FALANQAYN BUUGGA WAAYIHII WARSAME WQ; Cabdishakuur Jaamac

FALANQAYN BUUGGA WAAYIHII WARSAME

“Ninna ima taxaaboo anaa, tay ku meel mara’e.” -Cali-Dhuux Aadan

 

Buuggan lagu magacaabey isla shakhsiga sheekada doorka ugu sarreeya ka qaadanaya ee Warsame Faarax Wacays, wuxuu ku jirey buugaag gacanteyda soo galey sannadkii 2019 oo ay Laashin daabacdey. Waa buug ka kooban warqado 218 xabbo ah, waxaa qorey Cali Maxamed Diini, waxaana daabacdey madbacadda Laashin.

Sheekada waxay ku bilaabanaysaa Warsame oo ka soo doogay dhammaan wixii hagardaamo ahaa ee maalmuhu badeen. Isaga oo weydiinaya su’aal weyn oo ah; Tolow, haddii aan yeelan lahaa doorashada aan ifka ku imid ma iman lahaa? Dabcan maya, oo wuxuu aaminsanyahay in uu yahay qof ku yimid ifka doorasho iyo doonis Ilaah. Sidaas ayuu ku aamusinayaa farriimaha ay dabeecaddu u soo raacineyso biyaha Baasifigga ee uu dul fadhiyo. Wuxuu eersanayaa qaabka iyo hannaanka waxbarasheed ee dalkii (Soomaaliya) ka jira oo aan qofka la barin muddo labo iyo toban sano ah wax uu maalintiisa ku dhaafi karo, halka qaxootiga kula nool dalka uu ku nool yahay (Australia) ee ka yimid Eeshiyada kuwooda faqiirka iyo Afrikaanka kala midka ah dubka madow ay xirfadaha dheer yihiin oo ay masruufkooda iyo magaala jooggooda dhacsan karaan.

Haddii aad iskaga soo horbaxdaan gudaha Australia waxa aad wajigiisa ku arkeysa dhoollacaddeyn halka ay ka imaneysaa tahay qalbi weheshadey welwel iyo walaac nololeed. Waxa ugu weyn ee uu raadinayo ayaa ah ilmo siddiisa ku yimid adduunka doorasho la’aan, waa wiilkiisii Guuleed.

Warsame, su’aalaha neecawda baddu soo dirayso waxa uu isku dhaafinayaa heestii Ammaano ee hoobalka Cabdalla Yuusuf Hanuuniye qaado:
“Ammaanooy ku filan waayey
Ajaleey ku celin waayey
Arrineey ku goyn waayey.”

Waa gartii iyo gaddiis, ma uu laha awood uu ku celin karo kuna baajin karo ajal baxaysa waayo wuxuu baajin lahaa geerida uu ilaa imika ka ladi la’yahay ee Idil. Haddii uu arrin hagaajin karo wuxuu ka boodi lahaa siriqdii uu u dhigay Cabdiwaaxid. Wax badan ayuu habeyn lahaa….

Dhalashaddiisa waxa ay dib ugu noqoneysaa gobalka Mudug. Waa yaraanka labada wiil ee la walaalaha ah toddobada gabdhood ee ay hooyo Cibaado Warsame ifka keentay. Qoyska uu ka dhashey badankood way kala baaheen, reerka waxaa ku harey isaga oo ka wiil ah iyo labo gabdhood oo kale. Axmed oo ahaa wiilka kale ee uu noloshaan inkaaran ka weheshan jirey reerkana u ahaa isha kaliya ee u soo maaxata ayaa ku dhimanaya dhoollatus ciidan halka hablihii kale ee ay walaalaha ahaayeen lagu guursadey miyiga sidaasna reerku wuxuu ku tagay sagxadda oo waxa keli ah ee ay weheshanayaan waa xayn yar oo ari iyo dhowr rati, Warsame na imika waa laboxaniiyoodka kaliya ee ay eeganayaan Faarax Wacays iyo Cibaado.

Warsame isaga oo da’yar ayuu hoosta ka xarriiqayaa in uu ganafka ku dhufto nolosha baadiyaha ee aan hormarka laga sameyn, haldoor kaalin muuqda ka gala noloshana uu noqdo. Wuxuu dusha u ridanayaa mas’uuliyadda reerka ka dib dhimashaddii hooyaddiis.

Maalin ayuu tuulada tagayaa, wuxuu kula kulmayaa Burhaan oo hal gu’ ka weyn isaga. Burhaan wuxuu kula talinayaa saaxiibkiis in uu miyigaan iskaga soo tago, xoolahaan hal abaar ku filan tahayna uusan wakhti iyo waayo danbe iskaga lumin. Markii uu warsadey hawsha xoolaha u dhaanta wuxuu leeyahay war kaalay magaalada ka xoogso ama sideyda Kirishbooy noqo.

Gaalkacyo ayuu Xaajiyo-Khamsiin u soo raacayaa wuxuu halkaas ka furayaa bog cusub oo noloshiisa ah. Marka uu Gaalkacyo yimaado maqaaxi ayuu Kabalyeeri/Waytar ka noqonayaa. Kaskii nin garaad lihi ku meel mari lahaa ayuuadeegsanayaaa. Gelinna in uu shaqaysto kan kale na wax biirsado oo waxbarasho -diini iyo maadi- galo ayuu qorsheysanayaa.

Cali wuxuu sheekada ku soo gudbinayaa dhaqanka culimada Suufiyadu ku leeyihiin Gaalkacyo; waa dhaqanka Iskuulka iyo aqoonta maaddiga la cola ah -walow wax badan hadda iska beddalay dhaqankaa- haddana weli wuu jiraa.

Waxa kale oo uu Cali sheekada ku soo gudbinayaa sida ay culimada Wahaabiyadu uga faa’iideysato fursaddaas ay dayaceen Suufiyadu, dabadeedna hadba dhanka ay rabto u weeciso shookaanta nafta qofkaas adduun-araggiisu dhawyahay.

Noloshaas silloon ee deegaanka ka jirta ayuu Warsame ku korayaa waxna ku baranayaa. Maalin ayey dhacaysaa in wadaadkii Suufiga ahaa adeegsado awooddiisii diimeed dabadeedna dagaal ku qaado dhul laga dhisayey iskuul; dhiig maato ayaa halkaas ku qubanaya. Markii xaalku noqdey KAA DHIMAY OO KUGU DHIMAY ayey odayaddii garta ku goynayaan hadal murti ahaan aynu oran karno: gacmo geeljire hoos baa loo dhaqaa. Sidaas ayaa lagu dhammeeyey laguna illoobay dilkii maatida.

Jacaylka walaalnimada, is-weheshiga iyo wax-is-weydaarsiga ardeynimo ka bilaamba ayey Muna oo iskuulka ladhigataa uqaadeysaaa Warsame. Muna anshiga Warsame ayaa beerqaadaya. In ay ka ledi wayday baryahan ayey u sheegay, isna wakaa talo u doonanaya Cabdiwaaxid oo iskuulka maamule ka ah.
Dhaqankii badanka aadmiga lagu yaqaanney ee ‘U-QUURI-WAAGA’ ayaa ku dhalanaya Cabdiwaaxid, dabadeed ayuu u tafoxaydanayaaa kala geyntooda, aakhrikana meher iyo aroos ayuuba Muna u bandhigayaa Cabdiwaaxid, sidaas ayey iyaduna ku aaminaysaa, jacaylkii ay u qabtey Warsame na ku qubeysaa!

Warsame markii uu maqlo arooska Muna iyo Cabdiwaaxid  ayuu qolkiisi hoos ka soo xiranayaa oo caloolyow awgii heestii Tubeec shidanayaa. Waakaa ku cataabaya:
“Cabasha iyo caloolyoow
Ciil kaama bi’iyaan
Talo cayn wareegtana
La iskuma canaantee
Caqli iyo hubsiimaa
Cidhib loogu aayaa
Cidna eersan maayee…”

Warsame, Gaalkacyo iyo nolosheeddii kala-maanka ahayd ayuu ka dhoofayaa. Deeq waxbarasho oo uu ka helay dugsigiisii ayaa loogu dirayaa farac kale oo Muqdisho ku yaalla halkaas ayuuna ka galayaa Dugsi sare. Iskuulka laga qorey waa mid ardaydu seexdaan wax badanna loogu dhigo, haba ugu badnaato danihii la diimeeyey ee wadaadka WAHAABIGA ahi ka waday Xamar. Maalin ayaa barxadda iskuulka lagu soo shirinayaa ardayda, Warsame ayaa halkaa ku maqlaya wax uusan weligii fileyn, oo ah JIHAAD lagu qaado dadka dagaal oogayaasha ah ee Alle iyo Rasuul ka furtay.

Sidaas ayuu Warsame ku askaroobaya, jabhad ku noqonayaa oo Maxaakiimta uga biirayaa. Wuxuu noqonayaa jabhad aan aqoon -sida dhalliyaro badan- qofka cadowga ku ah iyo kan gacalka u ah!

