DIB-U-ARAGGA SANADKII TEGAY EE 2018

“Haddii akhrisku yahay cuntada maskaxda, akhriso buuggaagta”
-Mudanist
Sanad walba wax baan ku xusuustaa. Kii 2017, waxaan ka helay boholyow akhris. Waa sanadkii aan dhex maquurtay badweyn akhris. Waan is-helay sanadkaas, oo waxaan noqday qof is-og. Waxaan iska warhelay aniga oo si dhab u sii jeclaanaya akhriska. Naftu waxay dareentay jacayl aysan horay u dareemin sanadkaas ka hor. Waxyaabaha la yaabka leh ee akhriska i jeclaysiiyay waxaa ka mida: waqti lumiska, madaddaalaynta, sheekada, kashifaadda jahliga iyo fashilinta isla qabweynaanta. Markaan akhriyo, waxaan u fikiraa si waali ah, ka dib wax baan qoraa. Waxaa halkaas iiga luma waqti badan, laakiin waxaan ka helaa madaddaalayn mararka qaar qosol miiran ah. Waan xusuustaa sida Michael Wolff uu buuggiisa ‘Fire and Fury’ ugu dhex cammirtay Donald Trump isaga oo ku tilmaamay in uu yahay “sida ilmo yar oo u baahan koolkoolin.” Waxaa ka sii ashqaraar badnaa markaan is arko aniga oo u jawaabcelinaya qoraaga buugga: Igama dhaadhicin dooddaada!, dee si hufan uga hadal taariikhda, waaaw! waan ka helay boontigan iwm.
Wadasheekaysi ka dib, waxaan ogaadaa in qoraagu ka shifay wax badan oo aan ogayn. Halkaas waxaa uga quusqaatay islaweynidii Ahmed I Samatar “Dee anigu saddon sano baan dersaayay hoggaaminta Soomaaliya, waxna kama qoro xilligan ma garatay. Dee horay baan u dersay.” Marka intaas laga soo tego, akhriska waxaan ka helay faa’iido xis-naqdineed ah (critical thinking). Waan ka badbaaday fadlan ku shubo iyo mashruucii urur diimeedyadii/maaddiga dalka. Aniga un baa hadda is-metela, waxaan ahay Mudanist dhab ah, waxaa sidaa iga dhigay akhris iyo qoraal.
 
2018: SANADKII QORAALKA
Wuxuu ii ahaa gu’ qoraal. Waxaan soosaaray in ka badan labaatan maqaal: Sagaal ka mida waxaan ku qoray af-ingiriisi, laba ka mida waan tarjumay, laba ka midana waan gorfeeyay. Lix ka mida waxay toos ula xiriiraan siyaasadda Afrika, saddex ka mida lixdaas waxay ku saabsanaayeen isbeddleka siyaasad dhuleedka geeska Afrika.
 
1. United Arab Emirates (UAE): Somalia’s New Scapegoat published by Wardheernews
-Maqaalkan, wuxuu ku saabsanaa khilaafka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxaan ku xusay saddex go’aan oo ka soo baxay dowladda laakiin aan u arkay in ay ahaayeen go’aano aan qummanayn, oo qariskatuurnimo ah.
2. Somalia’s Protracted Conflict: the Mistrust Factor published by Wardheernews
-Maqaalka, wuxuu ka sheekeynayaa sababta keentay colaadda dabadheeraatay ee Soomaalida.
3. The Absence of Somalia-based lecturers/researchers in International Journals published by Wardheernews
-Maqaalkan, wuxuu sahminaya caqabadaha haysta cilmibaaraha iyo baraha jaamacadeed ee daljooga ah, oo ku aaddan in uu ka soo muuqdo joornaallada caalamiga. Maxaa hortaaggan?
4. The Politicization of Clan-Identity as Source of Civil War: the Somali Experience published by Researchgate
-Wuxuu baarayaa dowrka qabyaaladda ee ku aaddan sababaha colaadda Soomaalida, 1991. Wuxuu kaloo sahminayaa sida dowladdii kacaanka ay u isticmaashay qabyaalad, iyada oo ka lahayd dano siyaasadeed sida kursi-badbaadin (regime survival) iwm.
5. Siad Barre’s regime: From repressive to civil war published by Academia
-Wuxuu ku saabsan yahay dulmiga iyo caburinta dowladdii kacaanka, taas oo ugu dambeyn dhalisay in dadku u dulqaadan waayaan ka dib waxaa qarxay colaaddii 1991.
6. The Somali Civil War: Root cause, and contributing variables published by The journal of social studies
-Maqaalkan, wuxuu sharaxaad macquul ah u raadinayaa sababaha iyo waxyaabaha dhiirriggeliyay in uu dhaco colaaddii 1991.
7. African Political Thought in a Nutshell published by Researchgate
-Waa maqaal soo koobaya feker siyaasiga ugu saamaynta badan qaaradda Afrika sida hantiwadaagga, maaksiisimka cilmiyeesan iwm.
8. African Solutions for African problems published by HIBF and degelka Laashin
-Maqaalka, wuxuu ka sheekeynayaa in dhibaatada bulshada Afrika xalkeeda laga heli karo dhaqanka dhaladka ee Afrikaanka ah iyo dibusoonoolaynta hay’adaha dhaladka ah sida Xeerka Geedka Soomaali, Gada, Gacaca, iyo Kgotta. Hadalka ku qoran maqaalka waxaa iska leh Prof. Ali Jimcaale Ahmed, anigu waxaan Af-Soomaali u tarjumay keliya qaybta goobaynta (Abstract).
9. The real story of inequality in Mogadishu published by Goobjoog
-Maqaalkan, waxaan kaga hadlay indha-indhayntayda ku aaddan wixii aan ku arkay Muqdisho, saddex sano ka dib dibugusoolabashadayda dalka. Waxaan arkay laba dabaqadood oo ku kala nool laba xaaladood oo kala duwan. Mid dheregsan oo hoteelada fadhida iyo mid baahan oo laamiga qarkiisa hoteel u ah. Maqaalku, wuxuu baarayaa dhab ahaanshaha kalasarraynta nolosha ee ka jirta Muqdisho.
10. Itoobiya: Qaran u baahan sheeko cusub waxaa daabacay africanarguments
-Waa maqaal aan ka soo tarjumay Af-ingiriisi. Waxaa qoray Mohamed Girma. Maqaalka, wuxuu ku saabsan yahay taariikhda siyaasiga ee Itoobiya, ka soo bilow xilligii menelik I ilaa Abiy Ahmed. Loollankii xukunka ee u dhexeeyay Amxaro iyo Tigreey.
11. Amisom Ka dib: Maxay qaadanaysaa Amniga Soomaaliya? waxaa daabacay Africanarguments
-Waxaa qoray Paul D. William laakiin waxaan u soo rogay Af-Soomaali. Wuxuu ku saabsan yahay caqabadaha amni ee horyaalla ciidanka xoogga dalka iyo sida looga gudbi karo caqabadahaas.
12. Akhriska Siyaasad Dhuleedka Geeska Afrika waxaa daabacay Wargeska Gobollada Dhexe
-Wuxuu lafogurayaa legdinka u dhexeeya afar koox: Arab iyo US Axis, Iran Axis, China Axis, Qadar iyo Turkiga. Mashaariicda gobolka ka socda iyo sida looga kala faa’ideystay.
13. Booqashadii Farmaajo ee Eritrea iyo Welwelka Jabuuti waxaa daabacay bilyoneer.wordpress
-Wuxuu ku saabsan yahay sababaha keenay dibusoocelinta xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Eritrea. Labada dhinac faa’iido maxaa ugu jira?
14. Isdhexgalka Dhaqaale Ee Geeska Afrika: Itoobiya, Eritrea Iyo Soomaaliya waxaa daabacay Goobjoog
-Maqaalka, wuxuu sahminaya cidda ay faa’iido badan ugu jirto heshiiska isdhexgelka dhaqaale. Soomaaliya ma u diyaarsan tahay xilligan? Waxaan soo ogaaday, in isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika uu macaash dhaqaale u noqon doono boqolka milyan ee Itoobiya.
15. Booqashada Theresa May ee Afrika: U danayn mise ka danaysasho? Waxaa daabacay Goobjoob
-Waa maqaal dabaggal ku sameeyay socdaalkii ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Theresa May. Waxaan ku soo ogaaday, in ay ka ahayd faataadhuglayn siyaasadeed iyo in boos fiican ka hesho suuqyada dalalka Afrika, oo sanadyadii dambe u xirnaa shiinaha.
16. Xiriirka Dhaqaalle Ee Shiinaha Iyo Afrika waxaa daabacay Goobjoob
-Wuxuu sahminayaa farqiga u dhexeeya habka dhaqaale ee reer galbeedku kula macaamilo Afrika iyo kan Shiinaha. Waxaa ii soo baxday, in Shiinuhu ka hab fiican yahay reer galbeedka. Waxaan kaloo ogaaday, mararka badan in shirkadaha shiinuhu isticmaalaan hab u eg kii gumeysiga sida dhiigmiiradka muruqmaalka, kalabeddelasho aan sinnayn (unequal exchange) iwm.
17. Alshabaabka Musanbiig waxaa daabacay bilyoneer.wordpress
-Waa maqaal ka sheekeynaya koox mayal adag, oo ka hawlgasha dalka Musanbiig. Dadka deegaanka waxay u yaqaanaan Alshabaab. Maaqaalka, wuxuu baaraayay in xiriir ka dhexeeyo Alshabaabka Soomaaliya iyo kan Musanbiig iyo in kale.
18. Qabiil iyo Qabyaalad waxaa daabacay Laashin
-Maqaalka, wuxuu sahminayaa farqiga u dhexeeya qabiil iyo qabyaalad. In maanta jiro dareen Soomaalinnimo iyo in kale.
19. Caqli Col Hortii Jabay waxaa daabacay Researchgate
-Waa qoraallo kooban oo aan isku geeyay ka dib ka soosaaray maqaal. Wuxuu ku saabsan yahay caqliyadda bulsho ee caadaysatay in ay ka aamusto bahdilka ka dhanka ah dhallinyarada, waayeelka iyo dumarka. Waxaan ku dooday in dhallinyarada maanta joogta ay yihiin koox kacdooneed badbaadin doona bulshada.
20. Isdaboolka dhacdooyinka waxaa daabacay Laashin
-Waa maqaal cajiib ah, oo ku saaabsan suurtaggalnimada in dhacdooyinka qaar ee gacankusamayska ah loo adeegsan karo dano siyaasi, iyada oo ujeedku yahay in bulshada laga mashquuliyo hadalhaynta dhacdada markaas taagan.
21. Cadowga Maangalka waxaa daabacay bilyoneer.wordpress
-Waa qormo yar oo kooban, oo ka faalloonaysa aragtida Alla-diid Ricahrd Dawkings. Waxaan ku qabsaday qaar ka mida doodahiisa marokudhagga ah sida caddeemaha sayniska, oo aan ku cilladeeyay in aysan ahayn dhabnimo taagan.
22. Macallin, ma cadda habka aad wax u waddo waxaa daabacay Goobjoog
-Maqaalkan, wuxuu ka faalloonayaa dhibaatooyinka uu leeyahay iskuhalaynta keli casharada baawarboontiga. Maqaalka, wuxuu dhiirrigeliyay in macallinku iyo ardayguba isticmaalaan buugga iyo bawarboontiga.
23. Gorfaynta Buugga Habeen Kaama Tagin
24. Gorfaynta Buugga: ‘Fire and Fury: Inside the Trump White House’
 
Ugu dambayn, sanadkii tegay waxaan ku xusuusan doonaa qoraal iyo akhris. Sanadkan 2019, isagana waxaan filayaa in uu ii noqon doono mid caano badan leh.
 
WQ: Hassan Mudane
Lafogure Arrimaha Afrika
Mudanep5@gmail.com

SHEEKOOYIN