DUGUL Q2AAD

DUGUL

Q2aad

 

Dugul oo xammaasaddiisu cirka ku shareeran tahay baa ku xarooday kulliyad ciidan oo Moosko u dhow halkaa oo ay uga bilaabatay nolosha dhawr gu oo tababar maan iyo muuqba adag, iyo barashada afka Ruushka. Dugul inkasta oo uu la qabsan waayay aadna ugu dhibtooday qabowga ba’an ee Ruushka haddana mitidnimo iyo dedaal aan caadi ahayn buu sameeyay waxbarashadana si fiican buu u la qabsaday uga na soo dhalaalay.

Ha yeeshee, maalintii ugu horraysay ee uu magaalada Moosko fasax ugu baxay buu aad u la yaabay nolosha dadka Moosko. Waxa uu arkay dad saboolnimadu aad uga muuqato oo rooti iyo maraq yar safaf dhaadheer ugu jira. Dadkaa safafka dhaadheer ku jira iyo kuwa magaalka qulqulayaba waxa uu foolashooda ka dheehday in aysan faraxsanayn. Moosko oo dhani waxa ay u ekayd magaalo walbahaarsan sidii uu khabar ku dumay. Labo isla qoslaysa il ma uusan saarin. Dadka wejiyadooda cabsi ayaa ka muuqatay waana kala baqayeen oo ma kaftamayn sheekada dhexmaraysaana aad bay u koobnayd. Qof walbaa waxa uu u ekaa in uu geesaha iyo dhabarka iska eegayo sidii uu baqanayo. Baabuurta magaaladu waxa ay ahaayeen duug iyo qanaxyo qaabdaran. Alaabaha dukaamada yaallaa aad bay u suurad xumaayeen sidii ay gu’yaal badan iskafaallaha saarnaayeen. Nolosha Moosko oo dhani Dugul ma farxad gelin. Waxa uu iswaydiiyay dal caasimaddiisi sidaa tahay xaalka tuulooyinkiisa iyo miyigiisu sida ay u ekaan karaan? Nolosha niyadjabsan ee Moosko waxa ay Dugul xusuusisay sheekafaneedyadii George Orwell ee Beerta Xayawaanka iyo 1984 oo uu akhriyay intii uu dugsiga sare dhiganayay ase uu ujeeddooyinkooda iyo farriimahooda dhabta ah hadda fahmay. Haddii horay loogu qulaamiyay in dadka Ruushku jaariyado u ahaayeen Qoyskii reer Romanov ka hor kacdoonkii Bolshevik, dhab ahaan Dugul imminka waxa uu rumaysan yahay in Raashiyaanku addoomo u yihiin taliska dulinka ah ee Leonid Brezhnev. Waxaa jirta murti dhahda: Si aad hantigoosiga u jeclaatid Ruushka soo arag, si aad hantiwadaagga u jeclaatidna Maraykanka tag. Dugul maalintii koowaad ee uu Moosko ku dhex lugeeyay iimaankiisi hantiwadaaggu aad buu u naaqusay.

Yeelkeede taasi ma dhimin xammaasaddii iyo u geyfanaantiisi hantiwadaagga (ugu yaraan inta laga arki karo waxii qarsoon cakaaray imaane). Muddo gaaban markii uu joogayba Dugul waxa uu noqday nin laga yaqaan fagaarayaasha ardada Afrikaanka iyo kuwo Eeshiyaanku ku kulmaan. Aqoontiisa aragtiyaha hantiwadaagga iyo shuuciyadda iyo hadalladiisa cadcad ee imbiiriyaaliisimka wadnaha ka wareemayaa waxa ay Dugul ka dhigeen nin lagu casumo goobaha ardayda iyo jaaliyadaha dunida saddexaad ku kulmaan, iyo xataa madalaha xukuumadda Soofiyeedku abaabusho. Waxaa si wayn loo xusuustaa khubad uu ka jeediyay madal wayn oo madax sare oo Soofiyeed ahi joogeen. Khubad xammaasad iyo qiiro miiran ah ayuu Dugul isla kala jiiday. Waxa uu marti sharaftii iyo ka qaybgalayaashii xusuusiyay halgankii Jaalle Lenin u galay hirgelinta shuuciyadda iyo hantiwadaagga maanta lagu naaloonayo. Waxa uu martidii dib ugu shiday silicii iyo saxiirtii dadka Shiinuhu muteen ka hor shuuciyadda. Ugu dambaynna waxa uu ku nuuxnuuxsaday halganka xoraynta ee Afrika ka socda iyo sida Soomaalidu hormuud ugu yihiin xididda u siibidda gumaysiga Afrika weli qaybo ka mid ah haysta. Waxa uu dadkii madasha joogay farta ugu fiiqay gumaysiga iyo addoonsiga ummadda madow ee Maraykanku wajahayaan asaga oo xukuumadda Maraykanka ku eedeeyay in ay tahay xukuumad addoonsiga iyo midabkalasooca sinji u leh, waxa uu na tusaale u soo qaatay sida xukuumadda Maraykanku ugu hagoogatay nidaamka midabkalasooca ee Koofur Afrika iyo Israa’iil iyo sida xukuumaddaasi liiska argagixisada ugu dartay gobonnimaddoonka Koofur Afrika iyo Falanstiin. Dugul waxa uu khudbaddiisu ku gunaanaday in sheegashooyinka Maraykanka ee Emancipation Proclamation 1863 iyo Civil Rights Act 1964 ahaayeen ii dheh iyo borabogaando aan waxba ka jirin Maraykankuna weli yahay odayga addoonsidoonayaasha oo dhan. “Si uunka dunida ku nooli ugu noolaado sinnaan aan qofi qof kale uga sarrayn midabkiisa iyo qoladiisa, iyo caddaalad aan qofi qof kale ka sed waynaan waa in koonka oo idil shuuciyaddu ku shaacdo kana hirgasho,” ayaa ahaa erayadii u dambeeyay ee uu khudbadda ku gunaanaday. Sacab dhawr daqiiqo sacabbada la isla dhacayay baa lagu sagootiyay khudbaddii Dugul. Xataa madax sare oo Soofiyeed ahaa baa u sacdbiyay.

Habeenkaa markii laga dareeray madashii Dugul wacdaraha ka dhigay, dhallinyaradii intoodi badnayd oo Dugul ku jiro waxa ay u yaaceen magaalada, gaar ahaan kalaab wayn oo bartanka magaalada ku yaalla. Markii kalaabkii la galay dadkii waxa ay noqdeen kuwo galaasyo khamri la istaaga oo sheeko qabsada, ino miiska dheer ku sharaaba iyo kuwo gacmaha inta is qabsada qoobkaciyaar isku maaweeliya. Dugul asagu waxa uu ka mid noqday dadka miiska dheer ku sharaabaya. Khamriga cabbistiisu ku ma cusba oo intii uu Xamar joogay buu dhawr jeer marba galaas nuskii cabbay balse aad buu uga feejigan yahay cabbidda khamriga. Waxa uu rumaysan yahay in khamrigu yahay walax aan hiddasidaha Soomaalidu iska caabbin karin sidaa daraaddeed halis wayn gelin kara miyirqabka Soomaaliga cabba ama iska badiya. Arrinta kale oo cabbista khamriga u suuradxumaysay waa nuxnux uu maqlay oo sheegaysa in walaalkii Dhuxul oo Maraykanka waxbarasho loogu diray ku dhow yahay in uu seegseeg maqfuro ka bax ah noqdo khamri heensi darteed. Warkaa waalidku ma oga balse waxa uu hubaa in ay ogaan doonaan, goor ay noqotaba, sidaa aawadeed ma uu doonayo in qurqurada khamrigu siriq u qoosho sida walaalkii, haddana, ma uu rabo in loo arko nin badow ah oo dadka ka soocan kaa oo ku dheggan dhaqan iyo diin gaboobay, sidaa awgeed buu galaas nuskii u cabbaa marka jaallayaashii iyo asagu wada cawaynayaan.

Maadaama uusan doonayn in uu khamri badan cabbo, Dugul oo miiskii dheeraa fiiqsiga nus galaaskii khamriga ahaana aad u beenqaansanaya si uusan isaga dhammayn dabadeedna ugu qasbanaan dalbashada mid kale, ayaa waxa uu indhaha la raacay wiilashii iyo gabdhihii qoobkaciyaarayay dabadeed waxaa indhihiisu qabteen arrin aad uga caraysiisay. Waa wiil Saambiyaan ah iyo gabadh Soomaali ah oo dhexda is haysta. Dugul gabadha magaceeda ma yaqaan (way u sheegyay balse ma uu xusuusto) aqoon shakhsi ahna u ma leh balse waxa ay ka mid ahayd koox arday Soomaali ah oo madashii caawa joogay kuwaa oo isugu sheegay in ay dhigtaan jaamacadaha Moosko. Gabadhu waxay isugu sheegtay in ay dhakhtarnimo barato. Inta uu istaagay oo dhankooda dhawr tallaabo u qaaday buu inta xabbadka labada gacmood ka geliyay dib dib u tuuray Saambiyaankii oo midigtiisu saaran tahay sinaha qalanjada Soomaaliyeed bidixdana ku haya faraha gacanteeda midig. “ka fuq addoonyohow addoonku dhalay, maxaa kugu callaqay naag aadan geyin jareer baaba tahaye,” ayuu ka sii daba ganay Saambiyaankii oo saljugle u dhacay. Hadalkaa dadka kalaabka ku jira oo dhan waa maqleen, xataa kuwa dibadda dhoobani in ay maqleen bay u dhowdahay. Intaa uga ma uu harin ee waxa uu u holladay in uu laad beerka ka qabadsiiyo laakiin gabadhii oo qaylinaysa iyo qaar ka mid dadka kalaabka ku jiray baa Dugul isku duubay. Hal mar baa dadkii goobta joogay Dugul soo wada eegeen, anfariir iyo afkalaqaad baa dadkii ka soo haray. Waxa ay rumaysan waayeen in hadallada ay maqleen ka soo baxeen afka Dugulkii saacad ka hor u khudbaynayay. In badan oo dadkii ka mid ahi waxa ay isugu laab qaboojiyeen in qofku uusan Dugul ahayn ee Soomaali kale oo u eg yahay ama walaalkii ku mataansanaa. Waa Dugul iyo mayee waa mid u eg ayada oo lagu murmayo ayaa koox Afrikaan ah oo ka gilgilatay hadalladiisi cunsuriyadda iyo nacaybka miiran ahaa iyo weerarka saaxiibkood Dugul ku soo qamaameen dabadeedna koox Soomaali ah ayaa Dugul u soo danaanisay. Gudihii kalaabku waxa uu noqday aag dagaal u dhexeeyay Soomaalidii oo dhinac ah iyo Afrikada madow oo dhinac ah. Soomaalidii oo inta laga tabar roonaaday aad loo garaacayo ayaa boliisku kalaabkii soo galay dabadeedna waxaa la qabqabtay dhawr qofood oo Dugul ka mid yahay. Dugul waxaa la geeyay saldhigga boliiska halkaa oo su’aalo badan lagu waydiiyay ka gadaalna waa la iska siidaayay.

Aroortii xigtay Dugul markii uu kulliyaddii xaadiray baa looga yeeray xafiiska maamulaha kulliyadda waxaana lagu wargeliyay in uusan kulliyadda imaan karin ilaa amar dambe. Waxaa kale oo loo sheegay in uusan ka soo bixin karin qolka uu deggan yahay ilaa amar dambe.

Dugul oo caro isla cuncunaya cayna u miisaya gabadhii uu darteed baxarkan u galay baa dhankii qolku ka xigay u dhaqaaqay. “nacaladi korkaaga ahaatay dhillo! Sharmuuto! Horay baa loo yiri naagi kugu tol ma aha. Bal mashaqaday na gelisay eeg qabxadaasi? Waxii dhalay ee soo diray baa qaldanaa.” Qolkii markii uu galay baa welwel iyo walaac ku soo kediyeen. Waxa uu iswaydiiyay waxa uu waalidkii u sheegi doono haddii kulliyadda laga eryo. “maxaan aabbahay u sheegi doonaa? Mustaqbalkaygu muxuu se noqon doonaa haddii kulliyadda laga iga eryo? Hooyaday iyo aabbahay maxay oran doonaan haddii lagu dhaho wiilkiinni asaga sakhraansan buu gacankahadal sameeyay?” ayuu iswaydiiyay. “Waa in aan aabbahay waraaq degdeg u qoro oo u sheego in la iga gardaranaa oo gaalo cadcad iyo kuwo madmadoobi isugu kay tageen oo i cunsuriyeeyeen.” Waa markii u horreysay muddo dhawr sannadood ah oo erayga gaal afkiisa ka soo baxo. Tan iyo intii uu aragtida horusocodka dhamay dadku u ma kala soocnayn oo bini’aadan buu u wada ahaa qofkii dadka gaal iyo muslim u kala soocana waa uu la yaabi jiray waxa uu na u arki jiray badow dambeeya oo dibusocod ah.

Saddex beri markii uu qolkii ku xabbisnaa ayaa subaxdii dambe lagu wargeliyay in uu xafiiska maamulaha yimaado. Markii uu xafiiskii tagay xoogaa canaan ah ka dib waxaa loo oggolaaday in uu tacliintiisi ku noqdo. Waa uu u qaadan waayay in arrintu ka dhib yarayd sidii uu filayay balse gadaal buu ka ogaaday in xaqiiqo ahaan kulliyadda laga eryay dawladda Soofiyeedkuna tarxiil u diyaarisay balse saamaynta aabbihii xukuumadda Soomaaliya ku lahaa darteed baa wasiirkii gaashaandhigga ahaana taliyaha ciidanka xooggu cadaadis daran ku saaray Raashiyaanka in Dugul fursad labaad la siiyo.

Dugul markii uu waxbarashadii ku noqday waxa uu ahaa Dugul kale. Dugul caraysan oo dulqaad yar, Dugul aan dhugmo u lahayn casharrada iyo amarrada saraakiisha kulliyaddu siinayaan. Dugul dadku qaanado ugu kala jiraan sida Soomaali, Afrikaan, madow, caddaan, muslim, gaal ikk. Waxaa uu muuqday xumaan iyo dhimaal walba oo Ruushka iyo dhammaan Soofiyeedku lahaa. Amarrada saraakiisha kulliyaddu bixinayaan waxa ay Dugul u la ekaadeen kuwo loo naqshadeeyay in asagu lagu beegsado. Cuntada ardada la siiyo waxa ay u la ekaatay middii la siin jiray maxaabbiistii Saaybeeriya waxayna u ugu dhadhantay sidii ay labo bilood huursanayd.

Waxaa qoray Cali M. Diini

La soco Q3aad

SHEEKOOYIN