DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (5)

DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (5)

 

Statement by Abdullahi Issa, 

Representative of the Somali Youth League and Hamar Youth Club,

Before the First Committee, General Assembly, United Nations, October 7, 1949

 

Mr. Chairman, Honorable Members

Waxaa sharaf iyo fursad ii ah in aan mar labaad ka hor khudbeeyo golahan sharafta leh. Aan u hollado in aan iraahdo ma jirto ummad ama dawlad ay ergadoodu halkan fadhido oo garsoorkiinna uga dhursugaya si la mid ah annaga Soomaalida ahi aan uga dhursugayno garsoorkiinna ku aaddan mustaqbalka dalkeenna iyo dadkeenna. Sidaas daraaddeed, waxa aan rejaynaynna in go’aankaas kamadambaysta ahi noqdo mid caddaaladeed oo ku salaysan qayimka doonista dadyowga [adduunka].

Taasi waa sababta aan halkan u nimid, annaga oo kumannaan mayl uga nimid dadkeenni iyo dalkeenni hooyo, annaga oo dalbanayna caddaalad iyo xorriyad, taas oo aan qalbiyadeenna keliya ku waynayn balse ku wayn qalbiyo badan oo halkan fadhiya kuwaas oo soo dhadhamiyay xanuunka gumaysiga iyo budhcadnimadiisa shaydaan.

Ugu horrayn, waxa aan jecel nahay in aan u mahadnaqno dhammaan dalalkii suuragaliyay diidmada heshiiskii loo yaqaannay Bevin-Sforza, bishii May ee sannadkaan.

Khibraddii aan kororsannay intii lagu gudajiray doodda ku saabsan mustacmaraddii hore ee Talyaaniga kalfadhigii hore, waxa aan ogaannay suurtagalnimada in quwadaha gumaysigu ay heli karaan fursad walba oo ay taageero xooggan ugu heli karaan qordhayaashooda ibliis ee ay ku doonayaan in ay ku maquuniyaan qaramada jilicsan sida Soomaaliya. Heshiiskii Bevin-Sforza gaar ahaan inta qusaysa mustaqbalka Soomaaliya waxa uu baritaarayaa soo noolaynta gumaysi kan ugu xun.

Layaabka ugu wayn ee dadkeennu waxa uu ahaa taageerada laxaadka leh ee qorshaha imbaraaddooriyaddu ka helay dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kalfadhigii hore.

Furista kalfadhigii labaad (Part II), waxa aan halkan la nimid kalsooni wayn iyo aaminaad aan ku qabno Qaramada Midoobay. Laakiin waxii aan maqalnay iyo waxii aan aragnay intii ay socotay dooddii waydiinta ku saabsan mustacmaradihii hore ee Talyaanigu, waxa ay ahaayeen wax gebi ahaanba liddi ku ah waxii aan filaynnay.

Kalsoonidii waynayd iyo aaminaaddii dadka Soomaaliyeed u hayeen Qaramada Midoobay aad bay u daciifeen. Waa ka xunnahay taas. Laakiin waa in aan runta idiin sheegno. Soomaalidu hadalkaan iska ma dhahayso daliil la’aan.

Dadkeennu waxa ay gebig ahaanba lumin lahaayeen kalsoonidda ay Qaramada Midoobay u hayaan haddii xubno ka mid dawladaha qaarkood aysan diidi lahayn qorshihii Bevin-Sforza. Mar labaad waxa aan si mug leh ugu mahadnaqaynnaa dawladahaas kuwaas oo magacyadoodu ku xardhan yihiin qalbiga qof walba oo Soomaali ah gudo iyo dibadba.

Imminkana waxa aan jecel nahay in aan wax ka dhahno su’aasha matalaadda dadka Soomaaliyeed. Tani waa mid salhan haddii aad eegtaan warbixintii Guddidii Baarista ee Afarta Quwadood kuwaas oo Soomaaliya booqday horraantii 1948dii. Warbixintan keligeed baa caddayn u ah biyakamadhibcaannimada in aan nahay matalayaasha dhabta ah ee aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed. Waxa aad taas ka sii ogaan kartaan sida aqlabiyadda leh ee dadka Soomaaliyeed u taageereen qorshayaasheenna. Sidaa oo kale waxa aad warbixinta ka ogaan kartaan sida xubnaha guddidu u aqoonsadeen in xisbigeennu yahay midka keliya ee ah xisbi dhab ah haddana shaqeeya. Waxa aan jecel ahay in aan farta idinkugu fiiqo sadarrada u dambeeya ee warbixinta Guddida Afarta Quwadood bogga 121 oo sidan u dhigan:

“In spite of this lack of maturity, in the last five years a nationalist movement led by the Somali Youth League has rapidly spread through out the country, embracing most of the urban classes wherever located, and through the influence of the Chiefs and Elders, almost all the tribes except those in the Sab Confederacy and few others. This movement is well organised, possess relatively competent leadership, and may well be the major force in Somali politics fir some time to come.”

Kalfadhigii hore Guddida waxaa horyimid khaa’inul-waddaniyiinta ku dooday in ay matalayaan xisbiyo, kuwaas oo ah kuwo aan shaqayn ama aan jirinba. Sidaa oo kale waxa ay samaayeen bayaanno beenabuur ah oo ay ku sheegteen in ay matalaan qabiillo Soomaaliyeed. Khaa’inul-waddaniyiintan waxaa qaddiyadda Soomaaliyeed kala qiimo wayn helista gunnada siddeed (8) sannadood oo ay ka helaan Talyaanigii ay u shaqayn jireen, marka uu Soomaaliya ku soo noqdo. Talyaanigu waxa uu si cad ugu dhawaaqay in uu mushaarkii 8 sannadood siin doono shaqaalihiisi hore haddii uu Soomaaliya ku soo noqdo.

Kalfadhigii hore, khaa’inul-waddaniyiintu waxa ay caddeeyeen in ay doorbidayaan heshiiskii Bevin-Sforza kaas oo dadka Soomaaliyeed dib ugu celinaya addoonsi iyo jaariyadnimo. Waxa aan dhahaynaa addoonsi iyo jaariyadnimo waayo qorshaha imbaraaddooriyaddu waxa uu soojeedinayaa in dadka Soomaaliyeed Talyaaniga gacanta loo galiyo [uu na iska haysto] ilaa waqti aan la aqoon.

Isla jeerkaas, khaa’inul-waddaniyiintu waxa ay qireen aysan akhrin oo xataa aysan arkin qabyo-qoraaleedyadii badnaa ee qaar ergooyinka ka mid ahi golaha soo hordhigeen kuwaas oo ku saabsanaa mustaqbalka Soomaaliya. Waxaa intaa dheer in ay sameeyeen bayaanno lagu qoslo sida in dawladda Talyaanigu ay Soomaaliya ka furtay Jaamacado iyo mac’hadyo kale oo waxbarasho sare bixiya, iyo in Soomaali 500 ka badani ay qaateen shahaadooyin jaacamadeed oo kala duwan.

Intani waa caddayn ku filan in khaa’inul-waddaniyiintani halkan u yimaadeen keliya in ay beeciyaan Soomaaliya iyo Soomaalidaba. Goor horeba waxa aan xubnaha sharfan ee guddidan ogaysiinnay in haddii maamulka dalkeennu ku jiri lahaa gacmaheenna ay khaa’inul-waddaniyiintani mari lahaayeen caddaalad la mid ah midda ay maraan dhiggooda adduunka kale.

Talyaanigu waa ay abaabuli karaan in ay mar labaad halkan keenaan khaa’inul-waddaniyiinta. Ka ma welwelayno imaanshahooda maadaama cid waliba og tahay in ay halkan u yimaadeen keliya beecinta dalkooda iyo dadkooda.

Farqiga u dhexeeya ururkeenna iyo ururrada kale ee Soomaaliya ka jira waxa ay ku caddahay sadarrada soo socda ee warbixinta Guddida Afarta Quwadood:

“The other political parties have developed in opposition to the Somali Youth League and, with one exception, are of recent growth. Their influence is slight.” 

Ka sokow in aan haysanno taageerada aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed, ururkeennu waxa uu u taagan yahay danaha iyo daryeelka Soomaaliya iyo Soomaalida. Dhaqdhaqaaqa ururkeenna oo lagu kabay doonisteenna togan iyo in aan nafteenna u huraynno hammiga sharciga ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay caddayn buuxda u yihiin in aan u taagannahay danaha dhabta ah iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed.

Xubnaha sharfan ee guddidani waxa ay ogaan doonaan in aan xaq u leennahay in aan ku hadal magaca dhammaan ama aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed. Xaqaas iyo sharaftaas aan huwannahay dartood, waxa aan jecel nahay in aan si fudud u qeexno doonista iyo baahiyaha Soomaalida si danahooda loo ilaaliyo.

Dhawr maalmood ka hor waxa aan Guddoomiyaha Guddida Koowaad u dhiibnay dhambaal uu ku jiro qorshahayaga ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya. Dhambaalkaas waxa uu helay dhammaan taageerada Salaaddiinta, Madaxdhaqameedyada, Odayaasha, Mashaa’ikhda diinta iyo Nabaddoonnada qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku dhaqan mustacmaraddii hore ee Talyaaniga. Qorshahan waxa aad ka arki kartaan in doonista ugu wayn ee dadkeennu tahay gobonnimo degdeg ah.

Waxa aan maqsuud ka nahay fursaddan aan bayaan-oraahdeedkan (oral statement) kula baritaaraynni qorshaha aan xusnay. Sidaas darteed, waxa aan xubnaha sharafta leh ee golahan ku waydiisanaynnaa in ay ku dhawaaqaan madaxbannaani degdeg ah oo Soomaaliya hesho. Tani waa doonistayada ugu wayn.

Sida aad ku arki kartaan qorshaha aan xusnay, ilaa xad [doonisteennu] waa macquul, oo waxba ka ma qabno haddii golahan sharfani xikmad u arko in Soomaaliya ay hoosgeeyaan Wasaayo Caalami ah si kumeelgaar ah. Ma diidayno taladaas, waa haddii meesha laga saaro soo noqoshada taliskii Talyaaniga nooc kasta iyo weji walba oo uu yahay xataa haddii uu yahay wasaayo ay Qaramada Midoobay korjeegtaynayso. Diidmadeenna xooggan ee ka dhanka ah in aan mar labaad ku hoos noolaanno xukunkii Talyaaniga ee la necbaa waa tu sababaysan, aan ka noqosho lahayn oo kamadambays ah. Waxa aan sidaas ku sheegnay dhambaallo tirabadan oo aan guddida u soo gudbinnay.

Haddii xubnaha sharfan ee guddidu go’aansadaan in ay Soomaaliya hoosgeeyaan Wasaayo Caalamiga ah, waxa aan doorbidaynaa—sida aan horay u sheegnay—maamul toos ah oo Qaramada Midoobay ah muddo gaaban si kumeelgaar ah. Waxa aan ku qanacsannahay keliya in xukun Qaramada Midoobay oo toos ah uu ku guulaysan karo ruuxda qoraalka farqadda 73aad ee axdiga Qaramada Midoobay.

Mudane Guddoomiye, ergooyinka sharfan, waxa aan jecel nahay in aan xoogaa ka dhahno wax xubnaha qaar ku sheegeen “the spirit of compromise.” Xubnahani waxa ay maanka ku hayaan tanaasul (compromise) u dhexeeya qolo lagu yaqaan taageerada xooggan ee sheegashada caddaaladdarrada imbaraaddooriyadeed ee Talyaaniga oo dhinac ah iyo koox quwadaha gumaysiga ah oo dhinaca kale ah. Tanaasulka noocaan ah waxa aan u naqaannaa ku caddaaladdarro sharcidarro ah.

Tanaasul caddaalad iyo sharci ahi waxa uu dhexmari karaa dadyowga ku dhaqan dalka [Soomaaliya] oo dhinac ah iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhinaca kale ah. Annaga oo ah matalayaasha aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed waxa aan si cad u muujinnay sidii aan ku xusnay qorshahayaga in aan ilaa xad macquul ah diyaar u nahay tanaasul.

Waxa aan ku faraxsannahay in markan dhammaan xubnaha halkan jooga ay garawsadeen in Liibiya diyaar u tahay madaxbannaani degdeg ah. Sidaa oo kale na xubnaha qaarkood ay ka fekerayaan madaxbannaanida Eritrea. Saddex bilood ka hor aragtidani gebi ahaanba ma jirin oo waxaa xubnaha dhammaantood aamminsanaayeen in saddexda dal ee loo yaqaanno mustacmaradihii hore ee Talyaaniga aan midkoodna diyaar u ahayn isxukun iyo madaxbannaani degdeg ah.

Sababta isbeddalkan degdegga ah keentay ma ahan in wax aan caadi ahayn ka dhaceen Liibiya iyo Eritrea balse waa in xubnaha qaarkood, sida aan qabno, ay dib uga fekereen arrinta sidaasna ay maankooda ku beddaleen. Waxa aan si gundheer uga niyadjabsannahay in xubnahaasi aysan su’aasha dalkeenna u arag mid u qalanta dib u eegid.

Halkii ay ahayd in dib eegis lagu sameeyo su’aasha mustaqbalka dalkeenna, bilowgii kalfadhigan waxaa inoo caddaatay in qorayaasha heshiiskii Bevin-Sforza ay u xusulduubayaan in ay dalkeenna iyo dadkeenna dib gacanta ugu galiyaan Talyaaniga.

Layaabkeenna ugu wayni imminka ma ahan in quwadahan gumaysigu u diyaargaroobayaan dib u soo noolaynta heshiiskii Bevin-Sforza, laakiin waa in [layaabkeennu] badi xubnihii horay u taageeray qorshahani ay imminka u diyaargaroobeen in ay mar labaad taageeraan. Goor horeba waxa ay soo saareen bayaanno, ayaga oo xataa aan sugin in ay maqlaan aragtida dadka dhulka iska leh.

Mudane Guddoomiye, ergooyinka sharfan, is xusuusin u ma baahna mas’uuliyadda culus ee garbihiinna saaran iyo muhiimadda go’aannadiinna. Mustaqbalka malaayiin bini’aadam ahi waxa uu ku jiraa gacmahiinna. Maanta waxa aad fadhidaan booskii aad codkiinna ugu hiillin lahaydeen hammiga iyo doonista sharciga ah ee dadyowga la gumaysto sida annaga, ama in aad u diiddaan xuquuqdooda sharciga. Maanta waxa aad fadhidaan booskii aad codkiinna uga horimaan lahaydeen dib u noolaynta gumaysiga ama aad codkiinna ku gumayn lahaydeen qaramada yaryar ee tabarta yar sida keenna oo kale. Waxa aad fadhidaan kursigii aad codkiinna ugu hiillin lahaydeen nabadda iyo ammaanka caalamka ama colaad iyo musiibooyin.

