%20Reer%20Sheekh.pdf).

 

Qabiilka Gudmane

 

Qabiilka soomaaliyeed ee Gudmane waa dhasha Kinaanah bin Khuzaymah bin Mudrikahكنانة بن خزيمة بن مدركة\ awoowaha saddex iyo tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

 

Al Tarmathi‑naالترمذي/ wuxuu wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

“ان الله اصطفى من ولد ابراهيم اسماعيل واصطفى  من ولد إسماعيل بني كنانة واصطفى من بني كنانة قريشا.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahayالله wuxuu dhasha Ibraahiim ابراهيم ka doortay Ismaaciil إسماعيل, wuxuuna dhasha Ismaaciil ka doortay Banii Kinaanahبني كنانة\, Banii Kinaanah‑naبني كنانة wuxuu ka dhex doortay Qurayshقريش\ (Oo Kinaanah waa awoowaha ninka la yiraahdo Qurayshقريش).”

Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan ka fiiri: (http://siirah.com/kutub/Gudmane.pdf).

 

 

 

 

Qabiilka Reer Faqay

 

Qabiilka soomaaliyeed ee Reer Faqay waxaa dhalay saxaabiga wayn ee Waa’il bin Xujrوائل بن حجر\, boqorka Ximyar u dhashay ee dawladda Xadramawtحضرموت\. Markaasuu boqortooyadiisa kasoo tegay, oo Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ ugu yimid oo uu islaamay, boqornimadana iska cazilay si uu ula joogo. Taasna waxay ahayd sanadka toddobaad ee Hijrada.

 

Reer Faqay waxaa dhalay wiilkiisa Sulaymaan bin Yacquub bin Qaxdhaan bin Waa’il bin Xujrسليمان بن يعقوب بن قحطان بن وائل بن حجر\ .

 

Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam asxaabtiisa ugu bishaareeyey intuusan u imaan ka hor, uuna yiri:

 

“يأتيكم بقية أبناء الملوك.”                                                                                

 

Xadiithka macnihiisuna waxaa weeye:

 

“Waxaa idiin imaanaya kuwa ka haray dhasha boqorrada.”

Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan ka fiiri:

(http://siirah.com/kutub/Qabiilka%20Reer%20Baraawe.pdf).

 

Qabiilka Reer Baraawe

 

Reer Baraawe qabiilkooda waxaa la yiraahdaa Dhayyiطيء\, asalkoodana waxay degi jireen Yamanاليمن\. Kaddibna qaarkood ayaa waxay soo degeen waqooyiga Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\. Ninka dhalay Reer Baraawee wuxuu ahaa boqorka qabiilkaa Xaatim Al Dhaa’iiحاتم الطلئي\, ama wiilkiisa Cadiyy bin Xaatim Al Dhaa’iiعدي بن حاتم الطائي\, oo ahaa saxaabi wayn oo uu Nabi Muxammaad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam karaameeyey.

 

Markuu Cadiyy bin Xaatim Al Dhaa’ii عدي بن حاتم الطائي\, Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u yimid, gurigiisu geeyey, oo markay barsada galeen ayuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam qolkiisa jiifka galay oo uu barkintiisa haragga ka samaysan soo qaaday oo intuu Cadiyy عدي usoo tuuray ku yiri:

 

“اجلس على هذه.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Middaan ku fariiso.”

Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhulka iyo ciidduu fariistay. Markaasuu halkaas ku islaamay. Cadiyy walaashiis Saffaanah bintu Xaatimصفانة بنت حاتم\ ayaa kula soo talisay waalkeed inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u yimaado oo islaamo. Halkaasna waxaa ku jirta qiso qurux badan ee website-kayga ka raadso.

Taariikhda oo faahfaahsan ee qabilkaan waxaad ka heli kartaa:

(http://siirah.com/kutub/Qabiilka%20Reer%20Baraawe.pdf).

 

Qabiilka Duruqbo

 

Qabiilka Duruqbo waxaa dhalay saxaabiga wayn ee Cuqbah bin Caamir Al Juhaniiعقبة بن عامر الجهني\, oo markuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam magaalada dhexdeeda baqashiisa ku fariisto, intuu hoggaankeeda gacanta ku dhigo ayuu wadi jiray. Isagaa shaqadaas lahaa. Cuqbahعقبة Allahaالله\ u naxariistee wuxuu lahaa cod aad u qurxoon markuu Quraanka akhrinayo. Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ku oran jiray inuu Quraanka ku akhriyo. Qofka akhrintiisa maqla wuu booyi jiray, siduu Cumarعمر\ uga oohisiiyay oo kale. Taariikhda qabiilkaan oo faahfaahsan ka fiiri:

(http://siirah.com/kutub/Qabiilka%20Duruqbo.pdf).

 

Ragga “Villa Soomaaliya” hadda deggan

 

Ragga “Villa Soomaaliya” maanta fadhiya waxay Ashraafta ka dhigeen “Point Five”, oo halba way ka hoos mariyeen, oo waxayba yiraahdeen qabiilba ma ahee waa gun laan gaab ah.

 

Ma ka rajo qabaan inuu aabaha Ashraafta dhalay, Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Maalinta Qiyaame u shafeeco qaado markay caruurtiisa sidaas u liideen, u dileen, u dheceen, u naaqusiyeen?

 

Adigu ninka wiilkaaga ama gabadhaada neceb oo yasa oo hoos u dhugta ma jeceshay, oo dilay, oo dhacay oo guryohooda ka saaray, kana xoogay, oo dalkooda ka saaray oo qaxooti ka dhigay? Adigase kaasu ma ku jecel yahay?

 

Looma Ooye, Looma Aare

 

Qabaa’ilka Reer Xamarka waxay mooryaanta rubuc qarni Soomaaliya dagaalka ka waday, oo Soomaali laayay, qaxooti ka dhigay ayagoo gaalo u adeegayay, u bixiyeen “Looma ooye, looma aare”, ayagoo diiday inay intay qoryo qaataan dad laayaan, guryohoodana ka xoogaan. Bal arag inay dilka Al Shahiidu Al Xuseenuالشهيد الحسين\ Calayhissalaamu, aabaha Ashraafta Xusayniyiintaالحسينيين\ ah, siday Samadu ugu oyday, Ilaahaynaالله\ ugu aar gooyay (http://siirah.com/index.php/ahlu-al-bayti/166-al-imaamu-al-xasanu-iyo-al-imaamu-al-xusaynu-calayhimaassalaamu), tii aakhirana ay u dhiman tahay.

 

 

 

Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa الله سبحانه وتعالى\  wuxuu Aayadda kow iyo sideetanaad ee Suuratu Huudسورة هود\, waana qisada Nabi Luudhلوط عليه السلام\ iyo qawmkiisa ka yiri:

 

}إِنَّ مَوْعِدَهُمُ الصُّبْحُ أَلَيْسَ الصُّبْحُ بِقَرِيبٍ (81){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Ballaankoodu  – waana marka la halaagayo – waa subixii, oo seese subuxu ma aha mid dhow?!(81)”

 

Waaba ayada uu Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\ Aayadda toddoba iyo kontonaad ee Suurau Al Axzaabسورة الأحزاب\ ku yiri:

 

}إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآَخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُهِينًا (57){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Kuwa dhiba Ilaahayالله iyo Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam, wuu lacnaday Ilaahay الله adduun iyo aakhiraba, wuxuuna u diyaariyay cathaab wax dullaysa.”

 

Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ Aayadda saddex iyo kontonaad ee Suuratu Al Axzaabiسورة الأحزاب\ ku yiri:

 

}وَمَا كَانَ لَكُمْ أَنْ تُؤْذُوا رَسُولَ اللَّهِ(53){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Idiinmana bannaana inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam(53).”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lixduu Ilaahayالله\ lacnaday

 

Al Tarmithiiالترمذي\ iyo Al Xaakimالحاكم\ iyo Al Bayhaqiiالبيهقي\(“Shicbu Al iimaaniشعب الإيمان\”) waxay ka wada wariyeen Caa’ishahعائشة\ Allaha الله\  ayada iyo aabeheedba raalli ka noqdee inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:

 

“ستت لعنهم الله وكل نبي مجاب الزائد في كتاب الله والمكذب بقدر الله والمستلط بالجبروت فيعز من أذل الله ويذل من أعز الله والمستحل لحرم الله والمستحل من عترتي ما حرم الله والتارك لسنتي.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Lix qofka Ilaahay الله\  ayaa lacnaday iyo Nabi kasta oo ducadiisa la aqbalo:

(Kow) Midka Kitaabka Ilaahay wax ku kordhiya oo Quraan aan Ilaahay الله\  soo dejin ku dara, siday shiicadu yeeshay oo kale.

(Laba) Ninka Qadarka Ilaahay الله\  beeniya.

(Saddex) Ninka jabbaar daacadda Ilaahay الله\  ka baxa noqda  oo markaas kor usoo qaada oo cizzi siiyay kuwuu Ilaahay الله\  dulleeyey, dulleeyana oo hoos u dhiga kuwuu Ilaahay الله\  kor yeelay oo cizzi siiyay.

(Afar) Midka xalaalaysta wuxuu Ilaahay الله\  xaaraantimeeyey, sida kuwa guryaha iyo xoolaha dadka xaq darrada ku qaata, dhiiggoodana xalaalaysta.

(Shan) Kuwa caruurtayda u xalaalaysta wuxuu Ilaahay الله\  xaaraan ka dhigay iyo

(Lix) Midka sunnadayda ka taga.” Waa intaas axadiithku.

 

Abuu Bakr bi Cayyaashأبوبكر بن عياش\ wuxu ka wariyay Caasimعاصم\ oo ka wariyay Zirزر\ inuu Cabdu Allaahiعبد الله\ yiri:

“Waxaan arkay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo haya gacanta Al Xasanuالحسن\ iyo Al Xusaynuالحسين\ lehna:

 

“هذان إبناي، فمن أحبهما فقد أحبني، ومن أبغضهما فقد أبغضني.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Labadaanu waa labadayda wiil, oo qofka jeclaada aniguu i jeclaaday, qofka labadooda nacana aniguu i nacay.”

 

 

 

 

 

 

Aali Muxammadآل محمد\ Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam

 

Qof walba oo muslin ah ugu yaraan wuxuu shanta salaadood ugu duceeyaa “Ali Muxammadآل محمد\” Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Hadaba yey yihiin kuwaas aan maalin walba u ducaynno? Kuwaas hadda waxaa ka jooga Ashraafta!

 

Imaam Shaaficiالإمام الشافعي\ wuxuu yiri Aali Muxammadآل محمد\ waa:

Kow. Dhasha Haashimبني هاشم\, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa aabihiisa dhalay.

Labo. Ubadka Al Mudh-dhalibبني المطلب\, Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiis Haashimهاشم\ walaalkiis. Banuu Al Mudh-dhalibبنو المطلب waxaa ka mid ah Al Imaamu Al Shaaficii الإمام الشافعي\, oo Ahlu Al Baytkaأهل البيت\ ka mid ah, khumuskanaالخمس\ wax ku lahaan jiray.

Saddex. Hooyooyinka Mu’miniintaأمهات المؤمنين\, haweenka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.

Afar. Dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calyhi Wasallam (oo ah Ashraafta).

 

Haddaad doonaysid taariikhda qabaa’ilkaan oo faahfaahsan waxaad ka heleysaa website-kayga (http://siirah.com/index.php/qabaa-il).

 

Qabaa’ilkaan, iyo guud ahaan kuwa Reer Xamar la isku yiraahdo, meeshey doonaan Soomaaliya ha degaane, ayna Ashraaftu ugu horreyso, ayaa diinta islaamka Soomaaliya wada gaarsiiyay tan iyo zaman horreeyey, skooladii ugu horreeyey furay iyo dugsi Quraanmmadii ugu horreeyey, keenayna ilbaxnimada carabta iyo middaa adduunkaba Soomaaliya, ayaagaana ka mid ah kuwa Soomaaliya ugu sarreeya, Ashraafta ayaana dhammaantood ugu sarreysa. Waxay u yimaadeen Soomaali mugdi ku dhex nool oo aan waxba u jeedin, markaasay indhaha u fureen, oo ay Ilaahay الله\ bareen iyo Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo diinta islaamka. Waxay ragga Reer Xamar ahaayeen udub dhexaadka asaasidda xizbiga Soomaaliya gobannimada u horseeday ee S.Y.L, sida Cabdu Al Qaadir Sheekh Saqaawaddiin; Xaaji Maxammad Xuseen; Maxammad Cali Nuur; Dheere Xaaji Dheere. Abaalgudkoodu waa in la wanaajiyo, la xushmeeyo, la jeclaado oo la qadariyo.

Qabaa’ilka “Reer Xamar” waxaa ka mid ah Dhabarweyne, Moorshe, Baa Fadal, Shawkii iyo kale oo badan. Dhabarweyne waxaa ka dhashay zaciimka wayn oo wadaniga ahaa, isticmaarkana necbaa oo la dagaallamay Xaaji Maxammad Xuseen, Allahaالله\ u naxariiste, guddoomiyaha xizbiga S.Y.L.

 

Maxaan ku sheegnaa kuwa qabaa’ilkaas laan dheerta ah point five (.5) ka dhigay? Waxay khilaafeen sarrayntay Ilaahay iyo Rasuulkiisu qabaa’ilkaas ku sheegeen, waxayna ka dhigeen laan gaab: kuwa sidaas yeelay muslin ma yihiin? Quraanka iyo Axaadiith-ta nasoo maray waxay sheegayaan inayan ahayn. Runtana Rabbi ayaa og.

Labada saxaabi oo Muqdisho ku duugan

 

Aniga saaxiibkay Shariif Axmad Calawii oo hadda deggan Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka wuxuu ii sheegay inuu dhegeystay wareysi ay Dayniile.com ka qaaday toban sano ka hor Sheekh Abba Allaha الله\u naxariistee, uuna ku sheegayo inay laba ka mid ah asxaabta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi wa Calaa Aalihi Wa Sallam Muqidsho ku duugan yihiin, uuna yiri: “Midkood wuxuu ku duugan yahay meesha laga dhisay “Kuwaanka hilibka e Xamarweyne” lagu gado ee Muqdisho oo afar irdoodka u dhow, kan kalena masjidka “Maqaamka/Masjidka Sheekh Cabdu Al Qaadir” ee Muqdisho oo Teatarka u dhow agtiisa.”

 

Labada saxaabi wuu magacaabay Sheekh Abba, saaxibkayna ma xusuusna magacdooda.

 

Aniga laftaydu waa arkay oo aan ag mari jiray qubuuraha kawaanka laga kor dhisay ee Muqdisho, oo markaan yaraa oo aan “Isku Raran” degganayn ayaan soo ag mari jirnnay aniga iyo walaalkay Cabdu Al Rashiid Sheekh Xuseen Cismaan Allaha الله\ u naxariiste, markaan u soconno guriga macallin Ashraaf ahaa oo wax na bari jiray, kuna yiillay guryaha Geedka Raqayga gadaashiisa ah ee xaafadda Xamar Wayne. Taasu waxay ahayd 1949-51.

Culummada soomaaliyeed way ka qayliyeen marka qubuuraha la duminayay si kawaan halkaas looga dhiso.

 

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد النبي الأمي و على آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكر الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون.

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Jimce 27 Muxarramمحرم\ 1438 Hejreeهجرية\ // 28 Oktoobar 2016.

 

SHEEKOOYIN