DHAMBAALLADII CABDULLAAH CIISE (7)

DHAMBAALLADII CABDULLAAH CIISE (7)

…………………………………………………………..

 

KU: 

Chairman, First Committee 

United Nations General Assembly 

Lake Success, New York 

 

Oktoobar 14, 1949

 

Gacale Mudane.

 

Tan iyo markii uu furmay kalfadhigan guud ee Qaramada Midoobay, dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo xarumaha kale dalku waxa ay boqollaal telegaraam (telegrams) u soo dirayeen Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, ay ku caddaynayaan in ay geeriwadareed ka doorbidayaan soo noqoshada xukunkii la necbaa ee Talyaaniga. Waxa ay kale oo ay mar labaad caddeeyeen taageerada buuxda ee ay la garabtaagan yihiin barnaamijka xisbiga Somali Youth League.

Waxa aan helnay nuqullada (copies) qaar ka mid ah telegaraamyadaas, waxa ay na u dhigan yihiin sidan:

Oktoobar 1, 1949, Muqdisho:

“Sida ku cad natiijadii ka soo baxday kulankii Muqdisho lagu qabtay, annaga oo ah Salaaddiinta, Madaxdhaqameedyada, Odayaasha, Mashaa’ikhda diinta iyo Nabaddoonnada qabaa’ilka waxa aynnu go’aansannay in aan telegaraamkan kugu soo hagaajinno. Waxa aynnu si xooggan uga soo horjeednaa in Talyaanigu dalkeenna ku soo noqdo. Waxa aynnu doonaynaa madaxbannaani degdeg ah ama haddii aysan tani suuragal ahayn, Wasaayo toos ah oo Qaramada Midoobay maamusho. Haddii ay Qaramada Midoobay go’aamiso Wasaayo wadajir ah ama dal gaar ah [na maamulo] waa in Talyaanigu uusan qayb ka noqon. Waxa aan doonaynaa in aan ku ogaysiinno in Talyaaniga Muqdisho ku nooli ay Qaramada Midoobay u soo direen afar (4) calooshood-u-shaqayste oo sida saxiixyada Salaaddiin iyo Culimo Soomaaliyeed kuwaas oo beenabuur ah. Kuwani ma ahan matalayaal Soomaaliyeed, ma ahan Salaaddiin ama Odayaal, balse waa adeegayaal Talyaani ama rag baagamuuddo ah oo laamiyada Muqdisho laga soo uruuriyay. Fadlan arrintan u gudbi dhammaan ergooyinka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.”

Dirayaasha dhambaalka:

1. Xaaji Muuse Boqor

2. Xaaji Diiriye

3. Xaaji Maxamuud Cabdulle

4. Shariif Maxamuud Cabdiraxmaan

5. Yusuf Cigaal

6. Saalax Jaamac

7. Xaaji Xasan Cilmi

8. Xaaji Cali Cabdi

9. Hilowle Macallin

10. Faarax Cali

11. Jimcaale Barre

12. Muuse Naxar iyo dhammaan Salaaddiinta, Madaxdhaqameedyada, Odayaasha, Mashaa’ikhda diinta iyo Nabaddoonnada qabaa’ilka Soomaaliyeed kuwaas oo horay Qaramada Midoobay ugu diray mimorindhamyo (memorandums) iyo telegaraamyo ay uga soo horjeedaan in Talyaanigu ku soo noqdo Soomaaliya.

 

Oktoobar 1, 1949, Muqdisho: 

“Annaga oo ah qabiillada ku dhaqan Muqdisho waxa aynnu doonaynaa in aan kuu caddayno mawqifkeenna ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya. Waxa aan ka soo horjeednaa in Talyaanigu dalkeenna dib ugu soo noqdo xataa Wasaayo ay Qaramada Midoobay korjeegtaynayso. Aragtideenna waxa aan ku caddaynay barnaamijka xisbiga Hamar Youth Club taas oo ah madaxbannaani degdeg ah ama haddii aysan tani suuragal ahayn, Wasaayo toos ah oo Qaramada Midoobay ah. Ma diiddanin Wasaayo wadajir ah ama mid dal gaar ah taas oo aan Talyaanigu qayb ka ahayn. Sidaas oo kale waxa aynnu doonaynaa midnimo Soomaaliyeed. Waxa kale oo aan ku ogaysiinaynaa in Talyaaniga Muqdisho ku nooli ay Rooma u direen afar calooshood-u-shaqayste kuwaas oo lagu amray in ay Lake Success u sii gudbaan ayaga oo iska dhigaya matalaaal Soomaaliyeed. Talyaanigu waxa ay si joogto ah idin kugu soo dirayaan warbixinno beenabuur ah. Habaar baan ku ognahay qaran walba oo taageera in Talyaanigu dalkeenna ku soo noqdo, halka aan duco ku ognahay qaran walba oo taageera qaddiyaddeenna. Fadlan arrintan u gudbi dhammaan ergooyinka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

-Odayaasha iyo qabiillada Xamar.

