Filan waa Q14AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q14AAD

Maxamed xili maqribkii ah ayuu xaafadda ku soo laabtay isagoo aad ugu xiiso qaba codkii dabacsanaa ee deeqa, markuu guriga yimid, wuxuu damcay inuu waco lambarkii Deeqa, nasiib daro Telefoonkii wax shanqadha wuu ka waayay, cilad farsamo owgeed, fiilo ayaa meel kago’day, wakhtigaana shaqaalihii shirkadu way rawaxeen, yaab…..

Maxamed intuu orday ayuu horay u aaday Baranji wiil ay saaxiibo ahaayeen uu lahaa oo ku yaalay Xaafaa Irid Aamin.

Kaddib xaruntii shirkadda ayuu ka wacay una sheegay in Telfoonka Lambarkiisu yahay ———– aanu shaqaynayn, sababta uu wargaliyayna waxay ahayd in bari lagu daro Telfoonada ciladaysan si galinka hore loogu hagaajiyo, intaa ka bacdi lambarkii Deeqa ayuu garaacay, nasiib daro waxaa ka qabatay qof dumara, salaan kaddib wuxuu waydiiyay deeqa, ma joogto ayaa loogu jawaabay, waxaana loo raaciyay, maandhow Kool dibada ah ayaan sugayaynaa ee mar dambana Telfoonka ha soo garaacin.

Maxamed oo talo ayaa ku cadaatay, isla markaana ka xun sida ay wax udhaceen ayaa gurigoodi ku soo laabtay, dhalin yaradii xaafada oo ay maal mahan kala baadeen ayuu cabaar la caweysimay, kadibna wuu iska seexday.

Deeqa habeenkaas waxay magaalada uraacday, gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo usocotay foto Alfa, sidookalana Idaacada waraaqo tahniyad dhalasho ah uwaday, laakin way ku soo daaheen.

Markii ay deeqa guriga timid, ayay horay ka wacday lambarkii Maxamed si ay ugu sheegto inay caawa magaalada ku maqnayd, balse telfoonku wuu iska dhacaayay, dhowr jeer ayay ku celcelisay, nasiib xumo lagama qabanin.

Deeqa way shakiday, waxayba istiri maadaama aad magaalada ku soo daahday, malagayaaba Maxamed inuu kaa xanaaqay, marna waxay iska dhaadhicisay wiilal guriga jooga oo dadk telfoonka soo waca ku cayaara, inay caawa dhibeen, dhawr jeer ayay ku celcelisay markay quusatay oo dani urun sheegtay ayay iska seexatay hurdo aanay xiiso uhayn.

Deeqa aad ayay ugu hanwaynayd inay is helaan Maxamed, waliba waxay danaynaysay arrintii uu galabta ka dhawaajiyay.

8:00 subaxnimo ayuu Maxamed Xafiiska Shirkada ku kalahay, isaga oo doonaya inuu ku adkeeyo fariintii xalay, si maanta galinka horeTelfoonka loogu hagaajiyo, nasiib wanaag wax yar kadib laba nin oo shaqaalaha shirkada kamida ayaa lasoo raaciyay, ilbidhiqsiyaba way hagaajiyeen Telfoonkii ciladaysnaa,Maxamed mar kaasu garaacitaan ku bilaabay lambarkii Deeqa.

Deeqa oo huraday ayaa ku kacday dhawaqa Telfoonka dhacayaa oo qabatay, salaan kadib, Deeqa waxay waydiisay wixii xalay dhacay?

Maxamed siwanaagsan ayuu ugu sharxay sidii ay wax udhaceen, sidoo kale wuxuu ka raali galiyay cilada farsmo ee ku timid Telfoonka laynlaynka ah, Deeqa lafteeda oo yaabanayd isla markaana ka baqaysay in daalac loo raacdoo, ayaa ku faraxday markay ogaaday in ayna wax dhibi xageeda ka jirin, ka dibna sheeko mudo saadacada qaadatay ayay Telfoonka ku wada hadleen, gaba gabadiina waxaa laysku afgartay inay caawa fiidkii ay kulmaan, si ay arrimo khaasa uga wada hadlaan, waxaana lagu balamay 7:00 Fiidnimo.

Balse wax yar kadib ayay Deeqa telfoonkii ku soo celisay Maxamed, waxayna usheegtay in gurigii ay habenkii hore ku kulmeen in caawa lajoogo, sidaa darteed waxay Maxamed ka codsatay inuu 6:00 PM yimaado si wakhtigaa gaaban ukala war qaadaan, wixi jirana uga wada hadlaan, waxay intaa uraacisay inuu wakhtiga ilaaliyo iskuna soo beego xiligaas si ay uga faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah.

Maxamed waxa ka go’an inuu sidhaba wax ugu sheego caawa, isla markaana shaaca ka qaado waxa uu damacsanyahay oo ah inay xidhiidh gaara wada yeeshaan labadoodu.

Deeqa laflaydu waxay rajaynaysa inay waxbadani isbadali doonaan, lagana gudbi doonoo sheekadan walaaltinimada ku salaysan, waxay aaminsantahay in lajoogo xili ku haboon in ay aragto waxa maankeeda ka dhaxguuxaya.

Shaki kuma jiro inay Deeqa siwayn ula dhacsan tahay barashada Maxamed, waxaana durba saldhig ku meelgaara qalbigeeda ka dhigtay damac iyo dareen jacayl.

Xiligii balanta markii la gaadhay Maxamed intuu labistay ayuu horay ka aaday xaafada Dhagax jabis oo ah halka uu ku yaalo guriga lagu balansanaa, Deeqa oo ganjeelka aqalka ku diyaara ayuu tagay, soo dhawayn iyo salaan kadib, qol guriga kamida oo siwanaagsan loo siihabeeyay ayay galeen, sheeko badan wakhti looma hayo, ujeedadii kulanka caawa iyo Maxamed oo shalay iyo maantaba ka dhawaajiyay inuu wax cusub hayo ayaa hadalkii ku bilaabay.

Intaa ha inoo joogto, lasoco qaybaha dambe…..

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN