“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

 

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 14aad

 

Hinda in ay tahay qof howl kar ah oo shaqa badan waxaa usii dheeraa in ay ahayd qof daacadnima badan oo aan jeclayn waxa la isku hoos duugo ama la qar qariyo, nabarka dhibka ku haya ee ahaa kufsigana mar walba wuu daba socday, waana sababta soo gaarsiisay in ay dib uga dhacdo in ay xero gasho.

Hinda aad ayey isku fahmeen C/casiis, runtiina aad ayey u jeclaatay, waxayna go’aansatay in aysan waxba ka qarin oo wax walba sida ay yihin ugu sheegto, iyada oo kalsooni ku qabtay in uusan dib uga weecan doonin guurkooda.

Hinda waxay is tusisay in ay waajib saaran tahay in ay runta u sheegto wiilkan wax walba ka ogolaaday ee ay agtiisa qaaliga ka tahay, waxaana sii dhiiri galinayay kalsoonida ay ku qabto in uu ku aqbali doono xaalkeeda qarsoon.

Waxay go’aansatay in ay soo gaba gabayso xanuunka uu ku hayay nabarkaas, maadaama c/casiis uu aad u hantay nafteeda kalsooni badana u muujiyay in Xaalad walba uusan uga tagayn, waxayna la wadaagtay C/casiis xanuunka mar walba ugaarsada ee ay kaligeed la ahayd, waxayna u sheegtay in ay la kulantay Kufsi hadda ka hor iyada oo Ganacsi u aadday Gobalka Bakool ee Galbeedka Soomaliya dhaca.

Hinda si faahfaahsan ayey sheekadeeda muragada badan ugu taag taagsatay iyada oo beer jilicsanaysa C/casiis, si uu ula garto dhibka ku dhacay uguna garaabo, qaab walba oo ay wax u sheegi kartayna waa u sheegtay.

Sadar muuqda Su’aal ka dhan C/casiis wuu ogaa wax walba, Dareen gaar ahna kuma abuurin waxa ku dhacay Hinda, isla markiina wuxuu ku yiri “wixii dhacay waa dhaceen, anigan ma ihi Nin Arrimaha aad sheegtay dib ay kaaga celinayaan, muhiimadda waa in aad diyaar u tahay u hibaynta naftaada naftayda, isla markiiba hinda waxay la soo boodday diyaar ayaan u ahay taas, wayna u mahad celisay c/casiis.

Kulankaas galabkii uu dhamaaday hinda habeenkaa farxad darteed indhaheeda isuma gayn oo habeenkii oo dhan waxay dhan walba ka sawiranaysay C/casiis, iyada oo mararka qaar is oranaysay in uu u yahay Alla soo dir fahmi kara xaalkeeda, nolosheedana dhisi kara.

Waxaa sii laba jibaarmay jacaylka ay hinda u qabto C/casiis, wax badan oo u sawirmi jiray marka ay codkiisa maqasho hadda ma u sawirmaan, bal, waxayba ka heshaa maqalka codkiisa oo ay si gaar ah ugu raaxaysato, halka mararka qaar qaab u hadalkiisa ay xusuusteed dib ugu ceshato.

Codkii shalay ku ahaa codkii murugada iyo argagaxa maanta waa u codka farxadda, fakar badan, farxad badan, fir fircooni badan oo aan lagu aqoon ayey lasoo baxday hinda, dhanka is qurxinteeda waayadan aad ayuu u siyaaday, awalba iyada oo iska dabeecad fiicnayd ayey hadana waayadan ku darsatay farxad u gaar ah.

Waxay ka biskootay nabarkii ugaarsan jiray ee ay la noolayd, waxaaa u dillaacay waaya cusub oo ka dhaqay muragadii iyo uur ka ooyiddii ay kaliga ku ahayd, is baddal dhan walba ah oo hinda qofkii yaqaan uu muuqeeda ka daalacan karay ayey gashay.

Cajiib!! Dunida waa mid wajiyo badan leh Waji walbana kuugu imaan karta, Hinda ninkii shalay kufsaday ee dhaawacay dareenkeeda oo dhan ayaa maanta noqonaya ninka ay dunida ugu jeceshahay ee ay nolosha la qaybsanayso.

Waa wax lala yaabo in midka aad ku hiiran doonto mustaqbalka oo hooskiisa aad harsan doonto uu isla isagaas yahay kan kugu shiday Dabka gudahaaga ka baxaya, waa iska xaal adduun iyo daciifnimadeena Bani aadnimada ah, maxaa yeelay ma naqaan waxa aan ahayn inta aan dunida iman ka hor, sidaas si la mid ahna ma naqaan halka aan ahaan doono barrito.

haddii aan aqoon lahayn waxa aan nahay, waxa uu waqtigu na badayo iyo waxa uu waqtigu noo doorayo ayaan kala garan lahayn, xaaladda ayaana ah ah midda abuurtay jawiyadaas kala duwan ee Hinda iyo C/casiis maanta iyo shalay ay ku kala sugnaaayeen.

Maadaama ay wax walba isla ogolaadeen hinda iyo hanadkeeda dunida (C/casiis) waxaa la calaamaystay ama la isla gartay maalintii uu arooskooda dhici lahaa, waxaa kaloo la isla af gartay qaabka uu arooska u dhacayo.

Labadooda guurkan wuxuu u wada ahaa fursad uu qof walba ku dhayyayo ama ku daweynayo nabar uu la noolaa noloshiisa, qof walbana wuxuu is dhahay xaaladdan waa xaaladdii aad uga bixi lahayd mixnaddii iyo muragadii aad la noolayd

Diyaar garow kadib waxaa la gaary xilligii lagu ballansanaa in u dhaco arooskii loo madlanaa kaas oo noqoday arooskii ugu farxadda badnaa Magaalada Marka oo dadka dagan dhan ay ku sheekaystaan, qof walbana wuxuu is waydiinayay gabadhan Hinda ah waxa ay gabdhaha kale ee magaalada uga duwantahay, iyada oo lagu xamanayay in ay ahayd Guumays guurka ka daahday, ayay hadana waxay noqotay Qofka loogu hadal haynta badan yahay Magaalada Marka oo dhan.

Waxaa dhaymay oo raystay dhaawicii hinda, sidoo kale waxaa saxmay sida uu doonayay khaladkii uu galay C/casiis, isaga oo sida uu doonayay u hantay wax walba, ma jirin wadda u furan oo ay ku fakaraan labadooda aan ka ahayn ku shukrinta Alle.

Dhanka C/casiis wax walba Ujeeddo ayuu ka lahaa samayntooda, qarashkaas faraha badan ee arooska iyo hindaba uga baxay macna lama lahayn, oo waxaa ka waynaa dhisidda Mooralka Gabadha uu mooralka ka jabshay.

La soco qaybta 15aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN