Dawladaha krishtaanka ee Yurub oo isku dayay inay xadaan Nabi Muxammad SCW

Dawladaha krishtaanka ee Yurub oo isku dayay inay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xadaan

 

Intaasoo goor ayay krishtaanka yurub iyo shiicaduba isku dayeen inay jirka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Xujrada Sharafta leh kala baxaan oo ay dalkooda u qaataan, sida kutubbada Siirada loogu wariyay.

 

Kitaabka ugu sahlan oo hadda suuqa yaalla oo aad qaar ka mid ah qorshahaas ka heleysidna waa kitaabka magaciisu yahay Taariikhu Macaalimi Al Madiinah Al Munawwarah Qadiiman wa Xadiithanتاريخ معالم المدينة المنورة قديما وحديثا/, uuna dhigay Shariifka Al Sayyid Axmad Yaasiin Axmad Al Khayyaarii Al Madanii Al Azharii Al Xusayniiالسيد أحمد ياسين أحمد الخياري المدني الأزهري الحسيني/, oo ka mid ah dhasha Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la oofsadayna toddoba iyo tobanka bisha Rajab ee sanadka kun iyo saddex boqol iyo sideetanka Hijriga, wuxuu Caalinka faallada ku daray iyo wixii cusbaa ee geerida dhigaha kitaabka ka dambeysey magaciisuna yahay Al Istaath Cubaydu Allaahi Muxammad Amiin Kurdiiالأستاذ عبيد الله محمد امين كردي/, oo macallin ka ah Jaamacadda Al Kulliyah Al Mutawassidhah li icdaadi Al Mucallamiina bi Al Madiinah Al Munawwarahالكلية المتوسطة لإعداد المعلمين بالمدينة المنورة\, ahna Jaamacadda Macallimiinta soo saarta.

 

Al Khayyaariالخياري\ wuxuu kitaabkiisa bogga toddoba iyo sideetan iyo inta ka dambeysa ku wariyay oo yiri:

 

”Sababta Xujradaالحجرة\ Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dhufayska loogu wareejiyay naskiisu waa sidatan:

 

Sanadka shan boqol toddoba iyo konton (ee Hijrigaهجرية\ una dhiganta 1161 Gregorian) boqorka Nuuru Al Ddini Al Shahiidu Maxmuud Zankii ibnu Aqsanqarنور الدين الشهيد محمود زنكي أقسنقر/ wuxuu sameeyey dhufays ku wareegsan Xujrada Nabigaالحجرة النبوية\ ayna ka buuxdo macdanta rasaasta siduu u wariyay Al Wafaa’uالوفاء/ (Waana kitaabka Wafaa’u Al Wafaa’iوفاء الوفاء\ ee taariikhda Al Madiinah Al Munawwarahالمكدينة المنورة) ee Al Shariif Al Samhuudiiالسمهودي\ Allahaالله\ u naxariistee.

 

Sababtuna waxay ahayd inay krishtaanku, Allaha Tacaalaaالله تعالى\ hoojiyee oo garabkooda ka baxee, ay naftoodu u sheegtay zamanka boqorkaas aan soo sheegnay amar aad u wayn, ayna u maleeyeen inay meel marin kaaraan oo ka gun gaari karaan, Ilaahayseالله  waa diiday wax aan ahayn inuu nuurkiisa dhammaystiro mooyee gaaladu taas haba kahdaane.

 

Suldaankaas aan soo sheegnay wuxuu habeenkii tukan jiray salaadda tahajjudkaصلاة التهجد\ iyo wardiyo u akhristo. Markuu intaas sameeyana tahajjudka dabadiis waa seexan jiray (isagoo salaadda subax sugaya).

 

Markaasuu (isagoo sidaas habeen tahajjudka dabadiis hurda) ayuu wuxuu arkay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam isagoo hurda isagoo farta ugu fiiqaya laba nin oo timohoodu midabka dahabka oo kale yihiin (sida gaalada yurub degta qaarkood oo kale oo “blond” midabkaas yiraahda), uuna ku yiri:

 

“أنجدني أنقذني من هذين.”

 

“Anjidnii anqithnii min haathayni”

oo macnihiisu yahay:

 

“Labadaan iga badbaadi”.

 

Markaasuu hurdada kasoo kacay isagoo naxsan, kaddibna wuu wayso qaatay, uuna tukaday, kaddibna uu hadana seexday.

Markaasuu riyadii oo kale siday u ahayd mar kale hadana arkay.

Markaasuu soo kacay oo wayso qaatay, uu tukaday, hadana uu seexday.

Markaasuu mar saddexaad isla riyadii arkay. Markaasuu hurdada kasoo kacay uuna yiri: “لم يبق نوم”  oo macnihhisu yahay: “hurdo ma harin”.

 

Boqorku wuxuu lahaa wasiir raga saalixiinta oo suuban ka mid ah lana yiraahdo Jamaaluu Al Ddiin Al Muusiliiجمال الدين الموصلي/. Markaasuu u ciddiray isla habeenkiiba, markuu u yimidna uu u sheegay wuxuu arkay oo idil.

 

Markaasuu wasiirku wuxuu ku yiri:

“Maxaad wali u joogtaa? Haddeer Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ aad, riyadaadana qari (oo xaruntiisu waxay ahayd iyo caasimadda boqortooyadiisu magaalada turkiga ku taallaa oo maanta Istanbuul la yiraahdo).

 

Markaasuu inta habeenkaas ka hartay is diyaariyay, wuxuuna ku safray isagoo wata rag yar oo ilaa labaatan nin ku siman, uuna la socdo wasiirka aan soo sheegnay, iyo maal fara badan.

 

Markaasuu Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة\ku yimid lix iyo toban maalmood. Markaasuu dibaddeeda ku qubaystay (waana siday sunnadu tahay), kaddibna uu soo galay, uuna Al Rawdahالروضة/ ku tukaday, kaddibna uu soo ziyaartay (Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam).

 

Kaddibna masjidka dhexdiisuu fariistay isagoo aan ogayn wuxuu falo. Markaasuu wasiirku wuxuu yiri, ayagoo ay dadka Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة\ deggan masjidka isugu yimaadeen:

“Suldaanku wuxuu u yimid ziyaarada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuu keenay maal si uu u qaybiyo. Marka dhiga magacda dadka.”

Markaasay waxay dhigeen magacda dadka Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة\ deggan kulligood.

 

Markaasuu suldaanku wuxuu amar ku bixiyay inay masjidka wada yimaadaan, oo mid kasta oo yimaada uu qaato (xoolaha uu suldaanku siinayo).

 

Suldaankuna wuxuu fiirinayaa wajiyadooda si uu arko mid leh sifaduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam tusay isagoo hurda. Ninkuu sifadaas ka waayo wuxuu siiyaa lacag markaasuu ku amray inuu gaddoomo. Sidaasuu ku waday ilaa ay dadkii wada dhammaadeen.

 

Markaasuu suldaanku wuxuu yiri:

“Ma haray qof aan sadaqada wax ka qaadan?”

Waxay yiraahdeen:

“Maya.”

Markaasuu wuxuu ku yiri:

“Ka fakara oo arrinka maankiinna ku rogroga.”

 

Markaasay waxay yiraahdeen:

“Ma harin intaan ka ahayn laba nin oo arliga Maghribمغرب/ (oo Morokko maanta la yiraahdo) oo aan axadna wax ka qaadanayn, waana laba nin oo suuban, oo hodan ah, sadaqa bandanna bixiya oo dadka u baahan siiya.”

 

Suldaanku markuu warkaas maqlay laabtiisa ayaa waasac noqotay oo uu ku farxay, wuxuuna yiri:

“Labadooda ii keena.”

Markaasaa loo keenay.

Markaasuu arkay inay yihiin labadii nin oo Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam farta ugu fiiqay uuna ku yiri:

 

“أنجدني أنقذني من هذين.”

 

Markaasuu suldaanku wuxuu labadooda ku yiri:

“Xaggee baad ka timaadeen?”

Waxay yiraahdeen:

“Waxaan ka nimid Morokko waana soo xajjinnay, markaasaan waxaan doorannay inaan Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam agtiisa joogno oo daris la noqonno.”

Markaasuu wuxuu ku yiri:

“Runta ii sheega.”

Markaasay sidoodaas ku adkaysteen.

Markaasuu wuxuu yiri:

“Gurigoodu meeyey?”

Markaasaa waxaa loo sheegay inay deggan yihiin qol ku dhow Xujrada Sharrifkaالحجرة الشريفة\ ah ee Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Markaasuu labadooda askar u dhiibay oo la qabtay, isaguna uu gurigooda tegey, halkaasoo uu ka helay maal aad u fara badan, laba khatmo(ختمتين)  , kutubbo meel saran, waxaan intaas ahaynna kuma arkin.

 

Markaasay reer Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ labadaas nin khayr badni ku ammaaneen, waxayna yiraahdeen:

“Maalin walba waa soomaan, salaadaha o idilna waxay ku tukadaan Al Rawdah Nabigaالروضةالنبوية/ shariifka ah, iyo ziyaarada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, iyo ziyaarada (qubuuraha) Al Baqiicالبقيع/ subax walba, sabti walbana waxay ziyaartaan oo tagaan Qubaa’قباء/; qof wax weydiistana wax uma diidaan oo sidaasay waxay ku buuxiyeen baahidii dadka Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة dega sanadkaanna waa sanad abaar ah.

 

Markaasuu suldaanku wuxuu yiri:

“Subxaana Allaahi!سبحان الله!/” wuxuu arkayna waxba ugama caddaan.

 

Markaasuu suldaanku gurigaas dhexdiisa ku wareegay isaga laftiisu, markaasuu wuxuu kor u qaaday daah darin ah oo guriga dhexdiisa ku jiray oo soo laadlaaday .

Markaasuu wuxuu arkay god qodan oo siduu u socdo ku dhammaanaya Xujarada Shariifka ee Nabigaالحجرة الشريفة النبوية/. Markay taas arkeen ayuu dadku ka argagaxay.

 

Markaasuu suldaanku wuxuu labada nin ku yiri:

“Xaaladdiina runta iiga sheega” xoog ayuuna u garaacay.

 

Markaasay qirteen inay krishtaan yihiin ayna krishtaanku soo direen, ayagoo dharka xujayda dadka Morokko labbisan, waxayna usoo dhiibeen maal aad u fara badan, waxayna soo amreen inay inay xeelad u helaan amar aad u wayn oo ay naftoodu been dhalanteed ah isku tustay, ayna u malaeeyeen inuu Ilaahay الله taas u suurto gelinayo, ahna inay gaaraan jirka Shariifka ah ee Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ayna markaas sameeyaan wuxuu Ibliisإبليس\ u qurxiyay oo ah inay Nabiga xadaan oo yurub u qaataan.

 

Markaasay waxay ku degeen guriga la ijaarto oo ugu dhow Xujrada Shariifka ee Nabigaالحجرة الشريفة النبوية Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ahna guriga loo yaqaanno Ribaadhu Al Maraaghah/ رباط المراغة markaasay waxaan soo sheegnay sameeyeen.

 

Markaasay habeenkiina godkaas qodi jireen. Mid kasta oo labadooda ka mid ahna wuxuu lahaa kolay harag ka samaysan sida kuwa Morokko oo kale, oo ay markaas ciidda godkaas mid walba ku shubi jiray. Markaasay subixii waxay aadi jireen qubuuraha Al Baqiicالبقيع\ sida ayagoo ziyaaranaya oo kale, oo markaas ciidda qubuuraha dhexdooda ku daadiyaan. Sidaasay muddo ku socdeen.

 

Markay u dhowaadeen Xujrada Shariifka ee Nabiganaالحجرة الشريفة النبوية Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, cirka ayaa unkaday waxaana biriq kasoo daadatay samada, waxaana dhacay dhul gariir xoog leh, ilaa heer laga baqay inay buuruhu soo fuqaan.

 

Markaasuu suldaanku yimid subaxa habeenkaas ku xigtay, oo uu labadoodaas qabtay, ayaguna ay qirteen oo ay xaaladoodu isaga hortiisa ku caddaatay.

 

Suldaanku wuxuu arkay siduu Ilaahay الله isaga taas uga dhigay mid istaahila oo ehel u ah inuu ku kaco dadka kale sokadiisa, markaasuu boohin xoog leh booyay.

 

Markaasuu amray in madaxa laga gooyo labadaas nin. Markaasaa waxaa lagu dilay shabaakada Xujrada Nabiga oo Shariifkaالحجرة الشريفة النبوية ah ku xigta hoosteeda oo dhinaca Al Baqiic البقيع\ xigta.

 

Dhufayska iyo darbiyada Xujradaالحجرة lagu wareejiyay

 

Markaasuu boqorku wuxuu amar ku baxshay in rasaas la keeno, dhufays waynna la qodo ilaa laga gaaro biyaha dhulka salkiisa ku jira laguna wareejiyo Xujrada Shariifkaالحجرة الشريفة ah kulligeed. Marka dhufayska la qoday ayaa rasaasta laga buuxiyay kaddibna dab lagu shiday oo la dhalaaliyay, oo uu sidaas ku samaysmay darbi rasaas ka samaysan oo bir ah oo Xujrada Shariifkaالحجرة الشريفة ah dhan walba uga wareegsan, ilaa biyaha laga gaaro.

Albaabka Guriga Faadhimahفاطمة\ Sallaa Allaahu Calayhaa Wa Calaa Aalihaa Wa Sallam, kuna dheggan Guriga Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Labada guri waxaa u dhexeyn jiray darbi, maantana waa isku furan yihiin oo albaab ayaa u dhexeeya. Albaabkaanu wuxuu ku yaalla dhanka qorrax kasoo bax ee masjidka iyo gurigaba. Guriga Faadhimah فاطمة\  dhexdiisa waxay laba nin oo galay ii sheegeen inuu yaallo miis ay kutubbo Quraan ah saaran yihiin oo mid laga siiyo qofka loo furo oo soo booqda Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.

Albaabka Guriga Faadhimahفاطمة\ Sallaa Allaahu Calayhaa Wa Calaa Aalihaa Wa Sallam.

Xasanwali 1432H/2011M.

Guriga Faadhimah فاطمة\oo ku dheggan Guriga Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Waxaan kasoo qaadannay Dr. M.I. C. Al Ghaniiد\محمد إلياس عبد الغني\. 1432/H/2011M.

 

Guriga Faadhimah فاطمة\iyo Mixraabkeeda kuna dheggan Guriga Sharafta leh ee aabeheed Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam. Waxaan kasoo qaadannay Dr. M.I.C. Al Ghaniiعبد الغني\. 1432H/2011M

Shabaakada Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam laga salaamo. Xasanwali 1433H/2012M.

 

 

Dhisidda shabaqa cagaaran

 

Markuu sanadku ahaa sideed boqol toddoba iyo sideetan Hijriga ahالهجرة\ una dhiganta kun afar boqol laba iyo sideetan Miilaadiga ah ayuu Suldhaan Qaytabayسلطان قايتباي/ wuxuu shabaqa cagaaran oo Xujrada Shariifkaالحجرة الشريفة\ ah xagga qiblada ka xiga oo la hor istaago marka Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam la salaamayo ka dhigay nuxaas, saddexda jihoo kalena ka dhigay bir midabka cagaaran lagu dheehay: waxaa sidaas dhigay kitaabka “Al Madiinah Al Munawwarah – taariikh wa macaalimالمدينة المنورة – تاريخ ومعالم\”  oo ay dawladda Sucuudigu dhigtay.

 

Shabaggaas waxaa ka dambeeya dhul maran oo aan dhawr tillaabo ku qiyaasay, ayadoo haddaad shabagga indhaha u dhoweysid aad darbiga kiswadu الكسوة\  saarantahay arkaysid. Dhulkaas waxaa ku xiga darbiga shan geesoodka ah oo Xujradaالحجرة\ ku wareegsan oo ay kiswaduالكسوة\ saaran tahay, waxaana darbigaan dhisay Cumar bin Cabdu Al Caziizعمر بن عبد العزيز\ markuu amiirka Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ ahaa, si aan Xujrada Sharaftaالحجرة الشريفة\ leh loogu dhawaafin si la mid ah sida Kacbada loodu dhawaafo oo kale.

 

Markaad saddexda shabaako tan dhexe hortaagan tahay, waxaad ku beegantahay Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayadoo ay saddexdoodu xagga Qiblada u jeedaan, oo ah xaggaad adigu taagan tahay.

 

Haddaad tillaabi xagga midig u qaadid, waana xagga Baabu Al Baqiiciباب البقيع waxaad markaas ku beegan tahay Abuu Bakr Al Siddiiquأبوبكر الصديق/ oo Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka dambeeya oo xagga waqooyiga ka xiga oo madaxiisu garabka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la siman yahay.

 

Haddaad tillaabo labaad xagga midig usii qaadid waxaad ku beegan tahay Cumarعمر/, oo Abuu Bakar أبوبكر الصديق/xagga waqooyiga kasii xiga oo madixiisu ku beegan yahay garabka Abuu Bakr أبوبكر.

 

Marka, waxaa adiga kusoo xiga Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaana ka dambeeya Abuu Bakar أبوبكر, kaasoo uu Cumarعمر\ kasii dambeeyo oo uu dhabarkiisa ku beegan yahay.

 

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\

Maalinta axadda ah taariikhduna tahay toban bisha Rajabرجب\ ee sandka kun afar boqol laba iyo soddonka una dhiganta laba iyo tobanka Juunyo laba kun kow iyo toban,

 

SHEEKOOYIN