“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

                                                   “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 13aad

 

Hubaal in jawigu sidan uu ka duwanaan lahaa, ahaana lahaa Jawi aan wanaagsanayn, natiijadiisana laga yaabo in qof labadooda ka mid ah uu ku baxo, balse, ogaal la’aanta hinda ayaa sababtay baa la dhihi karay in uu suura galo jawigan wax wada qaybisga nolosha looga hadlayo.

Sheeko wanaagsan oo dagan oo is ixtiraam iyo xishood ka muuqdo ayaa meesha ku dhex martay labadooda, Hinda halkii laga rabay in ay Sheekha waydiiso tuhunka ay qabto, waxaa kaga tan batay Haybadda uu sheekha leeyahay, Aftahannimadiisa, Naxariista hadalkiisa, iyo sida uu u dareensiinayo in ay hinda tahay Qaali ayaa sabab u noqtay aamusnaanteeda, afkeedana kama soo baxeen  wax aan ka ahayn raali galinta ama u  muujinta ay muujinayso Wadaadka waxa uu doonayo in ay raali ka tahay, waxuuna kulankaas kusoo dhamaaday Jawi dagan oo labada dhinacba qanaaco galshay.

C/casiis isaga qorshihiisa waa u hirgalay, wuxuuna cagta saaray waddadi uu ku sixi lahaa qaladkii uu horay u galay, waxaana la dhihi karaa dhib la’aan ama caqabad la’aan ayuu waddadaas ku soconayaa, maadaama kulankii ugu horeyay uu u dhacay sida uu rabay, hindana faham ahaan uu hantay.

Aqriste aan dib kuu xusuusiyo in hinda ay rag badan la koodday C/casiis ka hor waxna aysan isla meel dhigin, mid walbana marka ay howshu meel xasaasi ah ay marayso ay ka kala firdhanaysay, haddase waa kulankii ugu horeyey ee ay la yeelato C/casiis, waxayna u muuqataa in wax walba la isku af gartay, waxaana loo ballamay kullamo kale oo lagu gorfeeyo howlaha dhiman.

Waxaa la iskugu soo laabtay kulan kale oo lagu gorfaynayo markan qaybtii ugu dambaysay ee Masiirka labadooda ah, waxaana meesha hadalka daadihiye ka ahaa C/casiis, hindana waa ku waafaqaysay meelaha qaar, meelaha qaarna intii ay u aragto in aysan maslaxaddeeda ku jirin waa ka diideysay, diidamadaase ma ahayn Diidmo wax burburisa ee sababta in lagu kala tago meesha.

waxaase wax lala yaabo hinda ku noqday Dalab kasta oo Culus oo ay meesha ka gudbiso in si farxad ku jirto uu u aqbalayay C/casiis, isaga oo mar walba hinda ku dhahayay intaas iyo in ka badanba waad u qalantaa hinda, noloshaada ayaa wax walba iiga muhiimsan, farxadddaada ayaan rabaa oo kaliya.

Hadalada C/casiis si gaar ah ayay u saameenayeen Hinda, maadama ay Murugo hoose la gubanaysay, mar walba uu C/casiis dhaho farxaddaada ayaa iiga muhiimsan wax walba, waxaa sii dhimanayay Dhimbilo ka mid ah dhimbilaha uga shidnaa Gudaha, waxaana meeshaas sii buuxinayay Naxaris iyo Jacayl ay usii qaadaysay C/casiiska aysan ogayn in uu yahay midka baday Ololka gudaha uga shidan.

Hinda dalabkeeda waxaa ka mid ahaa dalabka ay caadada u leeyihin Hablaha Soomaaliyeed ee ah Dahabka iyo Meher badan, mar walba oo ay Caddad Dahab sheegatana wuu usii laba jibaarayay sidaas si la mid ah meherka ay sheegato, inkastoo isagu uu markaa u arkayay in ay tahay wax uu ka bixi karo awoodna u leeyahay bixintooda, ujeeddada uu ka lahaa guurka gabadhan ayaa wax walba kala waynayd.

Wuxuu kaloo usii balan qaadayay wax badan oo farax galiya maadama ay ahayd mid u shaqaynaysay Agoon iyada la dhalatay, balan qaadkiisana waxaa ka mid ah ahaa in uu kala qayb qaadanayo buuxinta baahidooda, maadaama iyadii u shaqaynaysay oo u dhaq dhaqaaqaysay ay xeradiisa gali doonto, xaalkuna uusan sida uu hadda yahay sii ahaan doonin.

Hinda layaab ayey mar walba ku ahayd waxa C/casiis uu u suubinayo, maadaama dhowr nin ay la kulantay ma jirin Nin gaaray heerka uu C/casiis la gaaray iyada, runtiina waxaa la dhihi karay iyada oo dhan ayuu hantay, balse waxba uma uusan sheegin, iyadana tuhunkii ay qabtay meesha wuu ka sii baxayay.

Cabbaas isaga dhanikiisa ayuu ka faraxsanaa, si gaar ah dhowr jeer uu ula faqay hindana waxay u sheegtay in ay aad ugu qanacsantahay wiilka uu u keenay, mar walbana mahad celinta ay u mahad celinayso cabbaas ayaa badnayd, cabbaasna Goos dambeedka ayuu farxad iskula xoqayay, maadaama uu gaaray hadafkii uu lahaa ee ahaa isu gaynta hinda iyo C/casiis.

Kulamada hinda iyo C/casiis joogta ayey ahaayeen, wax badan oo noloshooda ah waa wada gorfeeyeen, wax badan oo ay isaga tanaasuleena waa jireen, wax badan oo ay ku ballameen in ay isaga soo laabtaana waa jireen, walise wax go’aan ah lama gaarin.

Kulamadooda sida joogtada ah u dhici jiray, is faham ahaan waa la isla gartay in guur uu noqdo natiijada xiriirkan, balse waqtiga dhabta ah la islama calaamayn, waxayna ahayd xaalad iska Rahman oo mar walba loo ballansanaa, waxaana la isla gartay in kulankan kan xiga la isla bud dhigo xilliga iyo waqtiga dhabta ah ee guurkooda.

Waa la kulmay waxaa lagu heshiiyay guurkii, balse Hinda waxaa jiray Nabar mar walba oo ay Nin heshiis la gaarto dib uga celinayay in ay dhaqan galiso heshiiskaas, sababtaas oo ahayd heerka Dumarnimadeeda, maadaama guur aan lagu ogayn oo Umadda taqaan Gabar u ahayd, xitaa waalidkeed iyo walaalaheed, balse si hoose ay iyadu isku ogayd in aysan sida loo yaqaan ahayn oo kufsi ay gabarnimadeeda ku waysay.

La soco qaybta 14aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN