DAGAALKII ADWA 1896 Qore: Cabdinaasir Xiddig

DAGAALKII ADWA

1896

 

“Dagaalkii Adwa wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu caansanaa ee uu Talyaanigu ku galo Afrika. Wuxuu u dhaxeeyay Boqortooyadii Xabashida iyo Imbaraadooriyaddii Talyaaniga. Ku dhawaad 18 kun oo ciidankii Talyaaniga ah ayay dhibaato ka soo gaartay, halka ay dhibaatada xabashida gaartay ay intaas ka sii badnayd, waxaase xusid mudan in xabashidu gaartay guul lama-illaawaan ah, halka Talyaaniga dhabarka loo saaray guuldarro aad u xun.” Raymond Jonas, qoraaga buugga The Battle of Adwa.

Dagaalkii Adwa, waa mid ka mid ah dagaalada ugu caansan ee ka dhacay geeska Afrika, waxaana dagaalkaan is-ku-farasaaray gumaystihii Talyaaniga iyo boqortooyadii Abasiiniya/Itoobiya. Dagaalkaan oo ahaa mid aad u qaraaraa, waxay guushu ku raacday Imbaraadooriyaddii saboolka ahayd ee Xabashida, wuxuuna hungo iyo han-jab ku riday maamulkii cunsuriga ahaa ee Talyaaniga, kaasi oo qaab gumaysi ah ugu talinjiray: koonfurta Soomaaliya, Liibiya iyo Eratariya.

Maamulkii Talyaaniga ee waqtigaasi waxay is tuseen, in ay dhidibada u taagaan maxmiyad ku dherersan Soomaaliya illaa Liibiya, si ay awooddooda ugu baahiyaan goboladii ay ka talinaysay boqortooyaddii Biritishku ee Suudaan iyo Masar.

Talyaaniga oo guulo isdaba joog ahaa ka soo gaaray kacdoonadii kaga kacay koonfurta Soomaaliya, ayaa ubbadiisa u soo biyaystay in uu dharbaaxyo culus ku dhufto boqortooyadii kabaqaadka u ahayd gumaysitihii reer Yurub, daacadnimadeedana ku heshay in ay ahaato gobolka kaliya ee Afrikaan ah ee ka badbaaday heeryada gumaystihii reer Yurub ee tooska ah, waxayna taas beddalkeeda loo oggolaaday in ay ba xukunto, oo ku sikato qaybo ka mid ah dhulka Oromada iyo Soomaalida.

Itoobiyaanka, waxay Yurubiyaanku u arkayeen saaxiib ku garabsiiyay qabsashada dhulyawga afrikaanka, waxaana loo arkayay masiixiyad ku dhaxnool bulshooyin muslimiin ah, kuwaasi oo ka midaysnaa nacaybka iyo la dagaalanka saancaddaalayaashii reer Yurub ee soo duulay. Inkasta, oo ay Xabashidu haysatay ballanqaadkaas iyo tixgalintaas gaarka ah, haddana Talyaanigu wuxuu doorbiday in uu afka ciidda u galiyo maamulkii Xabashida wuxuuna dabshidkii 1896-dii ku qaaday duulaankii caanka baxay ee Adwa Battle.

Talyaaniga oo garabsanayay ciidamo uu ka qortay dhulalkii uu gumayaysanayay ayaa isku soo maqiiqay dhanka Xabashida wuxuuna dagaalkii ugu adkaa ku qabsaday magaalada Adwa oo maanta ka tirsan ismaamulka Tigrayga ee dalka Itoobiya, waxayna dadka reer Abasiiniya muujiyeen dhabar-adayn iyo naf-hurid, taasi oo sababtay in xabashidu Talyaaniga dhabarka u saaraan mid ka mid ah guuldarrooyinkii ugu caansanaa ee Afrikaanku ka waraabiyaan gumaystihii reer Yurub.

Waxay sooyaalyahannadu sheegaan in dagaalkaas ay ku nafwaayeen kumanaan reer Itoobiya ah, kuwaasi oo laftirkoodu qaab addoonsi iyo cabsi galin ah ugu dagaalamayay maamulkii arxanka darnaa ee Minilik-gii 2aad, waxayse ku illaaween jabkii qaadan-waaga ahaa ee ay wajiga uga dhufteen Imbaraadooriyaddii xoogga isbidday ee Rooma. Guushaan ay Itoobiyaanku ka gaareen Talyaaniga waxay sii xoojisay in ay sii ahaadaan dalka kaliya ee Afrika ku yaal ee ka badbaaday ku hoos noolaanshada heeryadii gumaystihii reer Yurub, waxayna noqotay mid ay ku indhakuushaan qoomiyadaha Amxaarada, Tigrayga iyo waliba bulshawaynta Afrika.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

 

Xigasho:

Barta YouTubeka ee Harvard university press

SABC news/TV-ga qaranka Koonfur Afrika

Barta YouTubeka BBC world service,

Iyo ilo kale.

SHEEKOOYIN