Ducada Ataxyaatka iyo Macneheeda. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

dalaailka-nabinimada

Ataxyaatka hore

 

Al Imaamu Al Nawawiiالإمام النووي\ Allaha الله u naxariistee wuxuu “Al Majmuucالمجموع\” ku yiri:

 

“Salaadda Duhurka, Casirka, Maghribka iyo Cishaha, labada Rakco oo hore kaddib, adigoo fadhiya  akhri ataxyaatkaan:

 

“التحيات، المباركات، الصلوات، الطيبات، لله تعالى، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم.”

 

“Al ttaxiyyaatu, al mubaarakaatu , al ssalawaatu, al dh-dhayyibaatu, Lillaahi Tacaalaa, al ssalaamu calayka Ayyuhaa Al Nnabiyyu wa raxmatu Allaahi wa barakaatuhu, wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina, ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa Rasuuluhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”

 

Waa Xadiithka afar boqol iyo saddex ee Muslimمسلم\ uu ka wariyay ibnu Cabbaasإبن عباس\ oo yiri:

 

“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, wuxuu noo bari jiray ataxyaatka siduu Suuradda Quraanka ah noo bari jiray oo kale, markaasuu wuxuu yiraahdaa:

 

“قولوا التحيات، المباركات، الصلوات، الطيبات، لله تعالى، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم.”

 

“Quuluu Al ttaxiyyaatu, al mubaarakaatu , al ssalawaatu, al dh-dhayyibaatu, Lillaahi Tacaalaa, al ssalaamu calayka Ayyuhaa Al Nnabiyyu wa raxmatu Allaahi wa barakaatuhu, wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina, ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa RasuuluHu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.”

 

Al Sh-shaaficiiالشافعي\ wuxuu fadli yeeli jiray ataxyaatka ibnu Cabbaas إبن عباس\ oo ka fadli yeeli jiray ataxyaatka uu wariyay ibnu Mascuudابن مسعود\, oo ah Xadiithka sideed boqol kow iyo soddon ee Al Bukhaariiالبخاري\, sababtuna waxay tahay inuu erayga Al Mubaarakaatuالمباركات\ dheer yahay oo aan midka ibnu Mascuudابن مسعود ku jirin.” Waa intaas warkiisu.

 

Macnaha ataxyaatka koowaad

 

Macnaha attaxyaatku waa kanaa, waxaanna kasoo qaadannay kitaabka “Al Futuuxaatu Al Rabbaaniyah calaa al Athkaari Al Nawaawiyyahالفتوحات الربانية على الأذكار النواوية\” uuna dhigay all caalimu al callaamah mufassiru Kalaama Allaahi Tacaalaa wa khaadima Xadiithi Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Muxammad bin Callaan Al Siddiiqii al sh-shaaficii al ashcarii al Makkiiالعالم، العلامة، مفسر كلام الله تعالى وخادم حديث رسول الله صلى الله عليه وسلم محمد بن علان الصديقي الشافعي الأشعري المكي\ oo la oofsaday sanadka kun toddoba iyo konton Hijrada wuxuuna yiri:

 

*Al taxiyyaatuالتحيات\, waa jamaca taxiyyahتحية\, culummaduna way isku khilaafeen macneheeda. Waxaa la yiri waa Al Mulkuالملك\ oo ah Mulkiga oo ah boqortooyada iyo hanashada, taasoo ay gooyeen inta badan ee culummadu.

 

Waxaa kaloo la yiri waa Al ssalaamuالسلام\ oo ah salaanta.

Waxaa kaloo la yiri waa al biqaa’uالبقاء\ oo ah waaridda uu Ilaahay الله waarayo oo uusan weligiis dhimanayn waxaana yiri Al Nadru bin Shumaylالنضر بن شميل\.

Waxaa kaloo la yiri waa al cathamatuالعظمة\ oo ah waynaanta.

Waxaa kaloo la yiri waa al ssalaamatuالسلامة\ oo ah fiyoobida laga fiyow yahay wax xun iyo naaqusnimo.

Waxaa kaloo la yiri waa al xayaatuالحياة\ oo ah nolosha.

 

Al Muxibbu Al Dhabariiالمحب الطبري\ wuxuu yiri:

“Taxayyiyaatka Ilaahay loo sugay oo uu leeyahay waxay ka kooban tahay intaasoo idil oo macne ah, oo haddii loo fasiro inay tahay Salaan ayadaa ugu munaasabsan.

Haddii lagu fasiro boqorotooyada iyo waynaantana waxaa weeyey macneheedu boqortooyada runta iyo dhabta ah oo taamka ah iyo waynaan kaamil ah waxaa iska leh oo ay u sugnaatay Ilaahay الله oo keli ah, maxaa yeelay intaan ahayn boqortooyadiisa iyo waynaantiisu waa naaqus zuulaya.

 

Haddii lagu fasiro fiyoobidana waxaa weeye qadarinta boqorrada lagu qadariyo tusaale ahaan, Ilaahayna الله uu yahay Midka taas xaqqa u leh, in kastoo ghayrkiisna uu waji taas ah loo nisbeeyo.

 

Hadii waaridda lagu fasirana waa wax Isaga Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ u gooni ah oo cid ku qabsan kartaa ayan jirin. Sidoo kale waxaa ahaa nolosha uusan dhimanayn iyo fiyoobida uu inta xun iyo naaqusnimaba ka fiyow yahay.”

 

Ibnu Xajar Al Haytamiiإبن حجر الهيتمي\ wuxuu sharaxa Al Mishkaatuشرح المشكاة\ ku yiri: “Attaxiyyatuالتحيات\ waxay koobaysaa macnooyinkaas oo idil.”

 

Al Qurdhubiiالقرطبي\ wuxuu yiri:

“Hadalka taxiyyadaالتحية\ ku xiga oo ah Lillaahiلله waa ku baraarujin ikhlaaskaالإخلاص\ cibaadaadka, oo ah inaan cibaadooyinka loo samaynayn waxaan ahayn Ilaahay الله oo uu Isaga khaalis u yahay.

 

Ujeedada intaasoo idil waa ammaanidda Ilaahay Subxaanau wa Tacaalaaالله سبحانه وتعالى\ inuu Isagu yahay Maaliggaمالك\ iska leh taxiyyatka khalqigiisa.” Waa intaas warkiisu.

 

*Al Mubaarakaatuالمباركات\, macneheedu waxaa weeye oo baraykaysan.

Barakahبركة\ waxaa weeye badashada iyo kordhinta khayrka iyo karaamada ama daahirinta ceeb iyo naaqusnimo laga daahiriyo, ama sugnaanta intaasoo idil iyo joogtayntoodaba oo ah in si joogta ah loo helo, oo eraygu wuxuu ka yimid “barakati al ibiluبركة الإبل\” oo loo isticmaalu oo macneheedu yahay “geelu wuu fariistay”, oo halkaas kama tegin .

Isla sidaas ayaa barkadda biyuhu ku jiraan barkad loo yiraahdaa ayadoo ay biyuhu dhexdeeda fadhiyaan.

 

Al Mutawalliiالمتولي\ oo ka mid ah kuwa ugu waawayn ee a’immadeenna wuxuu yiri: “Saddexda erayba (oo ah al mubaarakaatuالمباركات\ iyo al ssalawaatuالصلوات\ iyo al dhayyibaatuالطيبات\) waxay tilmaamayaan oo sifo u yihiin taxiyyaatkaالتحيات\, waana isku mid inaan ku fasirno salawaatkaالصلوات cibaadooyinka oo ah macnaha muuqda ama waxa kaleba oo nasoo maray.

 

Marka al mubaarakaatuالمباركات waa kordhin joogto ah ee taxayyaadkaالتحيات la joogteeyo oo Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ loo sugay. Wa Allaahu aclamuوالله أعلم\.”

 

*Al Ssalawaatuالصلوات\. Macnaeheeda waa la isku khilaafay. Ibnu Al Munthirإبن المنذر\ iyo kuwo kaleba waxay yiraahdeen:

“Waa shanta salaadood oo waajibka ah.”

 

Waxaa kaloo la yiri waa Salaadaha Sunnada ah. Waxaa kaloo la yiri wax intaasba ka guda wayn oo ah salaadaha fardiga ah iyo kuwa sunnada ah ee shareecooyinka kulligood weeye.

 

Waxaa kaloo la yiri waa cibaadooyinka kulligood, waxaana yiri Al Azhariiالأزهري\. Waxaa kaloo la yiri waa ducada khayr lagu ducaysto. Waxaa kaloo la yiri waa raxmada oo ah naxariista runta ah Ilaahay الله keli ah ayaa iska leh.

 

*Al Dhayyibaatuالطيبات\. Culummada badankoodu waxay yiraahdeen waa erayada fiican oo ah Thikriga Ilaahay Tacaalaaذكر الله تعالى\ iyo xusuddiisa. Waxaa kaloo la yiri waa inta fiican ee afcaasha la suubiyo ah iyo hadallada fiican iyo sifooyinka fiicanba.

Waxaa wada koobay macnooyinkaas waxaa weeye in la yiraahdo inay al taxiyyatuالتحيات\ yihiin cibaadooyinka afka laga cibaadaysto oo hadalka lagu cibaadaysto, iyo inay al ssalawaatuالصلوات\ yihiin cibaadooyinka jirka laga cibaadaysto, iyo inay al dhayyibaatu الطيبات\ yihiin cibaadooyinka maalka xaggiisa laga cibaadaysto. Marka, intaasoo idil waxay u sugnaatay Ilaahay Tacaalaa الله تعالى.

 

 

*Al ssalaamu calayka ayyuhaa Al Nabiyyu wa raxmatu Allaahi الله wa baraakaatuHu السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته:

 

“Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, Ilaahay الله ammaantiisa xusay, taasna ay addoommadu ku gaareen isagoo laftiisu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u keenay, ayuu wuxuu na amray inaan isagana Nabi Muxammad ah Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xusid ku gooni yeelno lagu muujinayo waynaanta sharaftiisa iyo badnida xaqqiisa, oo markaasaan salaamaynna. Al Ssalaamu السلام waa Magaca Ilaahay oo ah Al Ssalaamu السلام korkaaga ha ahaado, ama salaani korkaaga ha ahaato.

 

*Wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi الله al ssalixiina والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين.

 

Al Baydaawiiالبيضاوي\, waana saaxibu al tafsiiriصاحب التفسير\, midka kitaabka tafsiirka ah sameeyey, wuxuu yiri:

“Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu asxaabtiisa – iyo annagoo idil – baray inay isaga xusidda ku gooni yeelaan sharaftiisa daraadeed iyo badnida xaqqiisa uu ayaga ku leeyahay, kaddibna wuxuu baray inay ayaguna ducaystaan – oo waa calaynaa علينا-.

 

Kaddibna wuxuu baray Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam inay salaanta wada gaarsiiyaan inta muslimiinta ah ee suuban – waana cibaada Allaahi al ssaalixiina وعلى عباد الله الصالحين.  oo ah addoommada Ilaahay الله ee suusuuban -, oo sidaas muslimiinta oo idil loo duceeyo.

 

*Calaynaa علينا oo ah salaanna annaga korkeenna ha ahaato waa inta meeshaas ku wada tukanaysa oo imaamka iyo inta ku daba tukanaysa ah ee mu’miniinta insiga iyo kuwa jinnigaba.

 

*Al ssaalixiina الصالحين, oo ah kuwa suuban oo fiican oo waa jamaca saalixصالح\.

Saalixصالح waxaa la yiraahdaa qofka u quma oo guta xuquuqda uu Ilaahay الله isaga ku leeyahay iyo xuquuqda ay dadka isaga ku leeyihiin.

 

Waxaana habboon inuu meeshaas ku xusuusto oo wada gaarsiiyo salaantaas Anbiyada oo idil iyo malaa’igta iyo mu’miniinta oo idil si ay isku waafaqaan erayaduu ku hadlay iyo qasadkiisu.” Waa intaas warka Al Baydaawiiالبيضاوي\.

 

Al Subkiiالسبكي\ wuxuu yiri:

“Qof kastoo muslin ah wuxuu xaq ku leeyahay shanta salaadood oo la tukado maxaa yeelay waxaa ku jira salaan nala wada salaamayo annaga iyo addoommada Ilaahay الله oo suubanba, oo markuu sidaas yiraahdo qofka tukanaya ducadaasu waxay haleeleysaa addoon kasta oo suuban oo ku sugan Samada iyo arligaba, sida kusoo aroortay Xadiithka ibnu Mascuudإبن مسعود\ oo ay Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\ wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, yiri:

 

 

 

 

“فمن ترك واحدة منها سمعت الدعوى عليه.”

 

“Fa man taraka waaxidatan minhaa samictu al dacwaa calayhi”,

oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Qofka ka taga mid ayagaas ka mid ahna waxaan maqlaa ayadoo la habaarayo.”

 

Al Qaffaaluالقفال\ wuxuu fatwoفتوى\ ku bixiyay qofkaan salaadda tukan oo ka taga wuxuu taas ku dhibayaa muslimiinta oo idil, maxaa yeelay qofka tukanayaa wuxuu laabudda yiraahdaa Wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين.

Markasuu qofkaan tukani wuxuu ka gaabinaya xaqquu Ilaahay الله ku lahaa iyo xaqqa Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, iyo xaqqa naftiisa iyo xaqqa muslimiinta oo idil, oo sidaasay ka tegidda salaaduu musiibo wayn ku tahay.” Waa intaas warka Al Qaffaaluالقفال\.

 

*Kaddibna waxaa ku xiga qirashada shahaadada oo ah ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa Rasuuluhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallamوأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم.

 

Ataxyaadka dambe

 

Rakcada saddexaad ee Salaadda Maghrib kaddib iyo Rakcada afaraad ee Salaadaha Duhurka iyo Casirka iyo Cishaha kaddib iyo Rakcada labaad ee labada Rakco ee Salaadda Subax kaddib, adigoo fadhiya ataxyaadkaan soo socda akhri:

 

“التحيات، المباركات، الصلوات، الطيبات، لله تعالى، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، والسلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم.. اللهم صل على )سيدنا( محمد وعلى آل (سيدنا) محمد كما صليت على (سيدنا) إبراهيم وعلى آل (سيدنا) إبراهيم وبارك على (سيدنا) محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على (سيدنا) إبراهيم وعلى آل (سيدنا) إبراهيم، في العالمين إنك حميد مجيد. اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت، وما أعلنت وما أسررت، وما أنت أعلم به مني، أنت المقدم وأنت المؤخر لا إله إلا أنت. ربنا آتنا في الدنيا حسنة، وفي الآخرت حسنة، وقنا عذاب النار. اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر، ومن عذاب النار، ومن فتنة المحيى والممات، ومن فتنة المسيح الدجال.”

 

Allaahumma Salli calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa) Muxammadin, Kamaa Sallayta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali (Sayyidinaa) Ibrahiima, wa baarik calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa) Muxammadin kamaa baarakta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali (Sayyidinaa) Ibraahiima, fii al caalamiina Innaka Xamiidun Majiidun. Allaahumma ighfir lii maa qaddamtu wa maa akh-khartu , wa maa aclantu wa maa asrartu, wa maa Anta aclamu bihi minnii, Anta Al Muqaddamu wa Anta Al Mu’akh-kharu la ilaaha illaa Anta. Rabbanaa aatinaa fii al ddunyaa xasanatan, wa fii al aakhirati xasanatan, wa qinaa cathaaba al nnaari. Allaahumma innii acuuthu bika min cathaabi al qabri, wa min cathaabi al nnaari, wa min fitnati al maxyaa wa al mamaati, wa min fitnati al Masiixi Al Ddajjaali.

 

Macnaha qaybta dambe ee ataxyaatka

 

“Allaahumma salli calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aali Sayyidinaa Muxammadin kamaa sallayta calaa Sayyidinaa Ibraahiima wa calaa Aali Sayyidinaa Ibrahiima wa baarik calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aali Sayyidinaa Muxammaden kamaa baarakta calaa Sayyidinaa Ibraahiima wa calaa Aali Sayyidinaa Ibrahiima fii al caalamiina Innaka Xamiidun Majiidun”.

 

Waana Xadiithka lix kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo konton ee Al Bukhaariiالبخاري\, oo macnihiisu yahay:

“Ilaahayowالله\ ku salli Sayyidkeenna Muxammadمحمد\ korkiisa, oo salliga Ilaahay الله\  korkiisa waxaa weeye: raxmad kusoo deji, una naxariiso, darajadiisa uu Agtaada ku leeyahay kordhi, darajada uu Jannada ku leeyahayna kordhi oo sare u qaad , sidaasoo kalena qoyskiisa yeel, sidaad ugu saaliday Sayyidkeenna Ibraahiimإبراهيم\ iyo qoyska Sayyidkeenna Ibraahiimإبراهيم, Sayyidkeenna Muxammadna محمد\  korkiisana barakee, oo ah u ziyaadi oo u kordhi una joogtee, iyo korka qoyska Sayyidkeenna Muxammad محمد\, sidaad u barakeysey Sayyidkeenna Ibraahiimإبراهيم iyo qoyska Sayyidkeenna Ibraahiim إبراهيم. Caalamiinta dhexdooda, oo Adigu waxaad tahay Mid ay cid walba ku Xamdido oo Wayne” .

 

*Allaahummaاللهم\ ighfir lii maa qaddamtu wa maa akh-khartu اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت: Ilaahayow ii dhaaf oo iga cafi dambiyadaan hore u galay. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, hore dambi uma gelin ee wuxuu u dambi dhaaf weydiinayaa ummaddiisa, si ummaddiisuna ugu dayato oo dambiyada ka dhacay in laga dhaafo u weydiisato oo markaas ducadooda la aqbalo iyo tawbadoodaba. Ilaahayow اللهم\  waxaad kaloo iga dhaaftaa dambiyada uu raadkoodu harayo iyo dambiyada acmaasha waajibka ahayd oo aan ka tegay, iyo dambiyadaan geli doono mustaqbalka.

 

*Wa maa aclantu وما أعلنت: iyo dambiyada ayadoo loo jeedo aan sameeyey oo la arkay.

 

*Wa maa asrartu وما أسررت: dambiyada aan siraystay oo si qarsoon ku sameeyey.

*Wa maa Anta aclamu bihi minnii وما أنت أعلم به مني: iyo dambiyadaan galay oo aad Adigu iiga ogaal badan tahay.

 

*Anta Al Muqaddamu أنت المقدم: Adigaa ah Midka qofkaad doontid u hormariya tawfiiqda iyo gargaarkaba.

 

*Wa Anta Al Mu’akh-kharu وأنت المؤخر: Adigaana ah Midka dib ugu dhiga midkaad doontid hoojin iyo kala harid gargaarkaaga.

 

*La ilaaha illaa Anta لا إله إلا أنت: Ma jiro ilaah aan Adiga ahayn.

 

*Rabbanaa aatinaa fii al ddunyaa xasanatan ربنا آتنا في الدنيا حسنة: Ilaahayow adduunkaan nagu sii tan suuban, oo ah barashada iyo fahamka iyo  ku dhaqanka Quraanka.

 

*Wa fii al aakhirati xasanatan وفي الآخرت حسنة: aakhirana nagu sii tan suuban oo ah jannada.

 

*Wa qinaa cathaaba al nnaari وقنا عذاب النار: nagana badbaadi cathaabta naarta.

 

*Allaahumma innii acuuthu bika min cathaabi al qabri اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر: Ilaahayow waxaan kaa magan galay cathaabta qabriga la isku cathaabo.

 

Abuu Al Faraj bin Al Jawziiأبوالفرج بن الجوزي البكري الصديقي\ wuxuu kitaabkiisa Bustaanu Al Waacithiina wa Riyaadu Al Ssaamiciinaبستان الواعظين ورياض السامعين\ bogga kow iyo toban ku wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, yiri:

 

“لا يعذب أحد في قبره إلا بإحدى ثلاث: في الغيبة والنميمة والبول.”

 

“Laa yucath-thabu axadun fii qabrihi illaa bi ixdaa thalaathin: fii al ghiibati wa al nnamiimati wa al bawli.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Looguma cathaabo axadna qabrigiisa dhexdiisa waxaan ahayn saddex middood:

(Kow) Xan uu dad xantay.

(Laba) Namiimo uu dad isku fiican isku diray.

(Saddex) Kaadida oo uusan iska dhiqin.”

Taasuu waa qofka muslinka ahaa oo isagoo muslin ah dhinta. Gaaladase qabriga gaalnimadaa loogu cathaabaa oo waxay u tahay god ka mid godadka Jahannama, Allaha الله\ naga magan geliyee, annaga iyo muslimiintoo idile.

 

*Wa min cathaabi al nnaari ومن عذاب النار: waxaanna kaa magan galay cathaabta naarta.

 

*Wa min fitnati al maxyaa ومن فتنة المحيى: waxaanna kaa magan galay fitnooyinka, waa imtixaankee, noloshaan dhexdeeda ah, sida cudurrada iyo waxa jirka dhiba ama diinta ku saabsan ama adduunba ee qofka ducaysanaya iyo inta dad ah oo la xiriirtaba.

 

*Wa al mamaati والممات: waxaanna kaa magan galay fitnooyina dhimashada, ayna ka mid yihiin fitnada marka la dhimanayo oo uu shaydaan dadka gaalnimada u qurxiyo oo uu ku yiraahdo ama krishtaannimo ku dhimo ama yuhuudinnimo iyo waxa la midka ahba, sida Axaadiith kusoo aroortay, iyo fitnada sakaraatka dhimashada, dhimasho dabadeedna su’aasha laba malag. Fitnada dhimashadana waxaa ugu wayn cathaabta Jahannama.

 

*Wa min fitnati al Masiixi Al Ddajjaali ومن فتنة المسيح الدجال: waxaanna kaa magan galay fitnada Al Masiixu Al Ddajjaali المسيح الدجال, fitnadiisoo kaba wayn fitnooyinka adduunkaan. Al Masiixu Al Ddajjaalu المسيح الدجال wuxuu imaanayaa aakhiru zamanka, Allahaالله\ fitnadiisa annaga iyo muslimiintoo idil ka magangeliyee.

 

Al Masiixu Al Ddajjaali المسيح الدجالwaa nin yuhuudi ah oo ka dhashay qabiilkooda la yiraahdo Benjaminبنيامين\, sida kutubbo kale kusoo aroortay, wuxuuna kasoo bixi doonaa, sida la yiri, magaalada Isbahaaإصبهان\ ama mid kaleba ee dalka Iiraanإيران\.

 

Benjamin bin Yacquub\بنيامين بن يعقوب Allaha الله\  u naxariistee wuxuu ahaa walaalka la dhashay Nabi Yuusuf Calayhissalaamu oo ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin, hooyadood magaceeduna wuxuu ahaa Raaxiilراحيل\.

 

Sida Ataxyaatka hore iyo kan dambe loo fariisto

 

Ataxyaatka hore waxaa loo fariistaa adigoo lugtaada bidix dhulka dhiga ciribta lugtaasna ku fariista, lugta midigna faraha foodooda ku istaajiya. Waxaana u daliil aha Xadiithka uu Al Bukhaariiالبخاري\ ka wariyay Abuu Xumaydأبوحميد\, ayadoo ay toban asxaabta ka mid ahi goob jog yihiin  oo yiri:

 

 

 

“فإذا جلس في الركعتين جلس على رجله اليسرى وينصب الأخرى ، فإذا جلس في الركعة الأخيرة قدم رجله اليسرى ونصب الأخرى وقعد على مقعدته؟”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Rasulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam markuu ataxyaatka u fariisto laba rakco kaddib, wuxuu ku fariistaa lugtiisa bidix, wuxuuna cagtiisa midig ku istaajiyaa faraheeda fooddooda.

Markuu rakcada u dambaysa dabadeed fariisto wuxuu hore mariyaa oo uu labadiisa bawdo hoostooda mariya lugtiisa bidix, tan kalena waa taagaa, wuxuuna ku fariistaa salkiisa.”

 

Fadhiga koowaad waxaa la yiraahdaa “Al Iftiraashالإفتراش\” oo lugtiisuu firaashفراش\ ka dhiganayaa oo ku kor fariisanayaa, ahna sidaan usoo sheegnay, kan dambena waaxaa la yiraahdaa “Al Tawarrukالتورك\” oo warakورك\ waxaa la yiraahdaa sinta ama misigta, waxaana loo fariisanayaa sidatan: lugtaada bidix salkaaga hoos mari oo dhinacaaga midig kasoo bixi, lugtaada midigna fara foodooda ku istaaji, sintaada ama misigtaada bidixna dhulka dhig oo ku fariiso.”

Sida farta loo fiiqo

 

Markaad ataxyaatka akhrinaysid oo aad ashahaadada gaartid fartaada suulka ku xigta ee gacantaada midig kor usoo qaad hore iyo xagga qibladana u fiiq, hana dhaqdhaqaajin ee sidaas ku hay ilaa aad ataxyaatka ka dhammaysid.

 

Farta hore u fiiqiddeedu waa tilmaan tawxiidka oo ah Midnimada Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ iyo ikhlaas aan ilaahnimada cid kale lala wadaajinayn, waana inuu qofka taas qalbiga gashadaa oo niyaystaa, siduu Al Imaam Al Shaaficiiالإمام الشافعي\ Allaha الله\  u naxariistee u yiri..

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha الله\  u naxariistee wuxuu Al Majmuucالمجموع\ ku yiri:

“Markuu farta kor usoo qaado ma dhaqdhaqaajinayaa? Arrinkaan waxaa ka jira saddex waji:

Midda saxiixa ah oo ay inta badan ee culummadu gooyeen waxaa weeye inaan la dhaqdhaqaajin, oo in la dhaqdhaqaajiyo waa “Makruuhمكروه\” oo ah wax la kahdo, salaaddiisuna buri mayso, maxaa yeelay waa camal aan fara badnayn (Oo inta salaadda lagu jiro shaqadu waa xaaraan).

 

Tan labaad.: “Waa xaaraan in la dhaqdhaqaajiyo, oo hadduu fartiisa dhaqdhaqaajiyo salaaddiisu way buraysaa.”

 

Tan saddexaad. “Way habboon tahay in la dhaqdhaqaajiyo”, waxayna daliil ka dhigteen Xadiithka Waa’il bin Xujrوائل بن حجر\ Allaha الله\  raalli ka noqdee oo isagoo sifaynaya salaadda Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:

 

“ثم رفع أصبعه فرأيته يحركها يدعو بها.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Kaddibna fartiisuu kor u qaaday, waxaanna arkay isago dhaqdhaqaajinaya oo ku ducaysanaya.”

Waxaa ku wariyay Al Bayhaqiiالبيهقي\ silsilad saxiixصحيح\ ah. Markaasuu Al Bayhaqii البيهقي wuxuu yiri:

“Waxay ixtimaalaysaa inuu muraadka dhaqdhaqaajinta farta ee Xadiithku yahay oo uu ka wado farta fiiqiddeeda iyo kor usoo qaadiddeeda oo ayan ahayn dhaqdhaqaajin lagu celceliyo.”

Al Nawawiiالنووي\ Allaha الله\  u naxariistee wuxuu yiri:

“Haday sidaas tahayna waxay waafaqsan tahay Xadiithka uu wariyay ibnu Al Zubayrإبن الزبير\.”

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha الله\  u naxariistee wuxuu Al Majmuucالمجموع\ ku yiri:

 

“Inaan farta la dhaqdhaqaajinna waxaa u daliil ah Xadiithkuu Al Bayhaqiiالبيهقي\ ka wariyay  Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayr bin Al Cawwaamعبد الله بن الزبير بن العوام\ Allaha الله\  labadoodaba raali ka ahaadee inuu yiri:

 

البيهقي باسناده الصحيح عن ابن الزبير رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم:

“كان يشير لأصبعه إذا دعا لا يحركها.”

رواه أبوداود باسناد صحيح.

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hore ayuu fartiisa u fiiqi jitay markuu ataxyaatka ku ducaysanayo, fartana ma dhaqdhaqaajin jirin.”

Waxaa kaloo ku wariyay silsilad saxiix ah Abuu Daauudأبوداود\.

 

Al Nawawiiالنووي\ Allaha الله\  u naxariistee wuxuu yiri:

Xadiithka uu ibnu Cumarإبن عمر\ ka wariyay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam inuu yiri:

“تحريك الأصبع في الصلاة مذعرة للشيطان.”

Oo macnihiisu yahay:

“Dhaqdhaqaajinta farta marka salaadda lagu jiro waxay cabsiisaa shaydaanka.”

Al Nawawiiالنووي\ wuxuu yiri:

“Xadiithkaan saxiix ma aha (Oo Xadiith aan saxiixصحيح\ ahayn cibaadooyinka laguma dhaqmo, oo cibaadadu waa wax la isku addoonsaday, marka waa in la hubo inay sidaas Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka sugnaatay).”

Al Bayhaqiiالبيهقي\ wuxuu yiri:

“Xadiithkaan waxaa wariyay oo kali ah Al Waaqidiiالواقدي\, waana daciifضعيف\.”

 

Sidaasuu kitaabkaanu noogu dhammaaday waxaanna ku gunaanadaynnaa annagoo leh:

 

الحمد لله، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا محمد وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون.

 

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Sabti 7 Muxarramمحرم\ kun afar boqol sideed iyo soddon Hijrigaهجرية\, 8 Oktoobar 2016.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.