DUGUL Q.6AAD

DUGUL

Q.6AAD

 

Dugul waxaa la seexiyay isbitaalka si loogu dabiibo oogadiisa gubatayna loogu dhayo, dhakhtarkii dhayayay waxa uu go’aamiyay in Dugulka isbitaalka lagu hayo ilaa amar dambe, inta uu asagu ka fasaxayo. Maryan iyo qaar qaraabada ka mid ahi waxa ay si hoose oo xan ah isugu sheegeen in Dugul uusan qabin dhaawac muddo dheer isbitaalka loogu hayo balse dakhtarku maal uruursi ku jiro. Laakiin Suleekha ayaa ku talisay in talada dhakhtarku ay waajib tahay. Waxa se yaabka leh ayaa ahaa in Dugul uusan waxba ka oran ra’yina ku darsan qudhiisa lagu gorgortamayo. Waxa ay ahayd wax aan la malaysan karin maalmo ka hor iyo dhaqan iyo dabeecad aan Dugul looga baran, in asaga oo nool oo caafimaad qaba miyirkiisuna taam yahay ay aayihiisa ka tashadaan Suleekha iyo gabadheeda Maryan. Qof walba oo Dugul yaqaannay waxa uu ku dhaaran lahaa in Dugul uusan Dugulkii la yaqaannay ahayn. Sidee ku dhacday asaga oo qaba dhaawacyo aan halis ahayn kaar darani uusan hayn in lagu gorgortamo aayihiisa? Wax cajiib ah ayay ahayd runtii. Waxa se dhacay wax taa ka sii cajiibsan. Labo maalin markii Dugul isbitaalkii ku jiray, maalintii saddexaad baa Dugul ku riyooday, haa, maalin cad oo dharaar ah buu riyooday ayada oo weliba uusan keligii ahayn ee dad hareeraha ka fadhiyaan. Waxa uu ku riyooday asaga oo awr qooqani isbitaalka kala baxay dabadeedna ku riday (ku tuuray) ceel gundheer oo aad u madow. Haa, waxa uu ku riyooday ayada oo awr aad u wayn oo qooqani soo galay qolkii uu isbitaalka kaga jiray dabadeedna inta qoorta ka cantuugay asaga oo laalaadinaya iridda isbitaalka kala baxay. Dugul oo ku qaylinaya ‘iga dhigaay! War iga reebaay!’ buu awrkii qooqanaa ku shalwiyay mataan (ceel) aad u dheer. Dugul waxaa riyadaas amakaagga leh lagu tusay in gaarista gunta (salka) ceelkaas uu awrka qooqani ku tuuray ay Dugul ku qaadatay muddo afartan sannadood ah. Afartan sannadood buu Dugul hadba gebi sii herdinayay ugu dambaynna asaga oo laf walbaa jaban tahay buu ku dhacay sagxad qallalan oo aan dhibic biyo ah lahayn oo uu nafta ku ceshado. Biyo la’aanta, burburka lafaha iyo daqarrada gaaray waxaa Dugul ugu darnaa mugdiga iyo gudcurka cabsida badan ee haddii isha mudac laga gelinayo uusan arki karin. Sidii neef maryaad ah ama ilmo hurdo ka salalay buu hadba darbi caasha saaray asaga oo labada gacmood ku raadinaya wax uusan garanayn.

Dugul waxa uu soo baraarugay asaga oo kalkaalisooyinkii isbitaalka, xaaskiisi Suleekha iyo Maryan Dugul gacmaha iyo lugaha hayaan oo sariirtii ku celcelinayaan si uusan uga dhicin. Iyo Maryan oo ku leh “aabbe maxaa ku dhacay? Aabbe aabbe! Aabbe caadi ma tahay? Maxaa ku dhacay?” Intii uusan u jawaabin buu mar labaad arkay awrkii qooqanaa oo qolkii soo xaluulanaya, markaa buu qaylo iyo cabaad afka jabsaday. Yaab iyo dhakafaar baa dadkii la joogay ka soo haray. Maalintaa iyo habeenkii xigayba si joogto ah ayaa Dugul hadba loo horkeenayay awrkii baarqabka ahaa oo inta qolka soo xaluusha oo jeegada ka cantuuga mataantii ku shalwinaya, ilaa kalkaalisooyinkii inta xarig soo qaateen ay Dugul sariirtii ku xirxireen si uusan u fakan. Ugu dambayn, Suleekha iyo qaar saaxiibbadii Dugul ka mid ahi waxa ay talo ku gooyeen in Dugul waashay sidaa daraaddeedna ay habboon tahay in cilaaj lagu xareeyo. Laakiin, Maryan baa ku doodday in aabbaheed u baahan yahay dhakhtar cilminafsiga ku takhasusay ee uusan u baahanayn cilaaj iyo xerada Shiikh Rusheeye. Ha se ahaatee dooddeeda dhag looma dhigin Dugul na waxaa lagu xareeyay xero nin wadaad ahi dadka ku quraansaaro kuna rusheeyo. Yeelkeede, Dugul taa kuma dawoobin, inkasta oo uu qayladii iyo baxsashadii joojiyay, haddana riyadii xumayd iyo awrkii baarqabka ahaa booqasho kama dayn. Dhawr ayaamood markii Dugul ku jiray xeradii Shiikh Rusheeye ayaa wadaadkii Rusheeye ahaa Suleekha iyo Dugul saaxiibbadii u sheegay in uu berri foog Dugul ka qaadi doono raajooyin iyo MRA iskaan bal si uu u ogaado haddii xanuunno gudaha ahi jiraan. Wadaadku waxa uu intaa ku daray in asagu haysto oo isbitaalka (xerada cilaajka) ay iskaanka iyo raajooyinku yaallaan. Gelinkii dambe ee maalintii xigtay wadaadkii waxa uu eheladii Dugul u sheegay in iskaanka iyo raajooyinku sheegeen dhagax wayn oo caloosha Dugul fadhiya sidaa darteedna xalku qalliin yahay. Waxa uu intaa sii raaciyay in uu dibadda ka dalbay dhakhaatiir shisheeye ah oo caddaan iyo carab isugu jira si ay qalliinka Dugul uga gacansiiyaan. Dood iyo muran dheer oo dhexmaray Maryan oo dhinac ah iyo Suleekha, wiilasheeda, Cutayba iyo Cubayda iyo saaxiibbadii Dugul oo dhinaca kale ah, waxaa qalinka lagu duugay in Dugul la qalo si dhagax wayn ee calooshiisa hurda laga ga soo saaro.

Dhakhaatiirtii shisheeye ee caddaanka iyo carabta ahaa waa yimaadeen berri foogna qalliinkii Dugul baa loo madlan yahay. Galabta, Dugul waxa uu u muuqdaa in uu caafimaaday. Waxa uu fadhiyaa barxad dhir qurux badan ku beeran tahay oo gudaha isbitaalka ah. Qorraxda godka sii galaysaa waxa ay u eg tahay mid Dugul macsalaamaynaysa oo ku oranaysa “jaaw nabadgalyo ha igu tashan ha na iga tashan, waayo, ma ogid in aan soo noqon doono iyo in aan iska maqnaan doono.” Dhirta, dhismayaasha iyo daruurtuba waxa ay u eg yihiin kuwo gudcurka soo gurguuranaya ka didaya oo qorraxda ka dabacarraabaya. Gudcurka aan dayuxu ka dambayn ee bari ka soo gurguuranayaa waxa uu u muuqdaa ku soo dhaqsanaya waxa uu na Dugul xusuusiyay cod uu maqlay markii uu ku jiray mataantii awrka qoorani ku tuuray kaa oo ahaa jidkii gudcurka! Jidkii Gudcurka! Waxa kale oo uu xusuustay erayo laga reebay qoraagii reer Maraykan, Ernest Hemingway kuwaa oo ahaa: Every man’s life ends the same way. It is only the details of how he lived and how he died that distinguish one man from another.

Dhammaad

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

 

 

SHEEKOOYIN