DIFAACAHEEDA AYAA DAGAY!!!!! (QISO MURUGO LEH) W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

kuf

DIFAACAHEEDA AYAA DAGAY!!!!!

(QISO MURUGO LEH)

Waxaanu ahayn Qoys yar oo iska ladan, Duruufa badan oo Nolosha ah oo aynan kuwada faraxsanayn waanu soo marnay, balse, ma ahayn duruufahaaas kuwa sababa in qoyskeenu kala tago.

Sida caadiga ah mar walba waanu murmi jirnay, dagaalami jirnay, hadana weynu heshiin jirnay, is qabashadeena mar walba waxay ka dhalan jirtay sabab uu isagu ka mas’uul ahaa.

Wuxuu saq dhexe iman jiray guriga isaga oo marqaansan, ha ahaado Marqaame, hadana xaaladda qoyskeena waxba uma dhibi jirin marqaankiisa, anigana wax dhib ah oo gaar ah oo uu igu hayay ma jirin, marka laga reebo dhibsasho aan dhibsaday imaatinkiisa waqtiga damba ah.

Wax ay xaaladdeenu sidaa ahaataba markii dambe waxaa u suura gashay in uu Waddanka ka dhoofo, oo uu aado mid ka mid ah Waddamada Galbeedka, halkaas oo muddo ku dhow 7 sano uu daganaa kaligiis.

Muddadaas kadib ayuu inoo xareeyey Dacwad, nasiib wanaag wax walba waxay noogu dhamaadeen waqti fudud, oo muddaba inagama qaadan waddanka aan sii maraynay ee dacwadeena laga xareeyay.

Ninkayga waan aqiin, aqoon buuxda waliba, dhibkiisa iyo buuqiisa ma yarayn, hadana waxaan aqiin Xeeladda lagu dajiyo, marka uu dagana wax walba caadi ayey kusoo laaban jireen.

Imitaankeena Dalka uu ku noolaa wax badan ayey nolosheena ka baddashay, ilmihii oo iskoolka inoo aada, aniga iyo isaga oo wada shaqayna, Dhaqaala aanu ku wada faraxsanahayna wada helna.

Marka tilmaantaas wanaagsan laga soo tago, waxaa inoo dheerayd arrin cusub oo aanan ku aqon ninkayga oo muddo markii aan joogay soo baxday, taas oo ahayd in balawdiisii ku ekayd Khaatka ay usii gudubto in uu Khamriga ku daro.

Runtii kuma faraxsanayn, dhowr jeer oo aan kala hadal is irina gacan qaadkiisa ayaan dhibsaday, oo waxaan go’aansaday in aan ka aamuso dhibkiisa, aniga oo u baqaya naftayda iyo tan ciyaalkaba.

Xaafadda aan daganayn cidlo kuma ahayn, oo waxaa ii dhawaa hooyadey iyo walaashey oo waddanka iiga soo horreeyay, kuwaas oo aan waheshan jiray mararka qaar, sidaa darteed, Xaalad ahaan ma ahayn qof go’doon ah.

Xaaladdiisa khamri cabidda kuma faraxsanayn, mar walbana waan ogaa in ay khatar kasoo socoto, baaxadda ay khatartaas leedahayse ma aanan ogayn, oo ma ahayn mid aan sii qiyaasi karay.

Buuqeena iyo murankeena wuu batay, waan awooday in aan guriga ka saaro oo askarta u waco, balse, ciyaalka oo aabahood aad u jeclaa iyo isaga oo u roonaa ayaan ugu dulqaatay,  ma doonayn in ciyaalkayga ay aaba la’aan ahaadaan ama aan ka fogoeeyo aabahood.

Waxaa batay imaatinkiisa saqda dhexe, marnaba ugama shakisanayn Dumar kale, taas wax shaki ah kama qabin oo waan aqiin ninkayga, in waxa uu ku waalan yahay ay ahaayeen balwaddaas, ee xaga dumarka uusan sidaa kusii ahayn.

Waxaa dhacday in uu habeen saq dhexe yimaado isaga oo Tal ah micanaha aad u cabay khamaridii, marka uu yimidna cashadiisa oo diyaarsanayd ayaan u keenay oo cun ku iri, isaga oo ay Caro ka muuqato ayuu igu yiri “ma rabo cashadaada” wuxuuna bilaabay in uu aad ii caayo iguna qaylsho.

Horey ayaan uga daalay qayladiisa, aniga oo waxba dhihin ayaan iska aaday qolkayga jiifka si aan iskaga seexdo, waana sida aan samayn jiray marka u sidan oo kale u kaco, balse, caawa arrintu sidaas waa ka duwanayd.

Isaga oo furanaya Suunka surweelkiisa, farahana igusoo fiiq fiiqaya ayuu igu yiri “waa in aad ka baxdaa gurigayga caawa, kuma doonayo mana seexanaysid meeshan” aniga oo aad uga baqaya dhaqankan cusub ee uu ninkayga la yimid ayaan ku iri “waan kaa baxayaa ee albaabka ii bannee”.

Intuu albaabka ii ballaqay ayuu igu yiri “mar dambe yaanan kugu arkin gurigan haddii aad naftaada rabtid” maqalka erayadaas iguma cusbayn, balse, dhaqanka cusub ayaan la yaabanaa caawa, waxaan isla markiiba go’aansaday in aan ka baxo oo guriga hooyadey oo dhowr tallaabo ii jira aan iska seexdo habeenkaa.

Ilmo waxaanu lahayn hal Gabar iyo laba Wiil oo yar yar, gabadha waxay ahayd 12 jir oo curradeen ayey ahayd. Xilliga uu buuqaas ina dhex marayo ilmaha waa ay wada jiifeen, oo labadeena kaliya ayuu buuqu u dhaxeeyey.

Hooyadan 3dan caruurta dhashay iyada oo hadalkeeda sii wadata ayey tiri, “iguma jirin wax shaki ah oo ku saabsan in uu ilmaha waxyeelayn doono, sidaa darteed si nabadaysan ayaan guirga hooyadey iyo walaahay ku aaday aniga oo rajaynaya in ninkayga marka ay ka baxdo Wasaqda jirkiisa ku jirta ay subixii howsheena caadi kusoo laaban doonto.

Markii aan tagay guriga, waalidkay iyo walaalahay ayaga oo yaaban ayey i waydiiyeen waxa dhacay caawa maadaama aanan waligey usoo hoyan gurigooda maalin maahee, aniga oo is moogaysiinaya doonayna in xaaladdeena la fahmo ayaan ku iri, “caawa buuq yar oo aanan la qabsan buu iila yimid ninkayga, waxaan ka baqay in ay meel dheer inaga gaarto arrinta, sidaas ayaan u door biday inta waagu ka baryayo in aan idinla seexdo, subixina aan guriga ugu laabto”.

Subixii aroor hore ayaan kasoo kacay si aan ciyaalka ugu diyaariyo quraacdooda, Dhar wasaq ah oo ii yiil markaana aan ugu dhaqo Mashiinka oo ii bukinnaa xiliiga 7am, aniga oo dharkii kala dhig dhigayo ayaan ku arkay Funaanad aan lahaa Dhiig.

Waxaan iska dhaadhacshay in ninkayga maadaama uu marka uu cabo khamriga uu Shilala badan galo uu dhiigan isaga tiray funaanaddayda ama dharka guriga yaal uu mararka qaar isticmali jiray, dhaqanka sidaa ahna wuxuu ahaa dhaqan caadi ka ahaa ninkayga xagiisa.

Aniga oo doonaya in aan bal eego xaaladda ninkayga iyo in uu xanaaqii xalay ka baaba’ay ayaan waydiiyay, Cidda funaanadayda dhiiga ku tirtay, jawaabta uu isiiyayna waxay ahayd “ waa in aad adiga is waydiisaa su’aashaa, aniga nin ayaan ahay, dhiig Caadana iguma dhaco, funaanaddaadana laga yaabee in aad adiga isticmaashay xilliga aad macduurka tahay”.

Aniga oo u jawaabin kana xanaaqsan qaabka uu iigu jawaab celshay ayaan dhanka Sariirta sii aaday, aniga oo is leh Go’a sarirta baddal, kan xalay saarnaana dhaq, mise Dhiig ayaaba buuxa meesha, waxaan dareemay in howsha ay markan caadi ahayn, oo xalay ay wax dhaceen.

Naxdin iyo amakaaga aniga oo ay iga muuqato ayaan u cararay Qolka ilmaha si aan u eego xaaladdooda, mise waxaan arkay gabadhaydii oo ku labbisan Funaanad aan aniga lahaa oo ka wayn. Lugaheedana uu dhiig ka dareerayo.

Dareen naxdin leh aniga oo muujinaya ayaan waydiiyay gabadhayda waxa ku dhacay, iyada oo booyeeysa ayey sharraxaad iga siisay wixii dhacay xalay, taas oo runtii filan waa igu noqotay.

Waxay tiri “Hooyo xalay waqti dambe ayuu aabe soo galay qolkeena wuuna i xambaartay isaga oo i geeyey qolkiina jiifka ah, halkaas uu ku bilaabay isla markiiba in uu dharka iga siibo, markii aan ku dhahay aabe maxaad samaynaysaana, dharbaaxo ayuu ila dhacay, Ceejana wuu igu qabtay, isaga oo iigu hanjabay in uu nafta iga qaadayo hooyana uu dili doono, haddiiba aan isku dayo in aan dhacdada dhacday qof u sheego.

Inta ay sheekada gabadha ii wadday ayaan isla markiiba wacay 911, aniga oo ka baqanaya in uu nasoo wada weeraro aniga iyo gabadha, wayna dhacday oo sheekadeena ayuu ka dhex maqlay guriga.

Waan dareemayay in uu nagu soo fool leeyahay, Middina soo qaatay, aniga oo la amakaaksan Xaaladda qoyskayga kusoo korortay ayaan Albaabka hoos ka xirtay, wixii alaab ah aan ku aaddin karana ku aaddiyay.

Dhowr jeer ayuu isku dayay in uu albaabka soo jabsho, balse, waa ku adkaatay, markaas ayuu wuxuu bilaabay in uu Goobta ka cararo, wax yar kadibna waxaa goobta soo gaaray Pooliska.

Arrinta dhacday ayaan ku war galshay Askarta, waxaana gabadhii loo qaaday isbitaal, halkaas oo looga daweeyey Dhaawacya Culus oo soo gaaray intii uu Kufsiga kula kacayay aabaheed.

Pooliska waxay raadinayeen laba maalin oo muuqiisa iyo maqalkiisaba la la’aa, nasiib wanaag markii dambe waa la helay oo waa la xiray, waxaana lagu xukumay ilaa 9 Sano oo Xabsi ah.

Tan iyo maalintii xabsiga la geeyay ee la xukumay, ma aanan booqan mana maqal codkiisa, anigana ma raadsan, isagana ima soo raadsan, balse, waxaa mar aan fogayn la ii keenay Warqad uu xabsiga kasoo diray.

Warqaddaas wuxuu ku dulbanayay Cafis uu aniga iyo gabadhaba inaga dalbanayay, wuxuu ku sheegay warqadda in habeenkaas ay dhacdadaas dhacayso in uu isticmaalay Daroogo kale oo uusan waligiis isticmaalin, taas oo dareenkiisa oo dhan baddashay.

La yaabk warqadda waxa ku qoran ayaa ahaa, in uusan u qalmin uu dunidan kula sii noolaado gabadhiisa oo uu kufsaday, jaanisna uu u raadinayo si kasta oo uu isaga takhallusi karo.

Uma jawaabin waan dareemi karay in uu ka qoomamaynayo waxa uu sameeyay, balse, jawaab uma hayn su’aalaha uu isku waydiinayo warqadaas, waxaana ila wanaagsanaatay in ay ku wacantahay in ka gaabsado oo aan waxba ka dhihn.

Xanuun xun ayey igu noqotay arrintaa, waxaan naftayda ku canaantay in aniga naftayda aan qayb ka ahay Dhibka ku dhacay gabadhayda, maadaama aan guriga ka baxay ugana tagay gabadhayda Nin aan Miyiri ahaan joogin, oo waxa uu yahayba aan garanayn.

Dhacdadaas runtii waa mid aan la noolahay, isaga waa kan Falka geystay sida aan qabo, anigana waxaan ahay tan u fududaysay in uu uu falkaas ku dhaco, gabadhayda waxaa ku dhacday nasiib darro ah in dadkii ay dugaanshan lahayd ay khatarteeda noqdeen, difaaceedana uu dagay (Aabaheed).

Waa dhacdo runtii aan la noolahay inta noloshayda ka dhiman, waxaasa is waydiin mudan meeqa dhacda oo kuwan oo kale ah ayaa jirta, dadkuse sida aniga aan ula qaylshay ma ula qaylsheen, mise waa la aamusan yihin?

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.