DADKU U DABACSANAA DULLEEYAHOODA!!!!!!!!!! Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

                              DADKU U DABACSANAA DULLEEYAHOODA!!!!!!!!!!

Waa su’aal fajicisa ah oo muujinaysa wax lala yaabay, dadku mar walba waa kuwa u dullaysan kuwa dulleeya ee xaqira, xaqoodana ku tunta, marka ay caawinaad u baahan yihiina aan caawin.

Qoraalkan waxaan kusoo qaadan doono laba qiso oo gaaban oo aan ugu tala galay in aan idinku tuso in dadku dulleeyahooda ay mar walba u dullaysan yihin kagana qaddarin badan yihiin kan u naxariista fahmana baahidooda iskuna daya in uu ka caawiyo inta uu wax ka qaban karo.

Qisada koowaad: waa shaqaale ka shaqeeya Bakhaar ganacsi oo alaabaha jumlada lagu gado, waa Xamaali aad u dan yar misan haysta caruur xoogaa ah iyo laba xaas, wanaagiisa ayaa ah in uusan tuug ahayn oo xoolaha dadka uusan ku xad gudbin, xoogiisa ayuu cunaa oo kaliya.

Halka uu ka shaqeeyo waxaa maamula laba maamule oo midba dhaqankiisa iyo qaab dhaqnkiisa uu leeyahay, labadaas maamul dhaqan ahaan aad ayey u kala duwan yihiin oo waa Qorax u dhac iyo qorax kasoo bax.

Micnahayga waa in labadaas maamule ay kala yihiin  mid naxaariis badan oo u dhimriya maskiinkaas iyo mid aan u dhimrin, midka aan u dhimrin ayaa ah midka shaqada ku badan oo xitaa mararka qaar waxa yar ee uu gunno ahaanta u helo ku caddiba heleddeeda, marka alaab yar oo qasaara ah uu la kufo ama ay gacantiisa wax ku gaaraana ka jara mushaarkiisa.

Naxariis ahaan maamulahaas ninkaas maskiinka ah aad ayuu ugu daran yahay xitaa aflagaaddada iyo qaylada waa mid uu ku dul joogteeyo, halka maamulaha kale uusan sidaa ahayn oo uu yahay nin fahmi kara waxa ay la mid tahay in xamaali la noqdo.

Waa mid la xanuunsado xamaaligaas, waa mid mararka qaar wax ku saddaqaysta, waa mid u dhimraya marka uu shaqada qaar ee culus qabanayo, waa mid dhan walba la dhihi karo wuu uga naxariis badan yahay maamulaha kale ee ay meesha iskala shaqeeyaan.

Waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah ay xisaab isku qabtaan labadii maamule, taas oo ka dhex dhalisay maamulkii shirkaddaas buuq aad u balaaran, waxay ahayd waxa la isku qabsaday alaab la dajiyay oo xisaab ahaan uu qaldayay maamulaha naxariirta daran.

Dood dheer oo dhex martay maamulkaas ayey dooddu gaartay heer ah in labadaas maamule qofkood uu shaqada wayn doono waa midka ay ku caddaato in uu qaladkaas geystay.

Waad fahmi kartaa heerka shirkad gaarsiisa in ay shaqaalahooda qaasatan maamulayaashooda mid ka mid ah ay shaqada ka fadhiisiso ay tahay xaalad aad u daran oo dulqaadkeedu dhamaaday.

Is qabashada labadaas maamul kadib waxaa loo baahday marqaati caddeeya sida maalintaas wax u dhaceen, xamaaligan aan ka hadlayana wuxuu ahaa marqaatiga kaliya ee hadalkiisa ay ku kala bixi kareen labadas maamule midkoodna uu shaqada ku wayn lahaa.

Maamulkii kale ee shirkadda waxay go’aansadeen in marqaatigaas (xamaaliga ay sheekada ku socoto) loo yeero oo wax laga waydiiyo qaabka ay wax u dhaceen iyo inta uu ka og yahay.

Xamaaliga wuu ogaa in maamulaha wanaagsan uusan khalad lahayn, balse hanjabaad badan oo uga imaanaysay dhanka maamulaha xun ee naxariista daran ayuu u baqay, halkii la doonayay in uu dambiga ku caddeeyo maamulaha xun ayuu uga eexday maamulhii wanaagsanaa, halkaasna waxaa shaqadii ku waayay maamulhii wanaagsanaa ee u dhimrin jirin mararka qaarna xitaa qadada marka uusan haysan la quudan jiray waxa uu cunayo.

Qisada labaad: wuxuu muddo ku dhow 8 sano u shaqaynayay shirkad isaga oo yar kalsooni shaqo siisay, cid aamintaa iyada oo aysan jirin ayey shirkaddaas aamintay, gaarigooda alaabta lagu qaado isaga oo darawal ahayn darawal inta uga dhigtay ku tiri ku baro shaqada, mar walba oo ay taraafikada ama askarta waddooyinka is jiiraan oo qolka yar ee jeelka loo sii wado marka uu soo hadlo lacagta shirkadda ayaa ka bixsa, mushaarkiisana lagama jarto.

Aad ayaa loo aaminay, isaga naftiisa ma xumayn wuu dadaalayay dhowr qalad uu shirkadda ka galay waa laga saamaxay shaqadiisa kuma wayn, mar walba oo uu caawinaad u baahdo shirkadda ayaa caawin jirtay, oo marka uu dhaho mushaarkayga qayb hala ii hor mariyo xaalado i haysta ayaan iskaga xallinayaa waa la caawin jiray.

Aad ayey shirkadda u aamintahay, isagana runtii wuu dadaalayay oo ilaa xad ma xumayn, waxaa dhacday in galab ka mid ah galbaha shaqada alaab ay shirkadduu leedahay oo loogu tala galay in maacaamiil loo geeyo inta la leexday ku gatay qiima aad u hooysee oo xitaa aan dhamayn laba bil mushaarkiisa.

Baaritaan dheer oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in mid adeerkiisa ah uu ka dambeeyay falkaas gurucan ee tuuganimada ah, isal adeerkaasna lacagta badankeed uu cunay.

Shirkaddii uu u shaqaynayay markii ay ogaatay in alaabta maqantahay waxay go’aansatay in ay shaqada ka fadhiisio maadaama uu xadkii loogu tala galay uu gudbay markan, isla markaana aan shaqaala ahaan loo sii haysan Karin.

Maamulkii shirkadda waxay is tuseen in haddii hadda la xiro aysan macna badan samaynayn isagana waa loo sheegay in aan la xiri doonin oo uu shaqada isaga tago oo kaliya, sidaas ayaa la isku af gartay, isaga marka sidaa la leeyahay aad ayuu u dhibsanayay oo ma doonayn in uu shaqada ka tago, balse ma jirin waddo kale oo u furan, wuxuuse ku faraxsanaa in ugu yaraan aan la xirin.

Ninka sidaa loo wanaajiyay oo wax walba ay shirkaddaas u qabatay, heshiiskii ahaana in aan sharciga lala tiigsan ay shrkaddu isaga ugu naxariisanaysay ayaa markii la fasaxay inata shaqa kale helay, isla shirkaddii shalay u dhimrisay dacwad maxkamadeed kusoo oogay.

Baaritaan kale marka la suubiyay ayaa lagu ogaaday in isla adeerkii shalay ku dhiiri galshay in uu xoolaha xado uu isala isaga hadana kusoo dhiira galshay in uu shirkadda dacwad ku furo si lacag uu halkaa uga helo.

Hadaba bal is waydii aqriste shaqaalahaas dullaysan waa maxay sababta uu isugu dullaynayo adeerkiisa shaqada in uu ka fadhiisto sababta u ahaa, maxaase ku kallifayo shirkad wanaajisay una naxariisatay xoolaheedina uga samirtay wax dan ah oo ugu jirana aysan jirin in ay isaga cafiso uu dacwad kusoo oogo?

Dhanka kale maskiinka xamaaliga ah waa maxay sababta uu uga doortay maamulaha u naxariisan jiray kana an u naxariisan ee mar walba ku taagnaa? Dadku waa kuwa u duulaysan dulleeyahooda mar walba!!!

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN