DOORASHO IGU ADAG (SHEEKO GAABAN). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                      DOORASHO IGU ADAG (SHEEKO GAABAN)

Waligeed dhab uma dhadhamin dareenkeeda dhabta ah, dooqeeda dhabta ah, qofkuse mar uu dhadhanshaba waxaa jira waqti uu dhadhamin doono, nasiib darrase waxay wax jeclaatay oo dookheeda iyo dareenkeedaba wax ku dhadhamisay iyada oo Marwa ah, jahwareer xun ayaa ku dhacay, xaalad adag ayey gashay, waxay tiri wax aan maqli jiray balse aanan dhab u dareemi jirin ayaan maqlay dhabna u dareemay, noloshayda oo dhan ayaa kala gadis noqotay, wadda kale iima furnayn aan ka ahayn in aan iska hilmaamo dooqayga iyo dareenkayga, si aan ugu noolaado dhabta nolosha aan haysto, mararka qaar dooqaaga iyo dareenkaaga lama jaan qaadi karaan dhabta noloshaada.
Waa Cashar adag oo aan wax uga barano xaaladaha adag ee inala soo darsa, macaanka noloshaada mararka qaar Qaraarka ayaa kaaga qiima badan, waxaan ku noolahay duni balaaran oo aanan ka tagi karin, micnaha Caruur badan iyo ninkayga aan ku helay doorashada aabahay.
Ugu dambayn waxaan go’aansaday in dookha noloshayda iyo dareenka dhabta ah kaan u qaaday in aan Dariiqa ku diro aniga oo wadda kale ii furnayn, waxay ahayd doorasho igu adag iguna qaraar runtii.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xabuu8@gmail.com

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN