DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (2)

DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (2)

……………………………………………………………

QARAMADA Midoobay ee Badbaadinaysa Gumaysiga

                                   Mise

QARAMADA MIDOOBAY ee GEBAGEBAYNAYSA GUMAYSIGA?

Warqad Furan oo ku Socota Dawladaha Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay

                                              October 5, 1949

 

Annaga oo ah “Somali Youth League” matalaynana aqlabiyadda xooggan ee dadka Soomaaliya, waxa aan ku waydiinaynaa: maxay u jirtaa Qaramada Midoobay? Ururkan curdunka ah ee adduunku ma waxa uu u jiraa in uu badbaadiyo gumaysiga? Mise in uu soo gebagebeeyo Imbaraaddooriyadda dulinka ah ee duqowday?

Waxa nagu dhaliyay in aan su’aalahaan idin waydiinno ma ahan jacayl aan u qabno yooyooyan iyo muran ama dhaliilo qaraar. Waynnu ogsoonnahay in aysan inoogu badinayn adeegsiga taaktikooyin noocaas ah. Yeelkeed’e, waxa aynnu doonaynnaa in aan ogaanno runta.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxa ay nagu abuureen walaac aan ka qabno ujeeddooyinka ka dambeeyay. Waxa aynnu doonaynaa in aan runta idiin sheegno idinkuka aad sidaas oo kale runta inoo taabsiisaan.

Faahfaahin dheer u ma baahna kalsoonida ay dadyowg aan xorta ahayni ku qabaan Qaramada Midoobay, axdiga sharafan ee ururwaynahan caalamiga ah ayaa dadyowgaas u ah baaqa qorriyadda iyo caddaaladda asaga oo aan kala soocin midabkooda, diintooda, afkooda iyo dhaqankooda. Sidaa oo kale, axdigani waxaa saldhig u ah doonista iyo daryeelka dadyowga ku dhaqan dhulalka aan xorta ahayn. Si joogto ah ayaa axdiga Qaramada Midoobay iyo qoraallada kale ee ururkan loogu xusay in ujeeddada ugu wayn ee ururkani yahay dabarjaridda gumaysiga iyo maquuninta.

Furista kalfadhigii labaad ee [Golaha Qaramada Midoobay], waxa aynnu la nimid kalsooni wayn iyo aaminaad aan ku qabno Qaramada Midoobay. Laakiin, waxii aan dhagaheenna ku dhacay iyo waxii aan aragnay intii ay socotay dooddii waydiinta ku saabsan mustacmaradihii hore ee Talyaanigu, waxa ay nagu noqdeen u qaadanwaa iyo argagax si wayn u khilaafsan waxii aan filaynay.

Oo maxaa u qaadanwaagaas iyo niyadjabkaas aan ka qaadnay? Halkii ay la dhawri lahaa qayimka saldhigga u ah doonista iyo daryeelka dadyowga, kaas oo ah lamataabtaan, ergooyin badan oo ka socda dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay baa si ku talagal ah u inkiray doonista iyo daryeelka dadkeenna. Halkii gumaysiga iyo ismaquuninta laga la diriri laha, tiro badan oo ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay baa si mug leh u taageeray soo noqoshada gumaysiga noociisa ugu xun. Halkii ay ahayd in loo istaago xorriyadda, dalal badan, oo ay ku jiraan kuwa taageera (sponsors) Qaramada Midoobay waxa ay u codeeyaan in dadkeenna mar labaad lagu celiyo addoonsi.

Sababta aan sidaas u dhahayno waayo, aqlabiyadda Qaramada Midoobay waxa ay taageereen heshiiskii Bevin-Sforza. Heshiiskan dhagaraysani waxa uu ku talinayaa in dalkeenna lagu soo celiyo gumaystihii magacangagga ahaa ee Talyaaniga in uu na xukumo ilaa waqti aan xaddidnayn.

Soomaalidu ma doonayso ma na aqbali doonto xukun dambe oo Talyaani nooc kasta iyo weji walba oo uu yahay xataa haddii uu yahay ku Qaramada Midoobay korjeegtaynayso. Soomaalidu si joogto ah ayay celceliyeen in geeri wadareed ka xigaan soo noqoshada taliskii Talyaaniga ee la necbaa.

Sidaas daraaddeed, taageerayaasha qorshaha imbaraaddooriyadeed ee Bevin-Sforza waxa ay si toos ah u inkireen doonista iyo daryeelka dadkeenna. Marka ay sidaas yeelayaanna waxa ay si toos ah ugu xadgudbayaan axdiga Qaramada Midoobay.

Waakan qoraalka heshiiskii Bevin-Sforza farqaddiisa labaad oo asal ah:

“That former Italian Somaliland be placed under the International Trusteeship System with Italy as the Administring Authority.”

Ha ba yaraatee lagu ma xusin [heshiiska Bevin-Sforz] madaxbannaani ama maamul hoosaad. Sidaa oo kale lagu ka xusin ilaa goorma [ayay Talyaanigu xukumayaan] xataa kun qarni (one thousand centuries).

Miyaysan tani ahayn addoonsi kan ugu xun oo dadkeenna lagu celinayo?

Waxa aan xubnaha sharafta leh si xushmad leh uga codsanaynaa in ay su’aashaan inooga jawaabaan.

Quwadaha gumaysigu waxa ay doonayaan in ay golahan sharfan u adeegsadaan qabsashada dhulalka aan horumarin tabtii ay sameeyeen qarnigii tagay. Hadda waxa ay haystaan fursad fiican oo ay doonistooda foosha xun ku sharciyaynayaan haddii ay oggolaansho uga helaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Anfariirka ugu wayn ee ku dhacay dadyowga aan xorta ahayn sida annaga oo kale, ma ahan taageerada xooggan ee uu helay qorshaha shaydaamysan ee gumaysigu oo keliya, balse waa ducada ka imaanaysa aqlabiyadda dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Xaqiiqdii, la yaab waa ay ka waynayd in aan aragno aqlabiyadda dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay oo u codaynaya sharciyaynta qorshaha shaydaan ee quwadaha gumaysigu ku doonayaan in ay ay ku cabburiyaan kuna maquuniyaan qaramada yaryar ee taagta daran sida keenna oo kale.

Soo noqoshada gumaysigii oo gashan shaati “trusteeship, colony, mandate,protectorate ama wax la mid ah, waxa ay waddada u xaaraysaa sheegashooyin kale oo ka yimaada quwadaha gumaysiga sida kuwii dagaalka looga adkaaday ee Talyaaniga, Jarmalka iyo Jabbaan. Waxaana dhici karta in ay dalbadaan in loo soo celiyo dhulalkii ay gumaysan jireen ayaga oo ku gabbanaya shaatiga “trusteeship.” Gumaystayaasha kale ayaa aguna laga yaabaa in ay dalbadaan dib ugu noqoshada Eeshiya iyo meelo kale.

Sheegid u ma baahna in tani albaabka u furi doonto sheegashooyin imbaraaddooriyadeed oo ka yimaada gumaystayaashii hore.

Kalsoonidii waynayd ee Soomaalidu u hayeen Qaramada Midoobay aad bay u dhaawacantay. Waa ka xunnahay taas. Laakiin, waa in aan runta sheegno. Soomaalidu hadalkaan iska ma dhahayso daliil la’aan.

Sadarrada soo aaddan baa caddayn u ah:

1. Thay the majority among the member states of the United Nations completely and deliberately ignored the wishes and welfare of the Somali people;

2. Thay the honourable members strongly supported the revival of colonialism of the worst type;

3. That these honourable members attempted to re-impose—against the wishes and welfare of the Somalis—the hated and oppressive Italian rule in Somaliland; and

4. That these honourable members supported the recommendation to restore the oppressive Italian rule in Somaliland for an indefinite period. This reveals their intention to condemn the Somalis to perpetual slavery and sertitude. 

