DUGUL Q3AAD  

DUGUL

Q3AAD

 

Haddii uu horay u ahaa hantiwadaage iyo shuuci u geyfan faafinta iyo difaaca aragtiyahaas, shilkii kalaabka ka dib Dugul nafsad ahaan buu u nacay joogista Ruushka. Haddii uu horay u ahaa geyfane looga yeero fagaarashaasha waawayn iyo madalaha hantiwadaagga iyo shuuciyadda lagu gorfeeyo, hadda waa go’doon aan cidina u yeeran oo xataa kuwa uu wax la barto aysan la sheekaysan. Asagu qudhiisu sheekadooda ma daneeyo oo kala aammusidda ayuu ku faraxsan yahay. Ma uu tago baararkii iyo maqaayadihii uu saaxiibbadii kula cawayn jiray maalmaha fasaxa. Marka uu fasalka ama xurumaha tababarka ka soo rawaxo sidii lax ooman buu qolka uu seexdo ugu ordaa. Dabadeedna inta biyo isku sayriyo buu sariirta isku kala bixiyaa asaga oo joornaal ama buug gacanta ku haysta. Kurshiinka cuntada ardada lagu kariyo ayuu si cago jiida casho ugu doontaa, marka uu cashaqada filka daran laqlaqana qolkii buu dib ugu noqdaa asaga oo geesaha iska eega, waayo, beryihii dambe waxa uu ba shakisanaa in KGB-du raadgurayso oo dibusocodnimo lagu tuhmayo. Dhawr jeer buu ku fekeray in uu xudduudka Finland u tallaabo oo Yurubta galbeed ee hantigoosiga ah u tahriibo, haddana tallankaasi feker ma dhaafin. Waxa se wax walbaa isbeddaleen markii xukuumaddii Soomaalidu xiriirka u jartay taliskii Soofiyeedka kuna amartay in ay xamaamahooda ku qaataan muddo saacado ah taa oo dhashay in Soofiyeedkuna dhankooda soo eryaan Soomaalidii dalkooda joogtay ee Dugul ka midka ahaa. Halka Soomaalidii kale ee waxbarashada laga fadqalaleeyay aad uga xumaadeen waxii dhacay Dugul asagu aad buu ugu farxay.

Markii uu dalka ku soo noqday waxa uu galay kulliyaddii ciidanka Jaalle Siyaad si uu tacliintii ka kala go’day u idlaysto balse asaga oo aan dhammaysan baa xabsiga loo taxaabay. Waxa uu eersaday aragtiyihii uu Ruushka kala soo noqday ee hantiwadaagga iyo shuuciyadda lidka ku ahaa. Waxa uu kulliyaddii dhexdeeda ka bilaabay dhaleecaynta Ruushka, shuuciyadda iyo hantiwadaagga. Waxa uu ardadii kulliyadda la dhiganaysay waydiiyay in ay u sheegaan dal iyo dad shuuciyad iyo hantiwadaag ku dhaqma oo barwaaqo iyo baraare gaaray. Waxa uu ku dooday in shuuciyadda iyo hantiwadaaggu magac la wadaagaan gaajo, kelitalisnimo iyo arxandarro. “Eeg meel walba oo shuuciyad iyo hantiwadaag joogaan waxa diif iyo dacdarro yaalla,” ayaa halhays u ahaa. Yeelkeede, saamayntii aabbihii lahaa darteed xabsigii kuma uusan sii negaan, balse waxaa laga eryay kulliyaddii iyo ka mid ahaanshaha ciidanka qalabkasida oo dhan. Sidaa aawadeed, waxa uu ku qasbanaaday in uu Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed galo kana barto maaddadii qaanuunka ee uu beri hore jeclaa. Markii uu jaamacaddii dhammeeyayna waxa uu noqday garyaqaan maxkmadaha ka difaaaca dadka gardarrada lagu soo xiro arrrintaa oo ay xukuumaddii awal horeba isha ku haysay cadaawad ugu qaadday. Waxa uu joogtu u la kulmi jiray handadaad iyo cagajuglayn taliska Nabadsugidda ka socda Arrinta kale ee tooshka ku sii ifisay baa ahayd in lagu ar-arkay asaga oo la jooga dhallinyaro salafiyiin ah oo xukuumadda indhaheedu beryahaas ku foognaayeen. Inkasta oo uusan markaa ka mid ahayn kooxihii aaminsanaa aragtiyihii diimeed ee mitidka ahaa ee dalka ku fidayay haddana qaar badan oo ka mid ah ayuu saaxiib la noqday ag jooggoodana badsaday balse si walba oo ay ugu dedaaleen in ay ku qanciyaan in uu ka mid noqdo haddana kuma ay guulaysan, waayo, Dugul weligiiba ma ahayn reero diimeed. Ha yeeshee, ugu dambayn, markii uu muddo ka ag dhowaa salafiyiinta, Dugul waxa uu bilaabay in uu salaadda tukado dabadeedna uu Xajka aado.

Markii uu Xajka tagay oo Xaramka iyo masjidka iyo qabrigii Nebiga arkay Dugul aad buu u qiirooday. Qalbiga ayaa dhaqaaqay ilmadua waa ka hoortay. Waxa uu ka shallaayay sannadihii doorka ahaa ee uu aragtiyaha Islaamka durayay. Waxa uu Alle uga toobadkeenay kufrigii shuuciyadda iyo hantiwadaagga, khamri cabbistii iyo salaad la’aantii. Masjidka Xaramka gudihiisa ayuu Alle ballan ku la galay in uu maanta ka dib muslin ahaan doono.

Markii uu Xajkii gutay Dugul waxa uu go’aansaday in uu Sacuudiga jaamacad ka galo oo diyaariyo mastarka shareecada iyo qaanuunka. Dabadeed waxa uu galay jaamacad Riyaad ku taal. Sannad iyo bar uu halkaa joogay Dugul waxa uu ka wabxay aragtida Wahaabiisimka. Inkasta oo uusan si aasaasi ah duruus diini ah u baran haddana dhagaysiga cajaladaha iyo muxaadarooyinka wadaaddada Sacuudiga iyo kuwo Soomaali ah ayuu aad u badsaday. Waxa uu dib boorka uga jafay aragtidii carabnimada Soomaalida ee markii uu yaraa lagu anqariyay. Imminka Soomaalidu waa Carab keliya ma rumaysna ee waxa uu ku dhow yahay aaminidda in muslinimada iyo carabnimadu isku tolan yihiin oo aysan kala hari karin. Waxa kale oo uu rumaystay in qofkii aan salafi (wahaabi) ahayni uusan muslin ah. Soomaalida oo idil intii aan salafi ahayn waxa uu ku xukumay gaalo islaamin u baahan, haddii ay diidaanna qoorgoyn buu u fadwooday. Xataa waxa uu gaalnimo ku tolay qofkii uu ka maqlo Soomaalidu Carab ma aha. Markii uu arko qof carabnimada Soomaalida shaki gelinaya in uu feero ayuu ku dhowaan jiray. Soomaalidu waa Afrikaan iyo waa madow haddii uu maqlana dhiigkar baaba ku dhici jiray. Waxa ay se ugu xunuun iyo caro badnayd maalin macallin Sacuudiyaan ah oo fasal u dhigiyay ku yiri “Dugulow waxaa tahay ninkii u horreeyay ee madow ah ee fasalkayga dhigta.” Markii erayadaasi afkii macallinka ka soo baxeen buu Dugul inta isgalay oo yaryaraaday oo cabburay u ekaaday waxar dhamiijo leh. Maalintaa oo dhan ilaa habeenkii hadalkii macallinka ayaa sida mawjadaha badda laabtiisa isku herdinayay. Aroortii dambe markii uu jaamacadda isu diyaarinayay buu inta khamiis cad ku labbistay oo timaha iyo garka subkaday oo si wacanna u shanllaystay muraayadda hor istaagay. Markii uu dhan walba iska eegay buu aad isugu bogay iskuna qanciyay in carabnimadiisu muran ma doonto tahay macallinkii shalayna nin waalan yahay ama indhala’. Waxa uu isku qanciyay in waxa keliya ee ka dhimmani yahay guur, taana uu dhammayn doono marka uu dalka ku noqdo bilooyin tirsan ka dib.

Kolkii uu dalka ku noqday isla markiiba waxa uu guursaday Suleekha Samatar oo xodxodasho la’aan aabbihii u doonay. Waxa kale uu bilaabay ganacsi aabbihii u maalgeliyay. Dukaammo dhar iyo bakhaarro cunno oo jumlo iibiya ayuu Xamarweyne iyo Bakaaraha ka furtay. Asaga oo ganacsigii u bulaalay Suleekhana darsin ubad u daadisay baa xukunkii askarta ee uu necbaa burburay dalkiina lagu kala qaxay. Laakiin burburkii, qaxii iyo halaaggii dhacay Dugul iyo qolyihii uu aragtidooda la dhacsanaa waxa ay noqdeen dadka keliya ee ay igu badisay ba’ii iyo hooggii Soomaali ku habsaday. Waa halkii Soomaalidu ka tiri qof ba’iisu waa mid kale baraarihiisa. Dugul iyo jaallayaashii, inkasta oo sannadihii hore burbur dhaqaale soo gaaray haddana si deg deg ah bay u kabteen oo sanooyin kooban ka dib waxa ay gacanta ku hayeen inta badan dhaqaalaha dalka. Haddii Dugul kolkii hore ahaa dukaanle calallo iyo cunto iibiya, gu’yaal kooban ka dib waxa uu ka mid noqday milkilayaasha sharikadaha ugu waawayn ee dalka oo kuwa taleefannada iyo xawilaaduhu ugu shilisan yihiin. Waxa uu ka mid noqday maalgeliyayaasha ugu waawayn ee goobaha waxbarashada iyo cibaadada ee jaallayaashii maamulaan. Inkasta oo uusan ka mid ahayn wadaaddada kooxda ee fadwooyinka bixiya misana maanta waxaa loogu yeeraa Shiikh Dugul waxa uu na ka mid yahay musdambeedka kooxda ee talada lagu la noqdo, gaar ahaan marka arrinku xoolo bixin ama maalgelin yahay Shiikh Dugul la’aantii arrin lama guddoomiyl. Waa boos iyo martabo uu ku qanacsan yahay, waayo, waa uu og yahay in maalgelinta uu hawlaha kooxda ku sameeyaa aysan ahayn waddo hal dhinac u socota ee dhanka kale waa mashruuc uu faa’iido iyo macaash badan ka helo.

Mashruucyada iyo aragtiyaha jaallayaashii ku foogan yihiin waxa uu ugu jecel yahay kuwo baritaaraya carabnimada Soomaalida faafintooda iyo hirgelintoodana maal iyo muruq midna kama hagrado. Waxa uu maal farabadan ku bixiyaa soo waarrididda manaahijta ubadka iskoollada ku qulaaminaya carabnimada Soomaalida iyo liididda dadka dubka madow. Waxa uu ku dedaalaa wax walba Soomaalida u yeelaya muuq carabnimo sida dhar xirashada. Waxa uu dalka keenaa kumannaan tan oo dharka carabtu xirato ah si Soomaalidu ugu labbis ekaato carabta. Xataa waxa uu dalka ku soo daabbulaa dawooyinka dumarku jirkooda ku caddeeyaan. Xaafad walba waxa uu ka furay dukaan iibiya dawooyinka la isku caddeeyo si uu arko dumar badan dub cad. Xataa in raggu is caddeeyaan buu jecel yahay. Waxa uu ku dedaalay in manaahijta carruurta iskoollada iyo kuwa jaamacadaha loo dhigo lagu daro daliillo diini ah oo caddaynaya in dadka madow qabaan lacnad Eebbe iyo inkaartii Nebi Nuux.

La soco q4aad

Waxaa qoray; Cali M. Diini

SHEEKOOYIN