 

Oktoobar 2, 1949, Baydhabo:

“Fadlan xushmeeya doonista boqolkiiba sagaashan iyo shan (95%) kuwaas oo dhimasho ka xiga soo noqoshada Talyaaniga. Doonisteennu waxa ay ku caddahay barnaamijka xisbiga Somali Youth League.

-Laanta SYL ee Baydhabo.

 

Oktoobar 2, 1949, Gaalkacyo: 

“Waxa aan ku xusuusinaynaa axdiga Qaramada Midoobay kaas oo caddeeyay in mustacmaradihii hore ee Talyaaniga aad idinku [QM] xal ka gaaraysaan ayada oo loo eegayo rabitaanka dadyowga dalalkaas iyo nabadda adduunka. Markaas, halkee Talyaani ka soo galaan arrintan? Ergayga SYL ee Lake Success jooga ayaa kuu faahfaahin doonaa rabitaankayaga.” -Salaaddiinta, Madaxdhaqameedyada, Odayaasha, Mashaa’ikhda diinta iyo Nabaddoonnada, iyo dadka Gaalkacyo iyo Hobyo.

 

Oktoobar 2, 1949, Muqdisho: 

“Fadlan ogaysii ergooyinka in Yaasiin Cali Sharma’arke uusan matalin Daarood iyo Majeerna midna. Waa nin baagamuuddo ah oo Talyaanigu dirsadeen, malaha asaga oo sita saxiixyo Salaaddiin iyo Culimo Soomaaliyeed oo beenabuur ah. Waxa kale oo aan caddaynaynaa in aan dhimasho ka xigno in Talyaanigu dalkeenna ku soo noqdo.”

Qabiilka Majeerteen:

1. Xaaji Muuse Suldaan, Guddoomiye Xigeenka Golaha Dawladda Hoose ee Muqdisho.

2. Caaqil Cusmaan Yuusuf

3. Caaqil Muuse Maxamed

4. Caaqil Ciise Gallan

5. Caaqil Axmed Saciid

Qabaa’ilka Daarood:

1. Caaqil Hilowle Macallin

2. Caaqil Shiikh Maxamed Cabdulle

3. Caaqil Faarax Maxamed

4. Caaqil Maxamuud Faarax Khaliifa

5. Shiikh Cilmi Cabdulle Khaliifa?

6. Shiikh Axmed Cumar

7. Caaqil Faarax Cali.

 

Oktoobar 3, 1949, Muqdisho:

“Islow Mahadalle iyo kuwo kale ayaa u safray Lake Success ayaga oo iska dhigaya in ay matalayaan qabiilka Abgaal. Nimanki waa adeegayaal Talyaani ma na ahan matalayaal Abgaal. Waxa aan caddaynaynaa in Abgaal dhimasho degdeg ah ka xigaan in Talyaani dib ugu soo noqdo Soomaaliya.”

Dirayaasha dhambaalka:

1. Imaam Cumar Cali, Suldaanka Abgaal

2. Cabdi Xaaji

3. Jimcaale Barre

4. Muuse Macallin

5. Ibraahim Macallin

6. Cabdi Beri?

7. Maxamuud Maxamed

8. Cali Geeddi.

 

Oktoobar 3, 1949, Baydhabo:

“Annaga oo ah Salaaddiinta, Caaqillada iyo Culimada gobolka Jubbada Sare waxa aan idinka codsanaynaa in aad xushmaysaan doonista boqolkiiba sagaashan iyo shan dadka Soomaaliyeed kuwaas oo dhimasho ka xiga soo noqoshada Talyaaniga ee dalkeenna. Doonisteennu waxa ay ku caddahay barnaamijka xisbiga Somali Youth League.”

Dirayaasha dhambaalka:

Salaaddiinta iyo Culimada Baydhabo iyo Buurxakaba: Amiin Baalle (Eelaay), Xasan Cali (Yantaar), Cabdiyow Isaaq (Geledle), Cabdullaahi Amiin (Aleemo/Caleemo), Shiikh Cabdiyow Yarow, Shiikh Maxamed Ibbis Imaam, Shariif Maxamed (madaxa diinta).

 

Oktoobar 5, 1949, Baydhabo:

“Annaga oo ah Salaaddiinta iyo Culimada gobolka Jubbada Sare waxa aan idinka codsanaynaa in aad xushmaysaan doonista boqolkiiba sagaashan iyo shan dadka Soomaaliyeed kuwaas oo dhimasho ka xiga soo noqoshada Talyaaniga ee dalkeenna Doonisteennu waxa ay ku caddahay barnaamijka xisbiga Somali Youth League.”

Dirayaasha dhambaalka:

Suldaan Shiikh Xuseen (Dabarre)

Xaaji Ibraahim (madaxa diinta).

 

Oktoobar 7, 1949, Muqdisho: 

“Bannaanbaxyo ka dhan ah Talyaaniga ayaa ka dhacay dhammaan Soomaaliya. Ciidamada Ingiriiska ee Muqdisho jooga rasaas bay fureen. Toddobo [7] qof baa dhimatay soddomeeyana waa dhaawacmeen. Boqollaal ay ku jiraan Madaxdhaqameedyo iyo Culimo ayaa la xirxiray. Culimo iyo hoggaamiyayaal SYL ayaa la masaafuriyay. Xuruntii SYL waa la xiray, qalabkooda xafiiska waa la qaatay. Xaaladdu aad bay u xun tahay.”

 

Oktoobar 7, 1949, Baladwayne:

“Labo dhambaal oo cabasho ah baa loo diray Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay kuwaas oo ka dhan ah soo noqoshada Talyaaniga ee dalkeenna. Fadlan la xiriir.” -Shacabka Baladwayne iyo Dhuusamarreeb.

 

Oktoobar 9, 1949, Jawhar:

“Waxa aan idin xusuusinaynaa in Talyaanigu heshiis nabadeed saxiixay kaas oo uga tanaasulay dhammaan sheegashooyinkii iyo xuquuqihii ee mustacmaraddii hore. Waxa aan halkan ku caddaynayaa in aan ka cabanayno in Talyaaniga loo oggolaaday in uu dalkeenna ku soo noqdo taas oo xadgudub ku ah heshiiska kore. Soomaalidu waa ay ka dagaallami doonaan soo noqoshada Talyaaniga ilaa iyo ninka ugu dambeeya. Doonisteennu waxa ay ku caddahay barnaamijka xisbiga Somali Youth League.” -Geeddi Santuur Xaaji iyo Ibraahim Axmed Cabdiraxmaan? [Ma hubo in ragga halkan ku xusani saddex ama afar nin yihiin maadaama uusan qoraalku hakad (,) lahayn].

 

Oktoobar 10, 1949, Bendarqaasim:

“Mustaqbalkeennu waxa uu ku jiraa gacmihiinna laakiin xusuusnaada maadaama aad xoog badan tihiin annaguna tabardarannahay waa in aydnaan qaadan go’aan mustaqbalkeenna ka dhan ah. Dhimasho ayaa dhaanta Talyaani nagu soo laabta. Dadka Majeerteenku waxa ay si buuxda u oggolaadeen barnaamijka SYL.”

-Caaqillada iyo Culimada qabiilka Majeerteen.

 

September 28, 1949, Berbera:

“Annaga oo ah Caaqillada Somaliland Protectorate waxa aan idinka codsanaynaa in aad go’aankiinna ku salaysaan iftiinka caddaaladda. Midnimada dhulalkeennu waxa ay muhiim u tahay mustaqbalkeenna. Qaranka Soomaaliyeed waa uu ka gilgilan doonaa soojeedin walba oo Talyaaniga dib u soo celinaysa. Waxa aan teegeersannahay SYL.”

-Caaqillada iyo Odayaasha Berbera.

 

Oktoobar 1, 1949, Berbera:

“Soomaalida oo dhani xaggiina ayay ka soo eegayaan go’aan caddaaladeed. Midnimo Soomaaliyeed bay sugi la’yihiin. Guud ahaan waxa ay ka soo horjeedaan soo noqosho Talyaani. Dhimasho ayaa dhaanta Talyaani nagu soo laabta. Ma jiro ergay Soomaalidu dirsatay oo aan Cabdullaahi Ciise ahayn. Badbaadiya nolosha Soomaaliyeed oo horjoogsada soo noqoshada Talyaaniga. “

-Xoghayaha iyo Odayaasha Soomaaliyeed.

 

Oktoobar 13, 1949, Luuq:

“Fadlan xushmeeya doonista boqolkiiba sagaashan iyo shan doonista dadka Soomaaliyeed. Doonisteennu waxa ay ku caddahay barnaamijka xisbiga Somali Youth League.”

Odayaasha Marreexaan:

1. Macallin Cumar

2. Caaqil Gabawen/Kabawayne? Shiikh Cabdullaahi.

 

Oktoobar 13, 1949, Qardho:

“Cabasho ka dhan ah taageerada His Majesty Government [Boqorka Ingiriiska] ay siinayso Talyaaniga iyo siyaasadihiisa ibliis ee Soomaalida ka dhanka ah.”

-Shacabka Qardho

 

Oktoobar 14, 1949, Garoowe:

“Mustaqbalkeennu waxa uu ku jiraa gacmahiinna laakiin xusuusnaada maadaama aad xoog badan tihiin annaguna tabardarannahay waa in aydnaan qaadan go’aan mustaqbalkeenna ka dhan ah. Dhimasho ayaa dhaanta Talyaani nagu soo laabta. Dadka Majeerteenku waxa ay si buuxda u oggolaadeen barnaamijka SYL.”

-Shacabka Garoowe

 

We beg to remain, Sirs,

 

Respectfully yours,

 

Cabdullaahi Ciise

Ismaaciil Xasan

 

Cali M. Diini, May 7, 2022

SHEEKOOYIN