Warsame intaas kama tagin damiirka iyo isweydiita su’aalaha.
Dagaallo badan ayuu galayaa, kuwo uu ku guuleystay oo lib ku geeraaray iyo qaar uu ku fashilmay! Haddii maalintiisii koowaad ruuxdiisu dagaalka ku dhaawacantay, waxaa markaan ku dhaawacmay jirkiisa. Dabiib ayaa loogu qaaday Kenya si lafihiisa loogu dhayo. Cidna hoos uma dhaadin sida ruuxdiisu u bugto iyo waxay ku dawoobeyso! Intaa uu Kenya u sii socdo waxa uu sii marayaa Dhoobley iyo dhulka Keenyaanku haystaan ee Waqooyi-Bari. aad ayuu u la yaabay sida ilaha dhaqaale ee Kiinyaanka ay uga arradan yihiin dadka halkaas jooga ee badankoodu aaminsan yihiin in ay Kiiniyaan yihiin.

Marka uu Nayroobi tago oo uu dhaawicii ka raysto nin rag ah taladii uu qaadan lahaa ayuu goostey; shaqo ayuu magaalada u raadsadey isaga oo aan cidna aqoon. Caasho islaan la yiraahdo ayuu baranayaa iyada ayaa aamineysa oo shaqo ka siineysa dukaankeeda, heer uu gaaro in qoyska iyo dukaankaba lagu aamino. Halkaas ayay isku baranayaann Idil.

Maalin isaga oo dhagaysanaya heesta Dajiya ee Xasan Aadan ayey iskula kaftamayaan erayo kooban; ballamo la isla tago halka ay fursadda ku heli karto Idil ayaa xigay. Halkaas ayeyna ka anbaqaadayaan nolol uu ka dhalan doono ilmo siddiisa aan dooran noloshan adduun ee kadeedan.

Isaga oo dareenkaas heesta Dajiya ka bilowday la jilaya Idil ayaa looga yeeray Xamar. Xamar oo aan Itoobiyaan joogin, ururkiisiina u kala jabay Shabaab, Xisbul-Islaam iyo dawladdii oo dhinac noqotey ayuu yimid. Alshabaab ayuu ka mid noqdey. Amiir ayaana looga dhigay koox amniyaat ah. Halkaas ayuu damiirkiisii su’aalaha is weydiin jirey ku aamusiyey cabsi. Warsame intii uu joogay talada Amnitaatka ayaa maalin loo qabtey xaflad meher-wadareed ah, waa xaflad lagu abaalinayo isaga iyo kooxdiisa, laguna guubaabinayo gumaad kale oo ay shacabka u geystaan; gabdho aan la weydiin marwo iyo madax-bannaan ka ay yihiin ayaa lagu wada mehriyey kooxdii Warsame, waa halka ay isku baranayaan Faa’iso. Faa’iso iyada oo xaas ah ayaa lagu mehriyey Warsame, isna maalintaas ayuu u arkay fursad uu uga goosan karo Alshabaab oo uusan ka dhex arkin wax mabda’ ah oo ay ku laynayaan dadka mar haddii Jihaadkii lagu saarayey Itoobiyaanka uu dhammaadey.

Faa’iso iyo Warsame waxa ay u baxsadeen Kenya. halkaas ayuu mar kale kula midoobayaa Idil. Faa’iso oo ahayd marwo nin qabo markii Shabaabku afduubteen ayuu odeygii qabey qoonsadey wuxuuna ku furey halkaas isaga oo ku tuhmaya in ay lumisey gabarnimaddii loogu guuriyey. Sidaas ayey Warsame iyo Faa’iso isku seegayaan oo qofba dhinac Nayroobi ka galayaa.

Warsame wuxuu u soo geed fariisanayaa Idil si uu nolosha u la midoobo go’aankaasna waxaa ku gacansayraya waalidkii Idil gaar ahaan aabbeheed. Waataa iyana warqad ay ku sagootineyso reerkeeda labo toddobaad ka dib miiska u saartey oo guriga ka guurtey. Warqadda nuxurkeedu waxa uu ahaa: in haddii sifo sharci ah oo xalaal ah ay u soo mareen guurkooda wax sabab ah oo sharciyana loo waayey diidmadooda uu sharcigu isku banneeyey ay sidaas isku guursadeen iyada iyo Warsame Nayroobina xaafad ka degeen, waxa kaliya ee ay u baahanyihiinna tahay ducada waalidka.

Warsame iyo Idil noloshii ay kabkabeen waxaa kala daadinaya Xaaji Doolaal oo Idil dhaley. Warsame iyo Idil ayaa aroor hore lagu soo jabinayaa guriga, Warsame na waa la xirayaa. Halkaas ayuu muddo ku xirnaanayaa maxkamad la’aan. Ka dib Faa’iso oo Kanada gashey ayaa wiil habaryarteed dhashey u direysa Warsame dabadeed na qareen ayuu u qabanayaa muddo ka dibna dib ayuu Warsame u xoroobayaa. Waxaase markaan loo tarxiilayaa Dhoobley! Halkaas ayaa isaga iyo Idil ku kala abaadayaan.

Isaga oo Dhoobley jooga ayey subax soo wacaysaa Idil oo u sheegaysaa in ay tahriibeyso meeshaas ayayna ku go’aysaa duntii isku haysey labadooda.
Isaga oo nabdiga ku haya “Waa la isku soo noqon wixii nool adduunyada.” Ayuu ku sagootinayaa heestii Taar ee Lafoole:
“Ilaahay dhantaalkiyo
Kuma tuso dhibaatee
Ayaan dhalad nasiibliyo
Mid hoodo leh ha kaa dhigo……”

Ayaan ka dib ayuu war raadeeya noloshiisa danbe ka maqlaya laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Waa war sheegaya geerida dad tahriibayaal ah oo badweynta ku waayey naftooda iyo riyooyinkii ay lahaayeen. Dadka dhintey ayuu magaceeda ka dhex helayaa markaas ayuu heestii Maxamed Jaamac Joof ku calaacalayaa:
“Ajashaadii baa idlaatoo
Amarka Allaa lahaayee,
Ooyoo ilmadeydu idlaatoo
Rabbi wuu inna kala ilaalshee
Aawadaa adduunba eedoo
Idileen ifkii baan ku oodnahay 
Allaystayee,
Aakhiraa aan kuugu imaaneey
Aakhiraa aan kuugu imaaneey…”

Cali wuxuu buugga ku soo gudbinayaaa doorka haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nolosha ragga iyo tan qoyskaba. Wuxuu tiraab ahaan noogu soo gudbinayaa maahmaahdii ahayd: Ninka iyo jiilaalku waa lagdamayaan, kii HAWEENAYDU raacdo ayaana guulaysanaya. Tusaale waxaa kuugu filan sida ay door uga qaadanayaan sheekada dhowrka haween ee ku jira; sida jacaylkiisi Idil, hooyadeed iyo gabadha u keenaysa wiilkiisa Guuleed ee Faa’iso.

Wuxuu beeninayaa hadalka beenta ah ee yiraahda; Soomaalidu been waa sheegtaa laakiin been kuma maahmaahdo. Wuxuu is weydiinayaa runnimada maahmaahda ah “abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween.” Mar haddii Faa’iso oo haween ah uu abaal u galay iyana ay gudday oo ay abaal weyn ku leedahay noloshiisa, maahmaahdaasi sow been ma ahan?

Farriimaha kale ee Cali ku soo gudbinayo buugga waxaa ka mid ah in QOFKA ku XUMEEYA aan laga cadgoosan marka dantu ciisho ama nabsiga gaabiyaa gurguurasho ugu yimaado oo aan siddii Cali-Dhuux la oran “waa lagu digtaa ruux, hadduu kuu darnaan jiraye” oo uu dhaqankaasi gunnimo yahay.

farriimaha kale ee buuggu sido waxaa ka mid ah in akhristaha si dhugmo leh u dhuuxa buuggu uu arki karayo koboca maskaxeed ee Warsame samaynayo marba marka ka dambeeya. Tusaale ahaan marka Burhaan ku yiraahdo Warsame “kaalay magaalada imow oo Kirishbooy noqo” waxa uu Warsame ugu warcelinayaa Burhaan “intii aan Kirishbooy noqon lahaa miyaanan baabuurka gadan karin oo milkile noqon karin?”

Mar kale, marka Shiikh Cabdi oo Shiikhiisi ahaa uu Warsame uga dayriyo waxbarashada iskuulka waxa uu Warsame Shiikh Cabdi waydiinayaa “miyaan Nabi Muxammad (scw) muslimiinta ku oran aqoonta u raadsada oo u socdaala ilaa Shiinaha”?

Mar kale, ayuu Warsame waydiimo dul dhigayaa habdhaqanka kooxda oo askariga u yahay taas oo ugu dambayn uu ka baxsanayo.

Professor Cali Jimcaale Axmed oo buugga markii uu akhriyay aragtidiisa ka dhiibtay waxa uu Warsame ku tilmaamay sidii qof “maankiisa dab qabsaday” oo kale.

Ugu dambayn, WAAYIHII WARSAME waxa uu ka warramayaa mawduucyo culculus oo Soomaalida badankeedu indhaha ka dadbayaan. Waxa uu farta ku fiiqayaa oo toosh ku ifinayaa dhimaallo dhex ceegaaga dhaqanka Soomaalida iyo habnololeedkeedaba, isaga oo carinaya maanka iyo garaadka Soomaalida. Waxa uu sidaa oo kale warinayaa sooyaal xanuun badan Soomaalidu soo martay.

 

Waxaa qoray Cabdishakuur Jaamac

SHEEKOOYIN