DUGUL

DUGUL

 Q1aad

Saaka si baa wax ka yihiin. Dhiifoonaan ma uu dareemayo caajis balo ahina ma hayo. Ma faraxsana mana xanaaqsana. Xanuun iyo dhaawac muuqda ma uu qabo, balse si buu qaabdarro iyo culays u dareemayaa. Muraayadda hortiisa qotonta ee uu hummaaggiisa ka arkayaana waa uga sii dartay. Is araggii koowaadba waa uu iska naxay. Si buu sii foolxumaanayaa u na sii qaabdarnaanayaa. Waa uu sii qayirmayaa ama sii madoobaanayaa. Inkasta oo uu erayga madow carrabkiisa iyo dareenkiisaba ka ilaaliyo haddana waxaa uurkiisu u sheegayaa in aad uga madow yahay berigii uu dhallinyarada ahaa. Si baa jaqalladu u sii bararayaan. Timaha garka barkood cirroobeen si walba oo uu u subkay u na daryeelay haddana waxa ay u eg yihiin in ay sii foolxumaadeen oo sii kala dideen. Luguhu waxa ay u muuqdaan in ay soo godmayaan oo uu hagafyo yeeshay. Sii buu sii gaabanayaa u na sii kuusmayaa. Dhererkii uu lahaan jiray u ma muuqdo. Muuqaalkiisa oo dhani saaka ma farxad gelinayo.

“Muraayaddaney dareenkaygaad dhaawacday,” buu niyadda iska yiri. Midda se welwelka ba’an ku haysaa ee laabtiisu la karkarayso ma ahan muuqiisa qayirmay ee da’du ku soo kedisay ee waa riyo uu xalay ku riyooday taa u diidday in uu hurdo lado: Miyaan madoobahay? Miyaan Afrikaan ahay? Ma ninkaygan sidaa u dhalaalaya ee tinta goray leh baa Afrikaan madow ah? Maya! Maya! Ma ahi Afrikaan, ma ahi madow,” ayuu yiri asaga oo garka iyo madaxa ku salaaxaya gacmo kareem lagu maluuqay.” “laakiin dhalaalkayga iyo Carabnimadu waxa ay taam noqonayaan marka aan guursado ee wiil Cutayba la yiraahdo ii dhasho aniguna aan Abuu Cutayba u baramooso. Sow sidaa ma wacnaan lahayn? Qoodhay iyo xeraday haa, sidaa bay ku wacan tahay ee waa in aan guursado,” ayuu sii dabadhigay asaga oo tallaabo u hollanaya. Waxaa xigay dayaan ka yeeray sagxadda qolkii uu jiifay iyo Dugul oo hinraag iyo taah isku daray. Waxaa xigay islaantii uu qabay oo dhahaysa “waar maxaa ku helay! Waar maxaa kugu dhacay?” waxba waxba, sariirta un baa ka dhacay,” inta uu yiri ayuu barsadda u cararay.

Markii uu barsadda tagay buu ku baraarugay in intii hurdayay uu dib ugu noqday xusuusta 25 sannadood ka hor mar uu socdaal waxbarasho ku joogay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad. Waxa uu si wacan u dareensan yahay sababta uu ugu salalay xusuuso 25 sannadood ka hor dhacay. “la dhifsadii maalmahan kula murmaysay baa sabab u ah in aad caawa sariirta ku salasho,” ayuu niyad ahaan isugu sheegay. “ma maqlaysay waxa ay tiri? Ku te Soomaalidu ma ahan Carab ee waa Afrikaan! Waxaa taa ka sii daran, ku te karfantu haddii ay caddahay iyo haddii madowdahay wax macne ah ma leh oo maydka tii la doono ayaa lagu duugi karaa, xataa mid gaduudan baa lagu duuduubi karaa! Berrina maydka in la duugo ma ahan ee waa in la gubo ayay oran doontaa. Maya! Maya! Tan balaayo ayaa ka soo higle ee waa in aan iska fogeeyo oo nin ku daro,” ayuu isku la xanshaashaqay. “horay baa loo yiri gabari god ama guri ha kaaga jirto,” ayuu sii dabadhigay. “Haddii aan subaxaas hadalkayga “Inshaa Allaah” ku dari lahaa halkii aan Cutayba ka sugayay Ilaahay sooseexiskan igu ma sooreen,” buu mar kale naftiisa u sheegay asaga oo batoonkii nalka gacanta midig ku raadinaya.

Markii uu nalkii barsadda daaray buu salmuggii u fadhiistay mid ka mid ah kuraastii fadhicarbeedka ahayd. Inta uu jeegada oo weli jugtii la xanfafaysa xogday buu yiri: “balse ninyohow tan iyo maalintii Maryama (sida uu magaceeda u yaqaan inkasta oo ayadu ku adkaysato in magaceedu MARYAN yahay) arrinta karfanta iga la doodday waxii karfan magaalada yaallay waa wada madoobaadeen ee ma aragtay? Shalay foog aniga oo la yaabban waxa madoobeeyay karfanihii masaajidka ayaan galabta soo maray dukaan karfanaha lagu iibiyo oo dhammaan karfanuhu madow yihiin. Waa arrin mucjiso ah. Sow ma aha? Haa wallaahi waa mucjiso. Waa in aan arrintaa u dhabbagalo oo ogaado sababta karfanuhu u madoobaadeen,” buu Dugul Shire Dhuxul ku soo gunaanaday isla hadalkii riyadu ku qasabtay.

Siduu u fekerfekey baa waagii baryay oo la gaaray xilligii uu masaajidka aadi lahaa. Salaaddii subax ka dib guriga ayuu ku soo laabtay si uu u quraacdo dabadeedna salaadda Jimce isugu diyaariyo. Waa halkaa, isu diyaarintii Jimcada, halka muraayadda labbisku ku tustay hummaaggiisa uusan u bogin. Asaga oo welwelsan sina u yara caraysan buu dhankii masaajidka u dhaqaaqay asaga oo saanta boobaya sidii in uu ballan ka daahsan yahay.

Inta aynnaan dhexmaquuran sheekada Dugul aynnu dib ugu noqonno shakhsiyadda Dugul iyo sooyaalkiisa.

Dugul oo dadka aan aqoonta fiican u lahayn ee gadaal ka bartay ugu yeeraan Shiikh Dugul labo gu oo qur ah baa uga dhimman sano kontonaad. Magacii hooyadii u bixisay waxa uu ahaa Daahir laakiin maanta cid Daahir u taqaanna hooyadii baa ka jirta, xataa walaalihii Dugul bay ugu yeeraan. Markii uu dhashay hooyadii Suubban iyo aabbihii Shire waxa ay ku sigteen in ay kala tagaan magacbixintiisa darteed. Aabbihii Shire ayaa ku adkaystay in uu ugu magacdarayo awoowgii Dugul maadaama curadka reerka, Dhuxul uu Shire ugu magacdaray aabbihii Dhuxul Dugul. Dugul hooyadii arrintaa aad bay uga carootay murankii ay ka keentayna waxa ay ku sigatay in la furo. Waxa ay ku doodday in Dugul uu yahay magac laga baxay oo aan ku habboonayn in loo bixiyo wiil dhashay qarniga labaatanaad, balse waxaa la taabsiiyay haddii ay hawlaha ragga faraha kala bixi waydo oo ay jaqjaqda sii waddo in la furi doono.

Magaciisa dhabta ah qof kale iska daaye asaga qudhiisa ayaa mugdi uga jiraa, laakiin midda uu hubo ayaa ah in uusan magaciisa jeclayn dhawr goorna waxa uu u holladay in uu iska beddalo, haddana, waxa uu xusuustay in uu magac leeyahay kaa oo ah Daahir, ha se yeeshee cid aan hooyadii ahayn u ma taqaanno Daahir. Waxa uu marar badan damcay in uu qof walba oo muuqiisa iyo maqalkiisa yaqaannaba fool iyo farriinba u taabsiiyo in aan Dugul la oran ee magaciisa runta ahi yahay Daahir Shire Dhuxul Dugul, haddana waxa uu ka cabsaday in dadku kula yaabaan arrinkaa oo u arkaan nin wayn oo carruuroobay. Nin aan naanays lahayni waa ri seenyoon buu xusuustay. Oo haddii Dugul naanays tahay may Daahir-Dugul iigu yeeraan? Buu iswaydiiyay.

Markii uu yaraa magaca Dugul dhawaqiisa oo ku adkaa ayaa ugu waynayd sababaha uu magacaa u necbaa balse markii uu waynaaday, gaar ahaan markii uu dugsiga sare dhiganayay uu na afka iyo suugaanta Soomaalida aad u bartay buu magaca sii karaahsaday. Waxa uu iswaydiiyay sababta aabbihii ugu bixiyay magac noocaa ah. Ilaa maanta oo uu cirraystay, aabbihii oo aakhiro u hoyday eedda arrinkaa kama uusan cafin.

Waa maalqabeen xoolo badan aabbihii ka dhaxlay in badan oo kale na asagaa tabcaday, xalaal iyo xaaraan midkii uu doono ha ku tabcee. Markii dagaallada sokeeye dalka ka qarxeen xukunkii askartuna dhacay Dugul dalka kama qaxin ee waxa uu samaystay ganacsi aad ugu bulaalay oo ka dhigay mid ka mid ah ragga haga dhaqaalaha dalka. Sharikado waawayn oo kuwa taleefannada, internetka, korontada biyaha, dharka, cuntada iyo dawooyinku ka mid yihiin buu leeyahay ama saami ku leeyahay. Hantidaas badan waxa uu ka dhistay (ama ka dhisay sida uu jecel yahay in la yiraahdo) isbitaallo, iskoollo iyo jaamacado arday badan wax ka bartaan hanti badanna uga soo xarooto. Waxa uu xubin ka yahay urur-diimeedyo iyo jimciyado dhawr ah kuwaa oo gacanta ku haya maamulka masaajidyo iyo goobo waxbarasho. Sidaa oo kale, inkasta oo uusan siyaasi ahayn waa nin saamayn iyo saaxiibbaba ku leh siyaasadda iyo hoggaanka qabaa’ilka Soomaaliya. Horay waxa uu u ahaa sarkaal ciidan iyo garsoore maxkamadeed.

Dhanka siyaasadda iyo hoggaanka beelaha, sida uu xoolaha u dhaxlay buu ayaga u dhaxlay waana nin beeshu hoggaamiye u aamminsan tahay inkasta aysan martabadii awoowgii gaarsiin.

Awoowgii Dhuxul Dugul waxa uu ahaa hoggaamiyaha beeshiisa. Markii gumaystayaashii reer Yurub geyiga Soomaalida yimaadeen, Dugul awoogii waxa uu ka mid ahaa odayaal iyo hoggaamiyayaal beeleed oo caddaankii heshiisyo la saxiixday. Heshiiskaa awoowgii berigaa gumaystaha la galay beeshu waa eedday oo dhibaatooyin badan baa ka soo gaaray, balse qoys ahaan reer Dhuxul Dugul aad bay ugu tanaadeen ugu na faa’ideen heshiiskaa, waayo, oday Dhuxul ubadkiisa oo dhan gumaysigii ayaa waxbarasho geeyay dabadeedna jaamacadaha dalkiisa u wada diray. Dadku waxa ay Dhuxul ku xaman jireen in risiqa loo furay maalintii gumaysigu dhulka Soomaalida cagaha soo dhigay. Dugul aabbihii, Shire Dhuxul waxa uu ka mid ahaa ubadkii reerka ee nasiibka u yeeshay in ay waxbarashadii gumaystaha helaan. Markii Soomaalidu dawladnimada heshayna waxa uu ka mid noqday maamulayaashii dalka ilaa uu noqday mid ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan dalka. Dugul hooyadii, si la mid ah sida aabbihii, waxa ay ka dhalatay qoys magac iyo saamayn leh. Hooyadii Suubban iyo aabbihii waxa isku barteen dugsi maamulkii gumaysigu dhisay oo ay wada dhigan jireen dabadeedna dibadda ayaa gumaysigii jaamacad ugu diray, markii ay soo dhammeeyeenna waa soo wada noqdeen ka dib na waa isguursadeen. Waalidkii dadku waxa ay ku xaman jireen in waxbarashadii iyo ku noolaashihii dhulalka gaaladu saamayn ku yeelatay sidaa aawadeedna ay afar carruur ah (labo gabdhood iyo labo wiil) oo Dugul ugu yaraa keliya dhaleen.

Markii uu yaraa waxa uu nasiib u yeeshay in uu waqti badan la joogo awoowgii Dhuxul. Gurigooda kan ku dheggan buu awoowgii oo da’ ahi degganaa halkaa oo uusan daaradda dhaafi jirin marka laga reebo shan goor oo uu maal walba u tukubo dhanka masjidka oo dhawr boqol oo mitir u jira mooyaane. Taasi waxa ay Dugul siisay fursad uu in badan kula joogo awoowgii oo ahaa dhaqanyaqaan iyo afyaqaan maansayahan ah. Halkaa ayuu Dugul ka helay aqoon badan oo afka iyo dhaqanka iyo taariikh-oraaheedda Soomaalida.

Dugul waxa uu awoowgii Dhuxul in badan ka maqlay in Soomaalidu, gaar ahaan beesha reer Dhuxul ka dhasheen tahay Carab raaskii Rasuulka ku abtirsada. Hadalkaa ah in Soomaalidu ay Carab tahay Dugul waxa uu ka maqlay dad kale oo aad u badan oo qoyska iyo qaraabada ah. Gurigooda iyo kan awoowgii oo ku dhegganaaba waxa ay ahaayeen saldhig ay isugu yimaadaan dad badan oo awoodda maamul iyo dhaqaale ee dalka meel sare ka jooga. Waxa kale oo guryuhu hoy u ahaayeen qaraabo badan oo miyiga ka timid. Weligiiba guriga reer Dhuxul sidaa buu ahaa waana sababta ilmo Dhuxul loogu maleeyo in ay miyiga ku dhasheen ayaga oo ah ubad magaalo.

Dugul oo carabnimada Soomaalida lagu habay baa lagu daray dugsi Qur’aan oo uu dhigo wadaad Benaadiri Suufi ah oo asaguna si fiican ugu sii qulaamiyay carabnimada Soomaalida. Dabadeed waxaa Dugul lagu daray iskool ay dhistay dawlad carbeed kaa oo ubadka dhigtaa badankoodu yihiin carruurta madaxda dawladda iyo dadka ka agdhow. Waa iskool ay uga horreeyeen saddexda walaalihii ah iyo dhawr hormo oo reer Dhuxul Dugul ah. Markii uu iskoolka hoose/dhexe dhammeeyay waxaa aabbihii ku daray iskool sare oo afka Ingiriisiga ku baxa. Intii uu dugsiga sare dhiganayay buu ku baraarugay xiisaha uu u hayo barashada qaanuunka waxa uu na jeclaaday in uu qareen noqdo, sidaa darteed waxa uu go’aansaday marka uu dugsiga sare dhammeeyo in uu Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed galo kana barto qaanuunka.

Markii uu dugsigii sare idleeyay inta uusan jaamacadda aadin waxa uu ku qasbanaa in uu maro adeeggii Shaqada Qaranka, sidaa ayuu Xalane ku galay. Intii Xalane uu ku jiray Dugul waxaa ku dhalatay fikrad iyo doonis cusub. Tababarkii iyo carbiskii ciidan ee Xalane waxa ay beddaleen aragtidii uu askarnimada ka haystay taa oo ay ahayd shaqo dadka saboolka ah gaar u ah. Jir ahaan ka sokow carbiskaasi waxa uu dhisay oo kor u qaaday nafsaddiisa, dabadeed waxa uu go’aansaday in uu askari noqdo asaga oo aamminay in uu askarinimada meel sare iyo derajo wayn ka gaari karo, aabbihii oo madax ahaana askarinimada waa uu ku sii dhiirrageliyay asaga oo maanka ku haya askarta xukunka dalka qabsatay laga na yaabo in ay sii haystaan ilaa waqti fog. Sidaa oo kale, oday Shire waxa uu maanka ku hayay maadaama curadkiisi Dhuxul Shire Maraykanka u aaday barashada siyaasadda iyo dhaqaalaha in qoysku u baahan yahay sarkaal ciidan oo derajo sare leh, sidaa daraaddeed buu Dugul ugu tartarsiiyay qorashada ciidanka.

Kolkii uu Xalane ka soo baxay intii uusan Shaqada Qaranka bilaabinba waxa uu xaraystay codsi uu uga mid noqonayo dhallinyaro tababar ciidan loogu dirayay dalkii Midowgii Soofiyeeti. Sidaa ayuu Dugul ugu dhoofay Ruushka u na galay kulliyadda Ciidanka ee Moosko.

Sanooyinkii uu dugsiga sare iyo kan hooseba dhiganayay waxa ahayd ahaayeen sanooyinkii Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho lagu soo hurgufay aragtihii bidixda ee Soomaaliya laga ga yaqiinnay Hantiwadaagga Cilmiga Kudhisan sidaa oo kalena loo yaqiinnay aragtida horusocodka iyo sinnaanta uunka. Waxa ay ahaayeen sanooyin si wayn u gilgilay habdhaqankii iyo habnololeedkii ummadda Soomaalidu qarniyaalka badan ku soo noolayd. Waxa ay ahaayeen sannado aragtiyihii diimeed iyo caadooyinkii dhaqameed ee Soomaalidu ku sigteen in xididdada loo rujiyo. Dhallinyaro badan oo Dugul ka mid yahay waxaa lagu shubay in jidka keliya ee horumar iyo bararaare lagu gaari karaa yahay ayada oo la qaato Hantiwadaagga Moosko laga soo safriyay, qofkii taa diida ama ka yar shakiyana waxaa loo aqoonsaday dibusocod badow ah ama gafane ku nool jaqidda dhiigga danyarta Soomaaliyeed.

Sannadahaasi waxa ay ahaayeen sannado Muqdisho cirka maraysay oo u shidnayd qoysaska ladan iyo dabaqadda dhexaba. Daawashada riwaayadaha, dhagaysiga muusigga, gelista shaleemooyinka ku cawaynta maqaayadaha iyo ciyaarista kubbadda iyo baaskidboolka ayaa ahaa wax dhallintu ku madadaalato. Dugul waxa uu si gaar ah u jeclaa oo dhadhan badan ugu hayay muusigga iyo fanka Soomaalida oo sannadahaa heer sare marayay. Waxaa intaa dheeraa, Dugul sannadkii ugu dambeeyay ee dugsiga sare waxa uu aad ugu mamay akhriska buugaagta gaar ahaan kuwa falsafadda, siyaasadda iyo taariikhda dhanka bidixda u janjeera.

Akhriskii badnaa iyo barobogaandooyinkii shuuciyadda ee sida wayn dalka loogu faafinayay darteed Dugul waxa uu ku dhawaaday in uu dhabarka u jeediyo diinta Islaamka waxa uu na ku sigtay in toos u yiraahdo “jiritaanka Alle keli ah ama kuwo badan midkoodna ma rumaysni.”  Golayaasha dhallintu ku kulanto iyo goobaha akhriska waxa uu ka jeedin jiray doodo adag iyo in xaqiiqda cilmiga iyo runta gunteeda lagu ogaan karo cilmibaaris dhab ah (empirical research) oo keliya. Waxa uu aad u duray qaddarka asaga oo ku dooday: haddii wax walbaa qaddar ku dhacaan qofkii qof kas u dila maxaa Islaamku dil ugu xukumay illeen qaddar baa go’aamiyay oo dilaaga dilka ku hoggaamiyaye? Waxa uu nacayb daran u qaaday hantigoosiga, imbiiriyaaliisimka iyo addoonsiga bini’aadanka. Waxa ku wardin jiray xoraynta Afrikaanka weli gumaysigu haysto. Habeenno badan waxa uu ku qarway asaga oo hoggaaminaya guutooyin ka mid ah ciidan komaandoos Soomaali ah kuwaa oo kaymaha iyo bananka Koofur Afrika ku baacsanaya askarta nidaamka midabkalasooca ee Koofur Afrika xukuma.

Waxaa qoray Cali M. Diini

La soco Q2aad

SHEEKOOYIN