FARXADDU IIB MAAHA Q/15AAD

FARXADDU IIB MAAHA Q/15AAD

Odayadii iyo wiilkii yaraa markii la marti sooray kaddib ayuu Keyse weyddiiyay bal in ay u sheegaan magaca wiilkaan Aabbihiis, waxa ay ku dhaheen waxa la yiraahdaa Cumar waxaana loogu magac daray Awoowgii Xaaji Cumar Warfaa Rooble.
Intaa kaddib Keyse Cali Coon waa uu iska ilmeeyay wiilkii ayuuna isku duubay asagoo leh Alla kani waa walaalkey.
Wiilkii yaraa ee Cumar Cali ayaa yiri:” Walaalkeeyoow aamus oo ha ooynin Ibni’aadam is waayay arin baa kala geysay Aabbo Alle ha u naxariisto waxaan kaloo rabaa inaan kuu sheego Hooyadeey ayadoo ilmeynryso ayaan kasoo tagay si aan kuu helo, hadda maaddaama aan ku helay aan ku helay in aan si degdeg ah ugu laabto adiguna aad i raacdo.
Keyse ayaa hadalkii qaatay oo yiri: “Waan ku raacayaa waxaan rabaa marka hore inaan reerka ku kala baro kuu guuroyo maadaama aad tabar gashay  ka dibna aan aan Hooyo u tagno adigoo reer leh hadii ay macquul tahayna aan Hooyo iyo helka xaga  ka joogo soo rarno noloshoodana aan kafaalo qaado aniga.
Cumar ayaa dhahay waa talo fiican laakiin mid baa jirto oo ah, odayaashaan ila socda waa ehelka kaliya ee aan adduunka ku leeyahay  taladana wax bay ka leeyihiin  oo anigu go’aan  ay ka maqan yihiin ma gaari karo ee aan hadalka siino anigoo uga danbeyn doona wax walba ay noo go’aanshaan.
Odayaashii oo goobta fadhiyay farxad darteedna la aamusnaa sababtoo ah waxa ay fuliyeen dardaarankii Cali Coon oo ahaa ninkii ay ayagu badbaadiyeen asagoo badda ku dhiman lahaa kaddibna ayaga dib u soo badbaadiyay oo meel iskugu keenay.
Odaygii u weynaa oo la odhan jidhay Faarax ayaa hadalkii qaatay oo yiri: “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay Keysoow walaalkaagaan  waa wiilkeenii oo dhib la’aan aan dhalnay, mar haddaan isku kiin helnay loo noqon maayo  hadalkaad tiri  balse arrinta guurka Cumar dib ha loo dhigo oo arooskiisa waa in ay reerka dhan goob joog ahaadaan, waxaa kaloo jirta Caado iyo dhaqan noo gaar ah,  taasna waxa ay u baahan tahay maaddaama aan isku dad iyo diin nahay haddana waxa dhici karta inaad la yaab idinku noqoto.
Oday Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:  “Wax sidaa u weyn ma aha  maalinta la galbinayo ayaa  lix Wiil iyo Afar gabdhood  ulal sarbiya loo dhiibayaa wiilka iyo gabarta arooskaa ilaa aqalkooda ka tagaan waa la garaacayaa lama ogola iney ordaan ama cabaadaan ayagoo gacmaha is heysto oo laafyoonaya waa in ay aqalkooda galaan, haddii ay dhacdo in labadooda midkood cararo  gaar ahaan wiilka arooskaas waa u dhamaatay isma geeyaan inta badan gabarta waa loo qiil dayaa wiilka ayaa laga rabaa inuu isku dhigo usha loo wado guusha guurka sodon ul baa ka horreysa.
Keyse oo si quman ula socday aadna ula yaaban ayaa yiri: “Waxaan filaa walaalkey Cumar maaddaana uu yaqaan dhaqankaas inuu diyaar u yahay, balse anaga dhaqan guurka ku saabsan ee aan leenahay ul kuma jirto gabadha waxaa laga dhiibaa Tiro Geel ah iyo baarqabkood maalinkaas xoolaha la geynayo wiilka waxaa laga rabaa inuu kaligiis ceelka geeyo kaddibna intaan qoraxda dhicin Geelliyoo soo wabxay soona daaqay oo aan la soo eryin keeno wiilkii intaa fulin waayo gabarteenaa ma geeyo.
Odayaashii indho  ayaa kasoo haray waxey dhaheen war bal u kaadiya oo xal kale ha la keeno Cumar waa Badmaax bar xoolaadna ugaar ayuu ka af yaqaan oo kama soo bixi karo sharuudaas.
Keyse ayaa hadalkii qaatay oo dhahay dhib ma laha waa la barayaa sida geella loo dhaqdo ee marka hore aan isku waafaqno meeshaan tallo ka billaabi laheyn.
Oday Faarax ayaa yiri: “Talo waa tii Alle waa soo guureynaa laakiin waxaan dagi doonaa meesha idiinku dhaw ee xeebta agteeda ah, waayo bad la’aan ma noolaan karo si aan nolosheenii horana u wadano tan cusubna ula jaan qaadno, tan kale soo guiritaankeena sahal ma aha oo hanti aan la qiyaasi karin oo dahab iyo dheemman ah ayaa noo yaala halka aan hadda deganahay oo u baahan meel ammaan ah.
Taas oo aan aqoon meesha ay hadda ay taalo meel uga ammaan badan oo waxaa difaac noo ah biyo oo dhan walba naga xiga, damaanad qaadkeeda in laga fikiro ayey u baahan tahay.
Keyse ayaa yiri: “Hanti adduunyo anigeey i ag taal oo Alle iigu deeqay  ee wixii la soo qaadi karo ha la soo qaado, wixii kale oo ka haro meeshooda ha yaalaan oo sannadkiiba mar ayaan soo rareynaa,  waxaan kaloo rabaa Qabriga Aabbahey inaan soo siyaarto una soo duceeyo.
Oday Faarax ayaa ku yiri: ” Waa hagaag  Keysoow majo dhooqo marba mid ayaa la siibaa Degaameynta yada wax sahlan maaha oo sida aad ogtahay anagu waxaan nahay Dabato inyar ayaan ka naqaan dhaqanka Raacatada iyo Qodatada marar badan ayaan la kulmay dhul iska bannaan oo aan xagaa bax iskaga joognay dad sheeganaayo oo leh anaga ayaa iska leh hadda waa duur cidlo ah marka xeeb aad idinku leedihiin noo sahmi, oo aan halkaa guryo ka dhisano muddo kaddibna anagaa iskala qabsan doona.
Keyse ayaa yiri: ” Waa gar idinka baxay dhulkaan anigaa hadda ka taliyo waxaa dega labo qabiil oo waaweyn Illaahaa weynoo waaxid ah, labadaba anigaa ka dhashay cid aad kaga cabsataan ama idin dulmiso ma dhici doonto ee rag baan idinku darayaa waaga markii uu baryo ee soo sahansada meesha aad is leedihiin waa idin anfacee deegaan ahaan arrinka guurka iyo guuristaba dib noogu dhiga.
Dhamaantood waxa ay isku raaceen in marka hore sahan la galo Cumar iyo awoowayaashiis iyo Keyse iyo Raggiisa ay tagaan meesha ay hadda dagan yihiin Keysana soo siyaarto qabrigga Aabbihiis, sidaas ayaa lagu afar afareystay.
 Keyse maalinkaa waxa ay u aheyd waa’cusub oo u baryay isla markii kulanka dhamaaday oo agaasimay meeshii ay caawa seexan sadaxda oday ayuu Cumar yare waa walaalkiis inta uu gacanta ka qabtay ula dhaqaaqay gurigii ay Hooyadiis deganeyd asagoo farxadda wajigiisa ka muuqata ay cid walba ka dheehan karto.
La soco Qeybah xiga
 
W/Q CABDULLE Cabdikariim (Jallaato

 

SHEEKOOYIN