FAALLAYN BUUGGA “THE ROAD TO ZERO: SOMALI’S SELF-DESTRUCTION” by Cali M. Diini

Buugga magacdhawgiisu yahay The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction ee uu qoray danjire Maxamed Cusmaan Cumar waa buug aad heer sare ah oo qoraagu kaga warramayo waayihiisi nololeed muddadii dheerayd ee uu u shaqaynayay dawladdii Soomaaliya laga soo bilaabo 1957 ilaa 1991. Sheekada buuggu warinayo waa mid xiise iyo niyadjabba leh qoraaguna si qalbitaabasho leh ayuu u soo gudbinayaa. Ayada oo aad qalinkiisa ka dhadhansanaysid run sheegnimo iyo waddanimo ayuu qoraagu ku bilaabayaa asaga oo ilmo yar oo arday ah oo marqaatiga ka ah dalkiisi oo labo dawladood oo shisheeye ahi milkiyaddiisa ku kala wareegayaan, asaga oo dawladdii daakhiliga u shaqaynaya kaddib xorriyaddii 60kii waxa uu noqonayaa mas’uul sare oo wasaaradda warfaafinta u shaqeeya kaddib asaga oo arday ah oo Shiinaha jooga u na doodaya xuquuqda ardayda Afrikaanka ee Shiinaha joogtay, asaga oo qabanqaabinaya muddaaharaad looga soo horjeedo gunaysiga Itoobiya ku haysato dhulka Soomaaliyeed iyo dawladdii Shiinaha oo ka soo horjeesatay ugu dambayn waxa uu noqonayaa diblomaasi u shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda iyo danjire Soomaaliya u joogay dalal badan ilaa Soomaaliya lagu kala yaacay 1991.

Danjire Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu Muqdisho ku dhashay sannadkii 1937. Sannadkii 1950kii asaga oo arday ka ah iskool uu maamulayay maamulkii millatariga Ingriis ee Soomaaliya xukumayay 1941-1950kii ayaa macallimaddii iskoolka u dhigi jirtay oo Ingiriis ahayd asaga iyo ardaydii kale subax u soo dareerisay barxadda guriga dawladda (aqalka dawladda hoose ee Muqdisho hadda ku shaqayso) si ay goobjoog uga noqdaan xafladdii maamul-wareejintii Ingiriisku talada dalka ugu celinayeen dawladda Talyaaniga ayada oo la fulinayo go’aankii Qaramada Midoobay ee 1949kii kaas oo go’aamiyay in maamulka koofurta Soomaaliya loo dhiibay Talyaaniga muddo 10 sannadood ah Qaramada Midoobayna ku korjoogtayso. Qoraagu waxa uu sheegay in asagu uusan waxba ka fahamsanayn waxa dhacaya balse ay xasuus gaar ah ku reebtay ilmadii ka ka dhibcaysay indhaha macallimaddiisi markii ciidanka baambaydu garaaceen astaanta calanka boqortooyada Ingiriiska markii calanka boqortooyada la dajinayay kan jamhuuriyadda Talyaaniga la surayay figta sare ee guriga dawladda. Ka sokow saamaynta ay qoraaga ku yeelatay in indhihiisa oo dhan dalkiisa dawlado shisheeye iska dhaxlaan taas oo uu dabcan la qabay Soomaalida kale waxa asaga si gaar ah saamayn ugu yeeshay isbeddalka ku dhacay waxbarashadiidi maadaama maamulkii iyo macallimiintii iskoolku horay u raaceen taliskii ciidanka Ingiriska ee talada wareejiyay. Intaas oo kaliya maahane xataa afkii uu wax ku baranayay (English) ayaa la beddalay oo af Talyaani ayaa lagu beddalay.

Qoraagu sannadkii 1954 asaga oo arday 17 jir ah ayuu shaqadii ugu horray ka bilaabay waaxda tirakoobka dadweynaha ee dawladda. Waxa uu sheegay in waaxda tirakoobka uu nin Talyaani ahi madax ka ahaa markii uu shaqada u dirayay uu ninkaas Talyaaniga ahaa shaqaalaha faray shaqaalihii tirakoobka Muqdisho ka samaynayay in soo tiriyaan dadka magaalada, guryaha iyo hantidooda balse aysan tirakoobka ku darin dadkii Hindida ahaa ee waqtigaas magaalada si wayn u degganaa. Qoraagu waxa uu leeyahay “ma garanayo sababta Hindida tirakoobka looga reebay.” Kaddib qoraagu waxa uu ka shaqo bilaabay xafiiska boostada halkaas oo uu ka noqday maqalhaye (cashier). Intii maqalka joogay qoraagu waxa uu ka sheekeeyay labo dhacdo oo ku qabsatay halkaas kuwaas oo xorriyaddii kaddib dhaqan ka noqon doono xafiisyada dawladda. Qoraagu waxa uu yiri: maalin ayaa waxaa dhacday in nin maqalhaye ahaa uu 4000 oo shilin siiyay nin watay aqoonsi (ID) askari boliis ah balse qofka aqoonsiga sitay ma ahayn askarigii aqoonsiga lahaa. Maalmo kaddib ayaa la ogaaday in askarigi aqoonsiga lahaa uusan magaaladaba joogin taas oo qasabtay in boostadu lacagtii guddo. Warkii ayaa gaaray Cabdullaahi Ciise oo ra’isul wasaaraha ahaa markaas ayuu soo saaray wareegto faraysa in dadka lacagaha iyo alaabaha kale boostada ka qaadanaya faro laga qaado. Markii amarkaasi dhaqangalay ayaa waxaa boostada iigu yimid nin Soomaali ah oo si fiican u labbisan markii aan aqoonsi ka qaaday oo alaabtii miiska u soo saaray ayaan ka codsaday in uu suulkiisa khadda daro kaddibna waraaqda laakiin ninkii inta uu xanaaqay ayuu yiri “ma anigoo diktoor hebel hebel ah oo 20 sannadood wax soo baranayay ayaad i leedahay suulka khad darso?” Si deggan ayaan mudanaha ugu sheegay in amarkaani yahay mid ra’isul wasaaruhu soo saaray yahayna mid hantida ummadda lagu ilaalinayo laakiin diktoorku waxa uu yiri “xataa Cabdullaahi Ciise igu ma amri karo in aan suulka khad darsado.” Dr. Hebel hebel waxa uu ka soo noqday Talyaaniga oo sharciga iyo qaynuunka ku soo bartay.
Maalin kale askari boliis ah oo yunifoomkii ciidanka labbisan ayaa boostada yimid markii aan aqoonsiga waydiiyayna si xanaaq ah ayuu iigu yiri “u ma jeedid miyaa in yunifoomkii ciidanka qabo?” “Yunifoomka waa lagaa xadi karaa” ayaan ugu jawaabay. Markii aan shaqada dhammeeyay askari ayaa bannaanka igu sugayay in wargaliyay in saldhigga boliiska la iga rabo. Markii aan saldhigga tagay waxaan ugu tagay sarkaalkii oo xafiis fadhiya. Qaylo iyo handadaad ayuu dhagaha ii saaray waxaana uu ii raaciyay “reer Xamarkiinaan xorriyad ayaan idiin keennay markaas baad askartii bahdilaysaan.” “Boostada ayaan mardhow kuugu imaanayaa” ayuu ii sii raaciyay. Markii xafiiska yimid waa ku qasbanaaday in uu aqoonsigiisi dhiibo.

Qoraagu waxa uu sheegay ayaamo kaddib uu ka shaqo bilaabay aqalka baarlamaanka shaqadiisuna ahayd qoridda iyo tarjumaadda qoraallada iyo khubadaha baarlamaanka. Balse waxaa la yaab ahayd in wasiirka dastuurku ahaa ninkii diiday in uu u hoggaansamo xeerkii ra’isul wasaarihiisa. Qoraagu waxa uu sheegay in sarkaalka boliiska ah oo laga yaabo in uu noqdo taliyaha boliiska qaranka xorriyadda kaddib iyo sharciyaqaankii wasiirka dastuurka noqday ahaayeen labadii qof ee xeerarka dalkooda difaaci lahaa balse ay cagsigeeda ku dhaqmeen.
Dhammaadkii sannadkii 1960kii Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu waxbarqsho u aaday dalka Shiinaha. Danjiruhu waxa uu buuggaan ku xusay dhacdo xusid mudan oo dalka Shiinaha ku qabsatay. Waqtigaas uu waxbarashada Shiinaha u joogay waxay ahayd kol gobonimodoonka Afrika iyo Eeshiya oo cirkaas marayay dawladda Shiinaha oo galbeedku go’doomiyeenna si wayn bay u taaageersanayd gobonimodoonka dadyowga dhulalkooda caddaanku dulsaarnaa sidaas darteed ayaa dawladda Shiinihu arday badan Afrikaan ahaa oo dalkeeda joogay u abaabushay bannaanbax wayn in ardaydu dhigaan kaas oo looga soo horjeedo gumaysiga cad ee dalalkooda haysta balse ardaydii Soomaaliyeed ee Shiinaha joogtay bqnnaanbaxana wax ka abaabulayay waxay gumaysiga lagu bannaanbaxayo ku soo dareen Itoobiya arrintaas oo dawladda Shiinuhu qalad u aragtay. Dawladdu waxay u yeertay ardaydii Soomaaliyeed u na sheegtay in aan arrimaha Afrikaanka dhexdooda ah bannaanbaxa lagu soo darin. Dabcan Shiinuhu bannaanbaxa waxay ku magacdilaysay dawladaha Yurub ee dagaalku ka dhexeeyay khilaafyada xudduudaha ee dalalka Afrika sida Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyana wax wayn u ma aysan arkayn ama jaahilnimo ayaa ka haysay oo ma aysan ogayn in Itoobiya gumaystihii Yurub kala shaqaysay qaybsiga Afrika dhulka Soomaaliyeedna ay sidaas ku qabsatay. Yeelkeed’e ardaydii Soomaalidu waa ay ku adkaysteen go’aankoodi ahaa in ay bannaanbaxa la yimaadaan boraar iyo halkudhigyo Itoobiya ka dhan ah. Iskudayo badan oo ay sameeyeen ardaydii Afrikaanka ahayd kuna doonayeen in ay Soomaalida uga dhaadhiciyaan in bannaanbuxu yahay mid looga soo horjeedo gumaysiga cad waa fashilmeen markii Soomaalidu ku doodeen in gumaysi yahay gunaysi un midabna uusan lahayn. Sidaas ayaana ardaydii Soomaalidu kaga baaqdeen ka qaybgal bannaanbaxaas.

Waxyaabaha kale ee qoraagu buugga ku xusay waxaa ka mid ah musuqmaasuqii iyo kutagrifalkii awoodda ee maamulka askarta ee Maxamed Siyaad hoggaaminayay. Dhacdooyinka uur-ku-taallada leh ee qoraagu maamulkii askarta ka wariyay waa badan yihiin waxaan se ka soo qaadanayaa dhacdo ka dhacday mar aan ka fogayn burburkaas maamulkii Maxamed Siyaad markaas oo qoraagu ahaa danjireheenna Hindiya. Waxa qoraagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibaddu safaaraddeenna Hindiya ku amartay in qiimaha baasaboorka safaaraddu bixiso qiimihiisa ay ka dhigto $100 ayada oo Muqdisho baasaboorka looga qaato qiime $20 ah. Waxa kale oo wasaaraddu amartay safaaradda in lacagta doolar ahaan lagu qabto kaddibna lagu diro akoon (account) ka furan magaalada Dubaay (Dubai) taas oo ahayd sharcidarro qaawan. Waxa kale oo ayaduna sharcidarro dalka Hindiya ka ahayd in doolar wax lagu kala iibsado sharcigaas oo safaaradaha dalalka shisheeye ee Hindiya ku yaal qabanayay. Danjiruhu waxa uu buugga ku qoray in arrintaasi u cuntami wayday fulinteedana uu ka cagajiiday go’aansadayna in uu Muqdisho tago arrintana u sheego madaxweynaha dalka Maxamed Siyaad. Markii uu madaxweynaha la kulmay arrintiina u sheegay madaxweynuhu waxa uu ugu jawaabay “u tag wasiirka wasaaradda.” Balse Danjiruhu waxa uu madaxweynaha ku yiri “madaxweyne wasiirku adiga ayuu igu kaa soo celinayaa oo madaxweynaha u tag ayuu igu leeyahay, aniguna waqti ma haysti oo waan noqonayaa.” “Dhawr maalmood kaddib igu soo noqo” ayuu madaxweynuhu Danjiraha ku yiri. Danjiruhu waxa uu yiri “saddex (3) maalmood kaddib markii aan madaxweynaha ku soo noqday oo arrintii aan xasuusiyay madaxweynuhu waaba xasuusan waayay arrinta aan kala hadlayo oo maba uu xasuusto in aan dhawr beri ka hor u imid iyo wixii aan kala hadlay”.

Dhacdo kale oo xiiso leh waxa ahayd markii uu Danjire Maxamed Cusmaan ahaa danjireenna dalka Suudaan bartamihii 1980aadkii. Waxa uu danjiruhu sheegay in ay xafiiskiisa safaaradda si kali kali ah ugu soo booqdeen danjirayaasha dalalkii bariga iyo Yurub ee shuuciga ahaa iyo kan dalkii Midowgii Soofiyeeti dalalkaas oo xiriirka aan la lahayn xumaa tan iyo 1977. Waxaa se ugu xiise badan booqashadii uu danjiraha Soofiyeetku ugu yimid danjire Maxamed Cusmaan. Danjiruhu waxa uu yiri markii aan is nabdaynay oo fariisannay ayuu danjihii Soofiyeetku si qayaxan iigu yiri “maxaad Itoobiya ka rabtaan?” Danjire Maxamed Cusmaan oo buugga ku sheegaya in waydiinta danjiraha Soofiyeetku ahaa mid ka baxsan luqadda diblomaasiyadda ayaa yiri “waxba ka ma rabno Itoobiya, waxa kaliya ee aan Itoobiya ka rabnaa waa in ay ka guuraan dhulkeenna ay gumaystaan. Waxaan nahay dal Sooshaliiste (Socialist Country) ah, Itoobiya na waa dal Sooshaliiste ah. Gardaadiyeheenni Lenin waxa uu na baray in ay xaaraan tahay in dal Sooshaliiste ahi uu dal kale oo Sooshaliiste ah gumaysto. Jaalle Danjire waxa aan filayaa in aad taas la qabtid Jaalle Lenin. Haddaad Raashiyaan tihiin xaqiiqo ahaan faylasha ciidankiinna iyo kuwa saaxiibbadiin Kuuba (Cuba) waxaad ku aragteen itaalka Soomaalida iyo waxa ay samayn karaan. Haddii ciidankiinna iyo khubarradiinna Soofiyeetka iyo saaxiibbiina Kuuba aysan Itoobiya garabsiin lahayn, waad ogtihiin oo qirsan tihiin sida aan Itoobiya u gali lahayn. Marka labo qolo isdagaasho dabcan mid ayaa guuldarraysanaya, maanta idinka ayaa Itoobiya la jira, markaas waxaan kugu leeyahay u sheeg Itoobiya in gobonimo siiso dadka Ogaden. Idinka ka hor gumaysi kale oo hadda tagay ayaa geyiga joogay, idinkuna jidkii kuwaas hore mareen ayaa ayaad ku joogtaan. Waxaad la mid tihiin iskoobbe (broom) Soomaalidu waxay la mid tahay sagxaddii iskoobbaha lagu nadiifiyay, sida iskoobbaha oo kale ayaad intaad rifantaan u dhammaanaysaan halka Soomaaliya u jirayso oo u joogayso sida sagxadda.”

Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu yiri sheegay in intaas kaddib uu danjirihii Soofiyeetku yiri “waxaad tahay nin islawayn” aniguna waxaan ugu jawaabay “maya, mudane, waxaan ahay nin qab leh”.

W/Q: Cali M. Diini

NAGA LA SOO XIRIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.