Waa idin tuugaynaaa xubnaha sharfanow, in aad maanka ku haysaan dhammaan arrimahan oo dhan ka hor inta aydnaan codkiinna ridin. Ka fekera dhaawaca uu codkiinnu u gaysan karo dadyowga cabbursan ee tabarta daran sida annaga. Xusuusnaada in jiritaankooda [ummadaha la gumaysto] uu gacantiinna ku jiro. Xushmeeya qayimka aasaasiga ah ee aayo-ka-tashiga ummadaha. Xushmeeya qayimka faraya doonista iyo daryeelka ummadaha dhulka leh; iyo dhammaan qayimmaadka aasaasiga u ah qayimka sharfan ee ku dhigan axdiga Qaramada Midoobay. Baadbaadiya nolosha malaayiinta ku dhaartay in geeriwadareed ka doorbidayaan ku hoos noolaashaha gumaysiga. Badbaadiya sharafta iyo jiritaanka ururkiinna iyo axdigiisa sharfan. Ka dhabeeya ballamihii xilligii dagaalka ee xorriyadda, madaxbannaanida iyo caddaaladda ugu yaboohay dhammaan qaramada adduunka ee nabadda jecel. Xoojiya kalsoonida iyo aaminaadda ay malaayiinta gumaysiga ku hoos nooli u hayaan Qaramada Midoobay.

Mudane Guddoomiye, ergooyinka sharfan, qayladhaantaan waxaa naga keenay xubnaha golahan ka midka ahi ee doonaya in ay qaddiyaddeenna dhaafsadaan gorgortan siyaasadeed. Waxa aan markhaati u noqonnay in qaar badan oo golahan fadhiyaahi doonayaan in ay doonista dadkeenna iyo dalkeenna dhaafsadaan gorgortan siyaasadeed. Waxa inoo caddaatay in xubno tirabadan ay si toos ah u inkirayaan doonista iyo daryeelka dadkeenna. Xubnahani waxa ay u hollanayaan dib u soo celinta xukunkii Talyaaniga. Tani waxa ay gebi ahaanba khilaafsan tahay rabitaanka dadka dhulka leh. Sidaas darteed, waxa aan go’aankaan u aragnaa mid si furan ugu tumanaya axdiga Qaramada Midoobay.

Waxa aan caddaynay in aan matalno aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed. Waxa aan sidaa oo kale caddaynay in aan dhimasho ka xigno ku hoos noolashaha xukun Talyaani. Haddii xubnaha sharfan ee golahan shaki ka qabaan runnimada dooddeenna, waxa aan rumaysannahay in xalka iyo caddaaladdu yihiin dirista guddi cusub oo baarista ku soo sameeya Soomaaliya si loo ogaado doonista iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed. Tani waxa ay sababaysaa dib dhaca arrintan ee ugu yaraan hal sano. Sidii aan horay u caddaynay halkan ma fadhido ergo go’aankiinna uga dhursugaysa sida aan uga dhursugayno. [Yeelkeed’e], sannad dib u dhac ahi waxa uu dhaamaa in ummad dhan oo tabar daran oo lagu gumaysto lagu qasbo dhimasho iyo geeriwadareed.

Waxa aan go’aankan idinkugu soo hormarinnay waayo waxa aan hubnaa haddii golahani go’aamiyo in uu Soomaaliya u gacan galiyo taliska Talyaaniga, dadka Soomaaliyeed waa ay dagaallami doonaan ilaa ninka ugu dambeeya.

Go’aan nasiibdarro oo noocaan ahi waxa uu sababi doonaa iska horimaad degdeg ah oo dhemaraya Soomaalida iyo ciidanka Ingiriiska ee ku hubaysan qoryaha darandoorriga u dhaca, kumannaanka taangiyada culus ah iyo diyaaradaha dagaalka kuwaas oo fadhiya Muqdisho. Maamulka Millateriga Ingiriisku waxa uu burburin doonaa iskacaabbinta saanaddoodu liidato ee Soomaalida saboolka ah haddana tabarta daran, Ingiriiskuna waxa ay adeegsan doonaan tabahoodi lagu yaqaannay ee ay horay ugu adeegsadeen dalalka la gumaysto sida Indonesia.

Ergooyinka qaarkood waxa ay goor horeba soojeediyeen dirista guddi cusub oo Eritrea loo diro kuwaas oo soo ogaada doonista dadka dalkaas. Maadaama soojeedinnada noocaan ah haddaba laga fekerayo, maxaa arrinta Soomaaliya na sidaas loo yeeli la’yahay? Maxaa xuquuqda Eritrea mid la mid ah Soomaalida loo siin la’yahay? Waxa aan rejaynaynnaa in xubnaha sharfan ee golahani ka fiirsan doonaan xaqiiqdan.

Haddii ay dhacdo in guddi cusub la diro, waxa aan golaha warsanaynaa in guddiga la dirayo laga xulo dalal dhexdhexaad ah.

Mar labaad waxa aan golahan sharfan ka tuugaynaa in ay si qotodheer uga fiirsadaan [arrinta] ka hor inta aysan codkooda ridin. Xusuusnaada in nolosha malaayiin bini’aadam ahi codkiinna magan u yihiin. Xusuusnaada in mustaqbalka dadkeenna, dalkeenna iyo ubadkeennuba uu gacantiina ku jiro.

Inta aynnaan khudbaddeenna gunaanadin, waxa aan golahan xusuusinaynaa in General Romulo¹, madaxweynaha kalfadhigan guud ee Qaramada Midoobay uu golahan ugu magacdaray Golaha Nabadda (Peace Assembly). Waxa aan rejaynaynnaa in tani aysan noqon nabadda qaar balse ay noqoto nabadda dhammaan. Waxa aan idinka ka tuugaynaa in go’aannadiinnu aysan noqon kuwo dalkeena dhexmaquuriya musiibo iyo jaahwareer.

Mar labaad waxa aan caddaynaynaa in Soomaalidu aysan doonayn aqbalina doonin xukun dambe oo Talyaani nooc kasta iyo weji walba oo uu yahay xataa haddii uu yahay wasaayo ay Qaramada Midoobay korjeegtaynayso. Haddii golahani go’aamiyo soo celinta Talyaaniga asaga oo inkiraya doonista dadkeenna, sidee xubnaha sharfanow inooga filaysaan in aan aaminno oo kalsooni ku qabno Qaramada Midoobay maadaama bilowgiiba la inkiray doonista iyo daryeelka dadkeenna?

Waxa aan idinka codsanayna xubnahan sharfanow in aydnaan saddaqayn dadkeenna idinka oo dhaafsanaya gorgortan siyaasadeed. Waxa aan idinka codsanaynaa in qayimka toosani idin hago kaas oo keliya aan saldhig u ahayn heshiiskii nabadeed ee Talyaanigu saxiixay balse saldhig uu yahay axdiga sharafan ee Qaramada Midoobay kaas oo damaanad qaadaya doonista iyo daryeelka dadyowga adduunka.

Waxa aan doorbidaynaa in aan dib u dhiganno wax ka dhihidda qabyo-qoraal walba oo ku saabsan mustaqbalka dadkeenna iyo dalkeenna.

Mar labaad, mudanayaasha sharfanow waxa aan idinka codsanaynaa in aad si mug leh uga fiirsataan doonista sharciga ah ee dadka Soomaaliyeed. Waxa aan xubnaha golahan sharfan ka filaynaa in ay meel iska dhigaan danaha shakhsiyadeed iyo kuwa siyaasadeed ayna si caddaalad ah u go’aamiyaan arrimaha muhiimka ah ee ku aaddan mustaqbalka qaranka Soomaaliyeed ayaga oo gundhig uga dhigaya caddaaladda, sinnaanta iyo maanka suubban.

Mahadsanid Mudane Guddoomiye. Mahadsanidiin xubnaha sharfanow.

 

Cagadhig

1. Carlos Peña Romulo waxa uu ahaa danjire iyo diblomaasi reer Philippines ah.

 

Cali M. Diini April 30, 2022

SHEEKOOYIN