Go’ay oo Guur xumaystay! W/Q: Amina Abdillaahi

sh

Go’ay oo Guur xumaystay!

Waa Galab jimce ah, saacadu waa 4:30 Galabnimo.waa Jewi deggan Cirka Daruuro ayaa hoganaaya.Qorrax badani ma jirto, neecaw qabow ayaa dhacaysa.waaMaalin fasaxa, oo dadku ka nasteen shaqooyinkoodii. Ardayda iskuuladuna ay fasax yihiin.
Gelinka hore marka la soo cibaadaysto, ka dambena booqashooyin ayaa loo baxa. Asxaabta iyo ehelka ayaa loo taga, maadama ayaamaha kale aan cidi is haleelayn.

Maalintaa anigu waxa aan ku socday Suuqa, oo aan dan u lahaa, meel isgoysa ah oo Basaska laga raaco ayaan imid, goobta waxaa joogay laba nin, iyo gabadh ilmo yar xambaarsan, dhawr Bas ayaa na dhaafay, oo buuxay. nimankii bas buuxa ayay raaceen way istaageen oo albaabka ayay qabsadeen.

Aniga iyo gabadhii ayaa meeshii ku soo hadhnay, Ilmaha yari wuu ooyayaa, oo marba Naaska ayey afka ugelinaysay, si ay ugu aamusiiso, Xijaab dhamaystiran iyo Niqaam ayey gashan tahay, Waxa aana waydiiyay, ilmaha yar innuu xannuunsanayo jaqaaqdiisi markan ka yaabay.
Waxa ay igu tidhi:” wuu gaajoonaayaa, oo naaskana caano wuu kawaayay, inta markay tidhi:” ayuu baskii soo istaagay.
Nasiib wanaag laba kursi oo isku xiga, ayaan fadhiisanay, Canugii yara ayay xijaabkii kor uga qaaday oo iftiinka u soo saartay.
Isla markaan jaleecay waa gabdhyar oo ilaa 8 bilood jirta oo aad qurux badan, balse midabka Soomaalida maysan lahayn.
waa ilmo yar oo cad, oo timo madmadow oo jilicsan leh, isla markiiba hooyadeed ayaan waydiiyay qofkan yar ma soomaaliba?
Waxa ay igu jawaabtay:” maya ee mahaa, balse waa Yemeni, hadal kale iyada oo aan iga sugin, ayay igu tidhi:” taleefoonkaga Lacagi ma kuugu jirtaa? Haa, haa way igu jirta walaal. Lambar ayay ii yeedhisay waan ugaraacay, waa laga qabtay, waxa ay tidhi:” Hooyo macan waa Samsam ii waran sidee tahay.
Intaa markay tidhi:” inantii hadal dambe kamuu soo bixin, dhegta uunn bay iskaga haysay. Mar dambe ayuu haddal ka soo baxay. iyada oo leh hooyo isaamax waan kuu imanayaaye.
Intaa markay tidhi:”wuu go’ay lambarkii. Istaankii baska ayaannu soo gaadhnay, waanu ka daadegnay. Gabadha wejigeeda murugo ayaa ka muuqatay, oohin ayaa indheheeda isku soo taagaysay.
Waannu israacnay, oo Kafateeriya ayaanu tagnay. sifiican ayaanu isku fahanay, waxa ay iga xog warantay dhibtada haysata.

Waxa ay guursatay Nin Yamani ah oo ay is qabeen muddo labo sano ah, inta ay wada noolaayeen, khilaaf badan ayaa hadheeyay noloshoodii oo dhan. Xidhiidhkii ay lalahayd, qoyskooda ayaa gebi ahaanba meeshii ka baxay,
marka laga reebo taleefoon ay kuwada hadlaan.

Yamaniga markii ay guursanaysay, reerkoodu way u diideen, oo aabeheed dhaar ayuu ka maray in aannu kula xididin, wax kasta hadday dhacan, balse, may oofin ballantii waalidkeed, Sidii ayuu xidhiidhkoodii u socday.
Maalin maalmaha ka mida, ayay go’aansatay innay tahriibto, maadama ninkii ay jeclayd loo diiday. markii ay maraysay Jigjiga, ayay reerkoodii ogaadeen, reerahooda qaar jigjiga deganaa, ayey la soo hadleen waalidkeed, si ay ugu qabtaan, kuwii ayaa ugu yimid  istaanka adis-ababa looga baxo oo guryohoodii geeyay, kuna simay aabbeheed.

Hargaysa markii la keenay, ee gurigoodii ay timid, walaasheed ayaa xog waraysatay, oo waydiisay waxa ku kaliifay Tahriibka?
Si fiican ayay u sheegtay, wixii jiray oo daaha uga qaaday, wax kasta oo laabteeda ku jiray,  gabadhii hooyadeed ayay ku warcelisay, inay inantu weli jeceshahay Carabkii, dartiina ay u tahriibtay. islaantiina xaajigii ayay warkii u ula carartay, oo degdeg ku gaadhsiisay fariintii.
Odaygii Qaraar dambe ayuu gadhay, kaaso ah gabadhiisa innu ku daro ninka, sidaas ayay reerkii qoysku noqdeen oo isku guursadeen. Gabadhu waxa ay dareen qiiro leh igaga warantay, sidii; uu ula dhaqmay wakhtigii ay la noolayd, markuu muddo yar qabay inuu ku yidhi:” qof ashahaata gurigayga ma soo geli karo, xataa may ahaadaan walaalaha, iyo hooyada.
Dibad uma bixi kartid, albaabka ma furi kartid, dukaanka kuu dhow waxba kama soo iibsan kartid, Uur na way yeelatay, ba’eedii iyo siliceedii waayaheedii iyo waxkasta oo ay qabtay laabta ayay ku haysatay.

Qoyskoodii waxba umay sheegin, oo waxa ay ka baqday in lacanaanto, oo galdalooloyinkii markii hore loogu diidayay, ay soo baxaan. Nasiib wannaag reerkoodu waxa dhacaya ma oga. Sababtuna waxa ay tahay, way ka xishoonayeen inay soo boqdaan gabadhooda, maadama ay ku jirto hal Maqsin, ninkiina joogo sidaas darteed cidi ugama timaado xaafaddooda.

 

Taleefoonka ayuun bey ku kala warqaataan, markay ku dhehaan noo kaalay na, waxa ay ugu jawaabta waan idiin imandoona bishu markay dhamaato, halmar ayuu tagsi soo kireeya, oo labadooda oo wada socdaa ay reerka u tagaan.
Cabudhinta waxa u dheer hanjabad. Guriga wax cunto ah laguma kariyo, marka laga reebo,maalinta jimcaha ah. Wakhtiyada kale cuntada meheradiisa ayuu ka soo qaada, Khubus iyo Sharaab, balse inantu way la qabsan wayday Cuntada Carabta, gabadha ay guriga kuwada jiraan ayay wax la cuntaa, marka uu ka maqan yahay.

Laba sano iyo dheeraad, markay ku jirtay noloshaa adag, oo muddana oohin iyo ciil ay ku noolayd, waxa ay fahmi wayday dhaqankiisii, intana ay samraysay oo ay is lahayd umadax buuxi ninkaaga maalin ayuu ku fahmi doonayee,dartiina  reerkoodii uga go’day Ayay qaadatay go’aan adag oo ay kaga soo dhaqaajisay gurigiisa.
Markaan qoraalkan ka diyaarinayay, haddal aan aad ula qiirooday, ayey igu tidhi:” kaasoo ahaa
Guur waa Rag Soomaaliyeed.
Gobna waa rag Soomaaliyeed.
Dhamaad.
W\Q: Amina

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.