FAALLO KOOBAN BUUGGA “SOMALIA: A NATION DRIVEN TO DESPAIR” by Cali M. Diini

FAALLO KOOBAN BUUGGA “SOMALIA: A NATION DRIVEN TO DESPAIR”
(SOOMAALIYA: DAL JAAHWAREER LAGU AROORIYAY).

Buugga waxaa qoray sannadkii 1996 qoray Danjire Maxamed Cusmaan Cumar.

Qoraagu waxa dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay ummad dabacsan oo ay sahlan tahay in la maamulo. Asaga oo taas caddaynayana waxa uu sheegay in ay naadir ahayd in dadka Soomaaliyeed ka bannaanbaxayaan maamulxumada, musuqa, naasnuujinta iyo beelaysiga dawladdoodu ku caanbaxday. Waxa uu sheegay in inqilaabkii Oktoobar 1969 ka hor hal bannaanbax un oo Soomaaliya ka dhacay kaas oo ay dhigeen kalkaalisooyinka caafimaadka oo dhawr bilood mushaar la’aan ahaa. Balse halkii dawladdu xaaladdooda dajin lahayd mushaarkoodana siin lahayd uu ra’isul wasaarahii dalku “dan ka ma lihin dadka bannaanbaxaya xataa haddii ay toban toban u dhintaan”. Qoraagu ma uusan magacdhabin ra’isul wasaarahaas kuu ahaa balse waxaan filayaa in uu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Balse qoraagu waxa hoggaamiyayaashii Soomaalida ku eedeeyay in ay ku guuldarraysteen in ay dhidibada u taagaan hannaan dawli ah oo sal adag ayna dabarucleeyeen dano shakhsi, musuq iyo beelaysi. Qoraagu burburka iyo baaba’a Soomaaliya haleeyay waxa uu dhabarka u saariyay hoggaamiyayaashii Soomaalida laga soo bilaabo kuwii 1960-1969, taliska Siyaad Barre oo uu si gaar ugu eedeeyay in masuul ka ahaa burburka dawladnimadii Soomaaliya, dagaallada qabiil iyo kalatagga Soomaali ku dhacay.

Waxa kale uu si ba’an u dhaleeceeyay madaxdii jabhadihii Siyaad Barre xukunka ka tuuray oo uu ku sheegay in ay ahaayeen rag aan dan iyo heello ka lahayn dhimashada, qaxa, burburka iyo macluusha dadka Soomaaliyeed huf ka dhigay kaliyana raggaasi ay u guclaynayeen ku fadhiisiga kursiga Siyaad Barre ka cararay.

Asaga oo ka hadlaya sidii jabhaddii USC ugu guuldarraysatay in ay dalka nabad iyo xasillooni ku soo celiso kaddib ridistii Maxamed Siyaad Barre waxa uu yiri “iska daa in USC Soomaali nabad ku soo celise’e waxa USC midayn waayeen madaxdoodi iyo ciidankoodi. Iska dhaaf in ay Soomaaliya nabad iyo kaladamayn, iyo xukun caddaalad ku soo celiyaane USC waxay noqdeen kuwa soo gura beerihii qabyaaladda, isnaca iyo kala qaybsanaanta ee Siyaad Barre mirahooda iyo abuurkooda xabaalay”. USC oo markii ay dagaalka wadday sheegan jirtay in ay dadka Soomaaliyeed ka xoraynayso taliska dhiigyacabka ah ee Soomaali baaska iyo baaba’a baday waxay noqdeen kuwa ku dhaqma isla siyaasaddii Siyaad Barre ee beelaysiga, dhaca, dilka iyo danaysiga ku dhisnayd. Xoreeyayaashii iyo badbaadiyayaashii USC waxay qaadeen jidkii Siyaad Barre, ayuu qoraagu yiri.

SIYAAD IYO MENGISTU

Qoraaga oo isbarbardhigaya labadii kalitaliye ee Itoobiya iyo Soomaaliya (Mengistu iyo Maxamed Siyaad) ee isu waqtiga jabhaduhu xukunka ka tuureen waxa uu yiri “waxay ay ahaayeen labo kalitaliye oo labada ay xukunka ka tuureen jabhado ay labadood midba kan kale ku hubeeyay balse Mengistu intaan jabhaduhu Addis Ababa soo gaarin ayuu taladii saaxiibbadiisa shisheeye maqlay oo dalka isaga baxay. Halka Siyaad Barre diiday talo walba oo loo soi jeediyay iyo walba oo loo la hadlay. Markii jabhaddu Filla Soomaaliya ku hareeray taangi ayuu uga baxsaday magaalada balse dibadda ma uusan aadine waxa uu ka soo jeestay degmadii beeshiidu degganayd halkaas oo uu 15 bilood joogay iskuna dayayay sidii uu mar labaad kursiga ugu soo noqon lahaa. Siyaad Barre intii uu degmada beeshiisa joogay waxa uu sheeganayay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka.

Sidaa oo kale mar uu isbarbardhigay jabhadihii Mengistu xukunka ka eryay iyo kuwii Siyaad Barre riday waxa uu ku Itoobiya ku sheegay in ay ahayeen jabhado waqti dheer halgamayay khibrad dheerna yeeshay sidaa oo kale muddo dheer ka talinayay qaybo dalka ka mid ah u na sameeyay maamul iyo kaladambayn, dhisayna iskoollo iyo goobo waxbarasho markii ay Addis qabsadeenna aan dad gooni beegsan magaaladana bililiqaysan ee kaliya xukunka la wareegay ayada oo aan Addis Ababa nolosheedu waxba isbeddalin hakadna ku imaan noloshada dadweynaha. Balse dhanka jabhadihii Siyaad Barre riday ay ahaayeen jabhado aan u diyaarsanayn in ay dalka maamulaan ciidankooduna ahaa kuwa aan anshax iyo kaladambayn lahayn. Sidaa kale waxay ragga hoggaaminayay waxay ahaayeen kuwa kaliya heshiis ku ah ridista Siyaad Barre laakiin wax kale heshiis ku ahayn nin walbana doonayay in uu asagu madaxweyne noqdo. Qoraagu waxa uu madaxdii jabhadaha ku tilmaamay rag aan isu tanaasul habayaraatee aqoon dayn iyo heellana ka lahayn dadkooda baaba’ayay. Waxa uu qoraagu ka sheekeeyay sidii madaxdii jabhaduhu ugu raaxaysanayeen hoteellada Addis Ababa iyo dalal shisheeye oo ay shirar dib u heshiisiineed u tageen halka dadkoodi iyo dalkoodi ku baaba’ayeen dagaallo ay raggaas hoggaaminayeen.

Si la mid ah buuggiisa kale ee “The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction” qalinka Danjire Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu mar walba la jiraa shacabka Soomaliyeed ee masaakiinta ah ee burburka iyo baaba’a hoggaamiyaashoodu u horseedeen. Qalinkiisuna waxa uu mar walba eedda dhibaatooyinka Soomaaliya dusha u saariyaa hoggaayayaashii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray asaga oo eedda iyo gefafka ka bariyeela shacabka Soomaaliyeed oo qalinka qoraagu mar walba damqasho iyo dhimrin u muujiyo.

WQ; Cali M. Diini

SHEEKOOYIN