Soomaalidu waxa ay gebi ahaanba lumin lahaayeen kalsoonidda ay Qaramada Midoobay u hayaan haddii xubno ka mid dawladaha xubanaha ka ah Qaramada Midoobay oo ah kuwa aan gumaysiga qayb ahayni aysan diidi lahayn qorshihii shaydaamysnaa ee Bevin-Sforza.

Abaal baan u ahaynnaa dawladahaas dadkeenna ka badbaadiyay in dib loogu celiyo addoonsi. Magacyada dawldahaasi waxa ay ku qoran yihiin wadnaha qof walba oo Soomaaliyeed gudo iyo dibadba.

Waxa aan rumaysannahay in Qaramada Midoobay tahay urur caalamiga ah oo dhammaan dadyowga aduunku mushkiladahooda si caddaalad ah ugu xalliyaan ayada oo aan loo eegin diin, midan, af iyo dhaqan. Gole tixgeliya doonista iyo daryeelka dadyowga. Laakin waxa muuqata in dawladaha qaarkood ururkan sharfan ee caalamiga ah u adeegsanayaan danahooda siyaasadeed iyo kooxeed ee gaarka ah. Waxa aynnu golaha u soo jeedinaynaa in ay ka hortagaan dalalkaas iyo qof walba oo doonaya si xun u adeegsiga ururkan sharfan ee caalamiga ah.

Waxa ay u eg tahay in xataa dalalka qaarkood doonayaan in ay dib u soo nooleeyaan qorshihii Bevin-Sforza [ee goluhu horay u diiday] ayaga oo doonaya in ay nagu soo celiyaan taliskii la nacbaysto ee Talyaaniga kaas oo na haysan doona ilaa waqti aan la aqoon dhammaadkiisa. Haddii dalalkani ku guulaystaan qorshohoodaas ibliis ee imbaraaddooriyadeed, haddee, dadyowga adduunku, gaar ahaan dalalka weli gumaysiga ku hoos jiraa waxa ay golahan u arki doonaan goob u furan gorgortanno iyo dallaalnimo siyaasadeed halkii ay ahaan lahayd goob caddaalad iyo sinnaaneed sida laga filayo.

Mar kale, haddii golahani go’aamiyo si ka dhan ah doonista iyo daryeelka dadkeenna uu na goosto in uu nagu soo celiyo xukunkii Talyaaniga, xubnahan sharfanow sidee nooga fili kartaan in aad aaminaad iyo kalsooni ku qabso Qaramada Midoobay maadaama bilowgiiba aan aragnay in la inkiro in doonista iyo daryeelka la iska dhagatiray?

Mar labaad, mudanayaasha sharfanow waxa aan idinka codsanaynaa inaydnaan dadkeenna dhaafsan gorgortan siyaasadeed. Waxa aan idinka codsanaynaa in qayimku toosani idin hago kaas oo keliya aan saldhig u ahayn heshiis nabadeed ee Talyaanigu saxiixay [dagaalka ka dib] balse sidaa oo kale saldhig u ah axdiga Qaramada Midoobay kaas oo leh “that the wishes and welfare of the inhabitants of non-sefl-governing territories and paramount.”

Waxa aan si dhab ah u rumaysannahay in xubnahan sharfan ee goluhu uu si mug leh uga fiirsan doono doonista sharciga ah ee dadka Soomaaliyeed. Waxa aan aaminsannahay in dawladaha sharfan ee xubnaha ka ah goluhu ay dhinac isaga leexin doonaan dhammaan danaha shalhsiyadeed ama kooxeed, gorgortanka iyo murannada ay si caddaalad ah u go’aamin doonaan aayaha dadka Soomaaliyeed iyo kan dalkooda.

We beg to remain, honorable members.

 

Yours respectfully,

Cabdullaahi Ciise

Ismaaciil Xassan

 

Cali M. Diini April 16, 2022

SHEEKOOYIN