DANTIIMOOGE

DANTIIMOOGE

Thursday, 19 January 2017

Adiga oo shukaansi ka daahsan oo gaari wata oo degdegaya nalka taraafiggu gaduud ma kugu noqday? Ka dib markii aad soddon ilbiriqsi taagnayd dhinacyada ma fiirfiirisay mise wax baabuur ah oo maraya ma leh. Oo muxuu iigu dheggan yahay wasaqu ma inaan daahsan ahay buu ogyahay? Xoogaa gaariga horay ma u nuuxisay haddana bareeg ma qabatay? Saacadda ma fiirisay? Mise hal daqiiqo iyo bar buu kugu dheggan yahay. Cunuhu ciil ma kula xanuunay? Ma is tiri tolow asaga oo gaduud ah ma maraa? Muraayad haadka ma eegtay bal in gaari boliis kaa dambeeyo? Mise waxba kaama dambeeyaan, waa keligaa. Alleylehe aan maro weligaaba gaduud ahow. Haddana ma xusuusatay in taraafigaan ay speed iyo red light Camera ku xiran tahay? Saacadda haddana ma fiirisay mise balo! Labo daqiiqo iyo 15 ilbiriqsi baa taagan tahay taraafigaan inkaarta qaba.

Ma go’aansatay inaad wacdid hay’adda waddooyinka maamusha si aad uga cabatid layrkaan cunsuriga ah? Taleefankii intaad soo haabatay magaca hay’adda ma google-garaysay si aad telkeeda u heshid ka dib na ma wacday oo dhagta masaaratay taleefankii? Ma maqashay “biib biib” (hoon), mise gaari kaa dambeeya ayaa hoonka kugu yeerinaya! Guurma ayuu isoo dabo istaagay? Illeen inii aad google iyo mobeelka ku mashquulsanayd baa layrkii kuu furmay! Oo maanta oo dhan muxuu furmi waayay? Hal mar sheelaraha ma ku istaagtay? Xuuf! Babaaa! Nasiibdarro layrku aad dhaqaaqdayba wuu xirmay, oo yaa kala jecel? Weligaaba xiran. Wasaq aan laga wasaqsanayn!

Boqol mitir wax aan ka badnayn adiga oo socday ma maqashay shanqar aad is tiri tolow ma bukaanlaroor baa? Mise waa gaari boliis oo adiga ku eryanaya? Oo muxuu iga rabaa? Inaan daahsanahay ma oga miyaa neefku? Waa adigaas istaagay adigoo cay iyo habaar u miisaya dalka, boliiska iyo layrarkoodaba. Waxaad ku eedaynaysaa inay dhammaantood cunsuriyiin yihiin oo ay kugu maagayaa un in aad nin madow tahay.

Waa kanaa nin cad oo xoog wayn gaariga boliska ka soo degay kuguna yiri: Mudane waxaan kugu istaajinnay ma garaynaysaa? Saa tiri maya, adiga oo caro meeshii lagaa saro aysan dhiig lahayn. Maya, mana samayn wax khalad ah. Asaga oo la yaabban indha’adayggaaga ma ku dhahay si xushmad leh: Mudane waxaad ku hadlaysay mobeel adiga oo gaaariga wada layrkana asagoo gaduud ah oo kaa xiran baad martay. Ma ku tiri, “beenlow baad tahay cunsuri ah inaan nin madow oo Muslim ah ahay baad aragtay, sidaas baad igu beegsanaysaa.”

Asaga oo fajacsan ma kugu yiri, “haddii aad run sheegaysid taleefankaaga fur oo i tus waqtiga aad nambarkii ugu dambeeyay wacday?” Markaa ayaad ku dhahday: maxaan kuu tusayaa, ma waaran baad haysataa aad telkayga ku baartid? yaa amar kuu siiyay inaad mobeelkayga baartid? Boliis xun oo jaahil ah oo aan shaqadiisa iyo sharciga aqoon baad tahay.” Askarigii intuu xanaaqay ma ku yiri: ka soo deg gaariga Jaalle waan baarayaa waanba kaa shakiyay inaad daroogo wadatide, adigana tijaabo ayaan kaa qaadayaa inaad cabsan tahay iyo inkale. Laysinkaagana keen.

 Intaa markay afkiisa ka soo baxday intaad halmar gaarigii haw ka soo tiri feer ma ma ku daldashay askarigii! Waadigaa sankiisi dheeraa isku celiyay ee la sambuuqadiisa la moodo ruux kamas leh, dhiigguna ka hooray. Asaguna illeen waa nin tababarane inta uu kaalafooto booday waakaa laad dhuunta kaa qabadsiiyay. Waadigaa af-af u dhacay, bilif! Dilif dhawidaa ma doolli baa tahay?

Maalin ka dib ma soo baraarugtay adiga oo jiifa isbitaalka wayn ee magaalada, saaxiibtaa aad la kulankeeda u degdegsanaydna dhinacaaga kursi ku fadhido. Ma waydiisay, “naa heedhe maxay tahay meeshaan aan joogaa? Goorma ayaan xanuunsaday oo isbitaalka la i seexshay? Intaysan kuu jawaabin nin Boliis ah waaba kan. Ha kugu yiraado: Jaalle maadaama aad koomadii ka baxday berri subixii waxaan ku hor gaynaynaa maxkamad caawana isbitaalka ayaad ku hoyanaysaa ayada oo boliisku gaadh kaa hayn doono. Wuxuuna sii raaciyay “dambiyada aad ku eedaysan tahay maxkamadda horteeda ayaad ka ogaan doontaa”.

Saaxiibtaa ha oraddo oo qareen ha raadiso berri maxkamadda kugu difaaca.

Subixii xigtay siddeeddii aroornimo adiga oo jeebbaysan waataa maxkamadda lagu keenay. Xaakimkii maxkamaddu ha kuu akhriyo dambiyada laguu haysto oo kala ah:

1: U gacan qaadid sarkaal boliis ah,

2: Diidid amar boliis,

3: U gafid iyo meel ka dhac sharafta boliis,

4: baabuur u wadid si laayaanimo ah,

5: ka gudbid samaafare gaduud ah,

6: taleefan ku hadlid adiga oo baabuur wada iyo kuwa kale, celcelis ahaana ciqaabtoodu tahay 8 sano oo xarig ah.

Xaakimkii ha kugu dhaho, ma qirsan tahay dambiyadaas, haa ama maya? Adigiina maya waa adigaas la soo booday illeen qareenkaaga ayaa sidaas horay kuugu soo amraye. Ka dib xaakimkii hadalka ha siiyo dacwadoogihii degmada. Dacwadoogihii wuxuu xaakimka u sheegay inay boliisku u baahan yihiin saddex beri oo dheeri ah maxaayeelay waxay ka shakisan yihiin eedaysanahani kooxaha xagjirka ah xiriir la leedahay, marka waqti dheeri ah ayay u baahan yihiin si ay u soo baaraan arrintaas. Wuxuu kale oo dacwadooguhu codsaday in ninkan aan la siidaynin oo xabsiga lagu sii hayo intay baaritaanka ku jiraan. Xaakimkiina waa ka aqbalay. Waataa gaari shabaqleh ah dalaq lagu gu siiyay ka dib na lagu geeyay xabsigii waynaa ee degmada qol yar oo mugdi ah oo aan daaqado lahaynna dalaq lagu gu siiyay korna quful wayn laga saaray, qartab!

Halkaa markay marayso ma miyirsatay ma iswaydiisay sababaha baxarkan dhan ku galiyay? Ma saddex daqiiqo oo layrka taraafiggu igu xirmay baan dulqaadan waayay? Welwelkaaga ugu wayni se ma noqday hadalkii afka dacwadoogaha ka soo yeeray: kooxaha xagjirka ah? Yaah, miyuu waalan yahay? Gaalo waxkasta waa ka suurtoobaan, armay Guwaantanaamo ingeeyaan?

War yaanan kugu daaline saddex beri ka dib maxkamaddii ma lagu keenay. Qareenkaagi maxkamadda horteeda ma ku calaacalay. Ma yiri: xaakimow ninkaani waa qaxooti hooyo iyo aabbe midna uma joogo dalkan. Intaa waxaa u dheer in maalintii dhibkani dhacay loo soo sheegay jacaylkiisi Canada joogtay oo nin kale aroostay iyo lo’ aabihiis lahaa oo libaax eber ka dhigay. Sidaa oo kale xaakimow sarkaalka boliiska ahi, iskasta oo uu difaacu nafsi ahaa haddana wuxuu adeegsaday awood xad-dhaaf ah taas oo keentay in ninkani labo beri Isbitaal ku jiro. Xaakimow waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa in buugga naxariista loo fiiriyo qaxootigan dantiimoogaha ah. Ka dib xaakimkii ayaa hadalkii qaatay, wuxuuna sheegay maadaama dhibaato xagga qoyska jirto lo’dii qoyskana libaax laayay in eedaysanaha maxkamaddu ku xukuntay $3000 oo ganaax iyo boqol iyo koton saacadood oo iskaawaxuqabso (community work) ab muddo 28 maalmood ahna shaqada lagu qabanayo lacagtana lagu bixinayo.

Waadigaa dhismihii maxkamadda ka baxay adiga oo madluun lugaha jiidaya ah kana soo laacay labo beri oo isbitaal ah iyo saddex beri oo xabsi ah welina ay ku xanfafayso dhuuntii uu askariga xanaaqsani laadka kaaga xaabshay.

                           Dhammaad

Waxaa qoray: Cali M. Diini

SHEEKOOYIN