FARXADDU IIB MAAHA Q/9AAD

 

FARXADDU IIB MAAHA Q/9AAD

Maalinkaa waxaa ka soo warreegtay sideed sanno,  sadax maalin ka hor ayaan ka war helay iney nooshahay magaaladaan joogto,  waliba nin lacagleey ah oo la yiraahdo Raagge uu qabo, ninkana waa adiga i hor fadhiya xaaskaaga waa xaaskeyga. Raagge markii intaa maqlay wadno xanuun ayaa ku soo booday isbitaal ayaa loo cararay.

Saacado markii lala rafanayay inuu wadnihiisa dib u shaqeeyo, waa lagu guuleystay in dib uu u shaqeeyo, qeybta gargaarka gaarka ayaa loo gudbiyay, asaga ii mashiino ku xiran yihiin uu sida ka neefta iyo kuwa dhaqdhaqaaqyada dhiiga,sonkorta  iyo wadnaha, waxaa goobta isbitaalka iskugu yimid dad fara badan oo asxaabta Raagge iyo ehelkiisa waxaana loo cid diray labadiisa xaas.
Dadka goobta iskugu yimid xaqiiqda iyo sida wax u dhaceen waxa ay ahaayeen kuwa ayagu is weydiinaya sida wax u dhaceen,  waxaase meel gooniya taagnaa ninkii socotada ahaa oo talo farahiisa ka baxday,  cid uu yaqaano iyo cid wareysana aysan jirin.
Dhaqaatiirtii mid ka mid ayaa dadka ugu bishaareeyay inuu soo fiicnaaanayo balse ay qasab tahay,  inuu maalmo joogo loona baahan yahay ehelkiisa qaaska ah sida hooyo iyo aabbo ama xaaskiisa iyo walaalo. Intaa markey afkiisa ka dhamaatay ayaa xaaskii weynaa oo dhididka sida riobka uga da’aayo soo gashay, markaas ayey af labadii dhawaaqday aaway ninkeyga?maxaa ku dhacay?ma dhintay ma noolyahay? yaa dilay? sidey wax u gaareen? Iyo su’aal  is dabo joog ah, oo loo meel dayin  fursad loogu jawaabo ma aysan dhiibin.
Dhaqtarkii dadka la hadlaayay ayaa gacanta ka qabtay oo ku yiri: “Is daji ninkaaga cidna ma dilin waa fiican yahay,  iminkana waad arki kartaa laakiin buuq iyo qeylo ma lio baahno sababtoo ah waxa uu qarka u fuulay inuu wadnaha istaago,  haddaad u naxeysid daganaanta ugu dadaal wax su’aal ahna ha weydiin.
Markii la dajiyay ayaa loo gudbiyay si ay u booqato,  laakiin nasiib daro markii uu indhaha ka qaaday xaaskii weynaa ayaa lagu soo booday oo mar labaad loola cararay qeybta gargaarka degdega,   sadax saacadood kaddib waxaa lagu guuleystay inuu caadi noqdo hadalkii ugu horreeyay uu yiri: ” Waxa uu ahaa aaway xaaskeygii inaan la hadlo ayaan rabaa? Kolkii looga taagwaayay ayaa loo keenay inta gacanta ka qabtay ayuu hadal uga bilaabay walaaley i cafi aakhiro iyo adduun nabsigii aan kaa galay ayaan maanta sariir u saaranahay, waxaad aheyd dhibane aan loo boogo dhayin, waxaan raacay oo i hoggaamiyay hawadeyda wax walbo oo aan kugu sameeyay, hadda ayaan ka qoomameynayaa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen, intaan na dul qaadkaada ayaad ku soo gaartay.
Wixii maanta igu dhacay dib ayaan kaaga sheegi doonaa balse mid ayaan rabaa inaan hadda kuu sheego,  maanta markii isbitaalka la i keenay ka hor nin baan kulanay warkii uu ii sheegay naxdintii aan ka qaaday ayaan wadnaha i istaagi gaaray oo waa miir daboolmay, intii ay dhaqaatiirta i daweynayeen waxaan ku dhax jiray riyooyin mugdi waxaa iigu darneyd inaan cadaabka ku jiray,  aniga iyo qaar ka mid ah, la taliyaaasheyda,OO cagaha la inaga tumaayay, si daran oo xanuun badan.
 Cadaabkaa waxaan ku muteystay godobtii aan kaa galay waxaan ahaa mid xaalad madluun ah ku jira,  anigoo ku fakaraaya yaa mar adduunka kuu celsha oo meeshaan kaa saara aad raali gareysid waxaan kuu geystay, ayaan indhaha kala qaaday adigoo i kor taagan, qacdii aan dhahay meeshii aan kasoo laabtay ayaan ku noqday.
Xaaladdaa cakiran anigoo dhax taagan,  ayaad gacanta iga soo qabatay oo aad iga soo jiiday godkii madoobaa aan ku sii socday, nasiibdaro culeyskeyga waad awoodi weyday inaad iga soo saarto,   waxaa igu soo xoomay masas waaweyn oo midkiiba leeyahay sadax madax oo dhinac walbo iiga yimid, markaas baan kugu dhahay anigu tagay adigu baxso,; adigana waad igu madax adeygtay oo waa igu diiday inaad lafahaaga la baxsato,  markii maskii ugu horreeyay igu soo dhawaaday ayaan damcay inaan gacantaada iska fujiyo,  si jasto oo aan awoodeyda iskugu geeyay waan kari waayay inaan iska jaa fujiyo,  anigoo quus joogo ayaa  shanteyda cunug yimaadeen hal mar ayey labadeenaba nasoo dhufteen oo banaanka noo soo saareen markaas ayaan indhaha ksla qaaday mar kale adiga iyo carruurteydii waan arki waayay,  waxaa i dul taagnaa dhaqaatiir faro badan,  sababta ay ii dul taagan yihiin shaki baa iiga jiray godkii aad iga soo bixiseen iyo sarriirta aan saaranahay iyo idinkoo aan idin arki waayay waxaan noqday maqane jooge.
Sidii aan u baryaayay ayey ii ogolaadeen inaan ku arko waayo ayagu ma oga riyada baas ee aan ku dhax jiray iyo wixii aan la kulmay, si kastaba arrinku ha ahaadee waxaan kaa codsanayaa inaad i cafiso hantideyda oo dhan aad la wareegto.
Xaaska Raage oo si quman u dhageysaneysay ayaa ku tiri: “Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, Raggoow waxaan nahay labo qofood oo xaq isku leh, isla soo qaday iska soo quutay, maanta waxaad tahay bukaan waxaanse rabaa marka hore inaan ku weydiiyo hal su’aal oo ah.

La soco qeybaha xiga

W/Q; Cabdulle Cabdi Kariim (JALLAATO)

SHEEKOOYIN