Duullaanka Cabdu Allaahi bin Unays عبد الله بن أنيس

duulaan

 

 

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا محمد النبي الأمي و على آله الطيبيب الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكر الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

 

 

Duullaanka Cabdu Allaahi bin Unaysعبد الله بن أنيس\

 

Al Qasdhalaaniiالقسطلاني\ wuxuu yiri:

“Waxaa ku xigay  – Waana Duullaanka Abuu Salamahأبوسلمة\/ ee bisha Muxarramمحرم\ ee sanadka afaraad – Duullaanka Cabdu Allaahi bin Unays ibnu Ascad Al Juhanii (Qabiilkisaan Juhaynahجهينة\ waxaa ka dhashay qabiilka Soomaaliyeed ee Duruqbo oo ku abtirsata Cuqbah bin Caamir Al Juhaniiعقبة بن عامر الجهني\ Allaha الله raalli ka noqdee))عبد الله بن انيس إبن أسعد الجهني\, Al Ansaariiالأنصاري\, Al Sulamiiالسلمي\ keligiis ee maalinta isniinta ee ay shan ka gudbeen bisha Muxarram محرم\ ee sanadka afaraada ayna shan iyo soddon bilood kasoo wareegteen Hijradaالهجرة\, uuna ku duulay inuu dilo Sufyaan bin Khaaalid Al Huthaliiسفيان بن خالد الهذلي\, uuna ku dilay dooxada Waadi Curanahوادي عرنة\ (oo ilaa tobaneeyo kiiloomitiri Kacbada Makkahمكة\ u jira) ee dooxada Carafaatعرفاة\.

 

Sababtuna waxay ahayd inay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, soo gaartay inay halkaas ciidan isugu uruursaday si uu ula xarbiyo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.” Waa intaas warkiisu.

 

Al Zarqaaniiالزرقاني\ wuxuu ku daray oo yiri:

“Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam Cabdu Allaahi bin Unays عبد الله بن أنيس\ ku yiri:

 

“ائته فاقتله.”

 

“i’itihi fa aqtulhu”,

oo macnihiisu yahay:

 

“u tag oo dil.”

 

Cabdu Allaahi bin Unays عبد الله بن أنيس\ wuxuu yiri:

“Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ninkaas ii sifee  si aan u aqoodo.”

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

 

“إذا رأيته هبته وفرقت ووجدت له قشعريرة وذكرت الشيطان.”

 

“Ithaa ra’aytahu habtahu wa faraqta wa wajadta lahu qashcariiratan wa thakarta al shaydhaana”  wa kuntu laa ahaabu al rrijaala.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Markaad aragto waad kacaysaa oo aad baqaysaa, waadna ka jiriiricooneysaa. Waxadna xusuusanaysaa shaydaanka”, aniguna ragga kama baqi jirin.”

Markaasaan waxaan iri:

“Rasuulka Ilahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, weligay wax kama biqin.”

Markaasuu Sallaa Alllaahu Calayhi Wasallam wuxuu yiri:

 

“آية ما بينك وبينه ذلك.”

 

“Aayatun maa baynaka wa baynahu thaalika”,

oo macnihiisu yahay:

 

“Aayadda, waa calamadee, adiga iyo isaga idiin dhexeysa waa taas.”

 

Markaasaan ka ithan qaatay Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam inaan wax iraahdo, oo aan ninkaas been u sheego weeye Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku saabsan, wuxuuna Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

 

“قل ما بدا لك.”

 

“Qul maa badaa laka”,

oo macnihiisu yahay:

 

“Waxay kula noqoto dheh.”

 

Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

 

“انتسب لخزاعة.”

 

“Intasab li Khuzaacah”

oo macnihiisu yahay:

 

“Khuzaacahخزاعة\ ku nasab sheego.”

 

Markaasaan seefteyda soo qaatay, wax kalena kuma darin, aanna soo baxay anigoo qabiilka Khuzaacahخزاعة\ ku abtirsanaya.

 

Markaasaan waxaa ugu imid Curanahعرنة\ isagoo socda, gadaashiisana ay socdaan ciidanka axaabiishta. Markaasaan ka cabsaday aanna ku aqooday siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam iigu sifeeyey, anna iri:

“Run ayuu sheegay Ilaahay الله iyo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.”

 

Markaas aan arkayna waxaa soo galay waqtiga salaadda casar. Markaasaan tukaday anigoo madaxayga hoos u laablaabaya oo socda. Markaasaan markaan u dhowaaday ayuu wuxuu yiri:

“Yaad tahay nin yahow?”

Waxaan iri:

“Waxaan u dhashay Banii Khuzaacahبني خزاعة\, waxaanna maqlay inaad la dagaallanka Muxammadمحمد\, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ciidan u aruursanaysid, oo sidaasaan kuugu imid inaan ku raaco.”

Markaasaan la socday oo aan u sheekeeyey oo uu sheekadayda u bogay, oo aan dhaariyay, una sheegay sida loola yaabo diintaan uu Muxammadمحمد, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, keenay, oo ragga iyo aabayaalkood kala geysey, yididiiladoodana uu mid maangaabnimo ah ka dhigay. Horena uma uusan arag wax ila mid ah. Isaguna ul ayuu ku taagsanayaa, dhulkana ku mudayaa, ilaa uu aqalkiisa ka gaaro, asxaabtiisuna ay ka kala tagaan oo ay aqalladooda kiisa u dhow kala aadaan.

 

Markaasuu wuxuu yiri:

“Ii kaalay Khuzaacahخزاعة\ ninka u dhashayow!.”

Markaasaan usoo dhowaaday, wuxuuna yiri:

“Fariiso.”

 

Markaasaan xoogaa la socday, intaanan fariisan oo aan la hadlayay. Markaasaan si kedi ah ugu booday oo dilay. Markaasaan madaxa ka gooyey oo aan buur la fuulay oo aan hog halkaas ku yaalla galay.

 

Markaaasey rag i raadinayaa soo bexeen. Hogga afkiisana caarocaaro ayaa guri ka dhisatay. Markaasaa waxaa yimid nin weel weyn iyo labadiisa kabood gacanta ku sita. Aniguna waan cago caddaa. Markaasuu weelka iyo labadiisa kabood dhulka dhigay, uuna meel hogga afkiisa u dhow kaadi la fariistay, kaddibna uu asxaabtiisa ku yiri:

“Hogga axadna kuma jiro.”

Markaasay dib u noqdeen.

 

Markaasaan soo baxay oo aan waxa weelka ku jira ka cabbay, labada kaboodna aan xirtay. Axadna ima uusan arag. Markaasuu ninku kabihiisa iyo weelkiis raadiyay oo uu waayey. Markaasuu tolkiis dib ugu laabtay. Markaasaan xagga Al Madiinahالمدينة\ usoo gaddoomay.”

 

Soo noqodkana habeenkii ayuu socon jiray, maalintiina wuu dhuuman jiray isagoo ragga raadinaya ka baqaya. Sidaasuuna kusoo socday ilaa uu Al Madiinahالمدينة\ ka yimaado.

 

Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka helay masjidka. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam wuxu ku yiri:

 

“أفلح الوجه.”

 

“Aflaxa al wajhu”,

oo macnihiisu yahay:

 

“Fool ku guulle! Wuu liibaanay wajigu.”

Markaasuu wuxuu yiri:

“Wajigaaga ayaa liibaanay Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam.”

 

 

 

 

 

Markaasuu maduxuu siday hortiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam dhigay:

Wuxuu yiri:

“Waxaanna u sheegay warkayga. Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam i siiyey ul, uuna yiri:

 

“تحضر بها في الجنة فإن المتخسرين في الجنة قليل.”

 

لإaxduru bihaa fii al jannati fa inna al mutakhassiriina  fii al jannati qaliilun.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Waxaad ushaan la imaanaysaa adigoo sita jannada oo inta jannada ul ku sidata way yaryihiin.”

Waa intaas warkiisu.

Ushaas wuu haystay ilaa ay geeridu uga timaaddo, markaasuu ku dardaarmay in kafanta loo dhex geliyo. Sidaas ayaana la yeelay. Cabdu Allaahi bin Unaysعبد الله بن أنيس\ wuxuu duullaankaas ku maqnaa sideed iyo toban habeen, wuxuuna soo laabtay maalin sabti oo bisha Muxarramمحرم\ ka hareen toddoba habeen.”

 

 

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا محمد النبي الأمي و على آله الطيبيب الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكر الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون.

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\

Khamiis lixda Thoo Al Xijjahذوالحجة\ 1437 Hejreeهجري\ / 8 Septembar 2016 Miilaadii.

 

SHEEKOOYIN