“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

 

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 15aad

 

Wuxuu kaloo ku hamminayay Guriga uu kharribay in uu isagu dib u dhisto waa Hinda iyo mustaqbalkeedee, balse, wuxuu doortay in waqtiga ku haboon uu u sheego runta, balse aysan hadda noqon waqtiga uu wax qarxin lahaa, wuxuu kaloo ka baqayay in hinda dhaawicii ay hadda ka bogsatay mid kasii culus uu ku noqdo warka uu foolanayay ee ku saabsan shaqsiyaddiisa dhabta ahayd.

Arooska Magaalada ayaa dhacay, Sheekha Magaalada ayaa guursaday gabar qaali ku ahayd dariskeeda iyo qoyskeedaba iyo asxaab kale oo ay lahayd, waxaa la guda galay Nolosha caadiga ah ee Xaaska iyo Sayga ay iskula dhaqmaan, Nasiib wanaag bishii ugu horaysaba Hinda Uur ayay qaadday ay Wiil ku dhashay, muddo aan sidaa uga sii fogayna wiil kale ayey ku xijisay.

In qoys la noqday ka sokow is fahamka u dhaxeeyey labadooda ayaa aad u sarreyey, hinda awalba wanaag ayey u dhalatay oo ma ahayn qof iska yeel yeel ama waqtiga la socda, waxay ula dhaqmaysay saygeeda si xushmad iyo wanaag ku dheehantahay, qoys wada faraxsan ayaa la noqday.

C/casiis farxadda uu kula noolaa hinda waxaa usii dheeraa arrin uu aad ula fakara taas oo ah qaabka uu hinda runta ugu sheegi lahaa maadaama iyada ay runta u sheegtay wax ay ka qarisayna aysan jirin.

Saacad walba wuxuu is tusayay in uu yahay Dambiile dambi labaad ka galay hinda, wuxuu is waydiinayay su’aalo ay ka mid ahaayeen shalay adiga oo kufsaday ayaa haddana maanta ninkeeda noqotay ogaal la’aanteeda.

Way ku aamintay, nafteeda oo dhan ayey kuu hibaysay dad iyo duunyaba Alle waa kaa siiyay, waajibkeeda dumarnimo waa kasoo baxday, shalay kuma dhaawicin, maantana kuma dhibin, dhibanaha dhabta ah ee shalay iyo maantaba waa hinda, miyeysan xaq u lahayn in ay runta ogaato ayuu is waydiin jiray sakan walba oo noloshiisa ka midka ahayd.

C/casiis utuntaas ayuu la noolaa, wuxuuna u fakarayay qaabkii uu u wajihi lahaa maalinta uu hinda soo xareeystay ilaa maantadan la joogo, xaalku sidii hore maahan, khaladkii uu galay wuu saxay, hadana khalad kale in uu ku jiro ayuu is tusayay, xitaa mararka qaar wuxuu is tusaaleynayay in ay ku wanaagsantahay in uu iska aamuso oo arrintan iskala noolaado, maxaa yeelay wuxuu miisaamay khasaaradeeda iyo faaiidadeeda.

Wuxuu is yiri haddaad sheegto waa godob labaad oo gabadha aad ka gashay, wax walba oo hadda kuu hagaagsana waa kaa halaabi doonaan, wax badan oo aad hadda haysatidna waad wayn doontaa.

Xaaladda aad ayey ugu adkaatay C/casiis, haddii tala doon uu ahaan lahaa, arrintan ma doonayo in uu qof kala tashado oo waaba tii kalliftay in uu uga soo hijroodo dhulkii uu ku dhashay.

Waxay ahayd arrin uu doortay in inta ka dhiman noloshiisa uu isagu la noolaado, haddii qof uu arrintan ogaanayana ay noqoto qofka xaqa u leh waa hinda, maadaama qofka ay wax wada dhex mareen ay iyada ahayd.

Murugo badan iyo fakar badan ayaa lasoo darsay C/casiis, wuxuu is waydiiyaa mar walba sida uu ula noolaan karo qof caloosheeda oo dhan siisay, isaguna uu calooshiisa ka qarsaday, in uu dambiile yahay mar walba wuu ogaa tanise waxay u noqotay dheeri uu la dhakafaaro.

C/casiis way ka go’nayd mar walba ayaa la oran karay in uu arrinta la wadaago hinda balse, wuxuu goob goobayay qaabkii uu u mari lahaa u sheegiddeeda, isaga oo ka baqayay cawaaqibka ay arrintaa ku yeelan karto qoyskiisa cusub.

Fakarkaas iyo faaqidaadda uu C/casiis naftiisa kula faqayay isaga ayay kali ku ahayd, dhanka kale hinda iyada nolol cusub oo farxad leh ayaa u bilaabatay oo wax ay la wal walsha oo u duugnaa ma aysan jirin.

Dhanka Hinda iyo C/casiis waxay ahaayeen laba tusaala u ah Dadka reer Marko, dadka dariska la ahaa aad ayey isku jeclaayeen isuna qaddarin jireen, waxay ahaayeen qoys barakeesan oo uu Alle ugu deeqay awlaad ah 4 wiil iyo 2 gabdhood.

Guurkooda wuxuu gaaray 7 sano farxaddooda isma baddalin, C/casiis shaqadiisa waa usii barakowday oo dhaqaala fiican ayuu sii yeeshay, hinda sidoo kale iyadana dhankeeda ayey xajisatay iyada oo ilmaheeda iyo ninkeedaba daryeelanaysa ayey hadana dhanka kale aad uga sii warqabtay walaalaheeda yar yar.

Fakar iyo fiirmo dheer kadib C/casiis wuxuu go’aansaday in uu soo gunaanado sirta laabtiisa ku qarsoon oo uu la wadaago hinda maadaama qofka wax kala dhaxeeya ay iyada tahay.

Isaga oo ka faaiidaysanaya saldhigashada guurkooda ayuu go’aan ku gaaray in hinda ay la xajiso sanadkan, taas oo uu is dhahayay waxay ahayd fursad uu kaga faaiidaysan karo in hinda ay aqbasho sirta uu u sheegi doono.

La soco qaybta 16aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN