DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (3)

DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (3)

……………………………………………………………

 

WARQAD KU SOCOT WARGAYSYADA BBRITAIN 

KA TIMID SOMALI YOUTH LEAGUE 

MUQDISHO, SOOMAALIYA October 8, 1947

 

Mudane,

Jimcadii hore, kuxigeennada wasiirrada arrimaha dibadda ee Afarta Quwadood waxa ay fureen shir laga ga tashanayo mustaqbalka mustacmaradihii hore ee Talyaaniga, kuwaas oo Soomaaliya ku jirto. Dadweynaha dunidu, gaar ahaan kuwa arrintani qusayso si dhow bay u la socdaan hawlaha shirkan, kaas oo go’aanaddiisa uu ku xiran yahay mustaqbalka malaayiin qofood oo ku dhaqan qaaradda Afrika: [gaar ahaan] Tripolitania, Cirenaica, Eritrea iyo Soomaaliya. Inkasta oo dadyowga dalalkanii muddo qarni barkiis ka badan ku hoos noolaayeen gumaysiga reer Yurub haddana midkoodna diyaar u ma aha madaxbannaani degdeg ah¹.

Waxa aynnu si joogto meel walba ugu arkaynnaa wargaysyo daabacaya maqaallo ku saabsan mustaqbalka dalalkan. Sidaa oo kale waxa ay [wargaysyadu] daabacayaan bayaanno iyo khudbado ay jeediyeen hoggaamiyayaal iyo shakhsiyaad sare oo ka soo jeeda dalal gaar ah, kuwas oo sheeganaya lahaanshiyaha dhulalkan ayaga oo ku doodaya in dib loogu soo celiyo ama ugu yaraan ay ka qaybgalaan mustaqbalka maamulkooda. Italy waxa ay ka mid yahay dalalkan waxa ayna ku adkaysanaysaa dib u helista mustacmaradeheedi hore, ayada oo illowsan in ay lumisay dhammaan xuquuqahaas ka dib markii ay heshiis nabadeed la saxiixayay xulafada [Afarta Quwadood]. Waxa kale oo ay illowsan tahay sidii xumayd ee ay u la dhaqantay dadyowga dalalkan muddadii dheerayd ee ay xukumaysay; iyo in maanta dadyowga dalakani dhimasho ka doorbidayaan ku noqoshada xukunka Talyaaniga.

Hadda horteed, la ma ogayn doonisteenna iyo aragtideenna, laakiin imminka ayaynnu doonaynnaa in aan si waadax ah u caddaynno annaga oo marinaynna wargaysyada ugu waawayn adduunka gaar ahaan kuwa London oo ah meesha shirku ka dhacayo. Sababtaas darteed, waxa aan si xushmad leh in aad daabacdaan erayadan kooban iyo bayaanka ku lammaanan² kaas oo ay soo saareen Golaha Dhexe ee Somali Youth League iyo Madaxdhaqameedka Soomaaliyeed, iyo maqaal ka socda xubin naga mid ah. Qaar kale ayaa soo raaci doonaa maalmaha soo aaddan.

 

Warbixintii Mudane. Martin Moore ee booqashadiisi ugu horraysay ugu na dambaysay ee Soomaaliya ee 29kii May, 1947 ka soo muuqatay Daily Telegraph iyo Morning Post waxa ay ahaayeen maqaallo naadir ah oo quseeya waxa ka dhacaya qaybahan adduunka ka midka ah ee Yurub lagu daabaco. Si buuxda ayaan weriyaha ugu raacsan ahay qodobbo ka mid ah warbixintiisa sida kuwa dhulkan ku sheegaya [duni] aan la aqoon. Yeelkeed’e, qodobbo dibusocod ah oo warbixinta ku jira goor hore ba waxa ay ka soo muuqdeen wargaysyada Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ba ka soo baxa.

 

Thanking you for your kind hospitality and hoping to see you again.

”SOMALI HA-NOLATO³”!!!

CABDULLAAHI CIISE

Address:

ABDULLAHI ISSA MOHAMUD, secretary General “Somali Youth League,”

P. O. Box, 352 Mogadish, Somalia, (East Africa).

 

Cagadhig

1. Sida aynnu qoraalladii hore ku soo aragnay SYL iyo hoggaankoodi Cabdullaahi Ciise waxa ay si joogto ah qoraalladooda ugu caddaynayaan si aysan marnaba oggolayn soo noqoshada Talyaaniga balse waxa ay rumaysan yihiin in aan Soomaalidu weli diyaar u ahayn oo aysan awoodin in ay madaxbannaani degdeg qaataan maadaama aysan aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan isku filnayn.

2. Halkan waxa ka muuqata in warqaddani ku lammaansanayd qoraaal kale.

3. Halkan waxa aan ka arkaynnaa inkasta oo Far Soomaaliga la qoray 25 sanandood warqaddan ka dib haddana Cabdullaahi Ciise waxa uu adeegsaday “Somali ha-nolato” oo uu la jeeday “SOOMAALIDU HA NOOLAATO”.

 

Cali M. Diini April 19, 2022

SHEEKOOYIN