Damac iyo Dareen!!! (SHEEKO GAABAN). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                          Damac iyo Dareen!!! (SHEEKO GAABAN)
Damaca iyo dareenkuba waa daris, mar walba oo ay daris kula noqdaana waa kuwa ku indha tira, adiga oo dantaada gaaray, dibirana meel la yaala dharag darteed buu damacu kuu sawiraa in aad dareen leedahay wax badan oo kaa maqanna aad dareenkaada ku raadsan karto.
Waxay ahayd Marwo , hooyana ah, leh 7 caruur ah, sheeka wadaag iyo is ixtiraam ayaa inaga dhaxeeyey marnaba damac igama uusan galin, iyana sidaas oo kale ayey ahayd, sidii aan sheeko wadaag kaftan u ahayn ayuu mar qura dareenkeenu is baddalay, nasiib wanaag xiliiga ay biriqdaas inagu dhex dhacayso ma ahayn kuwa wada jooga, howshu waxay ahayd mid ka socoto gacanta wax lagu qoro ee dhanka Telka.
Mar qura ayaanu is waraysanay, heblo ma dareentay waxa aan dareemay? haa hebel waan dareemay, waasa wax aan macna lahayn, aniga iyo adiga Darbi ayaa inoo dhaxeeya waxba ma wadaagi karno, balse waan dareemayaa dareen dhankaaga iisoo jiidaya. Isaga oo u jawaab celinaya ayuu yiri “anigaba waa sidaas, candhuuftaydase dib ayaan u laqay, waa fidno soo fool leh, maxay inaga soo doontay, in mudda ah ayaan is waydaarsan jirnay Afkaaro kala duwan oo aan shaqsiyaddeena qusayn, maxay ahayd bambadan inaga dhex qaraxday, yaa soo tuuray, xageesa ka timid? waa wareey waa in aan kaa lugeeyaa, runtii  ma ihi Nin arrimaha nuucan ku fiican, Rabi ayaan ka xishoonayaa, waasa qirsanahay in la i dhex galay!!!!
Waligey ma aaminsaneen in Qof xero ku jira (Guur ku jira) uu xero kale damac ka gali kara isaga oo meel ku oodan, haa, damaca mar walba wuu jirayaa waasa in la koontaroolaa oo uusan xadka ka bixin
Damaca iyo dareenka haddii ay mar inta kuu kulmaan isku kaashaadan in ay ku jiheeyaan,  hubaal in jihada ay kugu hagayaan aysan ahaan doonin jiho wanaagsan, sidaa darteed, waa in aynu is xakamaynaa, oo is illowsiinaa waxa dhacay.
In mararka qaar aad naftaada u sawirto wax aan xaqiiqda ahayn waxay qayb ka qaadataa in dhalanteedkaas uu mararka qaar nafta run u noqdo, taas oo nafta kasii jeedin karta halka ay dhaayaheeda dhuganayaan.
Dhankeeda iyada oo qeexaysana waxay tiri “runtii shalaayto kama qabo barashadaada, qof damacaas iyo dareenkaas loo qaadana waa tahay waana kugu raacsanahay is xakamaynta nafta la xakameeyo, ma jirto wax aynu ka faaiidayno in aan raacno damaca iyo dareenkeenaba, dhabta waxay tahay in aan waxba isku noqon karin, marka la eego dareenka iyo damaca ina wada sita.
Dood kama keenayo dareenkeena, waana qirsanahay in mararka qaar aad qirato waxa laabtaada ku jira taas oo qayb ka noqota in aad ka caafimaaddo waxa aad tabanayso, aniguna waxaan tabanayaa oo is dareensiinayaa in aan ahay Dambiile ka xirka goostay xeradii lagu ootay.
Waasa ku faraxsanahay in aadan i cadaadin oodan noqon mid raaca damiciisa, hambalayo ayaan ku leeyahay wiilka dareenka .
Hambalayo gabadha dareenka.
Sidaas ayey isku maca salaameeyeen labadii damaca iyo dareenka wadaagay.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN