DUMARKA AYAA MAR WALBA RIIXA RAGA. Qore:Mohamed Musa Sh.Noor

DUMARKA AYAA MAR WALBA RIIXA RAGA.

Xiriir kasta oo burburaa ama qoys walba oo qar ka dhacaa mar walba Dhibanaha dhibka soo gaaray waxaa loo nisbeeyaa in ay dumarka yihiin.

Waa dumarka kuwa mar walba cabanaya ee dhahaya Raga ayaa sidaa iyo sidaa sameeyay, raga ayaa ku qaldan arrintan, sidoo kale raga ayaa sidan wax u qarribay, su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay, dumarku mar walba uu dhibka nuucan ah dhaco mala dhihi karaa waa Dhibanaha dhabta ah ee xaaladdan aan la mahdin ama waa ka madax bannaanyihiin wax walba oo arrintan dabagaddiyay?

Jawaabta saxda ah waa maya.

Dhacdooyinka qaar dumarka ayaa loo nisbeyn karaa qalalaasaha qoyska ku yimaada ee sababa in lagu kala tago. Waxa aan arrinta ku macnayn kara ayaa ah in qofka dumarku ay maskax ahaan iskaga aamintay in ay dhibane u tahay fal walba uu ninkeeda ku dhaqaaqo, waana sababtaas sababta mar walba ay oohintooda iyo eeddooda raga ay u badantahay.

Ma jirto haweenay inta is dajiso is dhahayso arrinta marka ay halkan taagantahay aniga maxaa qalad ah oo yeelan karaa? Iyada oo taas is waydiin ayey mar walba iska soo jartaa in ay tahay dhibanaha looma ooyaanka ah ee ragu waxyeeleeyaan mar walba.

Fakarkaas nafsaaniga ah ee qofkaas dumarka ah nafteeda ugu aqoonsantahay dhibnahaha aan ku dheefsan guurkan ayaa noqon kara mid ninka wax la wadaagaya kusii riixa in uu kaga fogaado, taas oo bulshada ugu muujin karto in uu yahay ninka Dhibaha wax dhibaya ee aan u naxariisan jinsigan iska dhaadhicyay in uu ka daciifsan yahay kan kale.

Waxaa jira xeelado badan oo dumarku ay ku kallifaan in ay raga ka fogaadaan si qoyska qalalaasihiisa ay ugu muujiyaan in ragu yahay kan sababaya daganaan la’aanta Qosyka. Waa run, waxaa jira xeeladaha qaar raga haddii loo isticmaalo uu ninku falcelin ka dhigi karta ama uu ugu muuqan karo dambiilaha dhabta uu ku kacayo.

Fal walba uu qofku sameeyo hubaal in wax ku kallifaa ay jiraan, falcelinta arrintaa ka dhalatana waa midda hadhow qoorta loogu galsho ama looga dhigo in uu yahay dambiile aan naxariis lahayn, ama ma naxe naxariistu ka guurtay iyada oo aan la is waydiin maxaa ku kallfiay falkan gurracan qofkan? is waydiinta nuucaas ah haddii bulshada ay mar walba is waydiiso waxaa la helayaa furaha xalka dhabta ah ee arrimahan sidan oo kale u gurracan.

Hadaba maxaa ka mid ah ah xeeladaha gurracan ee ay dumarku isticmaalaan si ay raga ugu riixaan falcelin qaldan taas oo ragana u ekeysiisa Dambiile, dumarkana u ekaysiisa Dhibane Daciif ah oo mar walba in loo gurmada mudan.

1. Sariirta oo lagu cariiryo Raga. Tan waa hubaal in ay noqon karto midda ugu horrayso ee raga looga raayo maxaa yeelay, nin bartay ama ku tala gala in uu usbuucii ugu yaraan 5 jeer wax helo haddii la gaarsiiyo in uu bishii ama labadii bilba mar wax helo, amaba cunaqabatayn guud lagu qabto, hubaal markaas in uu  ku fakaryo waddadii uu ku baahi tiri lahaa shahwadiisa kuleylka badan.

Sida la wada ogsooyahay ragu waa ka shawha kululyihiin dumarka, damc marka la dhahana waa ka daran yihiin, Baahi marka laga hadlayana ninka raga ah wuu ka baahi badan yahay dumarka, balse dumarka ayaga sidaas maahan, damacooda, baahidooda iyo shahwadooda dhamaan waa ka hoosaysaa tan raga, inta qofka dumarka ah ay joogi kartana ninka raga ah ma joogi karo waa marka meel wax lagu tuhmayo.

Ku cariirinta sariirta waxay keentaa sababa badan oo ninka ku kallifa in uu ka xiisa dhaco xaaskiisa, taas marka ay dhacdo waxaa ka dhasha muran iyo is karaahsi sida badan sababteeda ninku uu leeyahay.

Haweenku mar walba dhinaca sariirta ayey hub ahaan u isticmaalaan ayaga oo aan ka fakarin natiijada ka dhalan karta falkaas ay geysanayaan, hadana falka laga filayay dhinaca ninkeeda marka uu soo shaac baxo ayey is oohisaa iskuna ekesiisa dhibanah xaaladdan murugsan, is waydiinta soo ma ahan marka yaa ku kallifay ninkan in uu baahidiisa baddal kale oo xaaskan ahayn ka raadsado haddii ay ahaan lahayd xaask kale uu guursado iyo haddii kalaba? mala dhihi karaa marka, marka xaalku uu sidaa u murugsan yahay Dambiilaha koowaad waa Ninka?

2. Dalalbashada qarashka oo bata. Tan waa mid gaarsiisa ninka in uu is naco, hadduu yahay nin damiir fiican leh xaaskiisana jecel ayey arriintu ula ekaataa in uu yahay nin daciif ah oo aan ku filnayn xaaskiisa baahideedana aan haqab tiri karin, dalbashada xaaskaada ama gacan hoorsigeeda oo ku bata ninkeeda laba ishaaraba raga waa u yeesha.

A- raga qaar waxay u fakaraan in qofkan ay tahay qof aan isaga wax dan ah ka lahayn oo kula joogta oo kaliya jeebkiisa, haddii jeebkiisa faaruqana ay waddada cagta saarayso, sidaa darteed, wuxuu ninku qaadaa cuqdad ah qofkan kuma rabto ee jeebkaaga ayey rabtaa markaas ayuu raadiyaa waddadii uu uga takhulusi lahaa isaga oo ka aamina fakar ah in isaga jacayl iyo baahi ay u qabto ula noolayn ee ku noolow kana noolayso ula nooshahay.

B- raga qaar ayaa jacayl ay u qabaan xaasaskooda u faarujiya jeebkooda ayaga oo intaas is dhahaya yeysan kaa baahan naagtaada balse, qofka dumarka ah taas ma fahanto, waxaa laga yaabaa in maalin ay gacanta usoo hoorsato iyada oo ka filaysa in gacanteeda wax lagu rido uu jeebka wax ka waayo markaas ayey la kala kacdaa hadalkeeda qallafsan una ekaysiisaa xaaladda mid sidan ahayd waligeed.

Dumarka waxaa lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwa aan mahdin badnayn, way dhoola caddeynayaan wayna faraxsan yihiin inta aad gacantooda wax ku ridayso, hal maalin haddii uu jeebkaaga eber noqdana waxay dhahayaan waligaa ayaa sidan ahayd,wax iima ogolid, wax ima siisid,maxaa isiisay? ninkayga ayaa tahay ima baahi tiritid sidan ayaa mar walba ii silcisaa, war waxaan kuu dhihi lahaa dunida oo dhan ayaa igu cariirsay, qofka sidaa loola hadlay marka siduu noqonayaa dareenkiisa? Ninkaas wuxuu noqonayaa mid iskula muuqda nin aan isku filnayn cuqdad nafsaani ahna wuu qaadayaa, taas ayaa kallifaysa aakhirka in uu lunsho hogaanimada raganimadiisa, is waydiintu waxay tahay yaa sababy?

3. Mas’uuliyaddiisa oo aysan ku kalsoonaan taas oo ka dhigta ninka in uu dareemo in uu yahay nin aan macna lahayn wax lagu aaminaana aysan jirin.
Waxaa jira dumar la wareega masuuliyadda reerka oo dhan oo kalsooni aan ku qabin qaabka ay ragooda wax u maamulayaan, taas iyana waxay sababtaa in ninku cuqdad nafsi inta qaado baddal kale raadsado oo is dhaho qof aad madax u noqon karto raadso meeshan madaxnimadaada lagama aqoonsanee.

4.ma jiro qof dhib jecel qaasatan marka xaaladdan laga hadlayo, haweenka waxaa lagu tilmaamaa kuwa dhib badan oo la saadaalin karin in ay yihiin, waa sida Cimilada oo kale, sakan iyada oo Janna kuu ah ayey kan kale Naar kuu noqon kartaa, maah maah aanan jeclaysan ku dhawaaqisteeda ayaa tiraahda ” DUMARKU WAA BALAAYO LOO BAAHAN YAHAY” ma ahan in aan sidaa aaminsanahay ama u riyaaqayo laakin mowduucan ayey igala gashay.

Dhibka sidiisaba kuma wanaagsana nin maanta dhan soo rafaadayay oo is leh gurigaada ku naso in buuq iyo waji xun lagala horyimaado mararka qaarna aan waxba laga soo qaadin dadaalkiisa uu reerkan dartood ugu dawarsanayo.

Dumarka qaar kuwa maanta shaqeeya ayaa fahmi kara dhibaatada ay raga ka soo maraan hunguriga iyo raaxada ay guriga ku haystaan. Ma jiro nin jecel in gurigiisa uu nasiinada usoo doontay lagu dhex cuno, tan haddii ay dhacdana waa sabab kale oo ku riixda ninka in uu ka fogaado haweentiisa.

5. Dumarka booqashadooda oo badataa, booqashada dumarka guriga ugu imaanaya hawenayda xaaska ah waa in xad ay u yeesha qofka xaaska ah, waa in saacadaha ay is leedahay ninkaaga ayaa soo dhow ay girgeeda ku nagaata iyada oo is qurxinaysa, daganaan iyo waji farxad ka ka muuqatana kusoo dhawaysaa ninkeeda. balse marka uu girga sidaa usoo istaagaba haddii ay booqasho dumar soo bilaaban ama iyada nafteeda ay dumarka booqasho ku aaddo, ninkaas siduu dareenkiisa noqonayaa? ma yahay mid la fogeeyay? hadduu fogaado uu isna falkaas ka jawaab celsho waa kuma dhibaha dhibka qoyska bilaabay, bilaah calayk yaa dumar, ka xishooda ragiina, dhaqanka nuucan ah wuu ku badan yahay qoysaska soomaaliyeed, booqashada aad dumarka ugu tagayso iyo midda ay kuugu imaanayaan labadaba waa in ay soo gunaanadmaan xilliga uu ninkaaga kuu imaanayo ama kula joogo.

Hadduu ninka arrintaas kala hadlo jawaabta ay bixinyso qofka xaaska ah haddii ay noqoto ka waran, ” difaac ayaad ku jirtaa, aniga ayaa ii dadan tahay in aan soo hawa gaddisto, gurigan ayaad rabto in aan Addoon camal kuugu ahaado oo igu xabsito, ima aaminsanid, asxaabtayda iyo dadkayga iima ogolid in ay isoo booqdaan anna aan booqdo iyo wax la mid ah” way ogtahay waxa ay samaynayso balse ma oga in ay sii riixayso ninkeeda!!! Haye nin sidaa lagula hadlay bal cabir xaaladdiisa dareen?

6.dhanka dareenka Galmada, qodobkeena koowaad ayaa ku saabsanaa in dumarku galmada kulanka sariirta ay hub ahaan u iticmaalan oo ay ragooda ku ciqaabaan ayaga oo ku cariiriya baahidooda, sidaa si la mid ah qodabkan wuxuu taabanaya dhinaca kale ee arriintan.

Markan qofka dumarka ah ayaa muujisa damac saaid ah, baahi badan oo xad dhaaf ah oo qanaacada sariirta in aysan haysan ayey isaga u muujisaa, baahideeda ayaa ah dalab xad dhaaf, tan marka ay dhacdo ninka wuxuu dareemaa in uusan ku filanayn naagtiisa qanaaco galmana ka kaafin karin, sidaa darteed, ayuu is dhahaa inta meesha aadan ku ceeboobin ka daydayo meel ceebtaada ku asturmi karto.

Dhanka kale haweenaydaas waxaa laga yaabaa in damaceedaba sida ay u muujinayso uusan baahi ahaan gaarsiisnayn ee ay is leedahay isaga ku riix oo dareensii in uusan adiga kugu filnaan karin, sababtan waxay dhacdaa sida badan marka haweenta ay is leedahay ninkan yuusan ku dhiiran in uu hawaysto dumar kale xagoodana yuusanba eegin, sidaa darteed ayey baahideeda dumarnimo uga badbadisaa.

7. Waxay bilowdaa in aysan nadaafad ahaan is hagaaji, sidoo kalena muuqaalkeeda labis uusan wanaagsanaan, intaas oo dhan waxay u samaynaysaa si ay u dareensiiso qanaaco darro, wax walba oo xageeda ah waxay noqdaan wax aan la jeclaysan, ujeedada ay leedahay ayaa ah in ay sii fogayso, markaas ayuu isna baddal kale raadsadaa, halkaas marka ay taagantahay waa sida ay rabtay, qosykaas dhimashadiisa yaa lagu eedayn karaa?

Haweenayda iyada ayaa Janna u noqon karta ninkeeda, in uu haween kale damcana mar walba haddaan la is indha tirayn haweenka ayaa ku lug leh, wax walba oo uu naag kale ka raadinayo waad haysataa, haddii u jeedadaadu gurracnayn waad hanan kartaa ninkaaga marka ay gurracantahay ula jeedadaadana adiga ayaaba tusi kara waddadii uu ku bixi lahaa haddaad tustidna maba ahan in aad ku eedaysaa ama isku ekaysiisa qof dhibane ah oo la dhibaateeyay.

8.waxay la timaadaa qayaana iyo luggooya kasta, eeddaas dushiisa ayey u nisbaysaa iyada oo ku andacoonaysa in uu mar walba gacan bidixeeyo xaqeeda, qanaaca dhan walba ahn aysan ku qabin.

9.waxay bilowdaa in ay la barbar dhigto heblaayo ninkeeda “sidaas ayuu u sameeyaa aniga maxaad ii samaysaa” waxay ka sarraysiisaa heerka nolosha uu ka tagan yahay oo heerkiisa noloshooda kuma qiimayso, intaas dhan waxay u samaynaysaa ujeedadeeda ah in ay sii fogayso, kolkaas ayuu is dhiibaa oo dhahaa aniga ninka aad doonayso kuuma noqon karo maca salaama waana sida ay rabtay.

Xaqiiqda ayaa ah in dumarku ay dhagar badan yihiin Allena uu noo sheegay ayaga oo ujeeddadoodu tahay in noloshaada ka baxaan ayey kuu ekeesiyaan midka sababay dumitaanka Qoyska.
Mar walba wadda ayey u heshaa in ay qariirad u jeexdo si aad ugu ekaato qofka xun ee qoyska ka dhismi waayay iyana ugu ekaato dhibanaha gurmadka mar walba mudan.

Qore:Mohamed Musa Sh.Noor

SHEEKOOYIN