“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 16aad

 

Nasiib wanaag waxaa u suura gashay in ay ka mid noqdaan xujayda sanadkaa ka xajinaysay Soomaaliya, hinda ma aysan malaysanayn in ay xaajiyad sidaa dhaqsiyaha badan ku noqon doonto, waasa mahadda Eebe, iyada oo faraxsan ducadana daldalaysa ayey ka aqbashay soo jeedinta saygeeda.

C/casiis naftiisa waxay u ahayd xajkii ugu horeeyey ee uu xajiyo, aad ayey labadoobaba u wada faraxsanaayeen, waxaana la galay diyaar garowgii xajka lagu aadi lahaa, muddo yar kadibna waaba la nabad tagay magaalada Makka.

Kadib markii ay soo guteen xajkooda ayna isku diyaarinayeen in ay sii aadaan magaalada Madiina si ay usoo siyaartaan Qabriga Nabigeena Scw ayuu go’aansaday C/casiis in uu is qarxiyo oo shaaca ka qaado sirta ku duugan naftiisa.

Maalintaas waxay ahayd maalinta ugu culus noloshiisa inta uu dunida ku noolaa, wax badan ayaa iskaga dhex yaacsanaa, waxaysa ahayd mid uu usoo diyaar garoobay cawaaqibka uu kala kulmo shaac ka qaadidda sirtaas.

Xaramka ayaga oo dhex jooga ayuu ku yiri hinda maxay ahayd sababta aad sirtaada iila wadaagtay, mase taqaanaa oo aqoon ma u leedahay ninka kufsiga kugula kacay, maxaase ku samayn lahayd haddii uu maanta ku hor yimaado?

Hinda oo jawaabaysa ayaa ku tiri “sababta aan kuula wadaagay waxay ahayd maadaama aan dunida inta Rag joogta kaa xushay, adigana aad ii qaadatay in aan noqdo wahelkaaga, ma doonayn in aniga oo ay calooshayda la olalayso Sir ii qarsoon aan wehel kuu noqdo, sababtaas darteed ayaan u gartay in aanan waxba kaa qarsan.

Wuxuu waydiiyay miyaadan ka baqayn in aan ka laabto guurkaaga xilligaas? Jawaabta ay bixisay ayaa ahayd in aysan ka baqayn, haddii ay baqaysana aysan caloosheeda kasoo saarteen sheegidda sirtaas, sababta ay u sheegtayna ay ahayd kalsooni ay isaga ku qabtay, qalbi ahaana ay hubtay in uusan ka laaban doonin guurkeeda.

Wuxuu waydiiyay bal in ay garanayso iyo in kale ninka sidaa yeelay, micnaha kufsiga kula kacay? Waxay ugu jawaabtay in aysan aqoon u lahayn, oo marka uu kufsiga kula kacayay ay aad u argagaxsanayd iyada iyo dumarkii kale ee la kufsadayna indhaha laga xiray.

Maxaad ku samayn lahayd maanta haddii uu hortaada yimaado ninka sidaa ku yeelay, mase laga yaabaa haddii uu ku hor yimaado in aad cafin lahayd haddiiba uu cafis ku wayadiisto kuuna muujiyo in uu ka xun yahay wixii uu kuu gaystay?

Waxay ugu jawaabtay in ay nafta ag dhigi lahayd haddii uu wali ku jiro dhacii uu umadda ku hayay iyo kufsigii uu haweenka kula kici jiray, balse haddii uu ka tanaasulay arrinkaa ay u fiirin lahayd dhanka naxariista oo laga yaabo in ay cafin lahayd maadaama uu falkii uu ku jiray uu ka tanaasulay, xanuunkeedana ay Alle u sheegan lahayd dawayntiisa.

Hadalkaas marka ay tiri ayaa neef wayn kasoo fuqday, waxaana u muuqday jaanis ah in laga cafin karo falkii uu u geystay hinda, markaas ayuu guda galay sheekadii dheerayd oo uu waayahan la taahay shaac ka qaadiddeeda.

Wuxuu yiri hinda aan kula wadaago Taariikh kooban oo naftayda ku saabsan, waan hubaa in ninka aad la wadaagtay nolosha ee aniga ah aadan aqoon badan u lahayn shaqsiyaddiisa hore iyo tan maantaba, bal aan iskaa baro qofka aan ahay.

Hinda oo sidaa usoo eegaysa xoogaana dhoola caddaynaysa ayaa tiri “C/casiis in aad ninkayga tahay, Nolol iyo wax walbana aad ila wadaagto ayaa aqoontaada iigu filan, waxaad ahayd waxba igama galin, waxaad hadda ii tahay ayaa iga quseeya noloshaada, ee Beytka Eebe ayaan dhex joognaa aan ku ducaysano in uu qoyskeena Alle noo waariyo dambigeenana uu Alle dhaafo, wixii kale oo muraad ah oo aan leenahayna uu Alle noo sahlo aan isugu ducayno”.

C/casiis oo hadaladeeda beerka ku qabowsanayo ayaa yiri “ hinda xaq ayaad u leedahay in aad i barato oo wax badan iga ogaato, maxaa yeelay, waxaa ku jira daganaanta qalbigayga, sidoo kalana waa mid ku xiran mustaqblakeena nololeed.

Hinda oo jumlada dambe ee hadalka saygeeda ee dhahaysa waa mid ku xiran mustaqblakeena nololeed ayaa dareenkeeda soo jeedisay, waxayna dareentay in uu C/casiis wax badan la rafanayo wax badana uu doonayo in uu shaaca ka qaado, wayna dareentay ayaa la oran karay in ay jiraan wax uu dhibsanayo sii hayntooda, waxayna ku tiri, “C/casiis waan kugu kalsoonahay adigana igu kalsoonowo, fadlan dariiqyada dheer dheer aad soo maraysa inta iska daaysid, shaaca ka qaad xaalkaaga in aan dhagaysto diyaar ayaan u ahay haddee”.

La soco qaybta 17aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN